Soomaalida Maraykanka iyo Xuskii Hogaamiyihii
Dadka Madow ee USA.
Maalinta
01/15/1929 Martin Luther King, Jr. (January_15, 1929 – April_4, 1968) ayay
ku beegnayd maalintii uu dhashay King oo ahaa nin u dhaqdhaaqa Xuquuqada
dadka madow ee maraykanka. Waa maalin aad looga qadiriyo luguna sharafo
dhalashadii Martin Luther King, Jr. oo naftiisa ugu godgalay fakirkii uu
aaminsanaa ee ahaa in uu arko dadka oo aan lugu takoorin mibadkooda.Waxaa
maantoo kale xidhan xarumaha dawalada sida Iskoolada, iyo goobaha kala duwan
ee adeega bulshada.
Dadka
maraykanka guud ahaan ayaa maantoo kale, laga jeediyaa khudbado laga hadlayo
taariikhdii iyo halgankii geesinimada lahaa ee uu horkaca u ahaa MLK ee
lugu xoreeynayay dadka madow.Maaha mid si kooban looga sheekayn karo
taariikhada uu lahaa Dr.King ,balse waxaa la oran karaa waxa u ahaa halayay
himaladiisii iyo hamigiisii ay ku nool yihiin malaayiin madaw ah oo ku nool
qaraada Maraykanka iyo daafaha dunida. Sahashayna in dadka maraykanka u wada
noolaadaan si siman, oo aan la takoorin dadka madaw.
Hadaba
Soomaalida oo ku mida ah dadka yimi Maraykanka isla markaana ah Qoomiyad
Madow.Ayaa maanta oo kale aan lugu arag dad badan goobaha lagaga hadalayo
luguna xusayo hogaamiyihii waynaa ee dadka madow ee Maraykanka.Siyaad Gelle
oo ku dhashay Soomaaliya, ahna xubin ka tirsan gudida xuquuqada aadana ah ee
Minnesota ayaa maanta ka soo jeediyay qudbad dheer xarunta shirarka ee
Owotana , Minnesota kuna amaanay hogoomiyiihii xoreeyay dadka madow Dr. MKL
,waxa uuna yidhi "Dr.King waxa uu ahaa hogaamiye aragti dheer, una hadala
dadka aan codkooda la maqal" Mudane Gelle waxa uu ku daray hadalkii uu yiri
King lixdamaadkii ee ahaa " Cadaalad darada meel uun ka jirtaa waa cadaalad
darada meelkasta."Sidoo kale Siyaad gelle ayaa khudbadiisa ku xusay in
cadaalad darada meel kasta oo ay ka dhacado in ay saamaynso qofkasta
meeshuu doono ha joogee maadama aduunku maanta yahay xaafad isku
xidhan(global villege).
Shirkan oo ay
ka soo qayb geleen dad badan oo isugu jira dadweyne iyo madaxada ay ka mid
yihiin haweenay ku jirta golaha wakiilada ee gobolka Minnesata lagana soo
doorto Steele County of Owatana Representative Connie Ruth,duqa magaalada
Otowana Mayor Thomas Kuntz, The Steele County Commissioners Tom Shea iyo
madax kale oo badan.
Waxaa xusid
mudan in Mudane Siyaad Gelle uu qudabadiisa ku soo qaaday abaaraha ba'an ee
ka jira Geeska Afrika wax uuna sheegay in ay maanta 20 malayan oo inaga
mid ahi ay qarka u saaran yihiin gaajo ay sababtay abaaro ku dhuftay dalka
Soomaaliya iyo Kenya.Waxa uuna yidhi, "Hada aan idin la hadalayo waxaa
dhimashadu ay dhaaftay 100 qof in ka badan una badan caruur iyo haween."Una
baahan caawin bini-aadamino.
Waxaa iyadana
xiiso lahaa in dadka goobtan soo xaadiray ay u badanaayeen dad cadaan ah
maadama ay magaaladu aysan ku badanayn dadka madow.
Soomaalida iyo
dhamaan umadaha kale ee madow ayaa nasiib u yeeshay in ay inay ku noolaadaan
dalkan Maryanka iyadoo aysan ka jirin takoor umadeed noocuu doono ah ahaadee
lana xaaraatimeeyey in la istakooro sida ku qoran axdiga qaranka ee Maryanka.
Martin Luther
King ayaa noqoday hogaamiye aad looga qadarayo dunida waxaana maantoo kale
laga akhriyaa qudbidihiisii dhamaan dalka oo dhan, waxaana si toos ah dadka
maraykanka ugula socodaan Tilifishanada iyo warbaahinta kale ee dalka.MLK
ayaa jeediyay lixdaamkii khubadii caanka noqotay ee ahayd"I have a dream"
kuna yidhi qudbadaas "Waxaan ku riyoonayaa in aan arko maalin dadkoo dhan ay
siman yihiin, maalin aan afartayda caruur ah aan lugu takoorin midabkooda ,
diintooda, ama meesha ay ka soo jeedeen, laakiin lugu qiimeeye dadnimadooda."
Isku soo
duuboo Mudane Siyaad Gelle oo ah xubin ka tirsan dadka u dooda xuquuqada
aadanaha(Human Right Commissioner) ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin
taariikhi ah, mudana in aan xusuno geesi u dagaalamayay xuquuqada aadanaha.
Lana ixitirmaamo kala duwaansha umadaheena wada nool anagoo wada ah umad
kali ah.
http://www.owatonna.com/main.asp?SectionID=21&subsectionID=44&articleID=18872
http://www.owatonna.com/main.asp?SectionID=21&subsectionID=44&articleID=18905
Zakaria Jama
zakihaji@yahoo.com