SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL:

C/llaahi Yuusuf iyo Shariif Xasan ma waxay soo taabteen Xeerada salkeeda?

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


17-kii Biishii Maasro ayay ahayd markii Dowladdii lagu soo dhisay Magaalada Nairobiy intii ay soo dhaafin halkaasi ayaaa khilaafkoodii ugu horeeyay uu halkaasi ka bilowday, kaddib markii ay ku heshiin waayeen in dalka la keeno ciidamo ka socda oo hunb ka dhis ku sameeya dalka, hase yeeshee dowladihii qaban-qaabiyay shirkaasi lacag badana ay uga baxday awoodayna in ay Dowladda ku cadaadiyaan in iyadoo heshiis ah ay ku laabato dalka, balse taasi ma aysna dhicin Dowladdiina waxay kala degtay Muqdisho iyo Jowhar, qolo walba iyadoo ciidda ka cesho Garka is leedahay ayaa waxay abaabuleen barnaamujyo ay markaasi is lahaayeen shacabka ku soo jiita, waxaana dhacday in kooxa Muqdisho ay abaabuleen in ay uruuriyaan ciidamo, waxayna isugu geeyeen duleedka Magaalada Muqdisho, dhowr bilood markii ay halkaasi ku xareysnaayeen ayaa loo waayay wax mushaar ah, nin ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa wax ka weydiiyay sida uu u arko uruurinta ciidamadaasi, iyo ganacsata gacanta ay ka gaysanayaan, waxa uuna yiri “Ciidamo kuma dhismaan baaqule, darmo iyo Dhar laga soo uruuriyay xaafadaha Magaalada Muqdisho ee ciidamadu waxay ku dhismaan qorshe dowladeed”.

Sidoo kale waxa ay abaabuleen kuna dhawaaqeen in ay dhisayaan maamulka Gobalka Banaadir, waxayna Wasiirada hubeysan ay horey ugu doodi jireen in C/llaahi Yuusuf iyo kooxdiisa ay ku tunteen sharciga, hase yeeshee 31-kii qodob oo ay dhigteen kuna heshiiyeen in lagu dhaqo Maamulka Gobalka Banaadir ayaa iyigii nafsad ahaantoodii ka hor yimid, taasina waxay keentay in ay kala boodaan, sidoo kale Kooxda Jowhar waxay iyan abaabuleen barnaamujyo fara badan oo ah in ay ciidamo ka soo uruuriyaan Gobalada Dalka, hase yeeshee ciidamadaasi labo jeer ayay gadood sameeyeen iyagoo ka cabanaya mushaar la’aan iyo daryeel xumo, Iyadoo intaasi ay jirto ayaa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay mar kasta ku dhawaaqayeen in howlihii Dowladda ay si wanaagsan u socdaa, balse marka runta loo hadlo waxay labadoodub ahaayeen kuwo la lug jiidayay. Heshiiska ay haatan gaareen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sharii Xasan Shiikh Aadan waa mid ku yimid markii ay wada shaqeyn ka waayeen xubnihii Dowladda ee u sugnaa Muqdisho iyo Jowhar, haddii aan soo qaadanyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa ay eedeeyntii ugu weyneyd uga timid ninkii martida u ahaa, sidoo kale Madaxweynaha heshiiskaani waxaa ugu jira faa’iidooyin fara badan waayo, Beesha Caalamka ayaa mar kasta ku cadaadinayay in uu heshiis la gaaro kooxda ka soo horjeeda si ay u fulaan ballanqaadyo fara badan oo dhinaca dhaqaalaha ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka isna waxay dharbaaxadii ugu xumeyd ka soo gaartay markii ay Qaahir isugu tageen isaga iyo Guddoomiye ku xigeenkiisii Max’ed Cumar Dhalxa waxaana la laalay afartii xubnood ee uu guddoomiyuhu soo qoray oo ka mid noqon lahaa Golaha Baarlamaanka ee Jaamacadda Carabta, hase yeeshee Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uu sheegay mar la wareystay in uu arrintaasi tanaasul ka sameeyay. Cali Khaliif Galeyr oo Ra’isul Wasaare ka noqday Dowladdii Carta oo wax laga weydiiyay heshiiska dhex maray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Shiikh waxa uu yiri “labadooduba waxa ay ka xoroobayaan Hogaamiye kooxeedyo aan la garaneyn waxa ay doonayaan”. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu isna yiri “Xabsigii Xamar arkay, Xabsigii Adis-Ababa arkay, laakiin Kii ugu xumaa waxaa kala kulmay Jowhar”, waxaa halkaan kaaga caddaanaya in Labada  Mas’uul ay u afduubnaayeen Hogaamiye kooxeedyo. Haddaba Su’aasha la is weydiinayo waxa ay tahay heshiiska ay gaareen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ma noqon doonaan mid ay u hogaansamayaan Raggii ay ka soo kala tageen ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar, oo caqabad isku aha, caqabadna ku ah Bulshada Soomaaliyeed, marka ay timaado dhinaca Dowladdnimada, sidaa darteed heshiiska, Madaxweyne C/llaahi iyo Guddoomiye Shariif Xasan mid lagu saleyn karo in ay soo taabteen Xeerada salkeeda.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail; amiinkhasaaro@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 4, 2006


Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo...
Guji Dec 31

Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD