Ururka
dhalinyara YDA ee fadhigisu yahay magaalada Kismayo oo shahaadooyin
gudoosiyay 40 arday
Xaflad balaaran oo shahaadooyin lagu
gudoosiinayo 40 arday oo ka qalin jabisay barashada xisaabaadka iyo
computerka iyo waliba luuqada englishka ayaa Khamiistii (Jan 19) waxaa
shahaadooyin gudosiiyay ururka dhallinyara ee marka magaciisa la soo gaabsho
loo yaqaano Y.D.A ee fadhigiisu yahay magaalada Kismayo.
 |
 |
Xafladaan shahaadada lagu gudoosinayay 40
arday ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan
maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba, ururada bulshada gaar ahaan ururka
haweenka iyo masuuliyiin kale oo ka socotay heyada maxaliga ah ee AFRIKE
ayadoo masuuliyiintii halkaas isugu timid ay aad ugu hanbalyeeyen ururka
dhalinyarada Y.D.A ee suuro galiyay in ay 40 arday ee isugu jira rag iyo
dumar ay ka qalin jabiyaan maadooyinka aan kor ku soo sheegnay waliba
ayadoon ardaydaas aanan laga qaadin wax lacag ah oo ay ku dhigaynayeen
si mutadawacnimo ah taasoo ay ku sheegeen masuuliyiintii halkaas isugu timid
guul u soo hoyatay shacabka reer kismayo ayadoo masuuliyiinta sidoo kale ku
sheegeen ardaydaan shahaadada la gudoosiiyay kuwo u qalma lagana doonayo in
ay wax qabad mujiyaan .
Intii ay xafladaas socotay ayaa waxaa
halkaas khudbado kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiin kala duwan oo uu ugu
horeeyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka Isbahaysiga Dooxada Jubba
Cabdi Raxmaan xaaji Axmed Waldiire iyo waliba gudoomiyaha ururka haweenka
marwo Xaawo ugaas Faarax ayagoo dhamaanba ardayda iyo macaliminta ururka
Y.D.A ku amaanay waqtiga iyo wanaaga ay wada wadaageen waxaa sidoo kale
halkaas khudbad ka soo jediyay gudoomiyha ururka Y.D.A Cabdi Naasir Axmed
Aadan isagoo sheegay in uu ururkoodu uu damacsanyahay hirgalinta course-
yooyin kale oo loogu faa,iideynayo bulshada reer kismayo ayadoo ugu
danbeyntii xafladaas ay ku soo gabagabowday jawi aad u heer sareeya ayana
farxadi ku dheehantahay.
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Madaxweynaha DFKMG oo Transit Ku Maray magaalada
Boosaaso Isagoo kusii Jeeda Jowhar...
SomaliTalk.com | Boosaaso
Madaxweynaha DFKG Soomaaliyeed Col:
Cabdulaahi Yuusuf ayaa Khamiistii (Jan 19) Garoonka Diyaaradaha Magaalada
Booosaaso Taraansid. Madaxweynaha oo ay ku soo Dhaweeyeen Garoonka Madax
kala Duwan ayaa waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska DGPL Yuusuf
Xaaji Khayr, Gudoomiyaha G/Bari Muuse Geele (Faroole) iyo Duqa Magaalada
Boosaaso, Waxaa Madaxdii Golaha Xukuumada DGPL ka Joogay Wasiiru Dowlaha
Amniga DGPL Seefta Banaanka iyo Wasiiro ka socda DFKG Soomaaliyeed.
Madaxweynaha
ayaa Safarkiisa waxaa ku weheliyay madax ka tirsan DFKG Soomaaliya iyo
Afdiisa, Madaxweynaha oo Saxafada u waramaayay ayaa u sheegay in uu ku sii
socdo Magaalada Jowhar oo ah Xarunta Kumeelgaara ah ee Dowlada FKG
Soomaliyeed ay ku shaqeyso, Madaweynaha ayaa ka hadlay mar uu Booqasho ku
tagay Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso in Horumar ay tahay
uu soo saa'idiyay Madaxweynaha DGPL Gen: Cade Muuse uuna ugu hambalyaynayo
lakiin Dadka ayuu u sheegay in ay la shaqeeyaan oo ay ka hor imaan si loo
gaaro Guusha Horumarkaas.
Madaxweynaha DFKG Soomaaliya Col:
Cabdulaahi Yuusuf ayaa ka waramay safarkiisa uu ku tagat Dalalka Carabta iyo
Afrika in ay ku soo Dhamaadeen Guulo ayna ka filayaan Guulo.
###
Xaflad
Dhiirigelin ah oo loo qabtey ardeyda Dusiga Indhoolyaasha ee Al- Nuur
Xalad si heer
sare ah loo soo agaasimey ayaa lagu qabtey Xarunta Dusiga Indhoolayaasha ee
Al-Nuur ee Magaalada Muqdisho waxayna Xafladaas ku saabsaneyd gabagabada
wejigii hore Imtixaanaadka oo socdey muddo Lix bilood ah , waxaa ka qayb
galey Mas’uuliyiin, Madaxda Dugsiga.
