WARARKII
JANAAYO 12, 2006
-
Ciidanka Boliiska Sacuudiga oo dilay 3-qof oo soomaali
-
Ra’isul wasaare Cali Max’ed oo la filayo in todobaadka soo socda soo
gaaro..
-
Dagaal
qaraar oo shalay ka dhacay Deegaanka Gelinsoor ..
-
Dowladda Itoobiya oo aad u daneyneysa in kulanka ugu horeeya ee
baarlamaanka ..
-
Maamulka Soomaaliland oo uga digay Shirkadaha.Shidaalka ka qodaya.
-
Madax ka tirsan
Putland oo xilalkii laga qaaday...
-
Xaflad
loo sameeyey arday ka qalin jabisay dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan
-
Bayaan:
Mowqifka JWXO ee Arrimaha Nabadda...
-
WAXGARADKA BEELAHA
C/WAAQ IYO CADAADO OO SOO SAAREY BAAQ NABADEED...
TACSI:::
Nabaddoonkii beesha
cabdikuumade ee Jubada Hoose ayaa ku Geeriyoodey Afmadow
Waxaa
geerinaxdinleh kutimid nabaddoon Saalax Cabdi Nuux , oo ahaa
nabaddoon beesha cabdikuumade ee gobalka jubbada hoose
magaalada Afmadow, nabaddoonka oo 4 barri kahore
kugeeriyooday Afmadow baan waxaa dhamaan wax garadka beesha
cabdikuumade ay tacsi tiiraanyo leh ay ay udirayaa eheladiii
uu kageeriyooday nabbaddoon Saalax, ay leeyiin marxuunka
allaha unaxariisto dhamaanteena samir iyo iimaan laha naga
siiyo.
waxaana kamaíd ah dadka
tacsida tiraaya dadka hoos kuqoran,
- 1 kornayl cabdale
sheikh mursal iyo dhamaan reer sheekh mursal
- 2 marwo xillaay
Cabdulaahi Yusuf oo ah gudoomiha Jahliyada beesha
cabdikuumade ee gobalka
- ST.LOUASIMO
- 3 cabdidhuux maxamed
shaakuud jire & xaaskiisa
- 4 cumar faaruuq
maxamed yusuf jire
- 5 cabdiraxman qorena (dhicis)
- 6 cabdulaahi shire
dhaqane
- 7 ducaale cabdi ali
nuur
- 8 maxmed daadle ahmed
- 9 cabdulaahi cukur
- 10 maxamed aadam
waranle
- 11 cabdiwali
cabdulaahi yusuf
- itaas waa jahliyada
America haddana yurub
- 12maxamed cabdi
xulbaalae iyo dhamaan reer cabdi xulbaale '
- 13 Axmed saxane sahal
- 14 Yaasin cabdi jire &
dhamaan reer cabdi jire
- dadkaas oo dhan waxay
tacsi tiiraanyo leh ugudbinayaa eheldii nabbaddoon
Saalax, ayna ilaah uga baryaan naxiriis waarta, allaha
unaxariisto
- waxaa kale oo halkan
tacsi kadiraya dadkan hoosku xusan
- cabdiraxman sheekh
mursal ,
- cabdalla seekhursal.
- cabuud sheekh mursal.
- cabdicadiim sheekh
mursal.
- cumar shekh mursal.
- sheekh cabdiraxman
qorane.
- cabdijamaalshekh axmed.
- shamso sheekh mursal .
- sahro sheekh mursal.
- cali
maxamed xasan.
- casiiso
sheekh mursal.
- cabdi
nuuriye sheekh ,
- ubax
sheekh mursal .
- caasho
axmed xaashi ,
- cabdimaalik
sheekh mursal,
- iyo
muxubo axmed xaashi .
- abdi
salaan sheekh mursal.
- abshir
axmed xaashi.
- iyo
dhamaan qaraabada joogta north america
waxayna
ilaahay uga baryayaan marxuumkaas in janadiisa uu ka
waraabiyo ehelada iyo qaraabada uu ka tagayna samir iyo
iiman kasiiyo aamiin
Tacsida Marxuumka waxaa loogu
hagaajin karaa: Yasiin Abdijire
jire88@hotmail.com |
Ciidanka
Boliiska Sacuudiga oo dilay 3-qof oo soomaali...
Xabsi ku
yaalla magaaalada Jidda oo lagu magacaabo Damaam ayaa waxaa ku dhintay
saddex qof oo Soomaali ah dhawr kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii
ay tacshiirad ku fureen maxaabiis ku jirtay xabsigaasi ciidamada Booliiska
waddanka Sacuudiga.
Maxaabiista
ayaa gadood ka sameeyey xabsigaasi iyadoo meelaha qaarkood ay dab
qabadsiiyeen hase yeeshee ciidamada ayaa xoog ku galay markii dambe
dabadeedna rasaas ku furay, waxey kaloo adeegsadeen ciidamada sunta dadka ka
ilmeysiisa iyadoo dadka dhaawaca xoogoodu uu ka soo gaaray is riixi riixii
halkaasi ka dhacay.
Sadexdan qof
oo Soomaalida ah ee dhimatay ayaa magacyadoodu waxa ay kala yihiin Saleebaan
Max’ed, Cumar Max’ed Barre iyo Cusmaan Max’ed Aadan.
Ciidanka
boliiska Sacuudiga ma ahan markii ugu horreysay ee ay dhibaato gaarsiiyaan
dad Soomaali ah hase ahaatee bishii April ee 2005-ta ayey aheyd markii lix
dhalinyaro Soomaaliyeed ah qoorta looga jaray xabsi ku yaalla magaalada
Jidda illaa iyo hadda lama oga sababihii loo dilay dhalinyaradaasi waxaana
aad uga carooday shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyagoo ka
codsaday in ay faahfaahiyaan ka bixiyaan Maamulka Sacuudiga sababihii loo
dilay nimankaasi.
Ra’isul
wasaare Cali Max’ed oo la filayo in todobaadka soo socda soo gaaro..
warar aanu ka
helnay magaalada Jowhar ayaa wxey sheegayaan in Ra’isul wasaare Cali Max’ed
Geeddi uu soo gaari doono magaalada Muqdisho isagoo u gogol xaari doona
sidii ay dowladda federaalka ay ugu soo guuri laheyd Muqdisho, sida uu
dhigayo heshiiskii madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ra’isul
wasaaraha ayaa magaalada Muqdisho wuxuu kulamo kula yeelan doonaa xubnaha
labada gole ee Muqdisho oo iyagu si weyn u soo dhaweeyey heshiiskii
magaalada Cadan ay kuwada yeesheen madaxweynaha iyo Guddoomiyaha
Baarlamaanka.
Ra’isul
wasaaraha ma ahan markii ugu horreysay ee uu soo gaaro magaalada Muqdisho,
hase yeeshee waxaa jirta in laba jeer oo hore uu yimid labadiina uu la
kulmay qaraxyo ay ku dhinteen dad dhowr ah.
Dhinaca kale,
guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa in isna uu soo gaaro magaalada
Muqdisho, wuxuuna guddoomiyaha maanta uu soo gaari doonaa magaalada Nairobi
ee dalka Kenya halkaasi oo uu kulan kula yeelan doono xubno ka tirsan
baarlamaanka oo uu u faahfaahin doono heshiiskii Yemen ay kuwada yeesheen
isaga iyo madaxweynaha.
Dagaal
qaraar oo shalay ka dhacay Deegaanka Gelinsoor ..
Wararka naga
soo gaaraya gobalada dhexe ayaa waxey sheegayaan in shalay uu ka dhacay
dagaal qaraar deegaanka Galinsoor wuxuuna dagaalkaasi u dhaxeeyey beelaha
Sacad iyo Suleymaan, waxaana la isku adeegsaday dagaalkaasi hubka culus iyo
midka fudud.
Dagaalkaan oo
dhowr jeer soo noqnoqday ayaa waxaa la sheegay in ay ku dhinteen lix qof oo
labada dhinac ah, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu xalay waqti dambe
istaagay.
