WARARKII JAN 18, 2006
-
Muuse Suudi, Max’ed
Qanyare iyo Cismaan Caato oo aad u.doonaya in kulanka
.
-
Shariif Xasan
“Heshiiskii Cadan cid lagu waxyeeleynayo majirto...
-
Maamulka Max’ed
Dheere oo beeniyay in Gawaari. uu leeyeyay u direy Itoobiya si ay .
-
Raashin ay lahayd
Hay’adda WFP oo lagu bililiqeystey magaalada..
-
Waxgarad ka tirsan
beesha uu ka soo jeedo Col Cabdi cigaal oo u kala dabqaadayo....
-
Warbixin Xaalada
Guud ee Magaalada Kismaayo
Muuse Suudi, Max’ed
Qanyare iyo Cismaan Caato oo aad u.doonaya in kulanka
.
Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow,
Wasiirka Amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax iyo Wasiirka howlaha guud iyo
guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato oo iyagu si shaki ku jiro u soo dhaweeyay
heshiiskii Cadan ay ku yesheen madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Gudoomiye
Shariif Xasan Shiikh waxaana la sheegay in si aad ah u daneynayaa in kulanka
ugu horeeya ee Golaha Baarlamaanka uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, iyagoo
sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimaddii Soomaaliya, isla markaana
laga heli karo wixii tasiilaad ah ee lagu qaban karo kulankaasi, maanta ayaa
la filayaa in saddexda Wasiir ee hubeysan ay kulan la yeeshaan Gudoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan si uu ugu faahfaahiyo qodobaddii
heshiiskii Cadan. Inkastoo Magaalooyin fara badan ay aad u doonayaan in
martigeliyaan kulanka ugu horeeya ee Baarlamaanka ayaa waxaa haatan ugu cad
cad Magaalada Baydhabo, iyadoo dhawaan xiriir hoose uu dhex maray
Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Xildhibaan Max’ed Ibraahim
Xaabsade, mar la wareystay Xaabsadena waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin
in kulanka ugu horeeya uu ka dhaco Magaalada Baydhabo. Ragga u dhuun daloola
Siyiaasadda ayaa waxa ay sheegeen in C/llaahi Yuusuf uu aqbali doono halka
uu soo jeediyo Guddoomiyaha Baarlamaanka xitaa Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa hor yaala howl culus iyadoo ay ka harsan
tahay sodonkii maalmood ee loo qabatay in kulankaasi lagu qabato
18-maalmood.
Shariif Xasan
“Heshiiskii Cadan cid lagu waxyeeleynayo majirto...
Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ah Guddoomiyaha
Baarlamaanka ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho
waxaana soo dhaweyntiisa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo
xubnaha labada Gole ee Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan hogaamiyaasha
hubeysan ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha mar uu la hadlayay Saxaafadda
waxa uu sheegay in xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho looga baahan
yahay in ay si wanaagsan u soo dhaweeyaan heshiiskaasi oo uu sheegay in uu
yahay mid Ummadda Soomaali-yeed soo celinaya sharafteedii iyo dadnimadeedii.
“Cid lagu dhibaateynayo heshiiskii Cadan ma
jirto, waa in aan si wadajir ah u soo dhaweynaa heshiiskaasi” ayuu yiri
Shariif Xasan oo sheegay in ciddii uu mugdi uga jiro heshiiska loo
faahfaahin doono, wuxuuna intaasi sii raaciyay “waqtigu aad buu noogu yar
yahay ee waa in aan u shaqeynaa ummadda Soomaaliyeed oo u baahan dowlad”.
Guddoomiyaha ayaa intii uu san ka soo
amababaxin Magaalada Nairobi waxa uu kulan la yeeshay Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxayna isku afgarteen in si
ficil ah loo fuliyo heshiiskaasi.
Maamulka Max’ed Dheere
oo beeniyay in Gawaari. uu leeyeyay u direy Itoobiya si ay .
Maamulka Max’ed Dheere ee ka taliya Magaalada
Jowhar ayaa si kulul u beeniyay in Gawaari iyo Tikniko ka tirsan maamulkaasi
ay u gudbiyeen dhinaca dalka Itoobiya si ay halkaasi uga soo qaadaan hub iyo
rasaas oo la sheegay in Dowladda Itoobiya ugu deeqday maamulkaasi, wuxuuna
maamulku warkaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn.