Waalidiinta iyo ardeyda
wax ka barata Dugsiga oo gaarayey ilaa labaatan ardey
iskuna jira Gabdho iyo wiilal waxaana ugu horeyntii
halkaa ka Hadley Macalin Maxamed oo sheegey in ardey
waxa ka barata Dusiga ay wax barashadooda ay aad u
wanaagsan tahay ayna wax soo baranayeen muddo lix
bilood ah iyagoo wax ku baranayey Farta Indhoolayaasha
ay wax ku bartaan ee Breilla , waxa kale uu sheegay in
ardeyda wax loo barayo sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen
ardeyda kale asaagooda ah ee wax ka barta Dugsiyada
caadiga ah
Intii ay
xaflada socotey ayaa ardeyda wax ka barata Dugsiga Al-Nuur soo bandhigeen
Riwaayad loogu magacdarey “ Xaq bey indhoolyaasha u leeyihiin in wax la
baro si ay wax ula qaybsadaan dadka kale “ waxaana Riwaayadaas soo alifey
mid ka mid ah ardeyda wax ka barata dugsigaas oo lagu magacaabo Cabdi
Raxmaan Maxamed Xaashi , waxaa kaloo xaladaas ka Hadley Fardowsa Cabdi Ciise
oo ku hadleysey magaca ardeyda waxaynaa sheegtey in shacabka soomaaliyeed
looga baahan yahay in ay gacan siiyaan dadka indhoolayasha ah oo aan la
takoorin mar ay ka hadleysey Dareenkeeda maanta iyo markii ay guriga iska
joogtey waxay tiri ‘ Aad bey u kala duwan tahay waayo maanta waxaan ogaadey
in aan wax baran karo oo aan wax la qaybsan karo dadka igu filka ah “
waxaa kale oo ka Hadley
Cismaan Cilmi Cabdi Raxmaaan oo ku hadlayey magaca
Waalidiinta wuxuuna ugu hareyntii u mahadceliyey intii
isku soo dubaridey dugsigaas , wuxuu kaloo sheegay in
loo baahan yahay in bulshadu garab istaagaan kuwa aas -aasey
Dugsiga oo uu sheegay in ay qabteen howl muhIIm ah
maadaama ay wax barayaan caruur indhoolayaal ah
xafladaas waxaa
kaloo ka hadley Saciid Muxamuud Xuseen ( Saciid Indhoole ) oo ka yimid
Cariga Ingiriiska wuxuuna u mahadceliyey intii aas –aastey Dugsiga gaar
ahaan wuxuu u mahad celiyey Maamulaha Dugsiga Cabdiraxmaan Maxamed Faarax (Luunge
) oo uu sheegay intii uu wax bartey uu uga faaideynayo walaalihiisa kale ee
waayey waxbarashada gaar ahaan kuwa indhaha la’ wuxuu kaloo sheegay in
qaybaha kala duwan ee bulshada looga baahan yahay in ay hiil iyo hooba
siiyaan caruurta indhoolayaasha ee ku jirta Dugsiga Al-Nuur Maadaama waxa
wax la barayo ay yihiin caruur indhoolayaal ah oo loo doonayo imustqbalka
Ifaya iyo isku filnaan dhinac walba
sidoo kale
waxaa xafladaas ka Hadley Maamulaha Dusiga Al- Nuur Cabdiraxmaaan Maxamed
Faarax (lLuunge ) wuxuuna si qota dheer uga hadlay sababihii loo aas aasey
Dugsiga wuxuuna sheegey in ay doonayaan in ay wax baraan Caruurta
Indhoolyaasha ah si ay u helaan nolol iyo mustaqbal wanaagsan wuxuu kaloo
sheegay in ujeedada ay u qabteen xafladaan ay tahay sidii ay ugu dhiirigelin
lahaayeen waxbarashada caruurta dhigata dugsiga , wuxuu u soo jeediyey
waalidiinta in ay markasta la socdaan heerka waxbarasho ee caruurtooda ,
wuxuu u mahadcliyey intii gacanta ku siisey furida dugsiga wuxuuna si gaar
ah ugu mahadceliyey Shirkadaha isgaarsiinta ganacsatada
wuxuu si gaar
aha ugu mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada
Brinmingham oo uu sheegay in laa’antooda ay furi lahayn Dusiga
gabagabdii
xafladaas ayaa abaalmarin lagu gudoonsiiyey ardeydii kaalimaha hore galey
iyadoo labada fasal ee uu dugsiga ka kooban yahay min laba ardey ay galeen
kaalimaha haddi aan soo qaadano fasalka (A) waxaa kaalinta 1 aad galey
Sowda Shiikh Cali kaalinta 2aad waxaa galey Ifraax Maxamed Aadan
sidoo kale
fasalka B waxaa kaalinta 1 aad galey Ifraax Axmed Maxamed kaalinta 2aad
waxaa galey Shukri Axmed Maxamed
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 20, 2006