Kulan
London ku dhexmaray Saxafiyiin iyo Xubno ka socday Jaaliyadaha.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali,
London.
20.1.2006.
Waxaa Shalay lagu qabtay
shir magalaada London ee xarunta dalka Britain , shirkaasi ayaa waxaa kasoo
qeybgalay qaar kamid ah Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain
iyo xubno iyaguna ka socday madaxda Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee London.
Shirkaasi oo ay si wada
jir ah usoo qaban qaabiyeen Suxufiyiintaasi iyo madaxda Jaaliyada ayaa waxaa
looga dooday qodobo muhiim ah oo khuseynayay kaalinta Saaxafada iyo Bulshada Soomaaliyeed
ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska waxayna labada dhinac hootsa ka xariiqeen
baahida saaxafadeed ee ay qabto bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan
magaaladan London iyo guud ahaan dalka Britain. iyo sidoo kale muhiimadda in
Saxaafadda dalkan ay xiriir saxafiyiintu kala sameeyaan arimaha khuseeya
Soomaalida.
Sidoo kale waxaa ay
labada dhinac iswaydaarsadeen fikrado la xiriiran sidii loo heli lahaa adeeg
warbaahineed oo kubaxa afka Soomaaliga iyadoo lala kaashanayo dadka xirfadda
u leh howlahaasi si bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London iyo
magaalooyinka kale ee Britain looga wacyi galiyo guud ahaan arrimaha quseeya
nolasha iyo sharciyadda dalka ay ku nool-yihiiin.
Sidoo kale waxaa ay
labada dhinac is dhaafsadeen warbixno la xiriira saameynta ay Bulshada
Soomaaliyeed ku yeesheen dalkan iyo sida iyadoo in badan oo ka mid ah
Soomaalida ku dhaqan dalkan la qiray inaysan si fiican aqoon ugu laheyn
sharciyada iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee ay leeyihiin.
waxaa laga hadlay in
Soomaali badan oo haysata dhalashada dalkan ay ka gaabiyeen inay ka
qeybqaataan doorashooyinka iyo arrimaha siyaasada ee dalkan si ay cod la
maqli karo ugu yeeshaan dalka ay ku dhaqanyihiin.
Dhanka kale shirka waxaa
looga wada hadlay in qaar ka mid ah saaxafadda Britain ay muuqaal aan
wanaagsanayn ka bixiso sumacada mujtamaca Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaan
sida wixii ka danbeeyay Qaraxyadii London ee 7 July iyo 27 july 2005 kadib
markii qaar kamid ah dadka lagu eedeeyay qaraxyadaasi oo Soomaali lagu
sheegay ay Jaaliyaduhu ka gaabiyeen in ay ka hadlaan waxyaabaha jira..
Haddaba si arrimahaas
iyo kuwo kale oo badan loola tacaalo ayaa waxaa shirkan shalay la isku
afgartay baahida loo qabo in laga miradhaliyo fikiradahaasi iyadoo ammaan
gaar ahna loo jeediyey xubnihiii soo qabqaabiyey Shirka oo mar kale dhici
doona bartamaha bisha February ee sanadkan.

Sawirka Wariyayaasha ku sugnaa shirkii Shalay , Dhanka Midig: Ridwaan Xaaji
Cabdiwali, Chris Haydon,Cabdisalaam Guuleed,Cabdixakiin Axmed
Guuleed,Cabdishakuur Cali Mire,Haaruun Macruuf, ilyaas Cumar Axmed,
Cabdirisaaq Cilmi Socoto iyo Cabdiqaadir Guutaale.( Waxaa Cudur daar ku
maqnaa Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Cawil Daahir salaad).


Sawirkan waxaa ku wada jira
Wariyayaashii shirka joogay iyo Xubno ka socday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee
Dalkan Britain.
Wixii afkaartiin ah ku
hagaajiya Emailka Wariyaha Ridwaan Haji.
ridwanhaji@yahoo.com