Beelaha Sacad iyo
Suleymaan oo heshiis ka kooban dhowr qodob ku gaarey Magaalada..
Maalintii
shalay ahayd ayaa hotelka Nabadda waxaa isugu yimid xubnaha labada Gole ee
ay ka soo kala jeedaan beelaha Sacad iyo Suleymaan, waxgarad, Culuma’udiin
iyo Nabadoono ka kala tirsan labadaasi beelood, waxaana halkaasi lagu kala
saxiixday heshiis ay goob joog ka ahaayeen beelaha kalae ee Soomaaliyeed,
waxaa ka mid ah heshiiskaasi in ciidamadii isku hor fadhiyay deegaanka Hobyo
la kala geeyo, Beesha Sacad waxay geyneysaa ciidankeeda Tuulada Wisil,
Beesha Suleymaanna waxay geyneysaa Qosoltira, Ciidankii isku hor fadhiyay
deegaanka Gelinsoor Beesha Sacad waxay gayneysaa Bandiiradley, Beesha
Suleymaana waxay gayneysaa degmada Cadaado.
Heshiiskaan
ayaa waxaa kor meeraya guddi ka madax-banaan labada beelood, wuxuuna
dhaqangeliyaa mudo todobo maalmood gudaheed ah, iyadoo mudo saddex bilood
gudahood ah la isugu imaan doono kulan guud oo dhex mara labadaasi beelood.
Wixii haatan
ka dambeeya wixii ka dhex dhaca waxay iskula laabanayaan shareecadda
Islaamka, iyadoo ciddii ku xadgudubtana la ganaaxi doono 10-Kun oo Doolar
wixii khasaaro ahna ay bixin doonto.
Meelaha la
kala geeyay ciidanka ciddii ku xadgudubta ama jabisa waxaa la ganaaxayaa
20-Kun oo Doolar, sidoo kale Tiknikadii ku xadgudubta Heshiiskaas waxaa la
ganaaxayaa Kun Doolar.
Shariif
Xasan Shiikh Aadan oo sheegay in uusan marnaba ka daali doonin
Guddoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa weli wada kulamadii uu la
yeelanayay Wasiirada ka biyo diidsan shirkii Cadan ay ku yeesheen isaga iyo
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed, waxa uuna
Guddoomiyuhu wadaa sidii uu wasiiradaasi uga dhaadhicin lahaa in ay qaataan
heshiiskaasi oo uu sheegay in ay dan weyn ugu fadhido shacabka Soomaaliyeed
oo u baahan dowladnimo iyo kala dambeyn. Kulankii ugu horeeyay ee uu
Guddoomiyuhu la yeesho Wasiirada hubeysan ayaa noqday mid aan miro dhal
ahayn kaddib markii wasiirada qaarkood ay Guddoomiyaha u sheegeen in
heshiiskii uu la galay C/llaahi Yuusuf uu ahaa mid aysan ka warqabin loona
baahnaa in Guddoomiyuhu heshiiskaasi uu u dad badsado si loo gaaro xaqiiqada
dhabta ah. Maanta ayaa la filayaa in Guddoomiyaha uu xarumahooda ugu tago
Wasiirada hubeysan si uu uga dhaadhicyo heshiiskaasi. Guddoomiyaha keligii
kuma ahan ka dhaadhicinta heshiiskii Cadan ee waxaa ku wehliya siyaasiyiin
kale oo Soomaaliyeed. Guddoomiyaha waxaa gabaabsi ku sii aha waqtigii uu
iclaamiyay oo ahaa in mudo sodon maalmood ah in kulan la isugu keeno Golaha
Baarlamaanka oo ka koobana 275 xildhibaan. Guddoomiyaha mar la wareystay
waxna laga weydiiyay in haddii xubnaha Wasiirada ay diidaan heshiiskaasi
waxa uu sameyn doono waxa uu yiri “ka daali maayo arrintaasi, waxaana la
rajeynayaan in Wasiiradaasi ay aqbalaan heshiiskii Cadan”. Guddoomiyaha
Baarlamaanka waxaa kalloo maanta uu la kulmo doonaan xildhibaanada
Baarlamaanka oo uu horey taageero uga helay heshiiskii Cadan ay ku yeesheen
isaga iyo madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Xildhibaan
Max’uud Barre oo ka hadlay halka ku haboon in lagu qabto..
