Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga
Ameerika oo lagu soo Gabagabeeyey
Minneapolis..
Muxadarooyinkii
Kulankii Halkan ka dhegeyso.... GUJI... (18 muxaadaro)
- SomaliTalk.com |
Minneapolis, MN, USA | September 2-4, 2005
Culimada Muxaadarooyinka ka soo jeediyey saddexdii
maalmood ee Kulanka waxaa kamid ahaa::
(AXAD) - MAALINTII
SADDEXAAD::
-
Sheekh Maxamed C/Raxmaan Kaariye: Jiilka
Kudayashada Mudan
-
Sheekh Cabdirisaaq Takar: Guur-Doonka iyo
Dhismaha Qoyska::
- Sheekh
Cismaan Madad : Dhiiri Gelinta Guurka
-
Sheekh C/Risaaq Xaashi: Saafi Yeelida
Qalbiga
-
Sheekh Waliid Idriis: La noolaanshaha
Qur'aanka
(SABTI) - MAALINTII
LABAAD:::
- Sheekh
Nuur Ciise: Sababaha dhallinyarada
Dhumiya iyo Daawadooda
- Sheekh
Aadan Sh. Cabdulle: Caddaalada Islaamka
- Sheekh
CabdiRisaaq Takar: Shareecada Islaamku waxay
ku haboon tahay Xilli Kasta
- Sheekh
Maxamed Cabdiraxmaan Kaariye: Walaaltinimada
Islaamka
- Sheekh Khaliif Macalin: Caqiiqda Islaamaka iyo
Raadka ay ku Leedahay Mujtamaca.
(JIMCE)
- MAALINTII KOOWAAD:::
-
Sheekh CabdiRaxmaan Sheekh Cumar: Sida
Islaamku u Ilaaliyo Qoyska
-
Sheekh Ibraahim Sheekh Maxamed: Raacida
Kitaabka iyo Sunnada
-
Sheekh Cismaan Madad: Akhlaaqda Islaamka iyo
Raadka ay ku leedahay Ummada
- Sheekh
Maxamed Khadar: Xiriirinta Riximka (Qaraabada)
- Sheekh
C/Risaaq Xaashi: Qalbiga Wanaagsan
-
Sheekh Maxamed Khadar: Naxariista Islaamka
|
Waxaa caawa (Axad Sept 4,
2005) soo gabagaboobey kulan diineedkii shanaad ee
Soomaalida woqooyiga Ameerika, waxana uu kusoo gabagaboobey
si farxad iyo guul ah, iyo duco ay culimadu u duceeyeen
dhammaan ummadda Islaamka. Haddaba kulankii Axadda waxa uu u
dhacay sidan:
MAALINTII SADDEXAAD
Jiilka Kudayashada Mudan:::

Sh.
Max'ed C/raxman |

Sh. Waliid
Idriis - waxa uu muxaadaradii kusoo jeediyey afka
carabiga. |
Sheekh Maxamed C/Raxmaan
Kaariye oo ka hadlay "jiilka ku dayashada mudan" waxa uu
sheegay in jiilka ugu ugu horeeya ee ay tahay in lagu daydo
uu yahay Jiilkii nebi Muxamed (scw) soo gaarey oo ah
saxaabadii rasuulka. Isagoo arrintaas faah faahinaya waxa uu
yiri: Saxaabadu waxay la joogeen rasuulka, la fariisteen,
dhegeysteen, la safreen, cilmiga ka qaateen, arkeen
dhaqankiisii suubanaa, arimahaas oo aysan jirin wax loo
dhigi karo. Sidaas daradeed waa in saxaabadii rasuulka
lagaga daydo asluubkoodii iyo fahamkoodii diinta Islaamka.
Sidoo kale waa in lagu daydo saxabadii sidii ay ugu dhegeen
diinta Islaamka iyagoo ay soo wajaheen arrimo aad u adag.
Sidoo kale waa in lagu daydo sidii ay dawlada u fahmeen,
taas oo looga tusaale qaadan karo sida loo dhisi karo dawlad
Islaami ah.
Sh. Maxamed C/Raxmaan waxa uu
yiri: Waa in Shareecada Islaamku ay noqoto meesha laga soo
qaadanayo distoorka (Xeerarka lagu dhisayo Dastuurka).
Waxana uu Sh. Maxamed
muslimiinta aad ugu booriyey in lagu daydo saxaabadii
Muhajiriinta iyo Ansaarta. Waxana uu aad ugu xeel dheeraaday
sida ay Saxaabadii rasuulku u ahaayeen kuwa ugu cilmiga iyo
cibaadada badnaa, uguna fahmi ogaa diinta Islaamka.
Waxana uu xusay sida uu
rasuulkeenu inoo sheegay in yuhuud iyo nasaaro is khilaafeen,
sidaas oo kalena in umadani isu khilaafi doonaan 73 firqo,
hal firqo oo keliya ayaa badbaadeysa, waana firqada raacday
Rasuulka iyo saxaabadiisii. Sidaas daraadeed muslimiintu waa
in ay ku dhegaan quraanka iyo sunada Nebiga, si looga
badbaado halaag, ayuu yiri.
Sh. Maxamed C/Raxmaan waxa uu
muslimiinta uga digey is-khilaafka, waxana uu yiri: waxaa
khilaafka keenaya marka aan kitaabka iyo sunada rasuulka la
raacin. Isagoo halkaas si qoto dheer uga hadlaya waxa uu
yiri: Waa in la raaco Kitaabka iyo Sunada, sunadu waxay
tafsiir u tahay qur'aanka.
Waxa kale oo uu aad uga hadlay
dawladihii Islaamka soo xukumay guusha waxa ay ku gareen in
ay ahayd markii ay raaceen Kitaabka iyo Sunnada.
Sidaas daraadeed waa in la raaco Islaamka (Ahlu sunniga),
lagana dheeraado khilaafka iyo kuwa diinta tashwiishka
gelinaya, sida Khawaarijta oo diinta khal khalka gelinaya.
Sidoo kale waxa uu ka digey 'Islaamka loo yaqan Libaraaliga".
"Waa in lagu dheganaado quraanka iyo sunnada rasuulka" ayuu
yiri.
Guur-Doonka iyo Dhismaha
Qoyska::

