Ra’isul Wasaare Geeddi oo lagu
qanciyey in aan xilka laga qaadi.
Wararka naga soo gaaray magaalada Nairobi waxey
sheegayaan in ay madaxda DFKMG wada hadal ka
yeesheen khilaafkii u dhaxeeyey Ra’isul wasaare Cali
Max’ed Geeddi iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo
Guddoomiyaha Baarlamanka oo dhinac ah, khilaafkaas
oo la xiriiray halka lagu qabanayo kulanka ugu
horreeya ee Baarlamaanka ayaa maalintii shalay aheyd
kulan saacado qaatay waxaa wada yeeshay saddexda
mas’uul ee ugu sareeysa dowladda ee kala ah
Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka ayaa waxaa la sheegay in Ra’isul
wasaaraha uu ku adkeysanayey in meel aan Jowhar
aheyn lagu qaban kulanka ugu horreeya ee
Baarlamaanka. Madaxweynaha, Guddoomiyaha
Baarlamaanka waxey ku qanciyeen Ra’isul wasaaraha in
kulanka ugu horreeya lagu qabto magaalada Baydhabo,
waxaana Ra’isul wasaaraha uu sheegay in kulankaasi
uusan waxba u dhimi doonin xilka Ra’isul wasaare ee
uu hayo, kaasoo uu si weyn u soo dhaweeyey, Ra’isul
wasaare Geeddi, waxaa kaloo Ra’isul wasaaraha lagu
qanciyey kaddib markii uu dhacay kulankaasi in
dowladda ay si rasmi ah ugu hawl gali doonto
magaalada Jowhar kaddibna ay u guuri doonto
magaalada Muqdisho, marka la nabadeeyo, sida uu
dhigayo heshiiskii Cadan, maanta ayaa la filayaa in
Guddoomiyaha Baarlamaanka in ku dhawaaqo halka lagu
qabanayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka taasoo
la filayo in ay noqoto magaalada Baydhabo, waxaana
magaalada Baydhabo haatan ka socda diyaargarow loogu
jiro soo dhaweynta xildhibaanada Baarlamaanka, oo la
filayo in maalmaha soo socda loo daad gureeyo
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay
Kulankii labaad oo ay yeeshaan
Cabdulaahi Yuusuf iyo Qanyare..
Wararka naga soo gaaray magaalada Neirobi waxey
sheegayaan in habeen hore kulan ay albaabadu u xiran
yihiin ay yeesheen Madaxweynaha xukuumadda
federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo
Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax,
waxaana kulankaasi la iskula meel dhigay halka lagu
qabanaayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka.
Madaxweynaha iyo Max’ed Qanyare waxey iska raali
geliyeen wixii horey u dhex maray, gaar ahaan intii
uu socday loollaankii siyaasadeed ee u dhaxeeyey
xubnaha dowladda ee ku kala sugnaa Muqdisho iyo
Jowhar, sidoo kale shalay ayey mar kale kulan ay
wada yeesheen waxaa la iskula soo qaaday sidii
wadashaqeyn xoog lihi u dhex mari laheyd xubanaha
dowladda ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar,
wuxuuna Max’ed Qanyare shaaca ka qaaday in uu soo
dhaweynayo meel alle meeshii lagu qabanaayo kulanka
ugu horreeya ee Baarlamaanka.
Beesha Fiqi Muxumad oo dhex
dhexaadineysa Beelaha Sacad iyo Suleymaan..
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi waxay
sheegayaan in maalintii shalay ahayd Beesha Fiqi
Muxumad ay googol u dhigtay Waxgaradka, Nabadoonada
beelaha Sacad iyo Suleymaan ee ku sugan Magaalada
Nairobi waxaana soo qaban-qaabiyay Suldaan Khaliif
Max’ed Maxamuud.
Suldaana ayaa mar uu ka hadlayay sababaha ay u
dhigeen goshaan ay tahay markii ay u adkeysan
waayeen dhibaatada dhex taala labadaasi beelood ayaa
waxa uu u soo jeediyay labada beelood in heshiisyada
ay gaaraan ay ka dhabeeyaan.
