Holland
oo si weyn looga soo dhaweeyay dhismaha Jaamacadda
Hiiraan
( Dhaqaale gaaraya 10 000 oo Doollar oo lagu
taageeray )


Maalintii Axadda ee
1da bisha jannaayo 2006da, saacaddu markii ay ahayd
14:30kii casarnimo ayaa waxa ka furmay qolka
shirarka ee ururka SBSS ee magaalda Denhaag, kulan
aad u xiiso badan oo kaalmo dhaqaale loogu
uruurinayay dhismaha Jaamacadda Hiiraan. Kulankaas
ayaa waxaa ka soo qaybgalay dadweyne fara badan oo
ka kala yimid magaalooyinka waddanka Holland,
kuwaasoo u badnaa hoggaamiyeyaasha jaaliyadaha
Soomaalida iyo aqoonyahanno u yimid in ay gacan ka
geystaan dhaqdhaqaaqyada waxbarasho ee muddooyinkan
dambe ku soo xoogaysanaya waddankii Soomaaliya.


Kulankaas oo ahaa
oo ahaa mid aad u xiiso badan uuna xiriirinayay
tifaftiraha Radio Dalmar C/Maalik C/Qaadir ( Napoli
), ayaa waxaa ugu horrayn hadallo soo dhowayn ah ka
jeediyay Daahir Arreey oo si diirran u soo dhaweeyay
martisharaftii halkaas isugu timid. Wuxuu si aad ah
uga cudurdaartay dib u dhicii ku yimid safarakii
Prof. Axmed M. Warfaa oo aad looga sugayay Holland ,
oo nasiibdarro uu baaqday socdaalkii uu ku imaan
lahaa Holland , dib u dhac ku yimid diyaaraddii uu
ku imaan lahaa awgeed. Daahir wuxuu intaas ku daray
in Prof. Warfaa baddalkiisii uu warbixintii la
xiriirtay Jaamacadda Hiiraan uu soo jeedin doono
Eng. Maxamed Cibaar oo ka mid ah farsamoyaqaannada u
xilsaaran fulinta mashruuca dhismaha Jaamacadda
Hiiraan.


Intaas ka dib waxaa
hadalkii qaatay Maxamed Baasaweyne oo si aad ah uga
sheekeeyay xusuustiisii gobolka Hiiraan, gaar ahaan
magaalada B/weyne oo uu ku dhashay, kuna soo
barbaaray. Wuxu yiri “ Awowgey ayaa ku dhashay B/Weyne,
Hooyaday ayaa ku dhalatay, aniga ayaa ku dhashay,
haddii aysan balaayadii Soomaaliya ka dhacday
dhacdeenna , waxay u badnaan lahayd in ay
carruurtaydu ku dhashaan B/weyne”. Hiiraan xaq ayay
igu leedahay, waanan ku faraxsanahay in aan maanta
hormuud ka noqdo dhismaha Jaamacadda Hiiraan oo aan
u rajaynayo guul weyn.


Bashiir Xaaji
Yuusuf oo ah sharciyaqaan Soomaaliyeed oo deggan
Holland ayaa isaguna aad uga hadlay faa' idooyinka
waxbarashada iyo kaalinta looga fadhiyo in ay
Jaamacadda Hiiraan ka qaadato kobcinta waxbarashada.
Wuxuu Bashiir xusay in loo baahanyahay in
kulliyadaha ugu horreeya ee ay yeelanayso jaamacaddu
ay noqdaan kuwo saamayn toos ah ku leh dadka
deegaanka. Hiiraan waa dhul xoolaley iyo Beeralayba
ah, tusaale ahaanna in la furo kulliyado cilmiga
xoolaha iyo beeraha qaabilsani waa talo wanaagsan.
Wuxuu kaloo xusay in dadka loo diyaariyo oo bisleeyo
waxbarsho sare, lana daraaseeyo xaaladahooda
nololeed, iyo heerkooda wacyi.
Dr. C/Laahi Cismaan
oo isaguna halkaas ka jeediyay hadallo qiima badan
oo guubaabo ah ayaa tilmaamay nacfiga ay leedahay
waxbarashadu. Wuxuu sheegay in taariikhda gobolka
Hiiraan ay tahay mid la wada ogyahay oo ay
Soomaalidu ka dheregsantahay, wuxuuna Soomaalidii
halkaas isugu timid ka codsaday in ay taageeraan
dhismaha Jaamacadda Hiiraan .