Sheekh
C/Risaaq Takar |
Sheekh Cabdirisaaq Takar waxa uu ka hadlay guur-doonka iyo
sida qoyska loo dhisayo. Waxana uu si gaar ah uga hadlay
waxyaabaha looga baahan yahay in ay sameeyaan dadka guur
doonka ah. Aad ayuuna dhalinyarada ugu booriyey in ay
guursadaan, guurka oo ah sunadii anbiyaasha.
Waxyabaha u bannaan labada qof
ee is guursanaya waa in ay si caam ah isu arkaan ka hor inta
aysan is guursan madaam aay yihiinlaba qof ee nolosha isla
wadaagi doona, laakiin ma bannaana khalwada oo ah in ay isla
keli noqosho laba qof oo aan is qabin. Waxa kale oo aan
bannaanay in la doono gabar qof kale u doonan. Sidoo kale ma
bannaana in la doono qof dumar ah oo markaas inta la furay
ku jirta rajactu (soo cesasho).
Sh. C/Risaaq waxa uu yiri: Si
guurku u noqdo mid waara waxa marka ugu horeysa muhiim ah in
loo is-tikhaaraysto, adigoo Allah ka baryaaya in qofka aad
damacsan tahay in aad guursatid uu noqdo mid Allah kuu dooro
iyo xilliga aad gursaneysid in uu yahay markii ku haboonayd.

Sheekh Cabdirisaaq Takar : Labada qof ee is qaba
waxay isu yihiin dhar. |
Waa kale oo uu sheegay
muhiimada ah in qofka guur doonka ah uu la tashado dadka uu
ku kalsoon yahay ee caqliga u saaxiibka ah ee maslaxada
jecel, waxana uu yiri: dadka la tasho, oo ha deg-degin,
waana sida aan diinteena ka baranay ayuu ku adekeeyey. Waxa
kale oo muhiim ah in aad Allah ka baridid in uu ku waafajiyo
khayrka iyo inuu guur kaaga ka dhigo mid wanaagsan.
Labada qof marka ay is
guursadana waxaa haboon in marka ugu horeysa, habeenka ugu
horeeya ay labadoodu tukadan laba rakcadood, oo ay Allah
baryaan in uu qoyskaas ka dhigo mid ku waara khayr. Waxana
uu aad uga hadlay muhiimada ay leedahay in labada qof ee is
qaba ay sirtooda isu qariyaan, maadaama ay isu yihiin dhar
waa in midba kan kale xafido maalkiisa, cirdigiisa iyo
sirtiisa.
Sh. C/Risaaq waxa kale oo uu
ka hadlay xuquuqda ay isku leeyihiin labada qof ee is qaba.
Isagoo arrintaas ka hadlaaya waxa uu yir: waxaa muhiim ah in
haweentu ay sowjkeeda ku adeecdo wixii aan xukunka Allah ka
hor imanayn, waa in ay xafido cirdigeeda, sharafteeda,
carruurteeda, ilaalisidna xaqa ninkeeda.
Xuquuqda ragga lagu leeyahay
waxaa kamid ah oo ugu horeeya Meherka uu ninku ballan qaaday
markii ay is guursanayeen. In uu ninku xaaskiisa ula dhaqmo
si wanaagsan, oo naxariis leh. Waxaana uu xusuusiyey in
Nebigu (scw) uu yiri: Kiina ugu Akhyaarsan waa kan ehelkiisa
(qoyskiisa) u ah Akhyaarka. In uu gabadha ugu kalmeeyo in
ay diinta Islaamka barato, arintaas oo mudan in hoosta
laga xarriiqo, ayuu yiri. Waxaa kale oo lagaaga baahan yahay
in aad sharafteeda dhawrtid. Sidoo kale waxaa ninka lagu
leeyahay nafaqada qoyskiisa.
Xuquuqda labadoodaba looga
baahan yahay waxaa kamid ah in mid walba uusan kan kale ka
hor istaagin wixii Allah u qadarey oo xalaal u ah, oo ay is-tix-geliyaan,
iyo is-ixtiraam. Waxa kale oo ay xaq isugu leeyihiin in ay
is dhaxlaan, ayuu yiri, sida ay diinteenu ina bartay. Waxa
kale oo xusay muhiimad ay leedahay in si wanaag ah loo wada
noolaado,oo la isu kaalmeeyo.
Dhiiri Gelinta Guurka

Sh.
Cismaan Madad |
Sheekh
Cismaan Madad waxa uu ugu horayn Muslimiinta ku booriyey in
ay u guuriyaan kuwa aan xaasaska lahayn, gaar ahaan
dhallinyarada. Waxana uu xusay sida Rasuulkeenu
dhallinyarada ugu booriyey in ay guursadaan, taas oo
maslaxadu ugu jirto mujtamaca. Gaar ahaan qof kasta oo
awoodi karaa waa in uu guursado.
Qofkii aan awoodin in uu
guursado waa in uu soomo. Soonka ayaa u noqonaya mid ka
celisa in uu ku dhaco xaaraam.
Waxa uu waalidka ku
booriyey in ay carruutooda u guuriyaan, waana in aysan
guurka wanaagsan ka hor istaagin carruurtooda ayuu yiri.
Sheekh
Cismaan oo ku xeel dheeraaday guurka waxa uu Muslimiinta mar
kale xusuusiyey sida uu Rasuulka Muxamed (scw) muslimiinta
ugu booriyey guurka.

Sheekh
Cismaan Madad : Ummada Islaamku ha raceen dariiqii Rasuulka
(scw). |
Waxa kale oo uu ka hadlay
caqabado ay dhici karto in ay is hor taagaan guurka, waxaana
ka mid ah: Iyadoo ay dhici karto in gabdhaha qaarkood in rag
wanaagsan oo u qalma marka ay usoo bandhigaan guur ay ku
jawaabaan iyagoo dhehaya 'guursan maayo ilaa aan helo
shahaadooyin waaweyn." Waxaana uu ka waramay qiso ku
dhacday gabar tiri guursan maayo ilaa aan jaamacad dhameeyo
oo dhakhtarad noqdo, oo qof kasata oo munaasab ah ka diidey
guur, markii ay jaamacadii dhamaysay ayey tiri waxaan rabaa
nin sidayda oo kale jaamacado dhammeeyey oo lacag haysta,
laakiin waxaa dhacday ragii ay rabtey oo dhami in ay dhici
karto in ay hore u guursadeen oo carruurba leeyihiin,
gabadhii waxay ku weynaatey ayadoo aan helin guurkii ay
rabtey, maalintii dambe ayey garwaaqsatay arrinta haysata
waxana ay tiri "war shahaadooyinkayga oo dhan qaata oo
isiiya nin wanaagsan oo aan guursado", waxana la sheegay in
ay noqotay dhakhtarad oo marka ay dhakhtarka u socoto waxay
ka qoomayn jirtey, maadaama ay cisbitaalka dumarka ugu
yimaada carruurtooda u daweyneyso ayaduna ay noqotay mid ku
gabowday guur la'aan.
Waxa kale oo caqabadaha
guurka is hor taaga kamid ah, ayuu yiri, in waalidka
qaarkood ay carruurtooda, gaarahaan gabdhaha ay ka meer
meeriyaan guurka ama ka hor istaagaan guur, oo ay dhici
karto in ay gabdho badani ku gaboobaan guur la'aan marka
laga meer meeriyey guur wanaagsan.
Waxa kale oo caqabadaha
kamid ah in wiilka lagu xujeeyo maal uusan awoodin, sidaasna
ay ku dhici karto in guurkii ku yaraado ama ku baaqdo.
Waxana uu xusuusiyey in meherka ugu khayrka badani uu yahay
kan ugu fudud.

Sh. C/Risaaq Xaashi:
Qalbiga halaga dhigo saafi |
Sh.
Cismaan Madad oo hadalkiisi sii wata waxa uu yiri: Caqbadaha
guurka waxaa kale oo kamid ah arrimo ijtimaaci ah, sida in
qof la yiraahdo gabadhayada ama wiilkayaga ma geydo ama
reerkaas ma kala guursano. Waxana uu Soomaalida xusuusiyey
in qofka ugu khayrka badani uu yahay kan ugu cibaadada badan.
Waana in arrintaas ah caqabada Ijtimaaciga laga gudbo, ayuu
yiri. Qof wanaagsan oo Muslim ah yaan guurka loogu diidin
xagga ijtimaaciga.
Waxa kale oo uu xusay
arrimaha waayadan soo baxay ee loo yaqaan "Honey Moon" oo ah
in gabadhu tiraahdo magaalo heblaayo iyo wadan helbaayo
ayaan aadeynaa arooskeena oo ay dhici karto in aan wiilkii
awoodin.
Waxa uu xusuusiyey in
haweenka loo guursado afar arrimood midkood: Maalkeeda,
quruxdeeda, ama reerkeeda, ama diinteeda. Nebigu waxa uu
yiri: gabadha u guursada diinteeda. Sidaas daraadeed, ayuu
yiri Sh. Cismaan, haddii waxyaabaha kale ugu darsamaan waa
nimco, balse waa in marka hore yoolku ahaado in gabar diin
leh la guursado.
Culimada kale ee maanta
kulanka ka hadlay waxaa kamid ahaa: Sh. C/Risaaq Xaashi oo
ka hadlay "Saafi Yeelida Qalbiga" iyo Sh. Waliid Idriis oo
ka hadlay "La noolaanshaha Qur'aanka".
Tartanka Aqoonta
Islaamka::
Salaadii Makhir kaddib markii
kulanka la isugu soo laabtay waxaa la qabtay tartan diineed
ay galeen saddex wiil oo dhinac ah iyo saddex gabdhood oo
dhinaca kale ah, waxaana la weydiiyey su'aalo Islaami ah,
su'alahaas oo kooxda hor garata ay batoon riixayaan si ay
uga jawaabaan. Saddexda wiil magacyadoodu waa: C/Risaaq
Maxamed, Saciid Jeelle, iyo Cabdullaahi Aden. Saddexda
gabdhoodna waa: Shukri C/Rashiid, Salaama Xusen iyo Saciido
C/Rashiid.
Natiijadii tartanka markii la
sheegay waxaa guushii raacday kooxdii wiilasha oo ku badiyey
335 dhibcood, halka ay gabdhihii keeneen 310 dhibcood,
sidaasna ay saddexdii wiil ugu guulaysteen tartankii
sannadkan. Guddiga tartanku waxay dadweynaha xusuusiyeen in
lixda dhallinyarada ah ee tartamayey ay markii hore soo
mareen ilaa afar tartan oo kan ka horeeyey oo si-reb-reeb
ah, tartanadaas hore oo ay ka qayb galeen dhawr iyo toban
wiil iyo dhawr iyo toban gabdhood.
Tartanka kaddib waxaa
wiilashii iyo gabdhihiiba la guddoonsiiyey abaal marin.
Wiilasha oo kaalinta koowaad galay waxaa midkiiba la siiyey
$250, halka gabdhaha midiiba la siiyey $150.
Dhiiri
Gelin Bixinta Sadaqada::
Tartankii
Islaamiga ee dhallinyarada kaddib waxa ay culimadu ka
warbixiyeen lacagtii ay dadweynuhu ugu deeqeen mashruuca
Abuubakar intii kulanku socdey. Waxana halkaas laga sheegay
in lacagta ay dadweynuhu mashruuca u ballan qaaden kulankii
Sabtida in ay ahayd $97,000 oo doolar. Waxana ay muslimiinta
mar kale xusuusiyeen in lacagta dhismaha hadda looga baahan
yahay in ay tahay $600,000 si uu u noqdo mashruuc
dhamaystiran oo anfaca mujtamaca Islaamka ee reer Minnesota.
Waxaa isla meesha markale dadweynihii caawa (Axad) joogey ay
mashruuca Abuubakar ugu ballan qaadeen $58,000, sidaasna ay
Soomaalidii kulanka ka soo qayb galay saddexda maalmood waxa
ay mashruuca Abuubakar ugu deeqeen qiyaastii $155,000.
Salaama Xuseen
oo ka mid ah gabdhihii ku guuleystey jaa'isadii Tartanka
ayaa $150 keedii ugu deeqday mashruuca Abuubakar. Aad ayaana
gabadhaas da'da yar loogu duceeyey, si weyn ayaana dadkii
kulanka isugu yimid ay ugu farxeen deeqsinimadeeda ah in ku
deeqday jaa'isadii qiimaha badnay ee ay ku mutaysatay
aqoonta Allah u siiyey Diinta Islaamka.
Warbixin
Machadka Caali:::

Machadka Caali | Abuubkar Video |

Machadka Caali | Abuubakar Video |

Sh. Khadar Omar |

C/Rashiid Barre Muuse |
Gabahagadii
kulankii Axada, waxaa ka hadlay Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar oo
warbixin ka bixiyey machad cusub oo hadda Minneapolis ka
furnaa muddo saddex bilood, Machadkaas oo lagu magcaabo "Machadka
Caali ".
"Waa machad
hoos yimaada Abuubakar, waxaana loogu talo galay inuu soo
saaro ducaad Islaam ah oo rag iyo dumar ah" ayuu yiri Sh. C/Raxmaan,
oo intaas ku daray :Waxaa machadkan ka baxa duruus aad u
heer sareysa oo ay dhigayaan macallimiin khibrad u leh
culuunta Islaamka." Machadku waxaa uu u guuri doonaa
dhismaha cusub ee Mashruuca Abuubakar, ayuu yiri. Waa machad
loogu talo galay horumarinta Soomalida Minnesota.
Kaddib waxaa
la daaray Video ka warbixinaya machadka, oo ay ka hadleen C/Rashiid
Barre Muuse oo ah maamulaha arrimaha ardayda ee machadka iyo
Sh. Khadar Omar oo ah macallin. Waxana ay ka hadleen
muhiimada uu machadkani u leeyahay mujtamaca Islaamka ah ee
deggan Minneapolis.
Video-ga
kaddib, Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar ayaa u mahad celiyey
dhammaan Soomaalidii ka soo qayb gashay iyo culimadii
muxaadarooyinka soo jeediyey ee ka yimidid Minnesota iyo
gobolo kale, waxa kale oo uu u mahad celiyey warbahinta
suurta gelisey in ay akhbaarta mu'tamarka gaarsiiyaan dadka
aan nasiibka u helin in ay ka soo qayb galaan. Waxaana Sh.
C/Raxmaan u duceeyey ummadda Islaamka caam ahan iyo reer
Minnesota iyo intii ka qayb qaatay hirgelinta kulanka
shanaad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika.
Sidaas ayaa
kulankii socdey saddexda maalmood kusoo gabagaboobey.
Warbixinadii kulanka ee Jimacadii iyo Sabtidii hoos ka akhri.
Baraanmijka
Dhallinyarada::::
Saddexda
maalmood ee mu'tamarku socdey waxaa jirey barnaamijyo gaar
ah oo meel gaar ah loogu qabaney dhallinyarada,
barnamaijyadaas oo ay dhallintu aad u xiisayneyeen, aqoon
iyo cilmina ka kororsadeen.

Dhallinyada oo fadhiya meel gaar ah loogu qabtay barnaamijyo
cilmiyeed.

Dadweynaha oo camiray Hallka weyne ee shirarka |

Dadweynaha oo soo camiray mutamarka |
MAALINTII LABAAD::
SomaliTalk.com |
Minneapolis, MN | Sabti, Sept 3, 2005 |

Kulankii Islaamiga ahaa ee
5aad oo bilowday Jimcadii isla mar ahaantaasna weli ka socda
magaalada Minneapolis ayaa waxaa Sabtidii ka soo qayb galay
dadweyne aad u farabadan, waxana uu u dhacay sidan:
Sababaha dhallinyarada
Dhumiya iyo Daawadooda ::

Sheekh
Nuur Ciise |
Sheekh
Nuur Ciise ayaa ugu horeyn ka hadlay siyaabaha ay u dhumi
karaan carruurta da'da yar, isaga oo ku dheeraaday sida ay u
dhici karto in waalidka (gaar ahaan waalidka deggan qurbaha)
oo aanba war u hayn ay carruurtoodii si fudud u dhumi karaan.
Waxa uu arrintaas ka yiri: Waxaa in badan dhacda in aan
waalidku ka war hayn waxyaabaha carruurtooda loogu dhigo
iskuulada, oo aan aabayaasha iyo hooyooyinku wax fikrad ah
ka haysan manhajka carruurtooda loo dhigo, ayadooba ay dhici
karto in waalidku aysan ku baraarug sanayn in caruur tooda
loo dhigayo manhaj aysan raali ka noqon lahayn. Waxaana
dhacda ayuu yiri in maalinta dambe la arko canugii oo
afkiisa ay ka soo baxayaan hadalo ay waalidku la yaabaan oo
aan
caqiidada waafaqsanayn.
Waxaa carruurta shakiga iyo
inxiraafka ku sababa waxa kamid ah saaxiibada xun xun iyo
filimada xun xun, iwm. Waxaana arrimahaasi iman karaan
haddii aan waalidku isku taxallujin ka war haynta
carruurtooda, ayuu yiri.
Sh. Nuux oo arrintaas si
khaas ah uga hadlaya waxa uu arrin lala yaabo ku
tilmaamay in waalidka iyo carruur tooda ku sugan qurbaha loo
kala tarjumo, waxana uu is weydiiyey: Xaggee hooyadu ku
maqan tahay, aabuhuna ku maqan yahay intii canugoodu uu afka
ajnabiga keliya baranayey, AfSoomaligana ay u bari waayeen.

CabdulCasiis Maxamuud Sugulle
oo ka war bixinaya halka uu marayo mashruucii
masjidka Abuubakar Asadiiq ee Minneapolis.

Sh. C/Raxman Sh. Cumar oo reer Minnesota iyo qof kasta oo
awoodi kara ku boorinaya in la dhamaystiro int aka
dhiman Mashruuca Abuubakar

Sheekh
Maxamed Khadar oo baaqay ain Allah dartiis wax loola baxo si
loo dhamaystiro mashruuca Abuubakar.

Sheekh
Cismaan Madad iyo Sh. C/Raxmaan oo Muslimiinta ku boorinaya
in ay ka qayb qaataan deeqda Mashruuca Abuubkar

Maahir
Shariif, Qareen Muslim ah oo ka hadlay kulanka

Sheekh
Ibraahim Sheekh Maxamed: "Ciqaab ayey mutaysan doonaan kuwa
culimada dhibaateeya."

Sh.
Aadan Sh. Cabdulle: "Caddaalada waa u siman yihiin
bini'aadamku". |
Sh. Nuur waxa uu
waalidiinta kula taliyey in ay aad uga feejignaadaan
waxyaabaha ay carruur-tooda daawanayaan, sida TV-ga oo ay
dhici karto in carruurta loo fasaxo ka warqab la'aana ay
daawadaan barnaamijyo anshax xumo ah ama marin habaabinaya
dhaqanka carruurta. Waxana kale oo uu ku baraarujiyey
muhiimada ay leedahay in carruurta xilli wanaagsan habeenkii
la seexiyo - Habeenkii waa seexasasho & nasasho, maalintiina waa
macaasha, sidaas ayaan caafimaadku ku jiraa, sida ay
diinteenu ina barayso ayuu yiri.
Sheekh Nuur oo aad ugu
adkeeyey in ay muhiim tahay in carruurta si wanaagsan loo
tarbiyeeyo si loo helo Hoggaamiyayaal wanaagsan oo leh
caqiido wanaagsan, waayo wanaaga bulshadu waxa uu ka
bilowdaa guriga iyo weliba in marka ay carruurta aad u
da'yar yihiin oo loo tarbiyeeyo si wanaagsan.
Sh. Nuur oo ka hadlaya
waxyaabaha daawada u ah si aan carruurtu u dhumin waxa uu
sheegay in ay ka mid tahay: Hijra degdeg ah oo laga haajiro
meesha carruurtu ku fasahaadayaan, gaar ahaan in laga hijroodo
magaalooyinka kufriga oo loo haajiroodo magaalooyinka Ahlu
Suniga. Inta ka horeysa waa in caruurta la geeyo
madarisooyinka ama dugsiyada Islaamiga ah si carruurtu ay
diinta u bartaan in carrabkoodu jilic san yahay. In asxaab
wanaagsan la baro, tusaale ahaan in la geeyo masaajidyada.
In carruurta lala sheekaysto oo la dhegeysto hadalkooda. In
lala socdo telefoonada ay had iyo jeer ku hadlayaan iyo
saaxiibada ay raacayaan. In loo sameeyo meelo Islaami ah oo
ay ku ciyaaraan, in la helo wax loogu bedelo daawashada
Telefishanada looguna bedelo barnmaijyo wanaagsan. In guriga
la keeno Cajaladaha wanaagsan ee laga baranayo caqiiqada
Islaamka. In carruurta la baro runta iyo aaminimada, labaro
sida salaada loo tukado, sidoo kale la baro sunada sida
salaanta iyo in midigta wax lagu cuno.
Waxa kale oo uu Sh. Nuur
waalidiinta ku booriyey in ay carruurtooda baraan taariikhda
shakhsiyaadka magaca weyn ku leh taariikhda Islaamka.
Caddaalada Islaamka::::

Sh.
Aadan Sh. Cabdulle |
Sh.
Aadan Sh. Cabdulle oo ka hadlay "Caddaalada Islaamka" waxa
uu ugu horayn is weydiiyey waa maxay "Caddaalad"? waxana uu
ku jawaabey waxaa caddaalad la yiraahdaa sida ugu fudud ee
qofku uu ku heli karo xaqiisa isagoo aan wax dhib ahi kasoo
marin.
Kaddib waxa uu xusay
taariikho soo maray dunida iyo sidii ay u aqoon jireen
caddaalada. Waxana uu yiri: Giriigii hore waxa ay caddaalada u
aqoon jireen "Qofku waxa uu rabo. Dadkii Roomaanka ahaa
waxa caddaalad u aqoon jireen waxa Shacabka
rabo. Reer Anduluusiya waxay caddalad u aqoon jireen waxa uu
boqorku xakumo. Laakiin caddaalada Islaamku waa waxyiga
Allah, waxaana laga qaadanayaa Kitaabka iyo sunadda. Waxana
uu yir: Caddaalaad Islaamka waa u siman yihiin dhammaan
bini'aadamku, waana in qof kasta helo caddaalad oo uu nabad
iyo xasilooni ugu noolaado si siman.
Caddaalada raad gaar ah
kuma leh maal uu qofku leeyahay, magac uu leeyahay, taajir
haddii uu yahay ama faqiir yahay. Mana aha caddaaladu wax ku
dhismi kara nacayb gaar ah ee loo qabo qof ama jacayl loo
qabo - Waa in si siman dhammaan dadka caddaalad loogu
sameeyo. Waana in si is'eg loogu caddaalad sameeyo dadka
wuxuu doono ama derajada uu doono ha lahaadee, ayuu yiri.
Waxa kale oo uu xusay in
markii ay diinta islaamku caddaalada sugtay, ay sababtay in
dadkii ay soo galeen Islaamka - markii ay arkeen caddaalada
naxariista badan ee Islaamka.
Sh. Aadan waxa uu yiri:
Sida ay diinta Islaamku uga hadashay caddaalada si lamid ah
ayey uga hadashay in la reebay dulmiga iyo in qof bini'aadam
ah lagu gabood falo ama lagu xad gudbo.
Waxa kale oo uu dadka
xusuusiyey saddexda qof ee ducadoodu ajiibka tahay oo ah:
Iimaamka caadilka ah, qofka Sooman ilaa uu ka afurayo, iyo
qofka la dulmiyey (madluumka ah) ee laga gardaran yahay.
Waxana uu xusay sida qofka madluumka uu Allah ugu ballan qaaday
in uu u gargarayo. Waxana uu yiri xataa waxaa loo baneeyey
qofka laga gardaran yahay ee la dulmiyey in uu ceebeeyo qofkii dulmiga ku
sameeyey, cadeyona sidii loo dulmiyey, taasna caddaaladda ayaa ku jirta, ayuu yiri.
Mujtamacii caddaalad fala,
wanaag ayey ku nooladaan, lakiin marka mujtamacu uu
caddaalada ka tago oo dulmi falo waa burburaan, ayuu yiri.
Waxana uu dadka xusuusiyey in Allah uu Rususha u soo diray
si ay caddalada u oogan. Sidaas daraadeed waa waajib in
qofka bini'aadamku uu sameeyo caddaalad.
Waxa uu xusay Zakada oo ah
Caddaalad uu Allah faral-yeelay si dadka qaniga ah ee Allah
wax siiyey ay u siiyaan dadka faqiir ah, sidaas oo ah
caddaalad. Allah waxa uu reebay Ribada si aan loogu gabood
falin ama loo cunin xaq qof kale.
Caddaalad waxay gashaa
qoyska dhexdiisa, tusaaale wuxuu u soo qaatay ciqaabta uu
mutaysanayo ninka aan u cadaalad falin xaasakiisa ama u
iisha mid kood. Waa in carruurta loo cadalad sameeyo sida
magac bixinta, wax siinta iyo hadalka. Waxana uu xusay sida
ay colaad u dhex dhigi karto carruurta haddii ay arkaan in
midkood uu aabahood ama hooyadood si gaar u jecel yihiin -
taas oo carruurtii kale colaad ku abuuri karta - tusaale
waxa uu u soo qaaday qisadii nebi Yuusuf oo walaalihiis ay
colaadiyeen markii ay u arkeen in aabohood uu Yusuf gaar u
jecel yahay.
Waxa kale oo Sh. Aadan Sh.
cabdulle uu xusay sida ay diintu u suulisey dhaqankii iyo
caadadii Carabta jaahiliga ahayd ee ahaa in aan gabdhaha wax dhaxal ah la siin, carruurtana wax la siin, laakiin
taas Islaamku waa suuliyey oo caddalad ayuu Islaamku keenay.
Waxa uu aad uga hadlay
caddaalada Allah ee dhaxalka, tusaale waxa uu u soo qaatay
sida dadka aan diinta Islaamka wax badan ka aqoon looga shaki
geliyo ayadoo lagu yiraahdo: Haddii Islaamku caddaalad yahay
maxaa haddii wiil iyo gabar uu aabohood dhinto wiilka loo
siiya laba meelood, gabadhana hal meel. Waxana uu yiri:
Ufiirsada ugu horayn in Islaamka ka hor aanba gabdhaha la
siin jirin wax dhaxal ah haba yaraatee. Dhaxalka Islaamka
marka gabadha 1/3 lasiiyo, wiilkana 2/3, waxaa wiilka waajib
ku ah in uu gabadha xanaaneeyo ayadoo inteeda aan laga
taabanayn.
Caddaalada Qisaasta ayuu
aad uga hadlay, waxana uu yiri waa caddaalad in il loo tuuro
il, dhegna loo gooyo dheg, qofkii qof si ula kac ah u dilana
laga qisaaso. Reerkii qofka laga diley waa qaadan karaan
diyo, lakiin ma ahan in arrinta laga dhigo sida marar badan
ka dhacda Soomaaliya oo inta dhiiga qofka la xalaalaysto la
yiraahdo qabiilkanaga ayaa diyada bixinaya. Arrintaas diyada
iyo Soomaalida isagoo ka hadlaya waxa uu yiri: Waxaad
waayadan dambe Soomaaliya ka maqleysaa qof ku dhaaranaya "Dhiigaaga
ama diyadaada waxaa loo ururinayaa taano taano" taas oo ku
tuseysa, ayuu yiri, in Soomaliya uu dhiiga Muslimku ka
noqday raqiis. Waxana uu Muslimiinta xusuusiyey caddaalada
qisaasta, waxana uu yiri: waxaa Soomaaliya kadhacda in qof
la diley ay u dhintaan boqolaal qof halkii qofkii wax diley
marka u horeysa haddii laga qisaasi lahaa ay arrintu sidaas
ku istaagi lahayd.
Waxa uu xusay dhawr qiso oo
muujinaya caddaalada kuwaas oo dhacay xilligii saxaabadii,
waxaana ka mid ahaa in uu yiri: Xilligii Cumar binu Khadaab
waxaa Masar barasaab ka ahaa Camar binu Caas. Haddaba maalin ayaa tartan la
sameeyey, tartankii waxaa wada galay wiil uu dhalay Camar
iyo wiil reer Masar ah, wiilkii uu Camar dhalay ayaa waxa uu
dharbaaxay kii la tartamayey. Wiilka la dharbaaxay markiiba
lugayn ayuu u dhaqaaqay dhankaas iyo Cumar Bin Khadaab oo
Islaamka hoggaminayey, markii uu u tegey oo qisadii u
sheegay ayaa loo cid diray Camar iyo wiilkiisii. Markii ay yimaadeen ayaa
wiilkii la dharbaaxay waxa uu Cumar Binu Khadaab ku yiri
marka hore intii uu kugu dhuftay in le'eg ku dhufo wiilka
Camar, kaddib ayaa la yiri Camarna intii wiilkiisu
kugu dhuftay in le'eg ku dhifo waayo sababta uu markii hore
wiilka Camar kuu dharbaxayba waxay ahayd aabihiis awgeed oo madax
meesha ka ahaa. Taasi waa caddaalad samayn ayuu yiri.
Shareecada Islaamku
waxay ku haboon tahay Xilli Kasta