Waxaa laga soo saaray kualnkaasi baaq loo soo
jeedinayo labada beelood oo ah in ay xabadda
joojiyaan in wixii khilaaf ah ay ku dhameeyaan wada
hadal, waxaana labada beelood u kala hadlay Cabdi
Faarax Jaamac iyo Mudane Indha-Cadde, waxayna
sheegeen in ay soo dhaweenayaan dhex dhexaadinta
beesha Fiqi Muxumad waxaana halkaasi lagu saaray
guddi ka kooban dhowr iyo taban xubnood oo tagi
doona Gobalada dhexe
Dalladda Culimada Soomaaliyeed oo ku
baaqey Roob doon …
Waxaa maalmahan jiray qeylo dhaan la xiriirta abaar
ba’an oo ku dhufatay gobalada dalka taas oo geystay
dhimasho dad iyo duunyo, ayaa waxa maalintii shalay
aheyd shir jaraa’id qabtay Dalladda Culimaa’udiinka
Soomaaliyeed, waxeyna dadka Soomaaliyeed ka
codsadeen in ay is kaalmeystaan oo ay gurmad u
fidiyaan dadka ku waxyeeloobay abaarta.
Sheekh Axmed Max’ud Suleybaan oo ka mid ah Daladda
Culimada ayaa wuxuu u soo jeediyey shacabka
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay
Soomaaliyeed in ay soomaan afar maalmood si Illaahey
ugu fidiyo gargaar isla markaana uu uga qaado
dhibaatada.
Waxaa kaloo uu shacabka u soo jeediyey in ay
sameeyaan roob doon si uu Illaahey deg deg ugu siiyo
roob, isla markaana uga qaado dhibaatada abaarta iyo
dagalada sokeeye, waxeyna Dalladu sheegtay in loo
baahan yahay in banaanbaxaasi ay ka qeyb qaataan
ardayda dugsiyada Qur’aanka, Culimada diinta iyo
qeybaha kala duwan ee bulshada ayna isugu soo baxaan
meel fagaare ah si uu Illaahay dhibka uga qaado.
Maanta oo la filayo in lagu dhawaaqo
halk lagu qabanayo Kulanka ugu horeeya…
Iyadoo wali uu jiro is qab qabsiga u
dhaxeeya xubnaha sar sare ee dowladda gaar ahaan
halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee
Baarlamanka ayaa waxaa lagu wadaa in maanta
Gudoomiyaha Baarlamanka uu ku dhawaaqo halka lagu
qabanayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanka.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxay
goobta lagu qabanayo kulankaasi balse warar ayaa
waxey sheegayaan in kulankaasi loo badinayo in lagu
qabto magaalda Baydhabo, oo uu ka taliyo Xildhihbaan
Max’ed Ibraahim Xaabsade.
Warar kale ayaa waxey sheegayaan in
guddoomiyaha Baarlamaanka laga yaabo muddo kale
halka lagu qabanaayo kulanka ugu horreeya ee
Baarlamaanka maadaama uu guddoomiyuhu ku guuleysan
waayey in uu xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Xaflad
deeq daawo ah lagu gudoonsiinayo isbitaalka guud ee
magaalada Kismayo oo ka dhacday xarunta ururka
haweenka ee magaalada kismayo
Munaasabad qurux badan oo deeq daawo
ah lagu gudoon siinayay maamulka sare ee isbitaalka
magaalada Kismayo ayaa Axadii (Jan 29) waxaa ay ka
dhacday xarunta ururka haweenka magaalada Kismayo
ayadoo munaasabadaan ay ka soo qeyb galeen
mas'uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka
Isbahaysiga Dooxada Juba oo ay ka mid ahayeen
gudoomiye ku xigeenka maamulk Isbahaysiga mr
CabdiRaxmaan xaaji Axmed (Waldiire) iyo gudoomiyha
degmada xaaji Daahir Maxamed Cilmi (Daahir Carabey )
iyo waliba madax kale oo ka kala socday ururada
bulshada iyo siyaasiyiin kale.

Deeqdaan dawada ah ee maanta la
gudoosiinayay maamulka guud ee isbitalaalka
magaalada Kismayo ayaa cadadeedu waxa ay hayad laba
iyo toban kartoon oo isugu jira daawo iyo qalabka
dadka lagu dhayo waxaana soo dhiibay hey,ad samafal
ah oo lagu magacaabo African serves ayadoo loo soo
mariyay ururka haweenka magaalada kismayo oo ay wada
leeyahiin xariir wada shaqeyn waxaana deeqdaan la
soo gaarsiiyay magaalada kisamyo maalintii shalay
ahayd ayadoo maantana ay ururka haweenka
gudoonsiiyeen agaasinka guud ee isbitaalka magaalada
kismayo DR: Maxamed Cabdilaahi iyo waliba dhaqaatiir
kale oo ka socotay isbitaalka.

Intii ay socotay munaasabada
deeqdaan dawada ah lagu bixinayay ayaa waxaa goobtii
qudbado kala duwan ka soo jeediyay mas,uuliyiintii
halkaas isugu timid oo uu ugu horeeyo gudoomiyha
degamda xaaji Daahir Maxamed Cilmi (Daahri Carabey)
isago ugu baaqay dhamaan madaxdii ururada bulshada
ee halkaas isugu yimid in ay ka waan toobaan deeqaha
ay ka sugayaan hey,adaha samafalka iyo waliba
dalalka shisheeye waxaa kaloo uu gudoomiyha eed
dusha kaga tuuray ganacsatada reer kismayo iyo
hey,adaha samafalka oo uu ku sheegay in ay ka
gaabiyeen howlaha lagu tabaruco isbitaalka magaalada
Kismayo.
Waxaa sidoo kale halkaas qudbado ka
soo jeediyay madaxdii kale ayagoo intabada xusay
howlaha mutadawacnimo ee uu isbitaalka u qabto
bulsho weynta reer kisamyo ayadoo gabagabadii
xafladasi uu hadal gaaban ka soo jeediyay agaasimaha
gud ee isbitaalka DR: Maxamed Cabdulahi oo sheegay
in aysan wax kaalmo ah aysan isbitaalka soo gaarin
dagaalii dhawaan kismayo ka dhacay dabadeed haatana
uu ugu baaqayo dhamaan bulshada reer kismayo in ay
kaalmo la soo gaaraan isbitaalka oo aysna jirin wax
hey,ad ah oo haatan gacanta ku heysa.
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
Kismaayo Somalia
cabdiqadar84@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 30, 2006
WARARKII SHALAY:
WARARKII JAN 29,
2006
-
Khilaaf aad u xoogan oo hareeyay
mas’uuliyiinta sarsare ee DFKMG
-
Taleefishinka Al-Jasiira oo xalay
si toos ah looga Daawanayey dhibaatada Abaarta…
-
Shariif Xasan oo u yeeray Cismaan
Caato iyo Muuse Suudi …
-
Gen. Max’ed Nuur Galaal “Waan
nasiib daro Maanta la yiraahdo Ciidamadeenii
waxaa tababaraya Itoobiyaan..”…
-
Maamul cusub
oo loo dhisay Deegaanka Toortoorow…
-
Dalladda INXA
oo Mar kale dib u dooratay.Gudoomiyihii hore..
-
Cismaan Caato iyo
Max’ed Jaamac Furux oo ku eedeeyey Dowlad
Federaalka …
-
Abwaan Hadraawi
oo dhex dhexaadinaya Maamulada Soomaaliland Iyo
Putland..
Khilaaf aad u xoogan oo hareeyay
mas’uuliyiinta sarsare ee DFKMG
Waxaa maalmo yar ka harsan tahay xiligii lagu waday
in la qabto kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa
mas’uuliyiintii sarsare ee Dowladda waxay isugu
tageen Magaalada Nairobi waxaana ka mid ah
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf
Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan
Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.
Waxaa mudo saacado ah kulan wada lahaa Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan
waxayna isla meel dhigeen halka lagu qabanayo shirka,
kaddib waxaa kulan saddex geesood ah uu dhex maray
C/llaahi Yuusuf, Cali Max’ed Geedi iyo Shariif Xasan
waxaana la sheegay in ay wada hadlayeen mudo
saacado ah waxaana laga dareemayay in uu jiro
khilaaf ba’an oo la xiriira halka lagu qabanayo
kulanka Baarlamaanka, iyadoo Ra’isul Wasaare Cali
Max’ed Geedi la sheegay in uu ku gacanseyray
hindisaha ay wataan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka, iyadoo Ra’isul Wasaaruhu uu ku
adkeysanayo in kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka
lagu qabto Magaalada Jowhar oo uu sheegay in ay
tahay magaalo aad u xasiloon lagana helo wixii
tasiilaad ah oo uu Baarlamaanku u baahan yahay.
