SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAA:

Mareykanka oo si Tartiib-Tartiib ah nooga Aarsanaya

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Mounted patrol moving from village to village to provide security.Dowladda Mareykanka oo la og yahay in ay tahay dowlad aad u xoogan, haddana waxay inta badan ku doodaa in ay tahay Dowlad u danqata dadka dhbaateysan, iyadoo taasi jiro ayaa sanadkii, 1992-dii waxaa dalka Soomaaliya yimid Ciidamo uu horkacayay Mareykanka oo tiradoodu gaareysay ilaa 60,000 oo askari, kuwaas oo Soomaaliya u yimid in ay badbaadiyaan dadkii ku waxyeeloobay abaar saameysay koonfurta Soomaaliya, waxaana waqtigaasi dadka Mareykanka ku sii qulqulayay dad badan oo Soomaali ah oo halkaasi ka raadsanay nolol dhaanta midda ay ku jiraan, waxayna Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen markii 3-diid October 1993-dii ay dagaal foodda is dareen taageerayaashii Allaha na xariistee Gen. Max’ed FAarax Caydiid iyo ciidamadii Mareykanka, wuxuuna dagaalkaasi socday mudo dhowr saacadood ah, waxaana Mareykanka looga dilay 18 askari, hase yeeshee Mareykanku ma uusan fiirin shacabkii fara badnaa ee Soomaaliyeed ee  ku dhintay dagaalkaaasi, ee wuxuu mar kasta eegayay 18-ka Askari ee looga dilay dagaalkaasi, iyadoo 5-tii 1993-dii Magaalada Muqdisho bartamaheeda lagu dilay 24-askari oo Bakistaaniyiin ah, balse Dowladda Bakistaan dib uma eegin 24-kaa Askari, oo waxaa kaga qiima badneyd in ay badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo mar la wareystay sarkaal Bakistaan ah uu sheegay in aysan marnaba Soomaaliya u raacaneyn dilka Askartooda,

A Ranger watches the horizon while receiving an intelligence report.

 Dagaalkaas markii uu dhacay ayaa madaxweynihii Mareykanka ee xiligaasi Bill Clinton waxa uu ku dhawaaqay in si halhaleel ah u soo baxaan ciidamada Mareykanka, waxaana goob joog ahaa xiligaasi, in wiil yar oo Baalashle ah oo Askari Mareykan ah kabaha u casseyn jiray ayaa subixii ay baxayeen Ciidamada Mareykanka ayaa wiilkii yaraa waxa uu ku dhegay Askarigii Mareykanka ahaa markiiba Joornaaliistiyashii ayaa ku soo yaacay, iyadoo askarigu markaa uu iska filqayay horeyna u cararay isla markaana fuulay Dooni halkaasi taagneyd, waxayna Weriyashii markiiba wareysteen wiilkii yaraa, waxa ay weydiiyeen waxa uu ka sameeyay Askarigu, waxa uuna ku jawaabay “Lacagtii aan kabaha ugu caseeyay ayuu igala fagaday”.

Markaas ayaa waxaan ogaaday in Mareykanku uu bilaabay in uu ka aasarasado shacabka Soomaaliyeed, maadaama lacagtaa uu cunigaa shaqeystay uu askirigaasi kala fagaday, Soomaalidu waxay tiraahdaa “Meyd waxaa u dambeeyay qofkaa la sii sido”, Waxaa shacabka dhegahooda weli ka yeeraya dilkii foosha xumaa oo ay kula kaceen ciidanka Booliiska ee Gobalka Ohio wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Naasir Shariif, waxaana dilkaasi la dhihi karaa waa mid gardaro ah oo aan geed loogu soo gaban, maadaama wiilkaasi uu ahaa wiil wadada iska marayay, waxaana ka xumaday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka oo iyagu ka dhigay Gobalkaasi Banaanbax, waxayna dalbanayeen in maxkamad la soo taago sarkaalkii ka dambeeyay dilka Wiilkaasi Soomaaliyeed.

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii Gabar Soomaaliyeed iyana Gaari ay lahayd walaasheed la jiirsiiyay, waxayna u dhimatay dhaawicii soo gaaray, ilaa iyo haddana cid loo qabtay dilkaasi ma jirto.

Sidoo kale warar ayaa waxay sheegayaan in C/qaadir Xirsi Yamyam iyana shilkiisa, shacabkooda intii badan ay far ku godayaan, waxayna leeyihiin waxa uu ahaa mid si bareer ah gaariga loo jiirsiiyay.

Waxaa ka horeeyay dilal fara badan oo loo gaystay dad Soomaaliyeed oo ku nool cariga Mareykanka, waxayna u badnaayeen rag ku shaqeysta Takaasida, qaarkood meydkooda ayaa laga helay gaariga dabadiisa, kuwo kalana inta loogu dhex yimid ayaa lagu dilay, ilaa iyo haddana ciidanka Booliiska cid ay u qabteen dilalkaasi ma jiraan, marka laga reebo waan baareynaa, ama waan ku raad joognaa.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool cariga Mareykanka ayaa haatan wal wal iyo walba haar la soo dersay waxayna qaarkood ay ku tirinayaan falalkaan dilka ah ee isdaba jooga ah oo in uu yahay mid Mareykanku ku aarsanayo 18-kii Askari ee lagu dilay Magaalada Muqdisho meydkoodana lagu jiiday dariiqyada Magaalada Muqdisho, hase yeeshe waxaan anigu aaminsanahay in aarsiga Mareykanku bilowday markii Askirigii Mareykanka ahaa uu Cunigii Baalashlaha ahaa kala fagatay lacagtii yareyd ee uu shaqeystay, isku soo wada duuboo Mareykanka waxaa uga fadhinaa in Dadka Soomaaliyeed ee lagu dilo Mareykanka ay haatan ka badan yihiin 18-kii Askari, marka Mareykanka waxaan ka codsineynaa in ay naga tartiibiya aarsiga sida xowliga ah u socda,Xaqiiqdii markan waxay taagan tahay in Mareykanka daalac loo raacdo,  Mareykan ha ogaado in wixii haatan ka dambeeya in aan la xisaabtami doono , si wanaagsanna, waxaan u soo jeedinayaa in uu ula dhaqmo dadka soomaaliyeed ee u soo magangalay.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail; amiinkhasaaro@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2006


Kumanaan Soomaali ah oo Bannaanbax ku Dhigay Columbus, Ohio.
USA: Bannaanbaxa oo Soomaalidu ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin dilkii marxuum Naasir Cabdi oo...
Guji Dec 31

Xaflad Boosaaso Loogu Sameeyey Heshiis Dhexmaray DFKMG iyo DGPL

Idaacada Australia SBS oo Waraysatay Garsoorayaasha ay Xirtay DGPL

Mahdi Dheere: "Waxaan dacwad ku soo oogeynaa haweeneydii ka tirsaneyd laanta socdaalka Sweden"

Jaamacada Hiiraan oo Xaflad Loogu Qabanayo Holland:

Shirweyne Reer Waaberi ee London, UK

Kumanaan Reer Guuraa ah oo Abaar Awgeed ka soo Hayaamay Gedo iyo W/Bari Kenya
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo martiqaad Ka helay Shiinaha
»Iska hor imaad ka dhacay Degmada Xudur..
iyo Warar GooGoos ah ka akhri Halkan... Guji... Dec 28

»»Maxamuud Warsame Faarax (Badmeceeye) "kala qaybsanaanta dowladdu waxay ka soo raacday Mbegathi"...
 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?




HTML CD