Eng. C/Sadiiq Cali
“ Dhagasayn” ayaa isaguna halkaas ka soo jeediyay
hadallo qiimo badan oo uu cinwaan uga dhigay
Kacaanka waxbarashada ee Soomaaliya. Wuxuuna
tilaamay in ay tahay wax aad loogu farxo in maanta
ay Soomalidu u soo jeesatay dhanka waxbarashada,
wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in ay maanta
ubadkeennu yihiin kuwa ugu waxbarasho liita adduunka.
Wuxuu ammaan u soo jeediyay Prof. Warfaa oo dadaal
dheer u galay sidii dhidibbada loogu aasi lahaa
Jaamacadda Hiiraan. Isagoo xusay in ay lagama
maarmaan tahay in taageero lala garab istaago
Jaamacadaha waddanka ku soo badanaya oo ay tan
Hiiraan ka mid tahay.
Intaas ka dib,
waxaa hadalkii lagu wareejiyay Eng. Maxamed Cali
Cibaar oo ugu horrayntii mar labaad ka cudurdaaray
ka maqnaanshaha uu kulankaas ka maqnaaday Prof.
Warfaa oo ku tilmaamay qaddar Eebbe,. wuxuuna intaas
raaciyay “ Waan hubaa in aanan buuxin karin
kaalintii Prof. Axmed M. Warfaa, waxaanse idiin soo
hor istaagay, annagoo reer Holland ahaan si
wanaagsan isku naqaanna iyo in aadan maanta halkan u
imaanin inaad soo salaantaan Macallin Warfaa, balse
aad u timaaddeen inaad waxii karaankiinna ah ku
tartaan dhismaha jaamacadda Hiiraan”.
Intaas kaddib,
wuxuu Maxamed Cibaar warbixin dheer ka bixiyay
heerarkii ay soo martay hirgalinta Hiiraan
University . Wuxuu sheegay in doodo iyo baaritaanno
ka dib ay lagama maarmaan u muuqatay in Jaamacad
laga hirgeliyo gobolka Hiiraan , si loo daboolo
baahida waxbarashada sare ee dalka ka jirta, gaar
ahaan tan gobolka Hiiraan. Wuxuu sheegay in 27kii
December 2003-kii Ohio , waddanka maraykanka laga
diiwaan galiyay urur isku dubbarida howlaha dhismaha
Jaamacadda Hiiraan oo xilligaas ay hirgalinteedu dad
badan ula muuqatay mid riyo ah, laakiin nasiib
wanaag labo sano kaddib , hadda inta badan ula
muuqata mid rumoobaysa, wuxuuna aad u ammaanay
aqoonyahannadii ku dhiirraday go' aankaas xalaasha
ah. Intii uu ku gudo jiray warbixintiisa wuxuu
halkaas ku soo bandhigay sawirro laga soo qaaday
dugsiyada gobolka Hiiraan, dadka, beeraha, xoolaha,
iyo dhismaha gobolka. Waxaa sidaasoo kale la soo
bandhigay muuqaallo ku saabsan safarkii Prof Warfaa
uu ku soo maray waddamada Yurub iyo Waqooyiga
Ameerika. “Waxaa la gaaray waqtigii ay dadka
Soomaaliyeed isku tashan lahaayeen, kana shaqayn
lahaayeen badbaadinta jiilka soo koraya” ayaa
hadalladiisii ka mid ahaa, wuxuuna ugu dambayntii
codsi u jeediyay ka soo qaybgalayaashii in ay
taageeraan dhismaha Jaamacadda Hiiraan. “ Maanta
waxaa nala soo weydiistay in aan taageerno Jaamacad
laga dhisayo Hiiraan, Berrina mid kale ayaan u
gurman doonnaa insha-Allaah. Ma aha mid la moogyahay
xaaladda dhaqaale ee Holland ka jirta, waxaanse ku
kalsoonnahay niyaddiina wanaagsan in aadan waxba
hagran doonin ” ayuuna hadalkiisii ku soo
gabagabeeyay.


