
        QORAAL RASMI AH OO IS-FAHAM AH
		OO DHEXMARAY 
		DAWLADDA FEDERAALKA KUMEELGAARKA EE JAMHUURIYADDA 
		SOOMAALIYA 
		IYO 
		DAWLADDA JAMHUURIYADDA KENYA
		OO MIDKASTA UU QIRAYO DIIDMO LA'AAN KU SAABSAN IN AY GUDDIGA XADAYNTA QALFOOFKA QAARADDA U GUDBISAN KARAAN
        (MACLUUMAADKA) KU SAABSAN XADKA DHANKA BADWEYNTA KA XIGA QALFOOFKA QAARADDA FOGAAN
        KA DURUGSAN 200 MAYL BADEED
        Qoraalka rasmiga ah ee is-afgaradka dhex maray Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Dawladda Jamhuuriyadda Kenya waxa uu midkasta
        (Dalkasta) u ogolaanayaa si diidmo la'aan ah in ay ku gudbistaan xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
        ka durugsan  200 oo mayl badeed, oo u gudbiyaan Guddiga Xadaynta Qalfoofka
        Qaaradda.
		Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo 
		Dawladda Jamhuuriyadda Kenya, iyagoo ka duulaya wada shaqaynta iyo 
		isfahamka labada dhinac waxay isku raaceen in ay dhamaystiraan Qoraalkan
         
		Rasmiga ah ee Is-fahamka.
        Weli lama xallin calaamadinta qalfoofka qaaradda (badda) u dhaxaysa 
		Jamhuuriyadda Kenya iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya (oo wixii qoraalkan 
		halkan ka dambeeya aan dhehi doono "Labada Dal ee Xeebta"). Arrinta 
		calaamadintaas (Xadka Badda) ee aan la  xallin ee u dhaxaysa labada dal 
		ee xeebta waxaa loo tixgalinayaa "MURAN BADEED". Sheegashada 
		labada dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay muujinaysaa aag isdul saaran 
		(yacni isku meel ayaa u cabiran labda dal) oo ah qalfoofka qaaradda taas 
		oo ah "Aagga lagu mursan yahay."
        Labada Dal ee Xeebta (Kenya/Somalia) waxay ku baraarugsan yihiin in 
        samaynta xadayta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
        ka durugsan 200 oo mayl badeed, waa mid aan  caqabad ku ahayn (ama ka hor
        imanayn) 
		su'aasha ku saabsan xadaynta qalfoofka qaaradda ee u dhaxaysa dalalka 
		leh xeebaha iska soo horjeeda ama isku dhinac yaal. Inkasta oo Labada 
		dal ee Xeebta (Kenya & Soomaaliya) ay dano kala duwan leeyihiin oo ku 
		saabsan xadaynta qalfoofka Qaaradda ee hoos imanaya aagga muranka ku
        jira, haddana waxay si xoog leh uga dhaxeeya dano la xiriira sidii loo 
		samayn lahaa xadaynta qalfoofka qaarada ee ka durugsan 200 oo mayl
        badeed, iyadoo aan mustaqbalka caqabad ku ahayn xadaynta qalfoofka 
		qaaradda ee u dhaxaysa iyaga (Soomaaliya & Kenya). Iyagoo halkaas ka 
		duulaya labada dal ee  xeebta waxaa ka go'an in ay wada shaqeeyaan si ay 
		u ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta 
		xaadaynta  cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
        ka durugsan 200 oo mayl badeed
        Ka hor 13ka May 2009 Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee 
		Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ku talo jirtaa in ay Xoghaynta-Guud ee 
		Qarammada Midoobay (QM) u gudbiso akhbaar hordhac ah oo muujinaysa xadka 
		ka baxsan qalfoofka qaaradda meel ka durugsan 200 mayl badeed. Macluumaadkaas ay gudbinayaan waxaa dhici karta inay ka 
		mid tahay aagga lagu muran san yahay. Taas (macluumaad gudbinta) waxa 
		KELIYA ee loola jeedo waa in ay tahay in ay ka gaaraan waqtiga lagu 
		xusay qodobka Article (4) ee Annex II ee Xeerka Qarammada Midoobay ee 
		Badaha (UNCLOS). Waxaa shardi ah in taasi (gudbinta macluumaadka 
		Soomaalidu u gudbiyaan UN-ta) aysan caqabad ku noqon halka ay labada dal 
		(Kenya/Somalia) ka taagan yihiin arrinta la xiriirta MURAN BADEEDKA 
		XUDUUDAHA ee u dhaxeeya labadooda, islamarkaasna waa in aysan caqabad ku 
		ahaan xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badaha ee aagga lagu muransan
        yahay, oo uu ku jiro xadaynta qalfoofka qaaradda wixii ka fog 200 mayl
        badeed. Is-fahamkaan waxaa ku cad in Jamhuuriyadda Kenya aysan diidanayn 
		in aagga lagu muran san yahay ay Jamahuuriyadda Soomaaliya ku dari karto 
		akhbaarteeda hordhaca ah ee muujinaysa xuduuda  xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
        ka durugsan  200 oo mayl badeed.
        
