SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
»Doorashada Canada, Soomaalidu ma ka qaybqaadan doontaa?
Daabaco Boggan | Print

MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Dolly and her first-born lamb, BonnieKoobiyaynta Dadka (humancloning)
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido, balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u fahanto inaad ogaanayso in... Guji...
smallpoxAli Maow Maalin Qofkii ugu dambeyey ee uu Furuq lagaga daweeyo Soomaaliya... Akhri halkan
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji


 
SHIRQOOLKII LAGU QUBAY DHIIGA SHACABKA REER PUNTLAND.
Waxaa haboon in aan jaleecno maxaa keenay dagaalkii ka dhacay degaanka puntland? inoogoon faalo dheer galin aan uga jawaabno si kooban,waxaa keenay aas aaskiisa maamulka puntland 1998dii,oo ku salaysnaa khiyaano lugu salgooyay in ummadda degaanka ay hoostimaado saldano haybgaara, saldanadaasoo dadka ka gurata lacag canshuur ah oo koontaroosha ilaha dhaqaalaha dagaanka oo dhan, si cidii ladoono cagta loosaaro cidii ladoonanana loo hormariyo, hab kusalaysan danaha beesha haysata awooda maamul ee madax weeynanimo.
 
Waxaa hadaba dagaalka keenay saldanadii iyo dhaqaalihii soogalayay PUNTLAND ee ay xalaaleeysteen si gooni ah ayay isku arkeen iyagii oo isku dileen ileen hadii ay jirto cidkale oo ku haysataa maba dhaceen dagaalkii dhacay iyo isku qabsigii dhexmaray maafiyada xidhka lagashay umada shacabka ah canshuurtoodii iyo xuquuqdoodii wadaninimo ee dagaan kooda. dagaalkuna waxa uu ahaa dagaal dhaqaalihii shacabka masaakiinta ah ee xalaal miiradka ah laga dhacay ayagoo loosoo gashaday shaati maamul oo la buun buuniyay sida masaxweeyne iyo waxlamid ah. hadaba waxaa soogalay dagaalkaas ninka hada xukuma PUNTLAND. CADE MUUSE.
 
                        SIDUU KUYIMID CADE MUUSE PUNTLAND?
 
CADE MUSE XIRSI waxa uu ahaa sargaal ciidan oo kamid ahaa saraakiisha soomaaliyeed xiligii maamulkii siyaad bare, waxa uu aaday jabhadii cabdullaahi xukumay ee SSDF oo xiriirka lala haa itoobiya sababna u ahaa QARANKII SOOMAALIYEED EE BURBURAY.cade muuse ma aheen nin darajada ciidamada ka gaaray waxa hada lagu sheego oo ah GENARAAL!! cidii taqaan baa taqaane laakiin waxa uu kudoodaa siyaad bare ayaa dalka dibadiisa iigu soo diray GENARAAL NIMADA. cade waxa uu haa nin dhextaagnaa suuqyada nairobi,mudo dheer kadib markuu katagay itoobiya iyo jabahadii SSDF. waayeelkani waxa uu u qaxay oo iska dhiibay dalka CANADA halkaas oo uu kunoolaa intaanu iman dageenka puntland.
 
Cade waxaa la hadlay cabdullahi yusuf,isagoo jooga CANADA waxa uuna usheegay in uu soo galo puntland,kadibna uu sii wado maamulka puntland maadaama cabdullahi soomaali loowado oo itoobiya uwado madaxweeyne. Cade waxa uusameeyay xoogaa dhoolatus dagaal si loo quusiyo damacii JAAMAC CALI JAAMAC,ileen si toosa nin CANADA hada kayimid cabdulaahi uma dhihi karo waxa tahay madaxweeyne puntland,taa waxaa dareenka laga ilaalinayaa beelaha kale sida SOOL IYO SANAAG gaar ahaan.waxaana la dhigay filim cade lagu aqbalo taasaa wuxuu sameeyay in uu dhiig ku daadiyo ayadoon loo aaba yeelin dhalinyarada reer puntland ee laysku leeynayo oo rag heshiis ah ay isku leeynayaan. Cade waxa uu sababay oo isagu lahaa dhimasho iyo dhaawac masaakiin aan waxba geeysan si isagu u helo mansabka cabdulaahi udoortay.mudo yarkadib waxa uu u cararay dhanka somaliland,waa kii cabdullahi oo arintan qiranayaa dhawr jeer ka yiri  shacabka reer puntland  hortooda"CADE WAAN LASOCDAY OO TALEEFANBAAN KUWADA HADLAYNAY HADBA MEESHA UUSOO MARAYO".kadibna waa kii cabdulaahi ubixiyay golaha bad baadinta puntland.magacan cabdulaahi baa bixiyay dhab ahaan,waayo kanada isagaa ka keenay cade markaasuu bixiyay maha markan danbe ee magaca lagu dhawaaqayo.waxaa lasoo watay oday reer Hargeysa ah oo Cade ay qaraabo yihiin boqor madoobe iyo oday reer Sanaag ah oo cade soo kaxeeyay una haystay sidii dad dagaalsan inay heshiisiinayaan!!! qadaa lacunay waxaana layiri cade iyo cabdulaahi waa heshiiyeen sidii dad dagaalsanaa oo kale.
 

Dadka aan Qisada Dhowaan Dhacday BOOSAASO:

Jan 12, 2006: Xilli habeenimo ah ayaa rasaas ka dhacday Boosaaso. Markii waagu beryey ayaa waxaa laga war helay in rasaasta ay is weydaarsadeen ciidanka Booliska iyo waardiayaashii Xiif Cali Taar.

Jan 12, 2006: Isla subaxnimadii ayaa taliyaha Booliska Puntland Yuusuf Axmed Kheyre ayaa waxa uu sheegay in rasaasta markii hore booliska lagu soo ridey.

Jan 12, 2006: Waxaa warsaxaafadeed soo saaray Dowalad Goboleedka Puntland ay dhacdadaas kaga hadashay. Wasiirka Warfaafinta Puntland C/risaaq Yaasiin Cabdule "Geesood" ayaa dhaliil kulul iyo cambaarayn u jeediyey kuwii Booliska "ku soo ridey" rasaasta, waxana uu yiri waxaa Booliska Rasaasta kusoo ridey waxay ahaayeen wax ma garato.

Jan 14, 2006: Cadde Muuse ayaa canaan kulul u soo jeediyey Booliska. Waxana uu sheegay in baaritan uu sameeyey uu ku ogaadey in dhacdadii rasaasaynta ee Boosaaso ay ka dambeeyeen Boolisku. Waxan auu Cadde Muuse sheegay in kuwii ammaanka u xil saaraa ay ammaan daro dalka ka abuurayaan.


Cade oo ah nin kanada kunoolaa inta ay dhib soomareen shacabka puntland ayaa daadiyay dhiig macno daro ahaa oo lagu gumaaday shacabka reer puntland,waxa uu yiri cade isagoo u dhaaranaya reer sool "HADII AAN MAXAMED CABDI XAASHI QABAN OO OGOLAAN DOORASHO WAXA DHACAYA DAGAAL MEESHAN WAA LAGU KALA TAGAYAA KANA YEELI MAYNO" idaacadaha ayuu sidaa kayiri, hada waa ninkii xaqa ulahaa in shacabka reer puntland dhigaan xabsi ama ka masaafuriyaan dalka bacdamaa sida ku qoran dastuurka puntland uu qaran dumis yahay kusoo duulay oo tuute usoo xirtay dal iyo dad nabad ah,asagoo udoodaya jifo hoosaadka uu ka dhashay iyo qabyaalad, GARABNA KA HAYSTA CABDULAAHI YUSUF AXMED oo dhagray reer sool oo ka dhaga la macnaha inaysan xaqba ulahayn kursiga madaxweeynanimo taasoo hada la ogoleeysiiyay in ay ku qancaan ku xigeen uun kaasoo waliba shardi ay tahay inay iyagu xushaan sida afqurac.
 
      CADAA DADKALE KU SHEEGAYA DAMBIILAYAAL OO FAR KU FIIQAYA!!
 
Waxaad arkaysaa hada markii umadii iyo shacabkii puntland lagu sameeyay waxaan u cuntamin lana aqbali karin oo dulmi iyo eex iyo qabyaalad ah,ayaa hadana qooq loola yimid iyo kibir karaar dhaafay,NIN ISAGIIBA DULMI KUYIMID OO DHIIG QABA MUDANA IN SHARCIGA LA HORKEENO,AYAA KA HADLAYA NIN KALE JAGADIIS KAASOO AAN DAMBIILE AHAYNBA!!
 
CADE WAXA UU WADAA KALA qoqob horleh iyo cidii aan diriri karin in laga qaado,sheerka aadka u yar ee lagu hafray awalba waxaad arkaysaa in jagadii laga qaaday hada jifooyinka sida gaarka ah loogu ciilka qabo oo loo xaqiro mid kamid ah,waa wasiirka kaluumaysiga ISMAACIIL BURAALE oo aan waxba galabsan aan aheen haybtiisi.waxa sida koola uu dacweeyay wasiirka dawlada hoose awaare ama gacan yaraha cade muuse nin wasiirka kaluumaysiga ku heeyb ah oo ahaa AGAASIMAHA WASAARADA DAWLADAHA HOOSE IYO HORMARINTA REER MIYIGA.MUDANE:muuse geelle faroole. waxa intaa dheer isla nin haybtan ah oo ahaa G.GOBOLKA BARI MUDANE:YUSUF DHADO.ninka waxan samaynayaana waa nin sharciyan aan xaq ulaheen in uu fadhiisto kursiga madaxweeyne nimo ee puntland.
 
waxaa layiri "nin dhirbaaxo quureed dugsaday dhaqayadeed maalyee" xaqdarada iyo dulmiga lagu hayo shacabka puntland iyo shaadhka beenta ah ee dawlad nimo ee loo soo gashaday canshuurta lagu dhiigmiirto dadwaynaha,ayaa hada keentay qooq iyo faduul dheeraad ah oo uu wado cade muuse taasoo aan kolaba la aqbali karin sii joogidiisa gobolka iyo in uu lacag ka gurto umada aanu shaqaysan waxbana aanu dib uugu soo celin danta guud.waxaan uuga digaynaa in uusan ku kadsoomin in xabada dadka kale sitaani aanay wax dilin,wuxuuna soo dada jinayaa cade muuse uu xiisaynayaa dagaal guri guri ah oo cidna aanay ka dhuumankarin.
 
Aqbali mayno fikirka cade usoo dhiibay gabankan Awaare ee kuwajahan shucuubta mudug lagu dulmiyay hadaanahay dadka kasoo jeeda dagaanadaas gaar ahaan  dagmada CAGAARAN waa mid aanan sina u aqbalayn wax walba aniga.maha dadku kuwo aad ka yeeli kartaan sida adinka dantiina uun ah ayagana baaba ooda ah,ee waakuwo ubisil waxa maanta aduunka ka taagan oo ah waxwada qaybsi sinaan ku dhisan.suura gal maraba maha in haydaha deeqaha bixiya ama ha ahaadeen kuwo islaam ama gaalo ama diinlaawe in lagu leexiyo dagmooyin gaara ayada oo aan la eegin degmadee hada mudan in baahideeda wax laga qabto.taasi waxay soo dadajin uun in dhulkayaga puntland aanu nin shisheeye dhex warwareegi karin bacdamaa uusan dan guud noo haynin ee uu meela dhisayo meelo ka tagayo."UUMA DULQAADANAYNO SHISHEEYAHA AANAAN OGEEYN WAXAY KA QABANAYAAN PUNTLAND"jifo ma magan galin karto shisheeye aanu raali ka aheen shacabka reer puntland guud ahaan aqbalina mayno cidaan waxba u qabnayan dagaanka si garbo siman ah ayadoo laga duulayo baahida jidha.

zakariya warsame
zakariya420@hotmail.com

Afeef: Aragtida qormadan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 17, 2006