Gabagabadii qaybta
1aad ee kulanka ayaa waxa hadal dheer oo waano ah
soo jeediyay Sh. C/Naasir Sh. Cali X. Yuusuf,
wuxuuna dadkii halkaasi isugu yimid aad ugu
dhiirrigaliyay in ay wax sadaqeystaan ayna
taageeraan barnaamijkan waxbarashada oo ka mid ah
meelaha ugu fadliga badan ee wax lagu bixiyo. Wuxuu
sidoo kale madasha ka sheegay in Ururka uu mas' uula
ka hay ee Daarul- Hijra uu dhismaha Jaamacadda
Hiiraan ugu deeqay Euro 1000, isagoo ka codsaday
ururrada kalena in ay sidaas oo kale u taageeraan.
Waxaa sidoo kale halkaas hadallo waano ah ka soo
jeediyay Maxamed A. Cusmaan oo ku dhiirrigeliyay in
ay urrada Soomaalidu tayadooda hagaajiyaan noqdaanna
kuwo u adeega umadda, haddii kale ay muqtabalka
dhici doonto in shacabka ay matalayaan uu ka aamin
baxo oo aan wanaag badan laga filan.


Salaaddii maqrib
iyo qaxweyn yar ka dib, ayaa haddana 17:15
maqribnimo dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad
ee kulanka oo ahayd su' aalo iyo talobixin. Waxaa
ugu horrayn halkaas ka hadashay Sahra Naalleeye oo
ku hadlaysay magaca ururka IFSAN oo ah dallad
mideysa 37 urur oo ay leeyihiin Soomaalida ku dhaqan
Holland . Waxay Sahra carrabka ku dhufatay urarrada
ku midoobay daladda IFSAN ay kulan gaara ah ka
yeelan doonaan Dhismaha Jaamacdda Hiiraan, wixii
kharash ah ee ay ku tabarucayaanna ay la kaashan
doonaan hay' adaha deeqda bixiya oo ay xustay in
rajoweyn ka qabaan in ay ku gacansiin doonaan
barnaamijka.
Ruqiyo Caddow oo ka
tirsan uruka haweenka ee Buluugleey, ayaa iyaduna
halkaas ka soo jeedisay hadallo qiiro leh, waxay
dhaliishay ragga Soomaaliyeed oo ay xustay in
dadaalkoodii nabadda ka gaabiyeen. Anigu waxaan ku
dhashay gobol kale, waana in aan carruurtayda gaysan
karaa Jaamacadda Hiiraan oo ay noqotaa mid loo
simanyahay, ayaana hadalladeedii ka mid ahaa.


Ciise A. Diiriye oo
ka socday ururka Midnimo Delft, ayaa isaguna
tilmaamay in aan la fududaysan arrimaha ammaanka ,
Ammaan la' aan Jaamacadi ma jirayso , waxaanan ku
talin lahaa in Jaamacaddu yeelato awood difaacda,
sababtoo ah shaki la' aan waxay leedahay cadowyo aan
raalli ka ahayn horumarkeeda, haddii aysan tabar
lahayna waa turaanturraynayaa ee taas ha laga
tigtoonaado, ayaa hadalladiisii ka mid ahaa.


