Puntland iyo
Kuweyt Halkee Isaga Eeg yihiin.
Asad Cadaani
Ibraahim
e-mail:
asadlaska@hotmail.com
Laascaanood,
Soomaaliya
Dalka Kuweyt oo ah
dal ku yaala gacanka carbeed , laguna tilmaamo
dalalka aduunka ugu qanisan kaydka badroolka
aduunka 15% ay ku jiraan laguna qiyaaso 95
Bilyan oo foosto, ayaa labadii todobaad ee aynu
ka soo gudubnay waxaa ka socday jaahwareer
siyasaadeed ka dib markii uu geeriyoodey
amiirkii wadankaasi 15 bishan aynu ku jirno taas
oo ahayd muran siyaasadeed oo aan hore u soo
marin.
Markii uu
geeriyoodey amiirka dalka kuweyt 15 bishan
Shiikh Jaabir Al-axmed Jaabir A-sabaax ayaa
waxa markiiba lagu dhawaaqay in uu xilka
amiirnnimada dalkaasi la wareegay Dhaxal
sugihiisii Shiikh Sacad Al-cabdullah Saalumu A-sabaax,
hasa yeeshee waxa markiiba soo baxday in aanu
amiirka cusubi hawlaha dalka kala wadi Karin
caafimaadkiisa oo aad uliita awgii.
Waxaana markiiba
shir ay yeesheen reer Al-sabaax badankoodu
go’aan ku gaadheen in aanu amiirkan cusub xilka
sii wadi Karin, dalkuna ka maarmin xubin
firfrcoon oo caafimaad qabta in ay hogaanka u
qabto, waxaana markiiba ishu qabatay raysal
wasaaraha dalkaasi Shiikh Sabaax Al-axmed Al-jaabir
A-sabaax oo ay walaalo ahaayeen amiirkii hore ee
geeriyoodey.
In kastoo amiirkan
bukay qoyskiisa oo reer Saalim la yidhaahdaa
diideen in amiirka la casilo , iskuna dayeena in
uu golaha baarlamaanka ee dalka Kuweyt u
dhaariyo xilka, hadana arintaasi may dhicin ,
golaha baarlamaanka ee dalka Kuweyt waxay
dhamaantood isku raaceen in amiirka dalku Shiikh
Sacad Al-Cabdallah Saalumu A-sabaax buko ,
sidaasi daraadeedna xilka laga wareejiyo, sidaas
ayuu marka dalkii kuweyt amiir cusub oo
caafimaad qaba loogu caleema saaray kaas oo
noqday Shiikh Sabaax Alaxmed al-Jaabir A-sabaax,
markii golaha wasiiradu u magacaabeen.
Caafimaadku waa
wax ilaahay bixiyo, cudurkuna waa wax jira oo
waxaa la yidhaahdaa shaydaan baan bukoon,
qofkasta oo bani aadam ahi waa bukoodaa waana
caafimaadaa, waana qaddar eebe, qadartana in la
aamino ayaa waa jib ah oo waxa ku toosaya
iimaankaaga.
Haddaba Puntland
oo ah maamul goboleed faqiir ah oo Soomaaliya oo
aan xukuumad hana qaaday ka jirin ka dhex qotoma
iyo Kuweyt oo qofka muwaadinka u dhashay
sanadkii ay soo gasho 30kun oo dollar isaga
shabbahaan ama isaga eeg yihiin?.
Kuweyt markii la
ogaaday in hogaankii ugu sareeyey ee dalka hagi
lahaa buko isla markaana hawlihii dalka aanu
kala maarayn Karin, markiiba waxa laga gaadhay
go’aan labada dhinac ba dan ugu jirto , kaas oo
noqday in amirkii bukayna la nasiyo, amiir
caafimaad qabaana dalkii hogaamiyo.
Haddaba sida aynu
la socono tan iyo markii la doortay hogaanka
cusub ee puntland muddo haatan laga joogo sanad
iyo maalmo, marnaba socdaalka caafimaad ee
hogaanka puntland ma kala go’in , sanadkaasna in
ta uu madaxweyne Cadde dalka joogay waa tirsan
tahay.
Waxaana dhacda had
iyo jeer safarradaas dhaadheer ee caafimaad
raadinta in ay ka dhashaan loolan siyaasadeed
oo ka dhex aloosma xubnaha xukuumadda ee kala
fikirka ,aydolojiyada, iyo danaha kala duwan
xanbaarsan, taas oo shacabka had iyo jeer ka
dhiga kuwa dhibaato ka soo gaadho loolankaas.
Waxa kale oo ka
dhashay iyada oo ay hakad galaan go’aanadda deg
dega ah ee kala haggida hawlaha iyo danaha
shacabka iyo siyaasadda dawlad goboleed kuwaas
oo noqda kuwo had iyo jeer dib u dhac ku yimaado.
