SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Warar Goos Goos ah oo ku saabsan Soomaaliya

Dowlada Federaalka oo Faahfaahin ka bixisey Maamulada loo sameynayo Gobolada Dalka

Iyadoo Muddooyinkii danbe ay soo baxayeen Maamul Goboleedyo aad u fara badan ayaa markii u horeeyay waxaa arrintaa si cad uga hadlay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Jaamac Amed Maxamed Jaamac Oday.

Wasiir ku Xigeenka oo ka hadlayay Munaasibad ay Xilalka kula kala wareegayeen Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaha Cusub ayaa Khudbad dheer ee uu halkaa ka jeediyay waxaa ku sharaxay qaabka ay ku imaan karayaan Maamul Goboleedyada oo uu Dastuurku oggol yahay.

Jaamac Oday ayaa ugu horeynba sheegay in dastuurku oggol yahay in wixii laba Gobol iyo ka badan ay isu tegi karaan samaysan karaana Maamul Goboleed hase yeeshee ay jiraan intaas oo dhan Shuruudo uu Dastuurku Qeexayo.

Wasiir ku Xigeenka ayaa sheegay in Qodobka 49aad ee Dastuurka Farqooyinkiisa koowaad labaad iyo Sedaxaad kuwaaso oo loo baahan yahay ayuu yiri in Dadku Fahmaan si wanaagsana u bartaan.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo si weyn u Dhleeceeyey Maamulka ay Dowlada u sameysey Gobolada Hiiraan

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga ammaanka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Maamulkii shalay looga dhawaaqay Magaalada Beled Weyne ee Gobolka hiiraan.

Xildhibaan Jeesoow oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu u arko Maamulkaas mid dusha looga keenay Reer Hiiraan oo uusan ahayn mid ay soo doorteen Dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in la jabiyay Dastuurkii Dalka isagoona sheegay in ay jireen maamulo halkaa hore uga jiray laguse xad gudbay. Dastuurkii.

Mudanahan ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Somaliya ay haatan ka baxday xiligii ku meel gaarnimada sidaa darteedna uu Dastuurka Qaranku oggolaanayo in Shacabka ku dhaqan Gobolada ay soo dhistaan Maamulo ay iyagu soo xusheen.

Qarax ka Dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya Degmada Af Gooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay Suuqa lagu Iibiyo Lo’da oo ku yaala Bartamaha Magaaladaasi.

Qaraxan oo ahaa nooca Gacanta laga tuuro ayaa waxaa lala bar tilmaameedsanayay Ciidamo kuwa Dawladda oo halkaa ku sugnaa iyadoona ay ku dhaawacmeen Seddax ruux oo rayid ah oo goobtaas ku sugnaa.

Ciidamadii Bamkan lagu tuuray ayaa waxa ay wararku sheegayaan inaan haba yaraatee wax khasaare ah soo gaarin iyadoo dadkii rayidka ahaa ee halkaa ku dhaawacmayna markiiba loola cararay Isbitaalka guud ee Degmada Afgooye halkaasoo iminka lagu Dabiibayo.

Wakiilka Xarakada Alshabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool oo u Digey Odeyaashii ka qayb qaatey Ansaxinta Dastuurka

Shiikh Mahad Cabdikariin Wakiilka Xarakada Shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool oo la hadlay qaar ka mid ah Odoyada ka soo jeeda Degaanadaas ayaa sharaxay Mowqifkooda ku aadan Odoyaashii Dhaqan ee ka qayb galay Shirkii Ansixinta dastuurka. Wakiilka ayaa sheegay in aysan marnaba aqbalayn in Odoyaashii ka qayb galay ansixinta Dastuurkaas in ay dib ugu soo laabtaan Goboladaas isagoona ku eedeeyay in ay ka qayb qaateen Bedelidda Kitaabka iyo Sunaha isla markaana ku raali ahaaday Dastuurkii uu watay Mahiigga.

Shiikh Mahad ayaa uga digay Odoyaashaas in ay ku soo laabtaan Gobolada Bay iyo Bakool isagoona ugu caga jugleeyay in ay ka doortaan halka ay is leeyihiin Naftooda waa ay ku bad baadaysaa.

Wakiilka Xarakada Shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa ugu baaqay Odoyadii uu la hadlay in ay ka qayb qaataan Doorka kaga aadan dagaalka ay kula jiraan Dawladda iyo amisom.

Wakiilka ayaa sheegay in qof walba oo Muslim ah ha yaraado amase ha weynaadee inuu door ku leeyahay Dagaalkaas, kii Xabbad ridi kara, kii wacyigelin samayn kara iyo kii Tabarucaadba samayn kar

Waxaa isku soo Dubardey
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;