		 Labada dal ee Xeebta
        (Soomaaliya & Kenya) waxay isku raaceen in 
		waqtigii ku haboon in mid kasta si goonidiisa ah (Xogta badda) ugu gudbiyo Guddiga Xadaynta 
		Qalfoofka Qaaradda (oo wixii halkan ka dambeeya aan dhehi doono 
		"Guddiga"),  marka  Jamhuuriyadda Kenya laga hadlayo
        waxay gudbinaysaa kahor 13ka May 
		2009,waxaana dhici karta in (xogta  la gudbinayo) ay ku jiri karaan aagga lagu muransan
        yahay, iyagoo Guddiga (QM) weydiisanaya 
		talooyin la xiriira xadka xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
        ka durugsan  200 oo mayl badeed, iyadoo aan la eegayn calaamaddinta
        xuduudaha badda 
		ee labada dal u dhaxeeya. Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku 
		caddaynayaan in ay ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo 
		macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira. 
		Macluumaadka loo gudbiyay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan 
		Guddiga (QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan 
		yihiin labada dal ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda 
		lagu muran san yahay ee u dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia), waana in aysan 
		caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee aagga lagu 
		muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 
		mayl badeed.
Labada dal ee Xeebta
        (Soomaaliya & Kenya) waxay isku raaceen in 
		waqtigii ku haboon in mid kasta si goonidiisa ah (Xogta badda) ugu gudbiyo Guddiga Xadaynta 
		Qalfoofka Qaaradda (oo wixii halkan ka dambeeya aan dhehi doono 
		"Guddiga"),  marka  Jamhuuriyadda Kenya laga hadlayo
        waxay gudbinaysaa kahor 13ka May 
		2009,waxaana dhici karta in (xogta  la gudbinayo) ay ku jiri karaan aagga lagu muransan
        yahay, iyagoo Guddiga (QM) weydiisanaya 
		talooyin la xiriira xadka xadaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
        ka durugsan  200 oo mayl badeed, iyadoo aan la eegayn calaamaddinta
        xuduudaha badda 
		ee labada dal u dhaxeeya. Labada dal ee xeebta (Somalia-Kenya) waxay halkan ku 
		caddaynayaan in ay ogolaanshahooda ku bixiyeen in Guddiga (QM) tixgaliyo 
		macluumaadka loo gudbiyey ee la xiriira aagga muranka ku jira. 
		Macluumaadka loo gudbiyay Guddiga (QM) iyo soojeedinta ay ansixiyaan 
		Guddiga (QM) waa in aysan caqabad ku ahaan halka ay arrinta ka taagan 
		yihiin labada dal ee Xeebta (Somalia-Kenya) marka laga hadlayo badda 
		lagu muran san yahay ee u dhaxaysa iyaga (Kenya-Somalia), waana in aysan 
		caqabad ku noqon xadaynta mustaqbalka ee xuduudaha badda ee aagga lagu 
		muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 
		mayl badeed.
        
		Calaamadinta 
		xuduudaha Badda ee aagga lagu muran san yahay, oo uu ku jiro qalfoofka 
		qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waxaa isku raaci doona 
		ladaba dal ee xeebta (Somalia-Kenya) iyadoo la raacayo qaanuunka 
		caalamiga ah kaddib marka Guddiga (QM) ay dhamaystiraan eegista (ka 
		baaraan degidda) macluumaadka sida kala goonida ah ay ugu gudbiyeen 
		labada dal ee xeebta (Kenya iyo Soomaaliya) oo Guddiga (QM) ay 
		talooyinkooda u soo jeediyaan labada dal ee xeebta (Somalia/Kenya) ee ku 
		saabsan samaynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan
        ka durugsan  200 oo mayl badeed
		Qoraalkan Rasmiga ah ee is-fahamku waxa uu dhaqan galiyaa marka la 
		saxiixo
		WAXAA GOOB JOOG AHAA, saxiixayaasha hoose ee ay u xilsaareen 
		dawladahoodu in ay u saxiixaan Qoraalkaan Is-afgaradka.
		OO KA DHACAY Nairobi, 7dii April, Laba kun iyo sagaal (April 
		7, 2009), waa laba nuqul oo ku qoran Af-Ingiriisi, oo labada nuqulba 
		isku si loo saxiixay.
		Waxaa Matalayey Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda 
		Soomaaliya 
		Mudane. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
		Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Wadashaqaynta Caalamiga ah
		Waxaa matalayey Dawladda Jamhuuriyadda Kenya 
		Mudane. Moses Wetang'ula , EGH, MP
		Wasiirka Arrimaha Didabadda
		
		Warqadda oo saxiixan oo Af-Ingiriisi ah halkan 
		ka eeg
		
			- Wasiirka Qorshanynta ee heshiiskaas saxiixay wixii uu ka yiri
			DHAGAYSO ama
			soo rogo