WARARKA MAANTA: JAN 17,
2006
-
Xiriir dhex maray Shariif Xasan iyo
Xildhibaan Xaabsade
-
Dowladda Federaalka oo
taageero caalami ah ka heshay..
-
C/llaahi Yuusuf, Shariif
Xasan iyo Geedi oo kulan gaar ah la qaatey Kibaki ..
-
Xubnaha
labada Gole ee ka soo kala jeeda Sacad iyo Saleymaan oo soo jeediyey Xabad
joojin..
Xiriir dhex maray Shariif Xasan iyo Xildhibaan Xaabsade
Warar aanu ka helnay Magaalada Nairobi waxay
sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu xiriir la
sameeyay xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade.
Guddoomiyaha Baarla-maanka iyo Xaabsade ayaa ka
wada hadlay arrimo fara badan oo al xiriira sidii uu qabsoomi lahaa kulanka ugu
horeeya ee Golaha Baarlamaanka, iyadoo Max’ed Ibraahim Xaabsade la sheegay in uu
aad u daneyno in kulankaasi ka dhacayo Magaalada Baydhabo.
Mudane Xaabsade waxa uu sheegay in xaaladda
nabadgelyo ee Magaalada Baydhabo ay tahay mid aad u wanaagsan magaaladuna ay
martigelin karto kulankaasi.
Guddoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan Shiikh
ayay ku xiran tahay halka lagu qabanayo kulanka ugu horeeya ee Golaha, iyadoo
magaalooyin fara badan soo dalbadeen martigelinta kulankaasi.
Dowladda Federaalka oo taageero
caalami ah ka heshay..
Iyadoo dhawaan la soo af jaray
khilaafkii u dhexeeyay xubnaha Dowladda, gaar ahaan khilaafkii u dhexeeyay
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa haatan dowladda soo gaaraya
taageero dhaqaale iyo mid dib u dhis, iyadoo taageeradii ugu dambeeysay ay
Dowalddu ka heshay ururka Midowga Yurub, kaddib markii uu daboolka ka qaaday in
Dowladda uu tageeri doono dib soo celinta hay’adihii Dowliga ahaa, sidoo kale
Ururka Jaamacadda Caraba ayaa isna waxa uu balanqaaday in uu bixin doono wixii
dhaqaale ah oo ay Dowladdu u baahan tahay, sidoo kale Dowladaha deeqda bixiya
ayaa waxa ay iyana sheegeen in heshiiskii dhex maray Madaxweynaha iyo
Gudoomiyaha Baarlamaanka uu yahay mid faa’iido ugu jirto shacabka Soomaaliyeed,
iyagoo sheegay in Dowladdu ay heli doonto dhaqaalihii u xayirnaa khilaafka
C/llaahi iyo Shariif Xasan. Sidoo kale Hay’adda UNDP oo iyadu horey u
balanqaaday in ay bixineyso mushaarka Xidhibaanada Baarlamaanka balse joojisay
mushaarkaasi khilaafka aawadii ayaa haatan waxay caddeysay in ay si dhaqsi leh
ugu bixn doonto mushaarkaasi. Waxaa isna si aad ah u soo dhaweeyay heshiiska
dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha baarlamaanka
shariif Xasan Ururka Midowga Afrika oo isna sheegay in taageero hiil iyo hooba
siin doono Dowladda Federaalka.
C/llaahi Yuusuf, Shariif Xasan iyo
Geedi oo kulan gaar ah la qaatey Kibaki ..
Madaxweynaha Dowladda
Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Baarla-maanka Shariif Xasan
Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cali Max’ed Geedi ayaa
shalay kulan la yeeshay madaxweynaha Wadanka Kenya Kipaki, waxaana kulankaasi la
iskula soo qaaday sidii ay Dowladda Federaalak mar qura u wada shaqeyn lahayd
kaddib markii uu in mudo ah uu khilaaf ka dhexeeyay.
Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay
kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in Dowladda ay si aad ah u soo dhawaneyso
heshiiskii ka dhacay Dalka Yemen oo uu ka shaqeeyay Cali Cabdalla Saalax, waxa
uuna u soo jeediyay mas’uuliyiinta Dowladda in ay heshiiskaasi is ficil ah u
hirgeliyaan maadaama shacabka Soomaaliyeed uu u baahan yahay Dowlad iy kala
dambeyn.
Saddexda mas’uul ayaa waxay u
sheegeen in Dowladda Kenya in ay si daacadnimo ah ay u fulin doonaan
heshiiskaasi dibna ugu laaban doonaan dalka, iyadoo markuu dhamaaday kulankaasi
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminay ay u
ambabaxeen wadanka Kuweyt halkaas oo ay kaga qaybgalayaan tacsida Amiirkii
Kuweyt Shiikh Jaabir.
Markuu Madaxweynuhu soo
dhameysto tacsida waxa uu ka qaybgali doonaan shirka hogaamiyaasha ururka
Midowga Afrika ee 22-ka bishan ka furmi doona dalka Suudaan.
Xubnaha labada Gole ee ka
soo kala jeeda Sacad iyo Saleymaan oo soo jeediyey Xabad joojin..
Maalintii shalay ahayd ayaa
kulan isugu yimaadeen xubnaha labadaa Gole ee ka soo kala jeeda Beelaha Sacad
iyo Suleymaan ee dirirtu ku dhex mareyso deegaano ka tirsan Gobalada Dhexe,
dagaalkaas oo galaaftay dad aad u fara badan isla markaana barakaciyay dad
boqolaal qoys gaaraya, ayaa waxaa kulankaasi looga hadlay sidii soo afjari lahaa
dagaalkaasi.
Xubnaha labada Gole ee beelaha
Sacad iyo Suleymaan ayaa waxay isku afgarteen in ay magacaabaan guddi ka soo
baaraandega sidii loo abaabuli lahaa kulan guud oo dhex mara labada beelood,
kaasoo la filayo in uu ka dhaco gobalada dhexe.
Cismaan Xasan Cali Caato ayaa
kulankaasi markii uu dhamaaday la hadlay saxaafadda waxa uuna sheegay in labada
beeloodba, waxgarad-kooda iyo siyaasiyiintoodaba ay aad ugu danqadeen
dagaaladaasi oo uu ku tilmaamay kuwo naxdin leh. sidoo kale Max’ed Jaamac Furux
oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in labada beelood looga baahan
yahay in si ficil ah ay u soo gebagabeeyan colaadaasi, wuxuuna isna ku tilmaamay
dagaaladaasi kuwo micnadaro ah
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
|