“Haddii uu Baarlamaaku shiro iyo haddii uusan
shirinba xarunta Dowladdu waa Jowhar” ayuu yiri Cali
Max’ed Geedi waxaana arrintaani la qaba qaar ka mid
ah wasiiradiisa iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe
Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere).
Shalay ayaa la doonayay in lagu dhawaaqo halka
qabanayo kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka, balse
warar aan ka helnay Magaalada Nairobi waxay
sheegayaan in maalinta isniinta ah lagu dhawaaqi
doono goobta lagu qabanayo, warar kale ayaa waxay
sheegayaan in khilaafka u dhexeeyay mas’uuliyiinta
sarsare ee Dowladda laga yaabo in uu sababi karo in
dib loo dhigo mudo dhowr cisho ah kulanka ugu
horeeya ee Baarlamaanka iyo halka lagu qabanayo.
Cismaan Xasan Cali (Caato) ayaa waxa uu Madaxweynaha
Dowladda Federaalka ku eedeeyay in uu wado qorshe
isaga u gaar ah oo la xiriira keenista ciidamada
Shisheeye, taasina waa mid burburineysa heshiiskii
ay Cadan ku saxiixdeen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha,
ayuu yiri.
Taleefishinka Al-Jasiira oo xalay si
toos ah looga Daawanayey dhibaatada Abaarta…
Taleefishinka Caalamiga ah ee ku hadla afka Carabiga
ee AL-Jasiira ayaa xalay si toos ah looga daawanayay
waxyeelada abaarta ee qaar ka mid ah gobalada dalka
kaddib markii wariyaal ka socday taleefishinkaas ay
booqdeen deegaano ka tirsan Gobalka Bay.
Weriyaha taleefishinka ayaa soo bandhigay xoolo ay
abaartu baabi’isay, dad ay macluul badani hayso
waxaadna soo xasuusaneynaa xiligii abaartii 1992-dii
ee caga bararka, sidoo kale dhulka waxa uu u muuqday
dhul ay isugu darsameen qorax, bus iyadoo geedihiina
ay aad u qalalee.
Sidoo kale taleefishinka waxa uu sii daayay dad iyo
xoolo saf saf ugu jira ceelal ay u soo arooreen oo
ku yaala gobalka Bay.
Weriyaha Taleefishinka ee Max’ed Suufi oo isagu
taagan dhul baadiyo ah oo ku yaala degmada Wajid
ayaa waxa uu wareysanayay dad aad u macluulsan oo ku
qaylinaya gaajaa na haysta biyo la’aan ayaa na
haysta, qaarkood waxay sheegeen in abaartu ay uga
le’deen carruur iyo xoolihii yaraa ee ay lahaayeen,
iyadoo taleefishinka uu maalmaha soo socda sii deyn
doono barnaamijyo la xiriira abaartaasi.
Iyadoo 1992-dii abaartii ka dhacday Soomaaliya waxaa
indha caalamka ku soo jeediyay warbaahinta caalamka
iyo kuwa Soomaaliya.
Shariif Xasan oo u yeeray Cismaan
Caato iyo Muuse Suudi …
Waxaa Magaalada Nairobi ku sugnaa
mas’uuliyiinta ugu sareysa ee Dowlada Federaalka iyo
qaar ka mid ah xubnaha labada Gole ee Dowlada
waxayna halkaasi ku leeyihiin kulamo ay uga
arinsanayaan halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya
ee Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarla-maanka oo horey ugu
yeeray wasiiraka amniga qaranka Max’ed Qanyare Afrax
ayaa haatan waxa uu u yeeray Wasiirada kala ah
wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow iyo Wasiirka
Howlaha Guud iyo Guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato
si ay talo ugu darsadaan halka lagu qabanayo
kulanka ugu horeeya ee Golaha Baarlamaaka.
Cismaan Xasan Cali Caato ayaa waxa uu
shalay ku dhawaaqay in uusan ka qaybgali doonin
kulamada ay isugu imaanayaan Baarlamaaka ilaa nabad
lagu soo dabaalo beelaha ku dagaalamaya gobalada
dhexe oo uu sheegay in ay dowladdu ka gaabisay.
Gen. Max’ed Nuur Galaal “Waan nasiib
daro Maanta la yiraahdo Ciidamadeenii waxaa
tababaraya Itoobiyaan..”…
Waxaa maalintii shalay ahayd kulan yeeshay
ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed waxaana shirkaas
shir guddoominayay Gen. Max’ed Nuur Galaal oo ka mid
ahaa saraakiishii sarasare ee ciidanka xoogga dalka
Soomaaliyeed, waxaana kulakaasi looga arrinsanayay
sidii dowladda loogula talin lahaa in ay howlgeliso
ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed si ay dalka
nabad ugu soo dabaalaan kulankaas oo uu ka hadlay
Gen. Max’ed Nuur Galaal ayaa waxa uu yiri “Waa
nasiib daro in maanta ay ciidamadeenii tababara
siiyaan saraakiil Itoobiyaan ah” waxa uuna intaa sii
raaciyay “ciidankaasi Itoobiyaanku tababaraan ma
noqon doonaan kuwo dalka iyo dadka daafa, mise waa
kuwo la doonayo in lagu luggooyo ciidanka xoogga
dalka Soomaaliyeed”
Maamul cusub oo
loo dhisay Deegaanka Toortoorow…
Shirar is daba joog ah oo ay la haayeen Odayaal
Dhaqameedyada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada,
Culuma’u-diinka, Waxgaradka, Haweenka iyo
Dhallinyarada degmada Tooratoorow ee Gobolka Sh/hoose
loogana hadlayey xaalada siyaasadeed tan nabad galyo,
bulsho iyo dhaqaale ayaa ugu dambayntii waxaa lagu
go’aan- saday in la dhiso maamul cusub oo bedela kii
hore isla markaana waxa laga bedelo maamulkii hore
uga dhisnaa degmadaas.
Shirkaas oo 17/1/2006 ilaa 20/1/2006 ayaa waxaa lagu
dhisay Gole maamul oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha
degmada Sh. C/Xaaji Xasan Maxaad (Mad Kaadil) iyo
laba ku xigeen oo kala ah Cali Maxamed macalin xasan
iyo cumarow cusman cabdi (falayley) sidoo kale waxaa
loo dhisay duqmagaalo oo lagu magacaabo c/laahi
xasan macalin (karta) hal ku xigeen oo lagu
magacaabo sh, c/laahi cabdow cusmaan.
Waxaa sidoo kale lagu dhisay shirkaas xoghayeyaal
joogto ah oo ka kooban 16, macalin cusmaan cali (cali
kuus), c/laahi cusmaan ibraahim (taula), sh. aadan
gurey boorow, Xuseen Xasan Cusmaan (Xuseen Ganey),
Maxamed Gaab Xasan.ibraahim, Cusmaan Cabdi Xagaleey,
Xaaji Axmadeey Gureey, C/naasir SH. Daud, C/laahi
SH.Xasan SH.Axmed, Nuurow Boorauy Cali, Aadan
Maaxamed Cabdiyoow, Cusmaan muudey ibraahim, Xuseen
C/ ibraahim, Coloow Xaaji C/le Cabdi, Cumaan Aadan
kulan iyo Cali ibraahim Cusmaan.
Waxaa kale oo la dhisay Maxamed uu gudoomiye ka
yahay Sh.C/raaxmaan Maxamed Aadan ku xigeena ka
yahay Sh. Abuukar SH.Maxamed Macalin, iyo kaaliye
SH.cabdi Bitow waxaa asaxiixay gudigaan 11 oday
dhaqameed oo isugu jiray salaadiin iyo nabadoono ay
ka mid ahaayeen suldaan maxamed macalin xasa,
suldaan aadan cali macalin iyo suldaan sh. xasan
cabdi aadan.
Dalladda INXA oo
Mar kale dib u dooratay.Gudoomiyihii hore..
