SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xarunta SOSCENSA oo ka Dhacdey Kulan la Tashi ah oo ku Aadan Hal Milyan oo Caruur ah oo la Siinayo Waxbarasho Lacag La’aan ah

Iyadoo Dhawaan Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqdey in Seddexda Sanno ee Soo Socota Waxbarasho Lacag La’aan ah sii doonto Caruur gaareysa Hal Milyan ayaa Kulan Wadatashi ah oo ku aadan Mashuurcaasi lagu qabtey Xarunta SOSCENSA ee Magaalada Muqdisho ,waxaana kulankaan lagu martiqaadey Xubno ka kala socdey Daladaha Waxbatshadaee gaarka loo leeyahay , Jaamacadaha Dalka,Wasaaradda Adeega Bulshada Qaybteeda Waxbarashada iyo Masuuliyiin ka tirsan Hayadda SOSCENSA .waxaana Kulankaan Wadatashiga ah oo looga Hadley Doorka Daladaha Waxbarashada Madax banaan ee ay ka qaadan karaan Hirgelinta Barnaamijka Halka Milyan ah oo Waxbarasho lacag la’aanta ee lagu siinaya Caruurta Soomaaliyeed.



Ugu Horeyntii waxaa halkaa ka Hadley Sarkaal ka socdey Qaybta Waxbarashada ee Wasaarada Adeega Guud oo lagu Magacaabo Daa’uud Maxamed oo sheegey in Dowlada ay ka Go’an tahay in ay Waxbarasho Lacag La’aan ah ay siiiso Caruur gaareysa Hal Milyan Saddexda Sanno ee Soo Socota , wuxuuna Daladaha Waxbarashada uu ka Codsadey in Wixii Tallooyin ah oo ku aadan Mashuucaasi ay soo dhaweynayaan islamarkaana wwuxuu sheegey in Daladaha , Jaamacadaha Dugsiyada gaarka loo leeyahay ay qayb weyn ka qaataan Mashuurcaasi.

Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Xasan Maxamed Xasan oo ka socdey jaamacada Plasma oo sheegey in wax lagu farxo ay tahay in Caruur gaareysa Hal Milyan la siiyo Waxbarasho lacag la’aan ,,waxaa kale uu sheegey in dhinacooda ay Diyaar u yihiin sidii ay u fuli lahaa Mashruucaasi oo uu sheegey in ay faaiido weyn ugu jirto dad aan iska bixi Karin Kharashka Waxbarashada isagoo u soo jeediyey Dowlada Federaalka in ay la yimaadaan Qorshe wanaagsan oo lagu hirgelin karon Howshaas baaxadda leh..

Waxaa kaloo halkaasi ka hadley Cali Caraaye Caddow oo sheegey in Waxbarashada gaar ka loo leeyahay iyo kuwa Dowlada ay yihiin kuwa aan sinaba u kala Maarmin , isagoo u soo jeediyey Dowlada Federaalka in ay la timaado Qorshe si weyn looga soo Baaraan degey islamarkaana uu yahay Qorshhaasi mid yeesho Tiirarka Waxbarashada Sida Dugsiyo, Macalimiin iyo Manhaj, isagoo soo jeediyey in barnaamjikaan laga qayb geliyo Dhamaan Gobolada Dalka



Qaybhii kala Duwanaa ee ka qayb galey Kulankaas la tashiga ah ayaa Dalad weliba waxay ku Dhawaaqdey inta Ardey ee ay qaadan karo taasoo gaarey Kumanaan ardey waxaana si weyn u soo dhaweeye Qaybta Waxbarashada ee Wasaaradda Adeega Guud ee Dowlada Federaalka waxaana Kulankaas soo xirey Gudoomiye ku xigeenka Hayada SOSCENSA Liibaan Bile Xiireey oo u mahadcelisey intii ka qayb qaadatey kulankaas la tashiga ah oo uu sheegey in laga heley Talooyin wax ku ool ah oo ku aadan halka Milyan ee Caruur Soomaaliyeed lagu siinayao Waxbarasho lacag la’aan mudada Saddexda Sanno ee soo socota.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk


Faafin: SomaliTalk.com | April 1, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;