Shamso Xasan oo ka
socotay ururka IFSAN ayaa iyaduna tilmantay in
dhismaha Jaamacadda Hiiraan ee xilligan uu yahay mid
aad u daahay oo loo baahnaa mar hore. Waxay tiri “
Hiiraan waa xudduntii waddanka” Waana mid la hubo
wixii horumar ah ee uu gaaro gobolkaasi uu yahay
horumar ay Soomaaliyi gaartay. Waxa kale oo ay
Shamso xustay in saddex kulliyadood oo tayo leh ay
ka wanaagsanyihiin 10 kulliyadood oo tayo liita,
sidaas darteed ha lagu dadaalo tayada kulliyadaha ,
laakiin yaan tiradooda lagu degdegin, ayayna talo ku
soo jeedisay.
Guuleed Yuusuf oo
isna ka socday ururka NedSom, oo tabaruca jaamacadda
Hiiraan ka qayb qaatay ,ayaa isna talo ku soo
jeediyay in laga fekero kulliyadaha laga hirgeliyey
jaamacadaha deriska ah, lagana fiicanyahay in
magaalooyin aan sidaas u kala fogayn ay kulliyado
isku mid ahi ka jiraan, halka kulliyado ksale oo
muhiim ahaan lahaa aysan jaamacadahaasi lahayn.
Qaybtii labaad oo
kulanka oo ahayd mid aad u xiiso badan oo kaftan,
talobixin, waydiimo iyo warcelinba kaddib, waxay ku
soo gabagabowday waji aad u qurux badan 18:00kii
fiidnimo. Waxaana xusid mudan in marti sharaftii
halkaas isugu timid ay u yabooheen in ay jaamacadda
Hiiraan ku taageerayaan dhaqaale gaaraya taban kun
oo doollar (10 000). Ururrada Darul-Hijra, Samvao,
Soneca, Ifsan, Nedsom, Dalmar, SBSS, Midnimo iyo
Bulugleey ayaa ka mid ahaa ururadii dhaqaalaha ku
taageeray dhismaha Jaamacadda Hiiraan.


Isla habeennimadii
Axadda ayaa waxaa casho-sharaf loogu sameeyay
xarunta ururka Soneca ee Denhaag, ururradii ka soo
qaybgalay kulankii galabnimadii , waxaana halkaas la
isku dhaafsaday taloboxin iyo istusaalayn, iyadoo
dhammaan dadkii halkaasi isugu yimid ay ka muuqatay
bisayl iyo sida ay u danaynayaan nabadda iyo
horumarka dalkoodii hooyo. Gabagabadii kulanka ayay
dadka qaar soo jeediyeen in la badiyo kulamada
sidaan oo kale ah, kaasoo keeni kara isfahan iyo
iskaashi xooggan oo dhex mara Soomaalida Holland .
Isha: Samaddoon.com
Waxaa SomaliTalk.com soo gaarsiiyey:
Cabdisadiiq Sh
Cali Dhegasayn
cali_maax@hotmail.com
Faafin: Jan 5, 2006
XAFLAD
DHAQAALE URURIN JAAMACADDA HIIRAAN OO LAGU QABTAY LONDON
London (UK) | Dec 18, 2005
Waxaa lagu qabtay magaalada
London xaflad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo
isugu jiray qeybaha bulshada ku nool London iyo nawaaxigeeda. Xafladaas oo kuwa
ceynkeeda oo kale ah hore loogu qabtay woqooyiga qaaradda Ameerika, ayaa waxaa
dhaqaale loogu ururinayey Jaamacadda Hiiraan.
Iyadoo xafladu ka dhacday
bartamaha magaalada London oo si heer sare ahna loo soo abaabulay ayaa waxaa
xiriiriye ka ahaa Dr. Hashim Ducaale, waxaana ugu horeyntii halkaa ka soo
jeediyey Aayado Qur’aanka Kariimka ah iyo wacdi ku saabsan sadaqada jaariga ah
iyo sida ay diinteenu uga hadashay Xaaji Cali Carab, waxaana markaa hadalkii
qaatay madaxa laanta afka soomaaliga ee idaacadda British Broadcasting
Corportaion Yuusuf Garaad Cumar oo xusay taariikh nololeedkiisii iyo
waxbarashadii uu ku soo qaatay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Buula Burte,
wuxuuna sheegay mashruuc sidan u weyn uu soo kordhin karo aqoonta jiilka soo
koraaya ka sokow kobcinta nabadda guud ee gobolka, Yuusuf wuxuu kaluu carrabka
ku dhiftay warbxintii ugu dambeysay ee Unicef ee waxbarashada Soomaaliya taasoo
ku cadeyd in dalku yahay kan ugu hooseeya dhinaca waxbarashada adduunka oo idil.
Waxaa ka dibna hadalkii qaatay Dr. Nuur Cadde oo ka tirsan Bisha Cas ee
Soomaaliya oo isna ka warbixiyey guud ahaan hay’addu waxa ay ka qabato dalka
Soomaaliya iyo gaar ahaan gobolka Hiiraan isagoo aad u faah-faahiyey
mashaariicda kala gedisan ee ay ka wado Bisha Cas gobolka iyo degmooyinkiisaba
wuxuuna sheegay in ay gacan ku leeyihiin kuna yeelanayaan mashruucan jaamacadda
iyo kuwa kaleba.
Waxaa xiriiriyuhu hadalkii
markaa uu siiyey Dr. Maxamuud Maxamed Guure oo ka hadlay muhiimadda nabadu u
leedahay nolosha bani’aadamka iyo sida la’aanteed aan waxba loo qabsan Karin,
wuxuuna ku baraarujiyey reer Hiiraan in ay gacmaha isqabsadaan meelna ay uga soo
wada jeestaan sidii ay xididada ugu adkeyn lahaayeen nabadda uguna wada gunta
lahaayeen mashaariicda horumarineed.
Wasiiru dawlaha dib u
dejinta DFKMG Xildhibaan Ibraahim Xabeeb ayaa isna halkaa ka soo jeediyey hadalo
ay u riyaaqeen ka soo qeyb galayaashii xaflada wuxuuna aad ugu celceliyey sida
ay uga go’an tahay dadka gobolka in ay wax qabsadaan mashruucanna laga dareemi
karo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qeyb qaadashadiisa.

Prof. Ibraahim Maxamed Biriq
oo wax ka dhigi jiray kulliyadda Jiyolojiyada ee Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed
ayaa isaguna ka hadlay waxbarashada aasaasiga tan dhexe iyo midda heerka sareba,
wuxuuna xusay fursadii waxbarashadii oo ay heleen jiilalkii hore iyo sida loogu
baahan yahay in kuwanna loogu dhiso mustaqbal hagaagsan. Dr.ssa Saciida ayaa
iyadana ka hadashay kaalinta haweenka ee waxbarashada iyo iyada oo ku hadleysa
magaca hooyooyinka sida ay hooyada ula weyn tahay waxbarashada ubadka.
Intaa ka dib waxaa
microfonka lagu soo dhaweeyey Prof. Axmed Muumin Warfa oo ka yimid dalka
mareykanka dadkii xafladda joogayna ay aad u sugayeen hadaladiisa. Professorka
oo sida in badan oo taqaana ay ogyihiinba wuxuu wax ka dhigi jiray kulliyadii
Beeraha ee JUS, waa nin sayntiste ah cilmiga botaanikadana ka dhiga jaamacada
Utah (USA), noocya geeda ah oo jinsiyadooda uu helayna isaga loogu magacdaray,
waana nin kaftan badan oo hadal debecsan dadka dhegahoodana aad u soo jiita.
Prof. Warfa wuxuu ka warbixiyey sida ay fikradda Jaamacadda Hiiraan ay ku
bilaabatay heerarkii ay soo martay iyo xaaladda maanta meesha ay mareyso,
wuxuuna aad farta ugu fiiqay sida aqoonta loogu baahan yahay iyo in ay iyadu
nabadda saldhig u tahay, Prof. warfa wuxuu hoosta ka xariiqay in jaamacadani
laga dhisayo Beledweyne – Hiiraan, balse ay tahay jaamacad soomaaliyeed oo ay
wax ku baran doonaan arday soomaaliyeed.
Intaa kadib waxaa la guda
galay lacag uruurintii, dabadeedna halkaa ayaa lagu casheeyey, waxaana
gebagebadii hadal mahadnaq ah ka soo jeedisay halkaa Avv. Caasha Kiin Faarax
Ducaale oo homuud u ahayd guddigii qabanqaabada barnaamijka.
Ugu dambeyntii waxaa xusid
mudan in reer London ay ugu deeqeen Jaamacadda Hiiraan lixdan kun oo geniga
sterliinka ah oo u dhiganta US$ 100.000.
Maalintii axada oo ee
taariikhdu ahayd 18/12/05 ayaa xaflad deeq ururin Jaamacadda Hiiraan loogu
qabtay magaalada Birmingham ee dalka UK.
A. M. Abtidon – London
amabtidoon@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com
Reer Minnesota oo
Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar....
- SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA |
Nov 21, 2005

Siciid Saalax oo ka hadlaya
kulankii loo qabtay Jaamacada Hiiraan

Prof. Warfaa (bidix) iyo Ismacil Sh.

