SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Salkeedii waa la soo xaaray : Quurisgu qiil ma uu lahan!
Munaasabad si qiimo badan loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid culamau diin,  salaadiin, odayaal, abwaano, indheer garad, aqoonyahan, gancasato, dhaliyaro iyo.... Guji...
XAFLADII GUNAADKA KOOBKII NABADA EE C/QAADIR YAXYE OO LA QABTAY
Waxaa Hoteelka Nabadda (Peace Hotel) ee Magaallada Muqdisho ka dhacday xaflad aad u heer sarreysay oo lagu soo geba-gebeynayay Koobkii Nabadda ee Marxuum C/qaadir Yaxye, kaasoo Guji...


Xaggee Mareysaa Cayaartii xiisaha badneyd ee Jowhar iyo Muqdisho!

Qaybtii 12 aad

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

            Ciyaartu waxay noo mareysay iyadoo Cabdalla Deeroow si aad ah u qoomay ugana carooday markii si hoose ay u wada hadleen ciyaartoyda kala ah Maxamed Dheere iyo Yuusuf Indho-cadde, wuxuuna wada hadalkooda ku tilmaamay mid sii xumeynaya habsami u socodka Ciyaarta.

            Ciyaartu bartanka ayay socotaa, Kubadda waxaa wata Maxamed Dheere wuxuuna si xirfadeysan ugu tuuray saaxiibkiis Kabtanka Kooxda C/llaahi Yuusuf Axmed, Kubadda oo ahayd hal mar taabasho (One tough) waxa uu u dhiibay C/risaaq Jurille, hase yeeshee si lama filaan ah waxaa meel dhexe uga soo dusay Maxamed Qanyare oo yiri “Kubaddan I dhaafi meyso”, wuxuuna u sii dhiibtay Muuse Suudi, kaddibna Muuse inta laad xoog badan qabadsiiyey ayuu madaxa u saaray Jinni Boqor, Jinni Boqor meeshii Madax laga rabay in uu ku teesteeyo, waxa uu saartay xabadka, lana soo degay, damcayna in uu la sii dhaqaaqo hase yeeshee waxaa ku soo baxay oo kubaddii ka reebtay Maxamed Dheere, intuu qalqalay ayuu dib ugu celiyey Goolhaye Cabdi Qaybdiid.

Wax la isku hayo weerar iyo rogaal celis oo qolo walba is leedahay kooxda kale gush ayaa xiriirka K/Cagta CAF waxa uu isugu yeeray kulan kaa dhacayay magaallada Qaahira waxaana dhacday in Xiriirka CAF uu qolo walba u soo diray Visa uu kag qayb galayo kulankaasi looga hadlayo horumarinta Isboortiga.       Waxa magaallada Qaahira isugu wada tegay laba Wafdi oo ay kala hoggaaminayeen Kabtanka kooxda Muqdisho Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Maxamed Cumar Dalxa.    Mas’uuliyiintii CAF ee ku sugneyd Qaahira ayaa si aad ah ula yaabay labada Wafdi Isboorti ee ka socda Soomaaliya.       

Dhex-dhexaadin kaddib ayaa labadii Wafdi loo oggolaaday in ay fariistaan shirka CAF oo uu hor kacayay Kabtan Shariif Xasan Sh. Aadan, hase yeeshee mushkilad iyo dhibaato waxay dhacday markii Xiriirka CAF uu go’aamiyey in 4-tii xubnood ee ka socotay kooxda Jowhar ay xubno ka noqdaan xiriirka K/Cagta ee CAF taasoo si aad ah uga careysiisay Kabtan Shariif Xasan Sh. Aadan oo ku tilmaamay in xiriirka CAF uu caddaalad darro iyo dhinac u xaglin sameeyey.

Mid ka mid ah taageerayaasha kooxda Muqdisho ayaa waxa uu ku calaacalay “Arrintani waa mid ay ka dambeyso Dowladda Masar oo garab siineysa kooxda K/Cagta Jowhar”, waxaana uu intaa sii raaciyey taageerahani “CAF waxaaba ka fiican FIFA oo iyadu si rasmi ah u aqoonsatay saddexdii xubnood ee XIriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta u aqoonsatay guddoomiyeyaal, si wanaagsanna ugu marti qaadday magaallada Zurich ee dalka Switzerland”.

Kabtan C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa looga gacan haatiyey kulan ciyaareed ka dhacayay magaalalada Sanca ee dalka Yemen oo ay isugu imaanayeen ciyaartooy ka socotay Xiriirka K/Cagta Geeska Africa ee CECAFA, waxaana kulankaasi uu ahaa mid uu C/llaahi Yuusuf ku doonayay in uu taageero dhinaca qalabka iyo lacagba kaga helo, waxaase cambaareeyey xubnaha ku sugan magaallada Muqdisho oo ku tilmaamay in suuqii kala iibsiga ciyaartoyda (Transfer window) uusan weli furmin, iyagoo sheegay in marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaratoyda ay iyagana dhinacooda taageere raadsan doonaan.

