Warshad Cusub oo la Magacbaxdey Rajo Consturction oo soo Saarta Dhagaxa
Interlock iyo Bulikeetiga Casriga ah oo Laga Furay Magaalada Muqdisho.
Munaasibad Xarigga looga Jarayay Warshad Cusub oo soo saarta Agabka Dhismaha
kala duwan oo dhawaan Dalka la keenay ayaa Maanta xarigga laga Jaray. Warshaddan
oo la Magac Baxday Rajo Construction Company ayaa waxaa ay waxaa soo saaraysa
Qalabka Dhismaha oo kala duwan gaar ahaana Bulukeetiga Casriga ah iyo Dhagaxyada
loo yaqaano Interlock oo lagu dhisayo Wadooyinka ay maraan Dadka iyo weliba
Guryaha
Ugu horeynba waxaa halkaa ka hadlay Cabdicasiis Maxamed Xasan (Cabdicasiis Dhega
Weyne) oo ah Maamulaha Warshadda oo Sharaxaad ka bixiyay Qalabkan cusub ee ay
dalka keeneen iyo sida ay u doonayaan in ay uga qayb qaataan Doorka kaga aaddan
dib u dhiska dalka.
Cabdicasiis ayaa farta ku fiiqay in iyagoo tixgelinaya baaqii Xukuumadda ee ahaa
in Ganacsatada Soomaaliyeed Dalka ay dib u dhisaan isla markaana ay Maalgaliyaan
ay suurta gashay in Warshad Cusub oo la jaan qaadaysa Dhismayaasha Caalamka in
ay Dalka keenaan.
Mudane Dhega wene oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in iminka ay soo
saareen Bulukeetiyo ka Tayo wanaagsan kuwii Soomaalida ay hore u Isticmaali
jirtay kaasoo aan kaaga baahneyn in aad Salaaxdo , isla markaana ay sameeyaan
Dhagaxyo la is gel gelinayo oo shub ka samaysan ( Interlock) kuwaasoo
Mustaqbalka dhow iyo kan fogba anfacaya Dadka qaata.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Maamule ku Xigeenka Warshaddaas Cabdikariin
Maxamuud Ibraahim oo sheegay in Halkii Saac ay Warshadoodu soo saari karto 900
Boqol oo Bulukeeti ah oo Casri ah iyo Tiro aan intaa ka yareyn oo Dhagaxyada
Interlock-ga loo yaqaano kuwaasoo uu sheegay in Bilic ahaan iyo Tayo ahaanba ay
ka wanaagsan yihiin Qalabkii Dhismo ee hore dalka looga Isticmaali jiray.
Cabdikariim ayaa hoosta ka xarriiqay Dhagaxa Interlock waxaa uu Fududeynayaa
Fiilooyinka Dhulka la mariyo ee loo adeegsado Fiilooyinka Koronta iyo
Inter-net-ka kaaso Dhagaxa Interlock markaad Doonta ka qaadi karta kuna soo
celin karta isagoona u sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay sidoo kale keeneen
Qalabyo loo adeegsado Qasida Shamiintada iyo Wiishash Dhaa dheer oo loo adeegsan
karo Dhismayaashii Awal gacan isugu Dhiibka ahaa. Ugu dambayntii ayuu Maamulku
sheegay in marka hore ay Dabooli doonaan Baahida Dhismaha Magaalada Muqdisho
kaddibna ay u gudbin doonaan Gobolada kale ee Dalka.
Eng Yu oo ka mid ah Injineerada Warshaddaas Rakibtay una Dhashey Wadanka
Shiinaha haatana halkaan u jooga Tababarka Shaqaalaha Soomaaliyeed ee Qalabkaas
ku shaqeynaya oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Qalabkaan uu yahay
Farsamadii u dambaysey ee Shiinaha iminka wax loogu Dhiso isagoona u rajeeyay
Muqdisho iyo Soomaaliyaba in ay ka faa’ideystaan Qalabkan casriga ah ee
Teknoolajiyada Caalamka ee Dhismaha la Jaan qaadaya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2013
|