Prof. Warfaa oo ka hadlaya madasha
 |
Kulan aad u xiiso badnaa ayaa xalay (Nov
20, 2005) waxaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee
dalka Maraykanka. Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in lacag loogu ururiyo
dhismaha Jaamacada Hiiraan ee laga hirgelinayo magaalada Beledweyne ee dalka
Soomaaliya.
Kulanka oo si wanaagsan
looga soo qayb galay waxaa ka hadlay culimaa'u-diin iyo aqoon-yahanno
Soomaaliyeed oo dhammaantood dadweynaha Soomaaliyeed ku booriyey in ay ka
qayb qaataan dhismaha Jaamacadda Hiiraan oo hirgelideedu ay faa'iido weyn u
yeelan doonto mujtamaca Soomaaliyeed.
Aqoonyahanadii ka hadlay kulankaas waxaa ka
mid ahaa Ismaaciil Sheikh Samatar oo ka war bixiyey in hindisaha dhismaha
Jaamacaadda Hiiraan uu muddo soo socdey, haddana la soo gaarey xilligii la
hirgelin lahaa dhismaha. Waxana uu ammaanay Daa'uud Cali Xasan oo ah nin
reer Hiiraan ah oo ku nool dalka Ingriiska.
Ismaaciil Sheikh Samatar Waxa uu xusay Jaamacadaha hadda ku yaal
Dalkeena in dhammaan ay u adegaan bulshada Soomaaliyeed.
Waxa kale oo madasha ka hadlay Maxamuud Nuur
Wardheere oo u mahad celiyey shacabka ka soo qayb galay kulanka, waxana uu
si gaar ah ugu mahad celiyey Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacada
Minnesota oo ka qayb qaatay soo agaasimida Kulanka. Wardheere oo qiimaha
waxbarashada ka sheekaynaya waxa uu yiri: Magaaladii aan ku dhashay ee
Qooqaani marka ardaygu dugsi dhexe dhameeyo haddii uusan ehel ku lahayn
Kismaayo ama Muqdisho, ama magaalo dugsi sare leh, ama aan qoyskiisu awoodin
in ay ardayga magaalo kale Dugsi sare ugu diraan waxaa uu ardaygaasi noqon
jirey mid halkaas kaga hara wax barashada. Nasiib wanaag, ayuu yiri,
walaalkay ayaa joogey Afgooye, halkaas ayaan u aadey Dugsi Sare. Waxana uu
xusay sida ay muhiim u tahay in laga qayb qaato hir gelinta Jaamacada
Hiiraan
C/Risaaq Aadan "Lafoole" ayaa
ka war bixiyey Jaamacada hadda kajira dalkeena, waxana uu sheegay in uu
safar kusoo maray badanaa Jaamacadaha dalka, sida Jaamacadda Camuud (Boorame),
Hargeysa, Burco, Nugaal (Laascaanood), Boosaaso (East Africa), mac-hadka
Garoowe, iyo Galkacyo. Waxana uu xusay in la dhagax dhigay Jaamacada
Kismaayo.
Waxa kale oo uu C/Risaaq
Lafoole xusay in Jaamacada Muqdisho ay meel sare ka gashay Jaamacadaha
Afrika. Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Soomaaliya oo lagu tiriyo
lixda dal oo dunida ugu faqiirsan, haddana Jaamacadda Muqdisho waxay boqolka
ugu sareeya ee Jaamacadaha Afrika ka gashay kaalinta 78aad" taas oo ah
heerka wanaagsan ee ay Jaacadda Muqdisho gaartey. Sidaas oo kale ayaa loo
baahan yahay in la hir geliyo Jaamacada Hiiraan ayuu yiri.
Siciid Saalax oo ah aqoon yahan caan ka ah
Minnesota ahan bare Soomaaliyeed oo suugaanta ku xeeldheer ayaa hadalo
dhiiri gelin ah madasha ka soo jeediyey. Waxana uu yiri waa in la helo tiro
jaamacado ah oo ka badan inta Qabqable Dagaal ee dalku leeyahay. Waxana uu
intaas ku daray waa in la maareeyo Jaamacadaha si aan tayadoodu u dhumin,
magaalo kastana laga dhiso kulliyad ku haboon deegaanka ay Jaamacadasi ku
taal.
Gabar magaceeda la yiraahdo
Cibaado ayaa tiri "Anigoo ku hadlaaya magaca gabdhaha Soomaaliyeed waxaan
soo dhoweynayaa in Iskoolo iyo Jaamacado laga dhiso gobol kasta oo
Soomaaliya".
Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar
oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee Reer Minnesota oo kulankaas ka hadlay
ayaa aad uga hadlay muhiimada cilmiga. Waxana uu dadkii madasha isugu yimid