Waxaa iyana soo
baxaysay maalmahan ugu danbeeyey muran ku
saabsan sidii hawlaha qaarkood loo maareeyey
intii uu madaxweynaha puntland Safaradda
Caafimaadka ugu maqnaa dibadda, kuwaas oo u
dhexeeya hogaanka sare ee dawladda, waxyaalaha
laysku hayaana ay u badan yihiin dhinaca
dhaqaalaha iyo hawl socodsiinta.
Hogaanka puntland
laf tarkiisu ma mooga xilka weyn ee uu huwan
yahay, munaasabadii cidul Adxaa madaxweynaha
puntland waxa uu maagaalada Boosaaso fagaaraha
dadku ku tukanayeen khudbad uu halkaa ka
jeediyey ku sheegay , in muddooyinkan danbe uuba
hawlo caafimaad xilka intuu hayey ku dhamaystay,
loona baahan yahay in ay shacabka reer puntland
wax la qabtaan.
Amuuraha kale ee
iyaguna soo shaac baxaya ayaa waxa ay sheegayaan
in mar kale haddana dib loo dhigayo isku
shaandhayntii golaha wasiirada oo mudadii
sanadka ahayd dib loogu dhigay caafimaadka
hogaanka, hadana safar caafimaad jiro kaas oo
bishan dhamaadkeeda dalka jarmalka mar labaad
dib ugu noqonayo Hogaanku.
Dhacdooyinka sidan
oo kalena had iyo jeer waxa ka Faa’iideysta waa
musuqmaasuqa iyo kuwa had iyo jeer lunsada
hantida dadweynaha ,oo aan helin cid la
xisaabtanta, wax kasta dib loogu dhigo, waxaana
jirtay in golaha wakiiladu hore laba todobaad uu
u siiyey madaxweynaha , ayna mudo hore
dhamaadeen.
Sida haddaba ka
dhacday Kuweyt inkasta oo aanay jirin Hogaan ama
gole codsanaya in hogaanka la tayeeyo muxuu
amuurtan distoorka Puntland ka qabaa?.
Qodobka 56aad xil
luminta M/weynaha iyo ku xigeenkiisa ee
distoorka Puntland fiqradiisa koowaad waxa ay
lee dahay. “Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxa
xilka laga qaadi karaa markii golaha wakiiladu
ku oggolaado cod 2/3 meelood oo shaqsi ,sinnaan
,toos iyo qarsoodi ah markii lagu soo eedeeyo
khiyaamo qaran,xil gudasho la’aan,ku
xadgudubka distoorka iyo faldanbiyeed culus oo
xeer ilaaliyaha guud soo hordhigo golaha,
goluhuna ku qanco.
Inkasta oo
distoorka Puntland qabo qodobkiisa 55aad
fiqradiisa afraad “Hadii uu madaxweynuhu….,
xilka waayo ama iscasilo , xilkiisu waxa uu ku
wareegayaa madaxweyne ku xigeenka inta mudada ka
hadhay” haddana Puntland qiimo weyn u samayn
mayso qofka xilka qabanayaa kuudoonaba ha
ahaadee, waxa manta bulshada Puntland u haraadan
tahay Hogaan gudan kara xilkiisa, si aan
sannadaha hadhay inooga lumin ,waxaana haboon in
halka wasiiradda culayska laga saaryo loo baahan
yahay in hogaanka sare laga tashado sidii loo
tayey siin lahaa, waayo horaa loo yidhi haddii
qalbigu hagaago jidh intiisa kalena waa
hagaagaan.
Asad Caddaani
Ibraahim
Laascaanood
Somaliya
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 26, 2006
Khudbadii
Ciida ee Cade Muuse oo ay u Riyaaqeen Shacabka reer
Puntland
Hadaba marka wax ay
khaldamaan ayaa bulshada waxaa caado u’ah in la
eedeeyo masuulka markaas meesha ugu sareeya oo qura,
ee aan eeda xitaa lala wadaajin kuwa masuulkaas ka
hooseeya. Puntland oo awalba la daalaa dhacaysay
maamulxumo iyo cadaalad xumo baahsan sidii loo
dhisayba, ayaa shacabku waxay uhanqaltaagayeen
isbedel dhan walba leh inay arkaan kadib karkii uu
doorashadii ku guulaystay madaxweyne Cade Muuse
janaayo 8, 2005. Nasiib xumo ma dhicin in wax
isbedelaan sababo dhawr ah dartood.Tan hore mudane
Cade oo doorbiday intuu dawlad cusub uu soo dhisi
lahaa, bal inuu wakhti siiyo dawlada markaas jirtay
oo badidoodu ay wakhti yar oo kooban xilka hayeen
sidaa darteedna wuxuu codsatay inuu lix bilood ugu
daro wasiiradii hore si loo arko wax qabadkooda .
Guji