Shirweyne 26 urur uga socday xarunta
Dalladda isku xirka Nabadda Xuquuqda Aadanaha ee
INXA ayaa lagu soo geba- gabeeyey xarunta
hay’addaas ee Magaalada Muqdisho waxaana shirkaas oo
socday 3-maalmood looga hadlayey wixii u qabsoomay
dalladda sanadkii tagay iyo barnaamijyadda lagu howl
galayo sanadka soo socda.
Shirkaan u soo gebangaboobay
Dalaadda INXA waa ka duwanaa shirarkii hore ee ay
yeelan jireen ururada ku bohoobay Dalladda INXA
waayo waxaa is bedel lagu sameeyey dastuurka
Dalladda, waxaa sidoo kale shirkas lagu doortay mar
kale maamulkii hore ee dalladda ee uu gudoomiyaha ka
ahaa C/Naasir Axmed Cusmaan, ayna gudoomiye ku
xigeen ka ahayd Sahro Cumar Maalin waxaa sidoo kale
sidoodii loo ansixiyey xubnaha gudiga fulinta
dalladda.
Gebangabadii shirkaas ayaa waxaa lagu
sheegay in ay dalladda dib ugu soo biirtay Hay’adda
Nabadda iyo Xaquuqda Aadanaha ee Elman mar la
wareystay gudoomiyaha hay’adda Elmnan Eng. Suudaan
Cali Axmed waxa uu sheegay in ay dib ugu soo biireen
kaddib markii ay la dhaceen maamulka dalladda INXA
ee cusub.
Cismaan Caato iyo Max’ed Jaamac Furux oo ku
eedeeyey Dowlad Federaalka …
Waxaa shalay si wadajjir ah shir
Jaraa’id ugu qabtay guriga Wasiirka howlaha guud iyo
guryeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato) iyo Maxamed
Jaamac (Furux) oo Wasiiru dowlaha Badda iyo
Dekedaha, waxayna shirkas Jaraa’id kaga warameen
sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii ay dhawaan ku
gareen beelaha ay ka soo kala jeedaan ee dirirtu ku
dhexmareyso G/Dhexe.
Waxay sheegeen Wasiiradaani in ay
dhaqso ugu ambabaxayaan Gobolada dhexe si ay u
dhexgalaan labada beelood waxay sheegeen inay safar
dhulka ah ku gaarayaan Degmada Dhuusa-Mareeb ee
Gobalka Galguduud, sidoo kale waxay Wasiiradaan
dhaliil u soo jeediyeen Dowladda ku meel gaark ah.
“Dowlad aan dadkeeda daryeeleyn in
aan kulamadeeda ka qaybgalnaa waa qalad”, waxay
intaas ku dareen in aysan ka qaybgaleen kulanka
Baarla-maanka ee dhawaan lagu wado in uu qabsoomo
iyagoo sabab uga dhigay gacan ay weydiisteen
Dowladda ku meel gaarka ah si ay u joojiyaan
dagaalka ka socda Gobalada Dhexe isla markaasna ay
ka waayeen in ay ka saacido Dowladdu dhaqangelinta
heshiiskaas iyo colaada ka socota Gobalada Dhexe.
Abwaan Hadraawi oo dhex dhexaadinaya Maamulada
Soomaaliland Iyo Putland..
Abwaan Max’ed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ah
abwaan si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya ayaa
shalay soo gaaray Magaalada Garoowe ee maamulka
Puntland isagoo ka soo baqoolay dhinaca Soomaaliland,
wuxuuna yimid deegaanada Puntland sidii uu u
heshiisiin lahaa maamulada Somaliland iyo Puntland
oo khilaaf waayadan u dhexeeyay.
Abwaan Hadraawi waxa uu kulan kula yeeshay Golaha
Wasiirada Puntland Magaalada Garoowe waxa uuna kala
hadlay sidii loo soo gebgabeyn lahaa khilaafka
labada dhinac sidoo kale waxa uu kulamo la yeeshay
dadweyne isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin iyo
ururada Bulshada rayidka ah ee deegaanadaas.