Sh.
CabdiRisaaq Takar |
Sheekh
CabdiRisaaq Takar waxa uu ka hadlay in Shareecada Islaamku ay tahay mid soo jirtey
weligeed oo nebiyadii Allah soo diray oo dhan ay
dadka ugu yeerayeen Diinta Islaamka, laga soo bilabo Nebi
Aadam (cs) ilaa laga soo gaarey Nebi Muxamed (scw) oo lagu
khatimay dhammaan anbiyadii Allah soo diray.
Shareecada Islaamku waxay
kaga duwan tahay shareecadihii kahoreeyey waxaa lagu soo
koobi karaa saddex qodob, ayuu yiri, oo ah.
(1) Xagga waqtiga (samanka)
shareecada Islaamku waa mid waareysa, waqti kasta, weligeed, nebi dambe oo la soo diri doona ma jiro,
lama nasakhi doono, waa shareeco waari doonta ilaa qiyaamaha.
(2) Xagga nolosha, waa
shareeco dhamaystiran dhan
kasta oo nolosha bini'aadamka ah.
(3) Xagga Insaanka waa mid
caalami ah, goob kasta.
Sh. C/Risaaq waxa uu si
guud uga hadlay in diinta Islaamka ay tahay diin Allah ka sugnaatay oo aysan ahayn mid la dhehayo aan hadda tijaabino,
balse waa shareeco ay waajib tahay in la raco, Allahna uu
bini'aadamka u soo dejiyey.
Shareecada Islaamku waa mid
dhamaystir ah, ayuu aad ugu adkeeyey, waa diin Allah ugu talo galay in ay dunida ka
jirto ilaa maalinta Qiyamaha. Sidaas daraaded waxay koobeysaa
wax kasta oo bini'aadamku u baahan yihiin qarni kasta.
Sh.
CabdiRisaaq Takar waxa uu si qoto dheer oo cilmiyaysan uga
hadlay sida Allah khaaliqa ah ee koonka abuuray uu raali uga
yahay shareecada Islaamka iyo inta ku dhaqanta, iskuna
xukunta.
Salaadii Casar & Biririf:::
Halkaas markii la marayey
ayaa waxaa soo gashay salaadii casar, markii la tukadey ayaa la qaatay biririf si loo
qadeeyo, ama loo cabo casariye. Eeg sawirka hoose dadka oo
qadaynaya.