xusuusiyey sida ay Diinta Islaamku u qiimayso cilmiga. "Aayadii ugu horeysey
ee Quraanka ee Allah soo dejiyey waxay ahayd 'IQARA'" ayuu yiri, taas oo
daliil u ah qiimaha wax akhrinta. Sidaas dadaadeed, ayuu yiri, waa in la
dhiiri geliyo cilmiga. Sidoo kale waxaa muxiim ah wax qorista ayuu yiri.
Sh. Cabdiraxmaan waxa uu in yar ka waramay
yaraantiisii in uu dugsigii hoose ee uu ka soo baxay uu ku dhowaa xaafadii
uu ka degenaa Beledweyne, dugsiga dhexena uusan halkaas sidaas uga sii
fogeyn. Waxana uu nasiib u yeeshay in uu dugsi sare kaga soo baxo magaladii
uu deganaa ee Beledweyne, dugsiga sare ee Axamed Warsame oo ah dugsi lagu
dhisay Iskaa Wax-u-Qabso. Waxana uu Sh. C/Raxmaan halkaas ku muujinayey sida
ay qiimaha u leedahay waxbarashadu. Sidaas darteedna uu taageerayo in
Jaamacad laga dhiso magaalada Beledweyne. (Nin dadka kulanka joogey ka mid
ah oo mar dambe magarafoonka loo dhiibey ayaa xusay sida magaalada
Beledweyne u ahayd magaalo u dhexaysa shacabka Soomaaliyeed, waxana uu xusay
in dugsiga Sare ee Axmed Warsame ee Beledweyne loogu magac daray wiil uu
webigu qaaday xilligi Iskoolkaas la dhisayey, wiilkaas oo ahaa reer Garoowe,
ayuu yiri.)
Aan u soo laabano
hadalkii Sh. Caraxmaan, waxa uu yiri "Inagoo aan cid ku halaynayn waa in aan
isu taagnaa dhismaha Jaamacadas"
Sh.
C/Raxmaan waxa uu sheegay in ay waajib Islaami ah noqoneyso in la hir geliyo
dhismaha goobaha Tacliinta, lacagta lagu bixiyaan ay noqoneyso sadaqo.
Ugu dambayntii waxaa kulanka ka hadlay Shiikh
Prof. Axmed Muumin Warfaa oo hadda wax ka dhiga Salt Lake City Community
College, ee gobolka Utah ee dalka Maraykanka, kana dhiga maadada
biology/botany, oo Minnesota u yimid in uu Soomaalida kala hadlo hir gelinta
Jaamacadda Hiiraan. (Prof. Warfaa oo Reer Minnesota ku xusuustaan
booqashadii uu bishii Janaayo 2005
ku yimdi si uu uga hadlo dhibaata qaadka).
Prof. Warfaa oo ka warbixinaya Jaamacada
Hiiraan ee la hirgelinayo waxa uu yiri waxaa la qorsheynayaa in Jaamacada
Hiiraan ay muddo 10 sano ah gudohood ku yeelato 10 Kulliyadood, taas oo la
rabo in halkii sanoba la hir geliyo hal kulliyad. Waxana uu sheegay in muddo
hal sano gudohood ah loo baahan yahay in la ururiyo Nus-malyuun doolar (1/2
million) si loo hirgeliyo dhismaha Jaamacada Hiiraan, waxana uu sheegay in
soo ururinta lacagtaas isaga loo xilsaaray.
Prof. Warfaa oo ka warbixinaya lacagta ilaa
hadda Jaamacada loo ballan qaaday waxa uu sheegay in:
- Soomaalida Colorado ay bixiyeen
$20,000.
- Halka Soomaalida Seattle ay bixiyeen
$10,000 ayna ballan qaadeen in lacagtaas ay gaarsiinayaan $30,000
- Afar nin ayaa ballan qaaday in ay
bixinayaan $40,000
- Soomaalida Reer Minnesota waxay ilaa
xalay bixiyeen $80,000
Prof. Warfaa oo xifaalaynya reer
Beledweyne waxa uu yiri anagu reer Buulo-Berde haddaan nahay waxaan
webiga ka soo guran jirney qoonaha (ka baxda geedka baarka) oo webigu ka
soo qaado Bedelweyne, hadalkaas oo dadkii madasha isugu yimid ka
qosliyey.
Shiikh Prof. Warfaa, kaftankaas ka dib,
waxa uu reer Minnesota uga mahad celiyey soo dhoweynta, waxana uu ku
guubaabiyey in ka qayb qaataan Jaamacada hirgelinteeda, isagoo sheegay
in Jaamacadaasi ay tahay Jaamacad Soomaali u dhexaysa.
Mar su'aal laga weydiiyey tirada
ardayda ee loo qorsheeyey in ay Jaamacadasi qaadato sannadkiiba waxa uu
yiri: Waxaa hadda lagu qiyaasay in dugsiyada Sare ee gobolka Hiiraan ay
ka soo baxaan 500 oo arday, waxaana la qorshaynayaa in marka hore
Jaamacadu qaadan doonto 200 oo arday - bilowga sannadkiiba.

