Barnaamijkii Radio Xoriyo
17
January 2006
Shir ay
madaxda JWXO gudaha ku yeesheen.
Dagaallo
cadowga Itoobiya lagu naafeeyay.
Shirar
Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Kenya iyo Jarmalka.
Aragtida
Halgamaaga(Khayaanada Wayaanaha &
Kaalinta Odayaasha).
Gabay Cusub
& Roda Afjano(Dhalinyaro) Maqal.
======================
Intii u
dhaxayasay 1 - 8 Janwari 2006 waxaa gudaha Ogaadeenya shir ku yeeshay
madaxda qaybaha kala duwan ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo
masuuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee Jabhadda. Shirkaas waxaa lagaga
hadlayay arrimaha ay ka midka yihiin "Qiimaynta halganka gobonimadoonka
Ogaadeenya sannadkii tagay; Iyo qorshaynta sidii loo hirgalin lahaa
istiraatijiyada Jabhadda ee mustaqbalka dhow". Wuxuu Shirkaasi ku
dhamaaday guul iyo iyadoo ujeedadii laga lahaa si fiican looga gaadhay.
Markii la
qiimeeyay halganka sannadkii la soo dhaafay waxaa la isla qiray in guulo
badan laga gaadhay dhinaca dagaalka hubaysan, dhinaca abaabulka
dadwaynaha iyo dhinaca siyaasaddaba. Waxaa la qiray in shacabkii
Ogaadeenya uu si aan kala hadh lahayn hiil iyo hooba isula garab
istaagay JWXO.
Waxaa guulaha
la gaadhay ka mid ah in dabaqoodhigii hubaysnaa ee gidaarka u ahaa
askarta cadowgu gabi ahaanba burburay oo maanta aanuu Ogaadeenya ka
jirin ciidan hubaysan oon ka ahayn midka gumeysatada Itoobiya, taasoo
keentay in ciidankii cadowga Itoobiya jahawareer ku dhaco oo ay la soo
darseen xaaladaha ay ka midka yihiin goosasho, amar-diido iyo inuu
is-laayo. Shirku wuxuu sidoo kale aad u soo dhoweeyay dadaalka faraha
badan ee geesinimadu ku dheehan tahay ee Jaaliyadaha Ogaadeenya ee dalka
dibaddiisa ka wadaan.
Ciidanka
gumaysiga Itoobiya markii lagaga guulaystay goobaha dagaalka wuxuu ku
gaydhaday dadweynaha Ogaadeenya ee rayadka ah, wuxuuna billaabay inuu
magaalooyinka gubo, dadka iyo maxaabiistana laayo.
Waxaa kaloo la
isla tilmaamay sida uu cadowgu isugu dayay inuu dadka shacabka ah gaar
ahaan dhalinyarada qasab ku taxaabo, si uu ugu adeegsado dagaalka
gar-darraysiga ah ee uu doonayo inuu ku qaado dalka Eriteriya, hase
yeeshee waxaa arrin lagu farxo ah in dadwaynuhu ay si toos ah uga soo
horjeedsadaan isku dayga cadowga, isla markaana ay fashilyaan
siyaasaddiisii xasuuqa la xidhiidhay.
Waxaa kaloo
qiimayntii la qiray inuusan jirin maamul wax lagu tilmaami karo oo
Ogaadeenya ka jira oo aan ka ahayn koox yar oo la qawlaysata madaxda
Wayaanaha, kuwaasoo magaalada Jigjiga Wayaanaha kula qaybsada waxay ku
tilmaamaan baajadkii Kililka.
Dagaallo
cadowga Itoobiya lagu naafeeyay.
Dagaallo badan
oo dhexmaray ciidanka gumeysiga Itoobiya iyo cidanka waddaniga xoreynta
Ogaadeenya CWXO waxaa si wayn loogu naafeeyay ciidammada kar-karka ah ee
gumaysiga Itoobiya, waxaana dagaalladaas ka mid ah:
-25/12/05
La-helow oo ka tirsan gobolka Doollo dagaal ka dhacay waxaa cadowga
lagaga dilay 4 askari, 6 waa lagaga dhaawacay.
-26/12/05
dagaal ka dhacay Carrabley oo iyana gobolka Doollo ka tirsan waxaa
ciidanka Wayaanaha lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
-24/12/05
Awsharif oo magaalada Baabilli u dhow dagaal ka dhacay waxaa cadowga
Wayaanaha lagaga dilay 15 askari, 20 kalana waa lagaga dhaawacay.
-01/01/06
Dameer-Jiif oo Garbo u dhow dagaal ka dhacay waxaa ciidanka gumaysiga
lagaga dilay 6 askari, 8n kalaa waa lagaga dhaawacay.
-06/01/06 Karin
Bilcile oo 15 km u jira magaalada Qabridaharre waxaa cadowga lagaga
gubay Baabuur wayn, waxaana kaga dhintay 25 askari.
- 06/01/06
Yoocaale oo Garbo u dhow dagaal ka dhacay waxaa cadowga Itoobiya lagaga
dilay 3 askari, 5 waa lagaga dhaawacay.
-07/01/06
meesha lagu magacaabo Maygaaga, oo Waylo-lagu-xidh 5 km u jirta, dagaal
ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 7 askari, 10 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Wariyaha RX uga
soo warrama gobollada dhexe ee Ogaadeenya ayaa sheegaya inay jiraan
dagaallo kale oo dhxe-maray ciidanka waddaniga xoreynta Ogaadeenya iyo
kuwa cadowga Itoobiya, kuwaasoo meelo kala duwan oo Ogaadeenya ak mid ah
ka dhacay, hase yeeshee aan faahfaahintooda wali al helin. Wariyuhu
wuxuu kaloo sheegay inay jiraan dadwayne rayad ah oo dhawr degmo oo kala
duwan lagu xidhxidhay.
Shirar
Ogaadeenya ku saabsan oo ka dhacay Kenya iyo Jarmalka.
Maalintii
axadda ahayd ee taarikhdu ku aaddanayd 15/01/2006 waxaa lagu qabtay
magalada Nairobi ee dalka Kenya shir ballaadhan oo lagaga arrinsanayay
sidii loo xoojin lahaa taageerada loo fidiyo halganka hubaysan ee JWXO
horseedka ka tahay ee ka socda dalka Ogaadeenya.
Shirkan waxaa
soo qabanqaabiyay gabdhaha reer Ogaadeenya ee ku dhaqan magaalada
Nairobi, waxaa lagu go’aamiyay in la labanlaabo taageeradii loo fidin
jiray halganka, isla markaana hiil iyo booba lala garab istaago
ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee naftooda u huray ciiddooda qaaliga ah
iyo siyaasada gumaysi diidka ah ee JWXO qaadatay.
Sidoo kale
markii ay taariikhdu ahayd 14/01/06 waxaan magaalada Offenbach oo ku
taalla duleedka magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka lagu qabtay xaflad
wayn oo lagu maamuusayay Ciidda Carrafo, taasoo ay soo diyaarisay
Jaaliyadda Ogaadeenya ee dalka Jarmalka. Xafladdaa waxaa loogu talagalay
in carruurta reer Ogaadeenya ay isku bartaan, isla markaana wax looga
sheego taariikhda dalkooda iyo dadkooda.
Goobta Xafladda,
oo ay isugu yimaadeen dad ay tiradoodu ka badan 200 oo Qof, oo isugu
jiray dad waawayn iyo carruur, waxaa lagu daawaday cajalad cusub oo DVD
ah oo laga soo duubay gudaha Ogaadeenya iyo qaar ka mid ah dadwaynaha
Soomaalida Ogaadeenya eek u sugan dalalka Ogaadeenya deriska la ah.
Xafladdaas
waxaa hadallo warbixin iyo wacyi-galin isugu jira ka soo jeediyay
madaxda hooggaanka dhaqaalaha ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya,
oo ka warbixiyay meesha uu marayo halganka Ogaadeenya iyo guulaha
waawayn ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ay ka soo dheelmeen goobaha
dagaalka. Wuxuu sidoo kale ka warbixiyay xaaladda Itoobiya iyo burburka
ku soo food-leh xukuumadda gumaysiga Itoobiya.
Waxaa sidoo
kale xafladdaas warbixin dheer ka soo jeediyay xubin ka mid ah
Jaaliyadda Ogaadeenya oo dhawaan ka soo laabtay socdaal uu ku soo maray
qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika iyo waddanka Yeman, kaasoo si wayn
uga warramay dhibaatada haysata qoxootiga soomaaliyeed, gaar ahaan
qoxootiga Soomaalida Ogaadeenya, ee ku suga xeryaha qoxootiga ee dalalka
Jabuuti iyo Yeman.
Radio
Xoriyo
17
January 2006.
Axmed Gaal-Eri
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu
yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada
Bari
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan