SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dowlada Itoobiya ku Qanciyey in Ciidameeda ku soo laabtaan Goobihii ay ka Baxeen.

Markii uu Raiisul Wasaaraha Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu booqdey Wadanka Itoobiya gaar ahaan Magaalada Adis –Ababa ayaa warar aan helney waxay sheegayaan in Raiisul Wasaare Saacid uu Dowladda Itoobiya ku Qanciyey in Ciidameeda ee ka baxay Deegaano ka tirsan Gobolada Soomaaliya ay Dib ugu soo laabtaan.

Waxaa la sheegey in Wadahaladii ku saabsana Arrinaats ay ahaayeen kuwa Xasaasi ahaa iyadoo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya uu sheegey in haddii Dowlada Itoobiya aysan kala qayb qaaday La Dagaalanka wax loogu yeerey Argagixisa ay Saameyn ku yeelan doonta Gobolka oo dhan gaar ahaan Dalka Itoobiya oo uu sheegey in ay haatan dadkooda ku Naaloonayaan Nabad balse arrinta ay faraha ka bixi doonto.

Dowladda Itoobiya gaar ahaan Madaxdooda ayaa la sheegay in ay ku qanceen Hadalka Raiisul Wsaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ,waxaana wararka haatan naga soo gaaraya Deegaan Ceel Barde iyo Yeed ee Gobolka Bakool Labadii maalmood ee la soo dhaafey la soo dhoobey Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan kuwaas oo la sheegey in ayWataan Dabaabado.

Dowladda Itoobiya Sannadkii 2006 waxay Ciidamadeeda ay soo galeen Soomaaliya iyagoo Taageeraya Dowladdii Cabduilaahi Yuusuf , hase yeeshee Ciidamadas Itoobiya waxaa lagala hor yimid Dagaalo aad u qaraar kuwaas oo galaaftey dada fara badan oo soomaali ah iyo Ciidamo Itoobiyaan ah balse Sanadahaan dambe waxay Ciidamada Itoobiya ay ahayeen kuwa marna soo galayey mar ka baxayey Soomaaiya taasoo lagu macneeyey arrimo Siyaasadeed iyo Dagaalada aan Dhamaadka lahayn ee ugu imaanaya Xarakada Alshabaab;
 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;