Xildhibaan
Maxamuud Barre Xuseen oo ka mid ah xildhibaanada ku sugan Magaalada Muqdisho
ayaa ka hadlay halka lagu qaban doono Shirka dib u heshiisiinta xubnaha
labada Gole ee Dowladda, hubka dhawaan soo gaaray Magaalada Jowhar iyo
abaaraha ka jira dalka guud ahaan.
Xildhibaan
Maxamuud Barre isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yiri “dalka Soomaaliya
lamaga weyn karo meel lagu qabto shirka dib u heshiisiinta Dowladda, wax
kastana waxay ku xiran yihiin go’aanka Baarlamaanka, inakstoo hadda ka hor
la timaamay halkii lagu qaban lahaa sida Magaalada Kismaayo ama Muqdisho,
waxaase maalmahan Magaalada Kismaayo ka jiray dagaalo, haddana anigu waxaana
is leeyahay Magaalad Kismaayo waa meesha keliya ee aan is leeyahay in lagu
qaban karo shirka”.
Mar uu ka
hadlaayay hubka dhawaan soo gaaray Gobalka Sh/hoose gaar ahaan Magaalada
Jowhar ayaa waxa uu yiri “wax dhabarjab ah oo uu u keeni karo ma jiro
hubkaasi heshiiska labada labada Gole, sababtoo ah Dowladda Itoobiya mar
kasta ayay ku soo xadgudubi jirtay Soomaaliya loogamana baran wax dan u aha
Ummadda Soomaaliyeed”.
Xildhibaanku
waxaa kalloo sheegay in abaaraha ka jira dalka ay haatan dhibaato ba’an ku
hayaan Xoolaha iyo dadka ku nool Gobalada Dalka, waxa uuna sheegay in haddii
dadkaasi gurmad lala gaari tago aysan suuragal noqon Karin maadaama ayuu
yiri ay ka soo horeeyaan dad caado qaatayaal ah oo dhac u gaysanaya deeqda
dadkaasi tabaaleysan loogu talagalay, sidaas darteedna loo baahan yahay in
marka hore wax laga qabto burcaddaas caddeysatay falalka noocaas ah.
Dowladda Yemen oo la
filayo in ay ergay u soo dirto wasiirada ka biyo diidsan..
Dowladda
Yemen oo iyadu gacan ka gaysatay heshiiskii dhex maray Madaxweynaha Dowladda
Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa warar
aanu ka helnay Cadan waxay sheegayaan in Dowladda Yemen ay qorsheyneyso in
ay ergay u soo dirto Wasiirada hubeysan eek u sugan Magaalada Muqdisho
haddii ay diidaan heshiiskii dhex maray Guddoomiyaha iyo Madaxwey-naha
Dowladda Federaalka iyadoo Dowladda Yemen ay dooneyso in mirodhal uu noqdo
heshiiskaasi.
Warar ayaa
waxay sheegayaan in laga yaabo n Dowladad Yemen ay wadankeeda ku martiqaado
wasiirada hubeysan ee aan ku qanacsaneyn heshiiskii Yemen.
Qaar ka mid
ah Wasiirada hubeysan ayaa iyagu ku doodaya in Dowladda Yemen aysan dhex
dhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan ishaysigii u dhexeeyay
xubnaha Dowladda kaddib markii ay kal hore Xubanaha Dowladda ee ku sugan
Jowhar ay soo siisay hub iyo saanad lagana soo dejiyay Boosaaso.
W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com