SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dalladda SOSCENSA oo Qabatey Kulan la Tashi ah oo ku aadan Shirwaynaha la Filayo in lagu qabto Magaalada London

Waxaa Hotelka Plaza ee Magaalada Muqdisgho lagu qabtey Kulan la tashi ah kaasoo ay soo qaban qaabisey Dalladda SOSCENSA waxaana looga doodayey Shirka la filayo in lagu qabto Magaalada London ee Cariga Ingiriiska , wuxuuna kulankaan uu socdey Muddo laba maalmood ,Waxaana Aakhiritaankii ka soo baxay Baaq ka kooban Dhowr Qodob waxayna kala hayeen Sidtan:

Dalladda SOSCENSA waxay shir labo maalmood socday u qabatay wakiilo ka kala socday Ururada Bulshada Rayidka ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, oo isugu jira: Culumada Diinta, Odoyaasha Dhaqanka, Haweenka, booliiska iyo Aqoon yahanka.

Shirkaani wuxuu hordhac u ahaa, shirwaynaha 7da Bisha May 2013 lagu qaban doono London, oo ay Dowladda Ingiriiska Martigelisay ayna wada hogaaminayaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheeq Maxamuud, iyo Raisal Wasaare Devid Camaroon.

Wakiilada Ururada Bulshada Rayidka ah shirkooda labada maalmood socday waxay uga doodeen qodobadaan:

a. Sii Xoojinta Xasilinta Syaasada Dalka

b. Si hufan u Maamulida Hantida Qaranka

c. Adkeynta Amniga Dalka

d. Ka hortaga ku xadgudubyada Xuquuqda Haweenka

e. Ku baahinta Dalka Adeega Garsoorka

Dood dheer iyo falanqeyn ka dibna waxay ka soo saareen qodobadaas baaqaan ku wajahan kaalinta iyo waajibaadka Kala gudboon meel marinta Arrimahaas:

· Dowladda

· Ururada Bulshada Rayidka ah

· Bulshada Caalamka

DOWLADDA

Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Soomaaliyeed, si loo adkeeyo xasilinta siyaasadda iyo Amniga dalka:

1. Inay fududeyso wada-xaajoodyo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha shacabka degaannada kala gedisan si khilaafyada haatan jira loogu xalliyo si nabad ah, una sameystaan maamullo degaan oo ay isaga raalli yihiin.

2. Bulshada rayidka ah ee ka soo qaybgalay shirka waxay soo dhaweyneysaa tallooyinkii ka soo baxay shirkii dib u habeynta garsoorka, waxayna Dowladda ugu baaqeysaa in dib u habeynta garsoorka degdeg loo dhaqangeliyo.

3. Waxaan kaloo ugu baaqeynaa Dowladdu in ay qayb wax ku ool ka siiso Haweenka Soomaaliyeed Maamulka Hay’adaha Dowladda sida, Xilalka Agaasimayaasha Guud, Maareyayaasha Guud, xilalka safaaradaha, Guddoomiyayaasha Gobollada, Degmooyinka, iyo xafiisyada shaqo bixinta.

4. Waxaan Dowladda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay wax ka qabato dhibaatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah kuna dhaqan wadammada aan Deriska nahay iyo kuwa dalka gudihiisa ku barakacay, loona sameeyo nolol u qalanta.

BULSHADDA RAYIDKA AH:

Waxaan ugu baaqeynaa in ay Dowladda kala qaybgasho xasilinta Siyaasadda Dalka iyo adkeynta Amniga, iyada oo u mareysa ka qeybgalka jaangoynta talada amniga, fududeynta wadaxaajoodka, baahiyaan adeegga Bulshada, daraasado iyo wacyigelin dadweyne.

BEESHA CAALAMKA:

Waxaan ugu baaqeynaa inay danaha dadka soomaaliyeed si toos ah ugala xiriirto Dowladda dhexe ee Federaalka ah ee Soomaaliya, una fidiso taageero xagga dibolomaasiyadda, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo farsamadaba isugu jira.

Gebagebaddii shirkooda waxay shirwaynaha London u rajeynayaan inuu guul ku dhamaado ayna ka soo baxaan Go’aammo Umadda Soomaaliyeed waxtar u leh isla markaana ay u ayfo mustaqbalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;