Raggii oo fadhiya kuraasta
oo qaxwaynaya/qadaynaya...
(Dumarku dhinaca kale ayey fadhiyeen,
sawirkan kama muuqdaan)

Xaayow (Sakariye
Aadan) oo ka tirsan SomaliShow TV oo Kaamaradiisa
HDV la kala baxay. kana mid ahaa warbaahinta ka soo
qayb gashay kulan diineedkii shanaad ee Minneapolis.
| Sept 3, 2005

Siyaad Siciid
Saalax oo ka socda
Somali TV oo duubaya Mu'tamarka | Sept 3, 2005 |
Mashruuca Abuubakar:::
Markii laga soo laabtay
salaadii casar iyo biririftii waxaa markale la isugu soo
laabtay kulankii. Waxaa warbixin laga soo jeediyey halka uu
marayo mashruucii Masjid Abuubakar.
Ugu horayn waxaa arrintaas
ka war bixiyey
CabdulCasiis Maxamuud Sugulle. Waxana sheegay in qaybtii
hore ee mashruucu ay guul ku dhammaatay, waxana uu xusay in
dhismaha mashruuca si rasmi ah uu ugu soo wareegey gacanta
Masjidka. Waxa keliya oo iibki dhismaha lagu iibiyey ka
dhiman ayuu yiri $100,000 oo uu sheegay in Insha Allah
dhowaan la bixin doono.
Waxa uu xusay muhiimada ay
leedahay in laga faa'iideysto dhulkaas iyo dhismahaas kusoo
wareegey Masjidka. Waxana uu sheegay in meesha la geeyey
Injineero eega qaabka ugu haboon ee loo habayn karo iyo sida
loo dhisi karo. Waxana uu xusay in hadda tallaabada ugu
horeysa in la bilabo dhismaha. Waxana uu intaas kudaray
dhulka mashruucaas ay noqon karaan sida: Masaajid, fasallo
wax barasho (Iskuul) iyo Jiim.

Sh. C/Raxman Sh. Cumar |
Sugulle waxa uu
magarafoonka kusoo dhoweeye Sh.
CabdiRaxman Sh. Cumar oo ah iimamka Masjidka, waxana uu ugu horayn Allah uga baryey qof kasta oo ka qayb qaatay iibinta dhulka
mashruuca Abuubakar
loo gaday oo ah waqaf ay Muslimiintu leeyihiin. Waxana uu
sheegay in Injineeradii ay ku taliyeen in dhismaha ay bixi doonto ilaa $600,000. Taas
oo uu yiri intii ka badanayd waa soo wadney waana in insha
Allah dhamaystirnaa.
Sh. Cabdiraxmaan waxa uu aad
uga mahad celiyey qof kasta oo ka qayb qaatay mashruuca
Abuubabakar hir gelidiisiida, iibka dhulka iyo dhismihiisaba.
Waxana uu xusuusiyey in booskaasi uu hadda yahay guri Allah,
taas oo la og yahay ajarka uu leeyahay qofka ka qayb qaataa
dhismaha Masjid.
Waxana uu xusay sida ay
Muslimiintu wax u qabsan karaan si wada jir ah.
Sh. Cabdiraxmaan waxa uu
yiri: Mashruuca badankiisii waa soo wadney ee aan ka qayb
qaadano dhamaystirkiisa. Aan Allah dartiis wax ugu
sadaqadaysano mashruuca, ayuu yiri.
Kaddib waxaa magarafoonka
lagu wareejiyey Sheekh
Cismaan Madad oo isaguna ka hadlay mashruuca Abuubakar waxana uu yiri: Markii
aan arkay mashruucaan waxa ay ahayd arrin aad u farxad badan,
waa meel ka koobanaan doonta qayb lagu tukado iyo meel wax
lagu baran karo oo ah fasallo iyo Jiim. Maadaama ay magaaladan ku nool
yihiin dadka Soomaaliyeed ee Maraykanka jooga kuwa ugu
badan waa farxad in mashrucaasi hir galo. Waxana uu xusay muhiimada uu mashruucaasi u yeelan
doono Muslimiinta Minnesota. Isagoo xusuusiyey in aan
maalku ku yaraan sadaqada, sidaas daraadeed waa in aan
laga bakhaylin dhamaytirka mashruuca, ayuu yiri.
Sidoo kale waxaa arrinta
mashruuca Abuubakar ka hadlay Sheekh
Maxamed Khadar, oo aad dadkii kulanka joogey ugu booriyey in
ay sadaqaystaan wixii Allah siiyey si dhismaha mashruuca
dhulkiisa la haysto loo bilaabo, oo loo dhamaystiro.

Maahir
Shariif |
Kaddib
waxaa magarafoonka lagu soo dhoweeyey Qareen (Layer) Muslim
ah oo magaciisa la yiraahdo Maahir
Shariif. Waxana uu talooyin siiyey Musliminta haddii ay
hay'adaha qaabilsan ammaanku ay u yimaadaan qof waxa uu
qofkaasi xaqa u leyahay iyo waxa ay tahay in uu sameeyo.
Isagoo arintaas ka hadlayana waxa uu yiri: Haddii ay haydaha
ammaanku kuu yimaadaan waxaad tiraahdaa ugu horeyn waxaan si
xushmad leh u doortay in aanan hadlin, waxaan rabaa marka
hore in aan la hadlo qareen (I respectfully choose not to
say any thing, I want to talk to a layer first). Haddii
lagu yiraahdo waxaan baareynaa/fetisheynaa gurigaaga ama
gaarigaaga waxaad tiraahdaa ma u haysataan cadayn (warrant)
in aad arrintaas baaritaanka ah samayn kartaan. Xaq ayaad u
leedahay inaad ogaatid arrintaas, ayuu yiri.
Maahir
Shariif waxa uu yiri: Waxaad tihiin Ameerikaan wanaagsan,
muwaadiniin wanaagsan, ameerikaankana waxaa lagu yaqaan in
ay xuquuqdooda yaqaanaan.
Salaadii Makhrib:::
Markey saacadu soo gaartey
7:45pm ayaa mar kale kulankii biririf laga qaatay si loo
tukado salaada Makhrib. - Dadka aan weligood Woqooyiga
Ameerika iman ee qoraalakan akhrista waxaa xusuusineynaa in
aan salaadii makhrib aysan naga daahin, balse waqtigu uu
dhulkaan is bedelo oo xataa waxaa dhacda xilli makhribka la
tukado 9:00pm. Marka Woqooyiga Adduunka la tago waxaa si
wanaagsan loo fahmaa aayadaha quraanka ee sheegaya sida
Allah uu is dhex geliyo habeenka iyo maalinta, oo waxaad
argeysaa xilli habeen ahaan jirtey oo qorraxdu kor taagan
tahay.
Salaadii makhrib kadib
kulankii ayaa meeshii ka sii socday.
Walaaltinimada Islaamka::