Aan dib ugu soo laabanno garoonka ciyaaratii waa lagu halgamayaa, inkastoo ciyaartu mareyso 3-2 oo ay ku gacan sarreyso kooxda Jowhar, hase yeeshee weli waxaa dagaallamayaa ciyaartoydii kooxda Muqdisho oo iyagu doonaya in ay iska soo gudaan goolkaasi, ciyaartana ka dhigaan 3-3, waxaa kubaddii soo jiiday Sh. Jaamac oo ah nin Kuusan oo Baalka bidix ka ciyaaara, lambarka 2-aadna u wata kooxda Muqdisho, mar kasta dhiniciisa inta badan lagama soo xaroodo, waana nin feejigan oo ciyaartoyda iska tiiriya, mararka qaarkood wuxuu soo Koroosaa kubbdo qal-qal iyo halis geliya goolka kooxda Jowhar, hase yeeshee waxaa madaxa ku soo saara Difaaca Jowhar Maxamed Dheere oo isagu mar walba bixiya kubbadaha hawada sare maadaama uu yahay ciyaaryahan dheer, balse taageerayaasha Muqdisho ayaa waxay ku qaylinayaan “Shiikh Jaamacoow Kubadda aad soo Korooseysid ha noqoto mid hoos ku socota!!!”.

Sh. Jaamac si aad ah ayuu u maqlayay hadallada ay ku dhawaaqayaan taageerayaasha kooxda Muqdisho ee Tarbuunka garoonka saaaran, waxaana mar kale kubbado uu si wanagsan u soo qaabeeyey soo dhex dhigay Diilinta 18-aad ee kooxda Jowhar, hase yeeshee waxaa si fudud u soo bixiya difaaca kooxda Jowhar oo iyagu ku mintidaya in ciyaarta ay ku soo geba-gebowdo 3-2.

Taageerayaasha labada kooxood ayaa is fiir-fiirinaya iyagoo si aad ah uga war sugaya natiijada ay ku dhammaan doonto ciyaartan iyo waqtiga ay dhammaanayso.

La soco Sabtida soo socota.....

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2006


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2


Dr Galaydh"Arrintan argagixisada ee markale la wadwado (la hadal hayo), Soomaaliya kama jiraan kooxo argagixiso ah, arrintan waa mid la dhoodhoobeen kuwa u malaynaya in ay isku maldahaya 'la dagaalanka argagxisada,' si loo maqlo oo loo taageero. Soomaalidu waa dad Muslim ah, Waxaana ku faraxsanahay in aan nahay dad Muslim ah. Haddii ay jiraan Argagixso, Ciidamada Maraykanka ee jooga Jabuuti, Nairobi iyo Muqdisho qudheeda ayaa heli lahaa. Sidaas daraadeed waxaa haboon in inta la hawl galo, la isku dayo in dadka la hawlgeliyo oo xaqiiqo ahaa la keeno wax ka bedelan xaalada hadda jirta ee laga yaabo in ay dad ka fa'iidaysanayaan." Sidaas waxaa yiri Cali Khaliif Galayr | Dhegeyso:  Dec 8, 05 Dr Elmi Duale"Waxa uu sheegay (Galaydh) in aan argagixiso jirin (Soomaaliya), laakiin waa jiraan. Waa la xaqiijiyey, waa ladaabacay. Koox qaramada Midoobey aha ayaa soo saartay warbixin - waxaa jir warbixin qaramada midoobey oo shegeysa in ay argagxiso ka jirto (Soomaaliya). Taas waxaa ka horeysey Markii la qarxiyey safaaradaha Maraykanka ee Kenya iyo Tansaaniya iyo markii la qarxiyey Hotelkii Mombasa, waxaa la muujiyey in qaar kamid ah kuwii ka dambeeyey falalkaas in ay soo mareen Soomaaliya ama waxay ku carareen Soomaaliya. Sidaas daraadeed waxaa jira cadaymo ku filan." Sidaas waxaa yiri Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Dr. Elmi Ahmed Duale | Dhegeyso:: Dec 8, 05 "Wadanka (Soomaaliya) waa ubucda ay ku kobcaan argagixisada caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Cabdullahi Sheekh Ismaaciil oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawlada Federaalka KumeelGaarka ah ee Soomaaliya, isagoo sida warku u dhigay, Soomaaliya ku eedeeyey in ay Xarun u Tahay Ururada Argagaxisada, sida ay qortay AFP, oo intaas ku dartay in wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya uusan faahfaahin magaca, tirada iyo nooca xarunta argagxisada ee ka jirta dalkiisa, waa sida warku u dhigaye. Soomaaliya oo ah dal ku yaal bariga afrika oo 14-kii sano ee ugu dambeysey aan lahayn dawlad si rasmi ah u shaqaysa, ayey tiri AFP AKhri Halkan:::: Aug 26,05 menkhaus.jpg (26533 bytes)"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.). GUJI...
 
Kalluumaysatadii Soomaaliyeed wax lug ah kuma  kulahayn Qaraxii Mombasa
Booliska Kenya waxa ay markey taariikhdu ahayd 13/12/2002 caddeeyeen in sagaalkii kalluumaysatada ahaa ee isugu jirey Soomaalida iyo Pakistan ee loo xirxiray qaraxii Mombsasa aysan wax lug ah ku lahayn qaraxaas, isla markaana la siideynayo, loona dhoofinayo dalalkoodii
AKhri Halkan....

Xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso?

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD