Wareysigii Sheekh Sharif Sheekh Ahmed,
Gudoomiyaha Maxkamadaha Islamiga ay layeelatay wakaaladaha warfaafinta IRIN &
REUTERS oo Soomaali loo tarjumey | Somalia: Nairobi,
22 June , 2006
Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
|
Taariikh-Nololeed:
Sheekh Shariif waa 42 jir, waxuuna ku dhashay
Jowhar,
gobalka Shebelada dhexe, oo u jirta magaala madaxda Muqdisho, 90 kiilometer.
Sheekh Shariif wuxuu wax ku bartey magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisa
heer jaamacad ku qaatey wadanka Liibiya halkaas oo uu ku bartey cilmiga
garyaqaanimada. Wareysigaan ayuu sheekhu siiyay hay’ad ka tirsan Qaramadda
midoobey taas oo loo yaqaan (IRIN).
Markii la waraysanayey sheekha wuxuu ka warbixiyey iskuulkii uu
macalinka ka ahaa sanadku markii uu ahaa 2003, kaas oo ku yiil degmada Yaaqshiid
ee waqooyiga magaalada Mogadisho. Warbixintiisa waxaa ka mid ahaa in arday ka
mid ah ardaydii uu wax barayey oo ay afduubteen kooxo dablay ah oo warsaday
lacag madax furasho ah si ay u sii daayaan ardaygaas. Sheekha oo ka shaqaynayey
sii daynta ardaygaa ayaa isaga iyo dad kale waxay isku keeneen in ay sameeyaan
maxkamad ka hor tagta afduubista iyo dhaca deegaankaas. Waxaana isla markaa loo
doortay in uu noqdo gudoomiyaha maxkamadaas.
Waa kan su’aalihii iyo jawabihii ay IRIN waydiisay
Sheekh Shariif:
Su’aal: Dawlad caynkee ah ayaad la
rabtaan in ay hesho soomaliya?
Jawaab: Waa sahal in la sameeyo dawlad
laakiin waxaa muhiim ah in la helo dowlad dadku ay rabaan oo ku shaqaysa
cadaalad. Taas oo meteli kartana dadkeeda hawleheedana gudan karta. Dowlad
caynkaas ah ayaan rabnaa oo soo afjarikarta dowlad la’aanta ka jirta Soomaaliya.
Su’aal: Sideed u aragtaan in aad u
wajahdaan ciidamadii hogaamiye kooxeedyadii laga adkaaday?
Jawaab: Waxaan rabnaa in aan u soo
dhawayno si bini’aadinimo leh inagoo ilaalinayna xaquuqda ay ku leeyihiin
wadanka. Waxaan u furaynaa xeryo lagu dhaqan celiyo, laguna baro xirfado kala
duwan si ay noloshooda wax uga badelaan, ugana qayb qaataan dib u dhiska
wadankooda iyo soo celinta nabada.
Su’aal: waa maxay qorshihiina
siyaasadeed ee ku aadan dowladda ku meel gaarka ah?
Jawaab: Fikirkeena ku aadan dawlada ku
meel gaarka ah waxuu yahay in ay ku guul daraysatay in ay wadanka dhibka ka
saarto. Waa dowlad wadanka dibadiisa lagu soo dhisay. Waxaana soo dhisay dowlada
itoobiya. Dadka lagu marti qaaday iyo hanaanka loogu martiqaaday waxaa soo
go’aamisay IGAD, taas oo faragelin weyn ay ku laheyd uga timid xukuumada
Addis ababa. Dadka shirkaas ka qayb qaatay waxay ahaayeen kuwo lagu soo
xulay yaa wax bi’in kara ee ma ahayn kuwo lagu soo xulay yaa wax hagaajin kara,
waxayna ahaayeen kuwo qayb weyn ka qaatay burburkii loo gaystay wadanka 16kii
sanadood ee la soo dhaafey. Dowladaan oo loogu talo galay in ay ka shaqayso dib
u heshiisiin way ka leexatay u jeedadii loo soo dhisay, sidaa awgeed waxaan
qabnaa wax qabadka dowladaan in uu yahay mid aad u liita. Waxayba dowladani ku
soo kordhisay dalka dhibaatooyin dheeraad ah, hadana waxay rabaan in ay ciidamo
shisheeye ah in ay wadanka kenaan, sidoo kale
wasiiradii dowladan ka midka ahaa ayaa bilaabay xasuuqii loo geystay shacabka 4
bilood ee la soo dhaafay magaalada Mogadisho. Xaqiiqadu waxay tahay oo noo
muuqata in aan lagu aamini karin maslaxada iyo himilada ummada soomaaliyeed ee
dowladaan.
Su’aal: Dowladaan waxaa aqoonsan
caalamka, idinkuna hadda ayaad wadanka Sudan kula kulmi doontaan marka sow taasi
tusaale uma ahan in aad aqoonsi u heysaan oo ay door ku leedahey aayo ka talinta
soomaaliya?
Jawaab: Maya, saa ma ahan. Inkastoo ay
yihiin wax ay soo dhistay dowlada shisheeye, kartina aysan u lahayn in ay
metelaan ummada soomaaliyeed, hadana waxaan goosanay in aan wadahadal la galno
si aan u badbaadino maslaxada ummadda soomaaliyeed oo aan uga hortagno in dhiig
kale oo soomaaliyeed sii daato.Waxaa kale oo aan wadahadalka ula gelaynaa in aan
ku dhowrno sharafta aan u heyno beesha caalamka oo nagu casuumtay shirka. Waana
sababta kaliya oo aan ula xaajoonayno.
Su’aal: Ma waxaad isku dayaysaan in aad
saxdaan wax idinka idinkula muuqda daciifnimo ama qaladaad aad ku aragteen
dowlada?
Jawaab: Himiladeena ayaa ah in aan
helno sidii aan wax ugu qaban lahayn ummadda soomaaliyeed. Waxa ugu muhiimsan
waa in ummaddu leedahay go’aanka wax lagu qabsanayo, si markaasi ay go’aanadoodu
u noqdaan kuwo la hirgalin karo, dadkana aan ka xorayno dhibkii lagu hayey 16kii
sano ee la soo dhaafay, taasina waa u jeedadeena guud.
Su’aal: Marka ma waxaad rabtaan in aad
qabataan shirweyne dowlad cusub lagu dhisayo?
Jawaab: Maya ma dhisayno dowlad. Waxaan
halkaan u joognaa in aan ummadda wax u qabano, waxaa kale oo aan rabnaa in
kacdoonka ummaddu uu noqdo wax dadkayagu ku dhiiri geliya in ay wax qabsadaan
iyaga oo aan waxba ka sugin dowladna.
Su’aal: Taasi marka macneheedu ma waxay
tahay in aad shacabka u daynaysaan in ay aayohooda ka tashadaan?
Jawaab: Haa, Shacabku waa in ay iyagu
is xukumaan ayna dhistaan qaabkooda dowladnimo si aysan mar dambe u handadin
dowlad kasta oo xukunka qabata. Taa macneheedu waxaa weeye in kaligii talis
dambe sida kii waqtigii lasoo dhafay uu san u dhicin shacabkuna xor u ahaadaan,
talada kama dambaysta ahna ay iyagu marwalba leeyihiin.
Su’aal: Adiga ama xubin ka tirsan
midowga maxkamadaha islaamiga ah wax xiriir ah ma la yeelateen, dowladaha iyo
ururada caalamiga ah?
Jawaab: Waan hubaa in aad la socotid in
aan waraaqo u dirnay dhowr dowladood iyo ururo caalami ah intaba, sababta aan
ugu dirnayna waxaa weeye in aan caalamka u sheegno arimaha xamar ka socda in ay
yihiin kacdoon shacab, sidaasna ay u fahmaan.
Su’aal: Warqadihii aad dirteen ma
jirtaa cid ka soo jawaabtay?
Jawaab: Waqtigaan xaadirka ah jawaab
rasmi ah oo aan helnay ma jirto, laakin waxaa noo muuqata in waraaqihii aan
dirnay in ay isbedel muhiim ah ku dhalisay fikirkii ay beesha caalamku ka qabtay
ummadda soomaaliyeed.
Su’aal: Waa noocee maamulka aad ka
dhisteen Mogadisho iyo meelaha kale ee gacantiina ku jira?
Jawaab: Weli heerkaan ma aynaan gaarin,
wali waxaan ku jirnaa wada tashi aan la samaynayno waxgaradka, mutacalimiinta,
iyo caaqilada, ku nool gudaha iyo dibada dalka. Waxaan ku gudo jirnaa uruurinta
fikradaha iyo talooyinka wanaagsan oo ay noo soo gudbinayaan dadka soomaaliyeed
gudaha iyo dibadaba. Markii aan dhameystirno daraasooyinka fikradahaas iyo
talooyinkaas ayaan kale soo bixi doonaa kuwa ugu fiican, shacabkana soo hordhigi
doonaa, si loo dhaqan geliyo fikradaha ugu wanaagsan. Waxaan wali ku guda jirnaa
wadatashi.
Su’aal: Ma runbaa in midowga
maxkamaduhu bilaabeen in ay ilaaliyaan habeenkii jidadka magaalada Mogadisho?
Jawaab: Haa, waan bilownay in aan
habeenkii magaalada Muqdisho ilaalino si aan nabada u sugno. Waxaan rabnaa
garoonkii diyaaradaha, dekeda, iyo ilaha muhimka ah ee dhaqaalaha in aan furno
si shacabka soomaaliyeed ay nolol u helaan.
Su’aal: waa maxay waxa ugu wayn ee
idinka hortaagan soo celinta ammaanka iyo kala dambaynta?
Jawaab: Ma jirto caqabad gaar ah oo na
hortaagan, laakin waxaa jirta in wadankaani uu ahaa nadaam la’aan muddo lix iyo
toban sanadood ah oo qof waliba hubeysan yahay.
Ma
doonayno in aan deg degno, balse waxaan doonaynaa in si taxadir leh
aan u sameyno qorshihii aan wax uga qaban lahayn nidaam iyo kala dambayn
la’aanta jirta.
Su’aal: Marka laga reebo soo celinta
nabadgelyada, iyo soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta maxaa kale ayaad
rabtaan in aad qabataan?
Jawaab: Waxaan rabnaa in dadkayaga lagu
maamulo cadaalad iyo sinaan oo ay iyagu noqdaan kuwo iska leh go’aankooda laguna
ixtiraamo.
Su’aal: Waxaa midowga maxkamadaha lagu
eedeyey in ay magangelyo siiyaan dad looga shakisan yahay argagixisnimo ee maxaa arintaa ka jira? Wax
xiriir ah se mala leedihiin ururka Al-qaacida?
Jawaab: Ee daymahaani waa been abuur.
Haddii ay nala joogaan ciidamo ajnabi ah, waa la arki lahaa iyagoo ciidankayga u
dagaalameya, xiligii qabqablayaasha dagaalka kula jirney. Dadka soomaalida ahi
ma ahan dad lagu dhexdhuuman karo oo qof kii aan dalka u dhalan wuu muuqan
lahaa, lamana qarin karo.
Su’aal: Sidee rabtaan in aad ula
dhaqantaan wadamada reer galbeedka qaasatan wadanka Maraykanka?
Jawaab: Waxaan kula dhaqmaynaa adduunka
oo dhan tixgelin iyo wadashaqeeyn. Ma doonayno in aan ku xad gudubno ama aan
dulmi u gaysano wadan kale. Sidoo kale waxaan wadan kasta ka rabnaa in aanu nagu
xadgudbin.
Su’aal: Waxaa lagu eedeeyey maxkamadaha
in ay kasoo horjeedaan dowlada Maraykanka, arrintaasi ma runbaa?
Jawaab: Dowlada Maraykanka ayaa mas’uul
ka ahayd dagaaladii ka dhacay magaalada Mogadisho ee u dhexeeyey kacdoonka
shacabka iyo dagaal oogeyaasha, sababtoo ah dowlada maraykanka ayaa siiyey
dhaqaalaha ay shacabka kula dagaalamayeen dagaal oogeyaashu. Shacabka
soomaaliyeed kama soo horjeedaan dowlada Maraykanka, ee dowlada Maraykanka ayaa
taageertay kuwii shacabka dhibka ku hayey. Ugu dambayntii shacabka soomaaliyeed
ma ahan cadowga dadka maraykanka.
Su’aal: Sideed u aragtaan ciidamo nabad
ilaalin ah oo la keeno wadanka soomaaliya?
Jawaab: Waxaan u aragnaa in ciidamo
shisheeye keenisteedu in ay tahay qalad, xiligaana soomaaliya uma baahna in la
keeno ciidamo shisheeye, sababtoo ah illaah baa xaliyey dhibkii haystey ummada
soomaaliyeed. Waa in laga caawiyaa soomaaliya sidii la isugu keeni lahaa oo ay
aayohooda uga wada tashan lahaayeen. Waxaan u baahanahay in hubka laga dhigo
dhalinyarada laguna dhaqan celiyo bulshada. Waxaan u baahanahay in lafuro ilaha
dhaqaalaha, iskuulada, isbitaalada, iyo in la nadiifiyo magaalo madaxda oo
lagana qaado qashinka yaalay mudo lix iyo toban sanadood ah. Arrimahaas baan u
baahanahay in wadamada deeqda bixiyaa naga caawiyaan.
Su’aal: Dowlada ku meel gaarka ah waxay
rabtaa in aad hubkiina dhiibtaan, sided u aragtaan arrintaa?
Jawaab: Taasi ma ahan wax quseeya
dowlada ku meel gaarka ah mana aha arin ay isku mashquuliso, madaama ay awoodi
waysay in ay gudato waajibaadkeedii. Hubka waxaa nagu amaanaystay shacabka
soomaaliyeed, iyagaanan u haynaa. Hadii eebe yiraahdo waan haynaynaa hubkaa ay
shacabku noo dhiibteen ilaa ay ka imaanayso, dowlad sax ah oo waajibkeeda
gudanaysa. Ugu dambayntii xiligan xaadirka ah dowlad nagala wareegi karta
howlahaan aan shacabka u heyno, oo lagu aamini karaa ma jirto.
Su’aal: Ma jiraan wax aad ku daraysaa?
Jawaab: Waxaan jeclaan lahaa in aan u
sheego ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in aan ka faa’iidaysano
fursadaan qaaliga ah. Waxaa yimid xili cusub oo ay ummadda soomaaliyeed gashay,
hadaba waxaa qofkasta oo soomaaliya looga baahan yahay in uu gacan ka geysto
fikrad ahaan oo aan is kaashano si aan uga baxno dhibta ummada soomaaliyeed
haysata.
Waxaa tarjumey
Hussein Warsame
hawars02@smumn.edu
Nur Faarax nfaarax@gmail.com
Salah Warsame swarsame@yahoo.com
Faafin:
SomaliTalk.com | June 24, 2006
Heshiis Khartuum
ku Dhexmaray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo DFKMG
Qodobada ay wada saxiixdeen waxaa ka mid ah in maxkamad
la soo taago qabqalayaashii dagaalka, iyo in labada dhinac uu midba kan kale...
Guji...
Waraysiyo Ku Saabsan
Guddoomiyihii Baarlamaanka DGPL oo Xilkii Laqa Qaaday....
iyo Puntland oo ka laabatay Qodob ka mid ah
Heshiiskii ay la galeen shirkadda "Range Resources..."...
Guji....
Jun 21
VOA: Safiirkii USA u
Fadhiyi jirey Itoobiya oo Ka Hadlay Xaalada Cusub ee Soomaaliya & Ciidama
Itoobiya
Ka Dhegeyso VOA::
Halkan
ama
Halkan
|