Sh. C/Raxmaan & Prof.
Warfaa |
Waxaa mar kale magarafoonka loo dhiibey
Sh. C/Raxaam Sh. Cumar oo xilligii uu dhiganayey Jaamacadii ummada
Soomaaliya uu macallimiintiisii ka mid ahaa Prof. Warfaa oo macallin
ahaa ilaa 1975. Waxana uu Sh. C/raxmaan mar labaad reer Minnesota ku
guubaabiyey in ay ka qayb qaataan hir gelinta Jaamacada Hiiraan.
Waxaa aad dadkii kulanka isugu yimid u
riyaaqeen markii kulanka oo socda la joojiyey si loo soo tukado salaadii
Cishe, kaddibna la isugu soo laabtay si kulanka loo dhamaystiro.
Wakiilka Jaamacada Hiiraan ee Minnesota waxaa
lagala xiriiri karaa Tel: 612.388.6282 (Minneapolis).
Halkaas ayuu si habsami ah ugu soo
gabagaboobey kulankii loo qabtay lacag u urinta Jaamacada Hiiraan oo
dadkii madasha yimid ay ballan qaadeen in ay ka qayb qaadanayaan maal
iyo maskaxba hir gelinta Jaamacada.
Qormadan waxaa isku doo dubaridey
Maxamed Cali | Minneapolis, MN, USA
Email: webmaster@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2005
LIFAAQ.1::: Qoraalka
markii aan daabacay ka dib waxaa la ii sheegay in
Fikirka iyo hindisaha
Jaamacadda Hiiraan laga soo alkumay magaaladda Columbus,
Ohio ee USA. (updated: Nov 27,
2005)
LIFAAQ:2:::: Reer Ohio iyo
gobolada kale ee Maraykanka si ay u taageeraan
Jaamacada Hiiraan waxa ay la xiriiri karaan:
Abukar D. Osman (Baale)