“Wax kasta oo la doonayo in la
faahfaahiyo waa in xaqiiqda lagu saleeyaa ee maahan in wixii la doono la
iska sheeko” ayuu yiri Maamulka oo sheegay in iyadoo lagu jiro dib u heshiin
guud aysan habooneyn in la yiraahdo hub ayaa laga doonay dal kale.
Ma ahan markii ugu horeysay oo
maamulka Max’ed Dheere uu beeniyo hub laga keenay dalka Itoobiya, bishii
Juun ayay ahayd markii Gawaari xamuul ah oo ay saarnaayeen hub iyo rasaas ay
soo gaaraan Magaalada Jowhar, waxaana arrintaasi si aad ah uga carooday
xubnaha Dowladda ee u sugan Magaalada Muqdisho oo sheegay in Dowladda
Itoobiya aysan rabin in Soomaaliya ay nabad kal dhalato.
12-Gaari oo isugu jira kuwo
waaweyn iyo kuwo Tikniko ah ayaa la sheegay in ay ka gudbeen xuduudda
Gobalka Hiiraan uu la leeyahay dalka Itoobiya.
Guddoomiya
Baarla-maanka oo maanta.kulan la qaadanayo xubnaha...
Iyadoo maalmo
kooban ay ka harsan tahay waqtigii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan in mudo 30 maalmood gudahood ah ay
kulan isugu yimaadaan dhamaan xubnaha Baarlamaanka, ayaa waxaa maalintii
shalay ahayd Magaalada Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasna Shiikh Aadan, waxaana la filayaa in uu maanta warbixin siiyo isla
markaana uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo heshiiskii Cadan ay ku wada
yeeshee isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Kulankaan oo lagu
wado in uu ka dhaco Hotel Saxafi ayaa waxaa la filayaa in ay dhamaan ka soo
qaybgalaan xubnaha labada Gole ayna ku jiraan Wasiirada hubeysan ee Dowladda
Federaalka oo shalay iyagu si weyn u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa
waxa uu ugu baaqay xubnaha labada Gole ee Muqdisho markii uu shalay gaaray
in ay ku taageeraan heshiiskaasi oo ah mid shacabka Soomaaliyeed faa’iido
weyn ugu fadhiya.
Raashin ay lahayd
Hay’adda WFP oo lagu bililiqeystey magaalada..
Wararka ka imaanaya
Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in raashin mucaawino ah oo ay lahayd
Hay’adda WFP kuna xareysnaa baqaar ku yaala Magaalada Baydhabo ayaa bililiqo
xoog leh loogu gaystay, waxaana bililiqadaani gaystay kooxo maleeshiyo ah oo
ku sugan Magaalad Baydhabo.
Ilaa iyo hadda lama
garanayo sababihii loo bililiqaysay raashinkaasi oo Hay’ada WFP ugu
talagashay dadka waxyeeladu ka soo gaartay abaarta iyo biyo la’aanta.
Suuqa Magaalada
Baydhabo ayaa shalay si weyn looga dareemayay raashinkaasi oo isagu si aad
ah u jebiyay sicirkii raashinkii kale ee suuqaasi.
Mas’uuliyiinta
Hay’adda WFP ee ku sunga Magaalada Baydhabo ayaa si aad ah uga xumaaday
bililiqadaasi, kuna tilmaamay mid wiiqeysa sidii gurmad loogu sameyn lahaa
dadku abaaruhu dhibaateeyeen, waxayna ka codsadeen maamulka halkaasi ka
taliya in uu gacan ka gaysto sidii si nabadgelyo ah raashinka WFP u gaari
lahaa dadka abaaruhu ay waxyeeleeyeen.
Waxgarad ka tirsan
beesha uu ka soo jeedo Col Cabdi cigaal oo u kala dabqaadayo....
Wararka ka imaanaya
Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in waxgarad uu ka soo jeedo Col. Cabdi
Cigaal ay u kala dabqaadayaan isaga iyo Barre Hiiraale, kaddib markii
labadii maalmood ee la soo dhaaftay uu dagaal culus ku dhex maray Magaalada
Kismaayo, dagaalkaas oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan.
Cabdi Cigaal oo
haatan ku sugan Meel duleedka ka ah Magaalada Kismaayo ayaa waxaa shalay u
tagay waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beeshiisa, waxa uuna aqbalay in wixii
khilaaf ah lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarad.
Maanta ayaa la
filayaa in waxgardkaasi iyana ay kulan la yeeshaan Wasiirka Dib u dhiska iyo
Dib u dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), waxaana la filayaa in
labadoodub ay aqabalaan heshiiska ay wadaan waxgaradkaasi.
Col. Cabdi Cigaal ayaa isaga looga awood
roonaaday dagaalkii Magaalada Kismaayo, hase yeeshe haatan waxa uu ku jiraa
is uruursi si uu mar kale uga dhex muuqdo Gobalka J/Hoose.
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Kismaayo
hoos ka akhri
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Warbixin Xaalada
Guud ee Magaalada Kismaayo
Xaalada guud ee magaalada
Kismayo ayaa Talaadadii daganeyd waxaana dib u howl galay dhamaan adeegyadii
bulshada sida ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa kale sida isku gooshida gawaarida
BL-ka ee dadweynaha waxaana haatan wali mashquul ah isbitaalka guud ee
magaalada kismayo ayadoo wali lagu guda jiro la tacaalida dadkii ay
waxyeelada ka soo gaartay dagaalkii ka dhacay magaalada kismayo inkastoo ay
jirto dad Isniintii dhaawac ahaa oo habeenimadii talaadada u geeriyooday
dhawacaas.
Isbitaalka guud ee
magaalada Kismayo ayaa maanta waxaa uu ahaa mid aad u mashquul ah ayadoo
haatan ay muuqato in isbitalku ay aad oga fara bateen dhawacyadii la
keenayay waxaan sidoo kale aad u liita marxalada guud ee isbitaalka oo aynan
oolin wax daawo ah oo si rasmi ah loogu dabiibo dadka halkaa yaala ee la
ildaran dhaawacyada ayadoo aysan jirin wax hey'ad ah oo taakuleysa
isbitaalka marka laga reebo dhaqaale yar oo ay maamulka isbahaysigu ku
taakuleyaan isbitaalka taasoo aan dabooli karin baahida guud ee isbitaalka .
Inta badan dhawaaca yaala
isbtiaalka ayaa daawooyinka waxaa looga keenayaa goobaha caafimad ee gaarka
loo leeyahay taasoo ka dhigtay isbitaalka mid aanan waqitgan la tacaali
karin daweytna dadka halkaa la keenay.
Dhanka kale waxaa haatan
si toos ah u bilowday isku socodka gaawarida dadweynah ee BL-ka waxaan sidoo
kale haatan si rasmi ah Talaadadii ganacsigii uga bilowday suuqa weyn ee
magaalada kismayo ee loo yaqaano suuq yare kaasoo markii dagaalku dhacay
ahaa goobaha ay bartilmameysanayeen labada maleeshiyo ayna ku dagaalamyeen
gudaha suuqa.
Si kastooy ahaataba waxaa
Talaadadii ay aad oga duwaneyd jawi ahaan marxaladii Isniintii ay ku
jirta magaalada kismayo taasoo ahayd mid cakiran dhan walba dadka reer
kismayana ay laamiyada iyo goobaha shaaha laga cabo ay raxan raxan u
taagnayeen si bal ay xog dheeraad ah oga helaan dagaalka ka socday xaafada
calanleey ayadoo subaxnimadii talaadada dhamaan ciidanka maamulka
isbahaysiga meel gaar ah looga baxshay magaalada halkaasoo sida la sheegay
loogu xoolo qalayo kadibna ay bilaabi doonaan howlahoodii ay ku sugayeen
amaanka guud ee magaalada.
cabdi qadar nuur maxamed
(filipiin)
cabdiqadar84@hotmail.com
Xiriir
dhex maray Shariif Xasan iyo Xaabsade
»Dowladda
Federaalka oo taageero caalami ah ka heshay..
»Kenya:
Madaxda DFKMG kulan gaar ah la qaatey Kibaki...
iyo Warar
GooGoos ah ka akhri halkan.. Guji... Jan 17