Illaa iyo
hadda ma jirto cid isku hawshay joojinta dagaalkaasi, iyadoo todobaadkii
hore deegaano ka tirsan gobalada dhexe ay isku fara saareen laba beelood oo
iyana halkaasi wada degta, waxeyna dagaaladaasi ka dhaceen deegaannada
Dacdheer, Dhabad Iyo Qorof, waxaana dagaaladaasi ku dhinta iyana dhowr
qofood hase yeeshee waxaa joojintiisa u hawl galay waxgarad ka tirsan
labadaasi beelood oo ku sugan degmooyinka Cadaado iyo Caabudwaaq
Dowladda
Itoobiya oo aad u daneyneysa in kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka ..
ayadoo wali aan la shaacin goobta sida rasmiga ah uu ugu kulmayo Golaha
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay in Dowladda Itoobiyaa ay si
wayn u danaynaso in kulanka ugu horeeya uu ka dhoco Magaalada baydhabo ee
xarunta Gobolka Bay.
sida ay qoreen qaar ka mid warbaahinta Caalamka waxaa jira xariiro hoose oo
dhex maray Gudomiyaha Golaha Baarla maanka Soomaaliya Shariif Xasan Sh.
Aadan iyo Dowladda Itoobiya oo ay ugu arinsanayeen sidii is faham uu u dhex
mari lahaa Dowlada itoobiya iyo Gudoomiyaha Golaha baarla maanka Shariif
Xasan Sh. Aadan ayadoo hadafka ugu wayn oo ay leedahay Dowaladda Itoobiya ay
tahay in Gudoomiyaha Baarla maanku uu kulanka uu isugu yeerayo uu ka dhigo
baydhabo balse lama oga jawaabta uu ka bixiyey Gudoomiye Shariif Xasan.
intii uusan soo bixin heshiiskii ay Cadan ku gaareen Madaxweyne C/laahi
Yuusuf iyo Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa warbaahinta Caalamku waxay sii
daayeen in halka uu ka dhaaacayo kulanka ugu horeeya ee uu yeelanayoi
Baarlamaanka KMG ah ay noqon doonto Magaalada Baydhabo arintaasina ay isla
og yihiin Madaxweyne C/laahi yuusuf iyo Gudoomiye Shariif Xasan.
dhawaan mar la wareystay Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade oo gacanta ku
haya Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo hadii
Baydhabo ay noqoto halka ay ku kulmayaan Xildhibaanada Baarlamaanka
Soomaaliya balse waxa uu intaas raaciyey in uusan isagu wali maqal war
sheegaya in baydhabo la qarsheynayo in lay sugu tago waaxa kale oo intaas
raaaaciyey in ay ka haboontahay in Baarlamaanku ku kulmo Magaalada Muqdisho
oo ah Caasimadii dalka oo ay Axdiga ku cadahay.
Maamulka
Soomaaliland oo uga digay Shirkadaha.Shidaalka ka qodaya.
war uu shalay
soo saaraay Maamulka la magac baxay Soomaaliland ayaa looga digay Maamul
Goboleedka Putland iyo Shirkadaha la sheegay in ay Shidaal ka baarayaan
deeganada Putland oo ay ku jiraan Gobolo ay ku muransan yihiin labada Maamul
ee Soomaaliland iyo Putland.
warkaan ay
soo saartay Soomaaliland waxaa lagu sheegay in Gobolada Sool iyo Sanaag ay
isku muran sanyhiin labada dhinac sidaas darteed aysan jirin Shirkada ka
baari karta waxa Shidaaal ah isla markaana ka soo saari karta halkaas
Shirdaal.
waxa uu
sheegay Maamulka Soomaaliland in uu uga digayo Maamulka Putland iyo
Shirkadaha shisheeye ee la sheegay in Shidaal ka baarayaan Gobolada Putland
inaysan ku soo xad gudbin Xuduudaha labada Maamul, arintaan ayaa waxay ku
soo beegan tahay ayadoo dhowr jeer ay labada dhinac ku dagaalameen gacan ku
haynta Goboladaas iyadoo bil ka horna ay is dhaafsadeen Maxaabiis ay isaga
qabsadeen Dagaaladaas.
Madax ka tirsan Putland
oo xilalkii laga qaaday iyo...
Ayado dhawanahaanba ay ka
taagnaayeen deegaanada Putland dhibaatooyin dhinaca Maamulka iyo
Nabadgalyada ku saabsan ayaa waxaa dhowrkii maaalmood la soo dhaafay
xilaalkii laga qaaday dhowr Masuul ayadoo ay jiraan kuwa la sii shaaciyey
rag xilalka laga qaadi rabo iyo kuwa si ku meel gaar ah shaqadii looga
joojiyey.
Wareegto shalay uu soo
saaray Madaxwenaha Maamul Goboleedka Putland Gen. Cadde Muuse aayaa xilkii
looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) ayadoo
lagu beldelay Muuse Yuusuf Geele (Faroole). waxaa sidoo kale wareegato
maalintii doraad ahayd uu soo saaray Cadde Muuse ayaa xilkii looga qaaday
Wasiirkii Kaluumaysiga Ismaa’iil Shire Jaamac (Buraale).
sidoo kale
waxaa jira cabashooyin ay samaaynayaan dadwaynaha ku nool Goboladaas oo ay
kaga cabanayaan Maamul Xumada iyo nabad galya xumada sii kordheysa,
cabashooyinkaa waxaa ugu daran shir ay isugu yimaadeen ganacsatada Maamulka
Putland ayey ka soo saareen baaq u jeedinayaan Gen. Cadde Muuse oo ay kaga
codsanayaan in uu si deg deg ah shaqada uga eryo Wasiirka Maaliyadda Maxamed
Yuusuf Gaagaab oo ay sheegeen intii uu hayey xilka uu si wayn hoos ugu
dhacay dhaqaalihii Putland iyo in uu mushaarsiin waayey Shaqqlaha iyo
Ciidamada Maaumulka.
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
Email amiinkhasaaro@hotmail.com
Xaflad
loo sameeyey arday ka qalin jabisay dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan
Xaflad
si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Hotel Amiira waxaana
xafladdaasi si wadajir ah uga soo wada shaqeeyey dugsiyada Al-Mathal iyo
Caynaan, waxeyna ku saabsaneyd qalin jabin ardayda dugsiga sare ee labadaasi
dugsi ee sannadka 2004 – 2005, waxaana ka qeyb galay madax ka socotay
Dallada Waxbarashada ee SAFE, mas’uuliyiin ka socotay Dhaqaaqa Bulshada
Rayidka ah, Madaxda Hay’adaha Bulshada Rayidka, Xubnaha labada Gole maamulka
dugsiyada Al-Mathal iyo Al-Caynaan iyo marti sharaf kale waxaana ugu
horreyntii halkaasi lagu daawaday ruwaayad ay soo bandhigeen ardaydii ka
qain jabisey dugsiyadaasi iyo Fanaaniinta kooxda Horyaal Band oo uu hor
kacayay Max’ud Goox Qarboosh waxeyna ruwaayaddaani ka hadleysay dhibaatada
Jahliga iyo faa’iidada Aqoonta, waxaana u riyaaqay intii ka qeyb gashay
daawashada ruwaayaddaasi.
Xubnihii ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha midowga ardayda gobalka
Banaadir Axmed Max’ud Faarax oo isagu sheegay in loo baahan yahay in ardayda
mar kasta ay ka shaqeeyaan nabadgalyada si ay u korodho waxbarashada
waddanka, waxaa kaloo ka hadlay ku simaha guddoomiyaha dalladda SAFE Yuusuf
C/qaadir Taarlees wuxuuna ku nuuxnuuxsaday khilaafka u dhaxeeya Dallada SAFE
oo uu sheegay in waqti dhaw la dhameyn doono.
Xubnihii ka hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa Prof. C/nuur oo isna sheegay in
ay kala duwan yihiin ardayga wax ku bartay gudaha dalka iyo midka wax ku
bartay dalka dibaddiisa wuxuuna sheegay in waxbarashadiisa ay aad u
wanaagsan tahay kan wax ku bartay dalka gudahiisa, wuxuuuna u soo jeediyey
dhalinyarada Soomaaliyeed ee u hanqal taagaya dibadaha in dalkooda ay ku
kalsoonaadaan.
Prof.
Xuseen Tooxow oo ka tirsan saraakiisha sarsare ee Hay’adda UNESCO ayaa waxaa
uu isna sheegay in tayada waxbarashada Soomaaliya ay sare u kacday, isagoo
uga digay dhalinyarada Soomaaliyeed u hanqal taaga dibadaha, wuxuuna sheegay
in dhallinyaro fara badan oo ku sugan dalalka dariska ah Soomaaliya ay
halkaasi joogeen muddo sannado ah waxeyna ka shalaayeen waqtigii faraha
badnaa ee halkaasi uga lumay.
C/laahi
Max’ed Shirwac oo ka socday Dhaqaaqa Bulshada Rayidka ah ayaa wuxuu u soo
jeediyey ardayda Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan sidii dalkooda ay nabad
ugu soo dabaali lahaayeen taasoo uu sheegay iney keeni karto in ay korodho
waxbarashada waddanka iyo dib u soo nooleyntii adeegyadii bulshada.
Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Saadaq Cismaan Caabbi
oo ku hadlayey magaca ardayda ka qalin jabisay dugsiyada Al-Mathal iyo
Caynaan ayaa wuxuu u soo jeediyey dowladda federaalka iyo shacabka
Soomaaliyeed iney ardayda ka qalin jabisay dugsiyadaasi u raadiyaan
waxbarasho heer jaamacadeed ah si ay u dhameystaan waxbarashadooda.
C/laahi
Xasan Ganeey Firimbi oo ah Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa mar uu ka
hadlayey xafladdaas ay dhigteen ardayda dugsiyada Al-Mathal iyo Caynaan ayaa
waxaa uu u sheegay in la gaaray waqtigii ay shacabka gobalka Banaadir ay ka
tashan lahaayeen hoggaaamiyaasha hubeysan ee magaalada Muqdisho oo iyagu
shacabka hor joogay muddo 15-sano ah.
“Waxaa
la gaaray waqtigii aan guryahooda ugu gali laheyn” ayuu yiri C/laahi Xasan
Ganey Firimbi oo intaa raaciyey, “C/laahi Yuusuf waxey yiraahdeen wuxuu ku
tuntay dastuurkii, hase yeeshee dastuurkii ay dhigteen iyaga ee gobalka
Banaadir ayey ku heshiin waayeen, ma dadkaas ayaa shacabka isku keenaaya?,
wuxuuna u soo jeediyey shacabka gobalka Banaadir in ay u diyaargaroobaan
sidii loo soo dhaweyn lahaa guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh
Aadan, kaddib markii uu heshiis taariikhi ah Yemen kula gaaray madaxweyne C/laahi
Yuusuf Axmed
Xildhibaan Cabdi Waaxid oo isna ka hadley xafladaas ayaa ugu baaqey ardeyda
in ay dalkooda wax ku bartaan isla markaan kor uqaadaan diintooda
Waxaa
ka hadlay maamulaha dugsiga Al-Mathal mudane Rooble oo isna sheegay in
ardayda ka qalin jabisay Al-Mathal iyo Caynaan ay tiradoodu gaareyso
320-arday, isagoo sheegay in ay tahay guul u soo hoyatay dallada SAFE.
Ardaydii ka qalin jabisay dugsiyadaasi ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin,
waxaana guddoonsiiyey mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay xafladdaasi, mar
aanu wareysanay Max’ed Xaaji Xuseen Raage {Fooley} ayaan wax ka weydiiney
dareenkiisa xafladda qalin jabinta wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan
yahay in uu maanta qaato shahaado dugsi sare, isagoo sheegay inuu aad u
rajeynayo in uu sii wato waxbarashadiisa ilaa heer jaamacadeed.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Bayaan:
Mowqifka JWXO ee Arrimaha Nabadda...
Jabahadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) markay qiimaysay
dhawaaqyadii “nabadeed” ee sida dadban uga soo yeerayay xukuumadda
Itoobiya iyada oo adeegsanaysa qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Ogaadenya
- arrintaas oo ay uga gaashaamanayso inay qadiyadda shacabka Ogaadeenya si
dhab ah u qirato – waxay u aragtaa inay ku xallin kari wayday qoriga
caaraddiisa qaddiyadda Ogadeenya.
JWXO ayadoo aaminsan mabda’a nabad kuwada noolaanshaha iyo nabad ku
xallinta dhibaatada Ogadeenya waxay soo dhowaysay baaqii fariinta ahaa ee
Itoobiya ka soo yeedhay, waxayna caddaysay sida ugu habboon ee wada
xaajood noocaas ah uu ku iman karo qaabka adduun weynaha baraarugsan u
maro wada xaajoodyada nabadda lagu raadinayo. Taas oo saldhigeedu ahaa in
goob nabad ah la helo, cid dhexdhexaad ah oo tabargal ahna ay goobjoog
ahaato.
JWXO markay aragtay sida xukuumadda Itoobiya ugu meeraysanayso odayaal
dhaqameedyada Ogaadeenya oo laftoodu dhibanayaasha xaqu ka maqan yahay ah
darafna aan ka noqon Karin wada waxay muujisay daacad darrada Itoobiya
ayna daacad ka ahayn wadahadal midho dhala.
Ayadoo JWXO isha ku hayso sida taliska Itoobiya mar kale dib ugu
abaabulayo qaar ka mid ah odayada Ogaadenya si uu qorshahiisa ah inuu
shacabka Ogadeenya u jahawareeriyo ugu adeegsado una sii cimri dheereysto;
isla markaana dareensan culayska xal u helidda qaddiyadda Ogaadeenya iyo
muhimadda ay leedahay in arrintan loo galo qaab cilmiyaysan oo gogol xadh
u noqon kara furihii xal nabad waarta oo Geeska Afrika, welina xeerinaysa
maba’diida nabad xal ugu helidda khilaafaadka waxay diyaar u tahay inay
Itoobiya la xaajootoo haddii ay soo marto jidka adduunku adeegsado oo
dowladaha ama hayadaha caalamka ee Geeska Afrika aan danaha ku lahayn ee
dhexdhexaadka ah ama ay ogolaato hay’adihii iyo dowladihii nabadaynta
beelaha caalamaka caanka ku ahaa ee labada dhinacba u soo jeediyay inay
arrintan dhex galaan oo ay itoobiya horay ugu gacan saydhay.
Wixii aan habkaas ahayn JWXO waxay u aragtaa munaawaraad siyaasadeed oo
waqtiga looga luminaya shacabka Ogaadeenya iyo halgankooda oo lagu
hoosaasinayo sida horayba u dhici jirtay, Odayaal dambe oo soo
adeegsatana kama yeelayso oo waqti isagama luminayso barnaamij aan midho
dhalinaynin.
Ogadeenya way xorowday!
HADJ
ONLF:
onlfpress@onlf.org
WAXGARADKA BEELAHA C/WAAQ IYO CADAADO OO SOO
SAAREY BAAQ NABADEED
Shir ay isugu
yimaadeen waxgaradka iyo duqeyda beelaha C/waaq iyo Cadaado ayaa baaq
nabadeed ka soosaarey Magaalada
London
ee dalka
Britain.
Shirkan oo maalinimadii Axadda ka dhacey guri ku yaalla Waqooyiga magaalada
London
ayaa u jeedadiidu ahayd sidii loo dhamayn lahaa dhibaato dhimasho iyo
dhaawacba leh oo ka dhacdey degaanka ay beeluhu wada degaan isla markaana
looga hortegi lahaa inay keento colaad labada beelood ka dhex dhacda.
Daahir C/hi Kediye oo u hadlayey xubnihii
shirkaa ka qayb galey ayaa sheegey in beesha Cadaado ay gogosha dhigtey
iyadoo ka xun dilkii ay geysteen maliishiyo u dhalatey beesha Saleebaan
Waxaana uu uga mahadceliyey Waxgaradka Beesha Marreexaan sidii niyad samida
lahayd ee ay u soo dhoweeyeen in laga hortago dhibaato ka sii weyn oo
beelaha dhexmarta.
Shirkaas ayaa intii uu socdey ay xubnaha
labada beelood taleefoonka kula hadleen wax garad labada beelood u dhashey
oo kala Jooga Xamar, Cadaado, C/waaq, Dhabbad, Gaalkacyo iyo Godogob si xog
warran iyo wadatashi loola sameeyo isla markaana lagu war geliyo kulamada
wada hadalka nabadeed ah ee labada beelood u wada socda waxaana ugu
dambeyntii ay waxgaradka labada dhinac ay soo saareen baaq nabadeed oo ka
kooban qodobadda Hoose:
-
Wax garad labada
beelood iyaga oo ka tiiraanyeysan waxay tacsi u dirayaan dadkii ku
geeriyoodey ama ku dhaawacmey Shilkaas dhacey.
-
In dhibaato dambe
oo kala aargoosi ah aysan dhicin.
-
In wixii hanti ah
ee lakala haysto la isu celiyo
-
In la magacaabo
guddi farsamo oo arrintaas xallinteeda qaabilsan.
-
In degaanka oo
dhan nabad lagu soo dabbaalo lana dhexdhexaadiyo oo la damiyo dhammaan
wixii colaado ah ee jira.
Waxgaradkii Labada Beelood ee baaqa soosaarey
waxay kala yihiin:
Xubnihii Beesha C/waaq:
Xildhibaan Jaamac Guure Qoorey
Maxamed Xayir Nuur
Bashir Sh. Adan Dirir
Hoorey Cali Gurey
Siciid How-Howle
Daahir Maxamed Xaashi
Warsame Jaamac Guure
Axmed Goonyar
Cadceed Cabdi Waceys
Bashiir Jiinge Lione.
Xubnihii matalayey
Beesha Cadaado:
Caaqil Maxamed C/lle Furre
Sh. Bashiir Dhoolla Yare
Sh. Daahir Iidle
Maxamed Calas Qaareey
Axmed Cali Baalle
Xirsi Cali Cilmi
Xasan Nuur Lugey
Daahir C/hi Kediye
Axmed Cosoble
C/llaahi Sh. Maxamuud Gacmadheere
Axmed/Nuur Islow Warsame
C/qaadir Axmed Nuur
Siciid Xaaji Aadan
W.D.
C/qaadir Guutaale
guutaale99@hotmail.com
Cadde Muuse oo Shaqadii Ka
Fariisiyey Gudoomiyii G/Bari, Yuusuf Wacays Dhado
SomaliTalk.com |
Boosaaso | Jan 11, 2006: Wareegto ka soo Baxday
Xarunta Madaxtooyada Magaalada Boosaaso oo uu ku
Saxiixanyahay Maaxweynaha DGPL Gen: Maxamuud Muuse Xirsi
Cade ayaa Waxaa lagaga Fariisiyay Shaqadii Gudoomiyii G/Bari
Yuusuf Wacays Dhado. Waxaa Jagadaa lagu soo magacaabay
Muuse Geele Faroole oo ahaa Agaasimaha Horumarinta
Reermiyiga ee Wasaarada Dowladaha Hoose iyo Horumarinta
Reer Miyiga intii aan hada loo magacaabin Jagadaa
Gudoomiyaha G/Bari.
Muuse Geele ayaa hore u
soo qabtay Duqa Magaalada Boosaaso, Agaasimaha Guud ee
Wasaarada Kaluumaysiga Bada iyo Dekadaha Muuse Geele
ayaa Jagooyinkii uu ka soo Qabtay Goobahaa uu aad uga
muuqday aydoo ay Dadka soo Dhaweeyeen Magacaabida
Gudoomiyaha G/Bari.
Dhanka kale
Gudoomiyihii Hore Yuusuf Wacays Dhado oo Saxaafada ay
wax ka waydiisay ka qaadida jagadaa ayaa ku jawaabay in
ay tahay Xilku Waregto uuna raali kayahay in uu Xilka
wareejiyo.
Madaxweynaha DGPL Gen:
Cade ayaa la filayaa in uu Maalmaha soo socda uu
magacaabo Golihiisa Xukuumada ayadoo uu Xilkii hore uga
qaaday Wasiirkii Kaluumaysiga Bada iyo dekadaha Ismaciil
Buraale ayadoo jagadaa aan wali qof lagu magacaabin,
Jagadaa Wasiirka Kaluumaysiga Bada iyo Dakadaha ayaa
waxaa hunguri kaga jiraa Mas'uuliyiin badan oo hada ku
sugan Magaalada Boosaaso kuwasoo garab ka dhiganaya
Qabaa'iladooda, lakiin uu Madaxweynuhu sheegay inuu
Xiligaan ay tahay Fursadii Aqoon yahanada oo Golaha
Wasiirada oo Dhan lagu soo Magacaabi doono Aqoon si
horumar loo gaarsiiyo Dalka iyo Dadka.
Dadweynaha ayaa ku
guuxaya in uu Madaxweynaha uu hore in badan u sheegay in
uu Masuuliyiinta Jagada ka qabanaya Dowlada uu ku soo
xulidoono aqoon iyo Wax garad lakiin uu san ka rumayn
Hadalkaas hadda ka hor.

Gudoomiyaha G/Bari oo kahadlaya Munasabadii
Ciida
Gudoomiyaha jagada Laga
qaaday Yusuf
Dhado oo maalintii Ciida ka hadlay (goobtii Ciida oo uu Joogey Cadde Muuse) ayaa Tilmaamay in Dadweynuhu ay eeganayaan waxa uu soo magacabo iyo sida ay
noqdaan aydaoo Dadweynuhu ay u haraad Qabaan Maamul Daacada, Gudoomiyaha ayaa
Madaxweynaha ka codsaday in uu Dadweynaha u keeno Xukuumad Wanaagsan uuna ku soo
xulo Aqoon iyo Wax qabad.
Akhri wararkii Shalay....
|
|