Abwaan Hadraawi waxa uu gacan weyn ku lahaa sii
deyntii iyo is dhaafsigii maxaabiista ay is
dhaafsadeen maamulada Puntland iyo Somaliland labo
bil ka hor Maxaabiistaas oo ay isaga qabsadeen
dagaalo horey ugu dhex maray deegaanada Yagoori iyo
Ari-Caddeeye ee Gobalka Sool, sidoo kale waxa uu
Abwaanku kal horey socod loogu magacdaray socodka
Nabadda ee Abwaan Hadraawi uu ku maray inta badan
dhulka Soomaaliya, gaar ahaan jidka dheer ee isku
xira Muqdisho iyo Hargeysa isagoo sidoo kalena
booqday magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Dowladda Mareykanka oo warqad caqli
celin u dirtay Madaxweynaha Cabdulaahi Yuusuf.
Safiirka Mareykanka u fadhiya
Magaalada Nairobi Danjire Wiliam Bellamy ayaa warqad
qoraal ah u kala diray Madaxweynaha Dowladda
Federaalka, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo todobo
Wasiir oo ka tirsan Dowladda KMG ah.
Warqadaan oo uu soo saaray danjiraha
ayaa waxay ahayd mid uu ku hadlayay codka Dowladda
Mareykanka ayaa mas’uuliyiintaan mid waliba
gaarkiisa loo gaarsiiyay warqadan, nuquladan la
gaarsiiyay Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah Wasiirada
dowladda oo lagu sheegay mid si toos ah ugu saabsan
siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa warqadda
loo diray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa lagu
sheegay in ay tahay warqad caqli celin ah oo
Dowladda Mareykanka ay kala hadleyso Madaxweynaha
sidii uu danaha gaarka ah meel isaga dhigi lahaa
isla markaana uu ugu jeesan lahaa hoggaaminta
shacabka iyo dal in ka badan 15 sano ah ay ka jirtay
Dowlad la’aan isla markaana ay aad ugu baahday is
aamindarada ka dhex jirta kooxaha Soomaaliya.
“Mudane Madaxweyne waxaana rajayneynaa in aad
gaartay oo aadna nala garan doonto in dal aan lagu
hoggaamin karin fikir shaqsi, mid Qabiil iyo mid
kooxeed, sidaas darteed Dowladda Mareykanku waxay
kulula talineysaa in aad ku saleyso hoggaamintaada
mid qaran oo aad ka gudubto mid kooxeed ama mid
Qabiil isla markaana aad meel iska dhigto danaha
gaarka ah oo ah kuwii 15 sano kala dilay Soomaalida”
ayaa lagu yiri warqadda loo diray Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf.
Sidoo kale waxaa warqado la
gaarsiiyay todobo ka mid ah Wasiirada Dowladda
Federaalka kuwaas oo iyana lagu booriyay in ay
taageeraan heshiiskii Cadan, isla markaana ay
xushmeeyaan dhismaha Dowladda Federaalka, sidoo kale
waxaa warqad lagu sheegay ogeysiin loo diray
Guddoomiyaha Baarlamaanka taasoo lagula socodsiinayo
in ay jiraan warqado ay dowladda Mareykanku u dirtay
hoggaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya oo uu ugu
horeeyo C/llalahi Yuusuf, balse lama sheegin in
warqadda Guddoomiyaha loo diray lagu faray wax
mas’uuliyaad ah sida mas’uuliyiinta kale. Waa markii
ugu horeysay ee Dowladda Mareykanka ay si toos ah
uga hadasho xaaladda siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya
gaar ahaan wixii ka soo baxay shirkii dib u
heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo gebagabeeyay
wadanka Kenya.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 28, 2006
Xamaas oo
doorashooyinka ka dhacay Falastiin ku Guuleysatay
Ururka Xamaas ayaa cod
aqlibayad leh ku guuleystay doorashadii baarlamaaniga ee ka dhacay
Falastiin..
Guji..
Haamahii
Shidaalka Kismaayo oo dib loo hawlgaliyey
»C/llaahi
Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay Milass Zanaawi
»Suudaan
iyo Uganda oo mar kale ugu yaboohay ciidamo.
»Carruur
ku geeryootay qarax ka dhacay Caabud Waaq..
»Weerar
lagu soo qaaday Isbitaalka Daaru-Shifaa Muqdisho..
iyo Warar
GooGoos ah ka akhri halkan... Guji Jan 26
Cismaan
Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay
"Cismaan
Cilmi Boqore oo ka sheekeynaya sababihii uu Muqdisho uga tegay"
Guji....