SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xukuumada oo heshiis la gashay Ahlusunna Koofur Galbeed, maamul KMG ahna u dhistay gobolka Gedo

Garbahaarey, April 01.2013-----Iyadoo socdaal mudo labo maalin ah qaatay ay ku yimaadeen magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, wafdi uu hogaaminayo Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa waxaa xukuumadu ay heshiis la saxiixatay ururka Ahlusunna Waljamaacah ee Koofur Galbeed Soomaaliya, waxaana sidoo kale, xukuumadu ay maamul KMG ah u dhistay gobolka Gedo, iyo degmada Garbahaarey.

Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud X. Faqi ayaa ugu horeyntii heshiis la saxiixday ururka Ahlusunna Waljamaaca ee Koofur Galbeed Soomaaliya, iyadoo heshiiskan uu goob joog ka ahaa Ra'iisal Wasaare Saacid.

Heshiiskan oo ka koobnaa shan qodob ayaa u qornaa sidan.

1-In Ahlu Sunna Wal Jamaaca loo mahad celiyo, lana aqoonsado halgankoodii dheeraa ee ay u soo galeen in gobollada Koonfur Galbeed laga xoreeeyo Khawaarijta Al-Shabaab.

2-In ciidammada Ahlu Sunna iyo Saraakiishooda la qarameeyo oo ay si rasmi ah uga mid noqdaan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

3-In qalabka iyo gaadiidka Ahlu Sunna lagu soo wareejiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

4-In la daryeelo agoontii ay ka geeriyoodeen halgamayaashii ka tirsanaa Ahlu Sunna ee naftooda u huray halganka khawaarijta.

5-In la magacaabo gudi farsamo oo ka kooban labada dhinac si ay heshiiskaan u hirgeliyaan.

Sidoo kale, heshiiskan kadib, Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku dhawaaqay maamul gobol oo Kumeel gaar ah, kaasoo guddoomiye looga dhigay Maxamed Cabdi Kaliil oo horay u heyn jiray xilkan, iyo guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo loo magacaabay Iimaan Caddow Kaarshe, waxaana Wasiirku kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen mudadan kooban adeegyadii bulshada, iyaga oo kaashanaya Wasaaraddaha Dawladda, wuxuuna ka dalbaday inay gaarsiiyaan gobolka iyo degmada sidii maamul rasmi ah loo dhisi lahaa.

Dhanka kale, Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka hor inta aanu ka dhoofin magaalada, waxa uu booqday aagaga hore ee ay ku sugan yihiin boqolaal ka tirsan ciidamada Dawladda, isaga oo u caddeeyey in wixii maanta ka dambeeya aysan jiri doonin labo ciidan oo kala duwan oo ku sugan gobolka Gedo, wuxuuna xusay in ciidamadu ay yihiin isku xaquuq, talis mid ahna ay hoostagaan kaasoo ah Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ciidamadan inay sii wadaan xoreynta qeybaha weli ku jira gacanta kooxaha nabadiidka ah ee ka tirsan gobolka Gedo, wuxuuna xusay in loo dhameystiri doono wixii xaquuq ciidan ah.

Ugu dambeyntiina, wafdiga Ra'iisal Wasaaraha ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, waxaana socdaaladan ay qeyb ka yihiin socdaalo uu ugu kuurgalayo R.wasaare Saacid xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolada iyo degaanada dalka.


--
Garad Salad Hersi
Press officer
Garbaharey, Gedo, Somalia


Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;