Sh.
Max'ed C/raxman |
Sh.
Maxamed Cabdiraxmaan Kaariye oo ka hadlay 'walaaltinimada
islaamka' waxa uu yiri: Muslimku waa walaalka Muslimka. Waxa uu
si faah fahsan
uga hadlay sida dadka muslimiinta loo kala qaybiyey oo loogu
kala qaybiyey qabiilooyin iyo dalal iyo xuduudo ay dejiyeen
gumeystayaal iyo dad neceb wadajirka Muslimiinta. Waxaa qofka Muslimka waajib
ku ah in uu u xanuundaso waxa ku dhaca dhammaan
dadka Musliniinta meel kasta oo ay joogaan, ayuu yiri.
Waxyaabaha xoojin kara
walaaltinimada waxaa kamid ah, ayuu yiri, arimahan:
Isu jeclaansho Allah
dartiis: Ugu horayn waxaa muhiim ah
in aad ogaatid Islaamnimada aad haystid in ay waajib kaga
dhigeyo in aad dhawrtid walaaltinimada. Waana in uu jiraa dareen
iimaani oo ah in aad qofka ku jeclaatid Allah dartiis. Waana in
aad ku tiraahdid waxaan kugu jeclaaday Allah dartiis. Ma
ahan in aad qabiil ku jeclaatid, ama isku midab ama isku dal,
balse waa in aad Allah oo keliya dartiis aad ku jeclaatid.
Isa Siin Hadiyaddo: Rasuulka
(scw) ayaa
laga soo weriyey: hadiyada isa siiya si aad isu jeclaateen.
Hadiyad la isa siiyaa shardi ma aha in ay tahay wax qaali
ah, waxay noqon karta mid yar lakiin macnawiyan qiime u leh.
Mahad naq: Diinteenu
waxay ina baraysaa: Qofkaan dadka u
mahad naqin Allah uma mahad naqo. Sidaas daraadeed haddii qof wanaag kuu sameeyo u mahad naq.
Waji furnaan: Qofka
Muslimka ah waa in uusan ahaan mid waji qabiix ah, balse
waa in uu ahaadaa mid waji furan. Sidoo kale
qoyska dhexdiisa waa in ay ahaadaan kuwo isu faraxsan. Tusaale
waxa uu u soo qaatay sida ay muhiimka u tahay in ninka iyo
xaaskiisu isu hayaan farxad iyo maxabo - marka aad guriga soo gashid
adigoo waji furan soo gal, farxad reerkaaga ku salaan,
reerkaaguna farxad hakugu soo dhoweeyeen.
Salaanta: Rasuulku waxa uu
ina baray inaan salaanta faafino, sidaas daraadeed badinta
salaantu waxay ka qayb qaadataa wanaajinta walaaltinimada.
Nebigu waxa uu yiri: ma idin sheegaa ficil haddaad samaysaan
aad is jeclaaneysaan, waa in aad badisaan salaanta dhexdiina.
Ducada: In aad walaalkaa
iyo walaashaa oo aan kula joogin aad u ducaysid. Walaalkaa oo
kaa maqan u ducee. Nebigu waxa uu yiri wax kasta oo aad
walaalkaa ama walaashaa oo kaa maqan ugu ducaysid waxaa malag kuugu ducaynayaa
in adigana uu Allah kusiiyo wixii wanaaga ahaa ee aad ugu ducaysid.
Niyad saafi ah: Waa in
aadan wax xumaan ah qalbiga ugu hayn qof walaalkaa ah. Saxaabiga uu
Nebi Muxamed (scw) ku tilmaamay Ehelo janno markii la weydiiyey
waxa uu ku kasbaday, saxaabigii waxa uu yiri waxaan habeenkii seexdaa
aniga oo aan qalbigayga wax xumaan ah ugu hayn qof Muslim
ah.
Sh.
Maxamed Cabdiraxmaan Kaariye waxa uu yiri: si aan
walaaltinimadu u burburin waa in aysan noqon mid ku dhismin qabiil, wadaniyad, midab,
balse waa in ay ahaato mid
dar Allah oo keliya ku dhisan, haddii kale walaaltinimadaasi
ma waareyso. Waxa kale oo uu yiri waa in la xafido sirta
walaalahaa, haddii walaalkaa kuu yimaado oo ku sheegto arrin
sir ah haka faafin. Sidoo kale walaalkaa u ceeb astur.
Culimadii kale ee kulanka
maanta ka hadlay waxaa kamid ahaa Sheekh Khaliif Macalin oo
ka hadlay Caqiiqda Islaamaka iyo
Raadka ay ku Leedahay Mujtamaca.
MAALINTII KOOWAAD::
SomaliTalk.com |
Minneapolis, MN |Jimce, Sept 2, 2005:::
Galabnimadii Jimcada swaxaa
magaalada Minneapolis ka bilowday kulan diineedkii shanaad
ee Woqooyiga Ameerika. Kulankaas oo socon doona saddex
maalmood (Jimce, Sabti iyo Axad) waxaa uu ka furmay
Minneapolis Convention Center oo ku taal faras magaalaha
Minneapolis. Kulankii Jimcda oo aan soo koobnay culmiadii ka
hadashay iyo qodobada ay ka hadleen waxa uu u dhacay sidan:
Sida
Islaamku u Ilaaliyo Qoyska:::


Sh.
C/Raxman Sh. Cumar |
Sheekh
CabdiRaxmaan Sheekh Cumar ayaa si qoto dheer waxa uu uga
hadlay muhiimada uu Islaamku siiyo dhismaha iyo dhawrista
qoyska. Waxana uu tibaaxay waajibaadka ay isku leeyihiin
sowjka iyo sowjada oo uu qoysku ka unkamo. Waxana uu sheegay
wanaaga kujira is xurmaynta, is tixgelinta, iyo isu
naxariisashada labada is qaba sida ay uga qayb qaadato
jiritaanka qoyska wanaagsan ee Muslimka ah.
Sh. C/Raxmaan waxa uu xusay
dhibaatooyinka lasoo dersa qoysaska ku dhaqan dalalka
qurbaha. Waxana uu ku nuux nuux saday muhiimada ay leedahay
in haddii qoysku arrin isku qabtaan in ay marka hore dhex
dooda ku dadaalaan sidii arrintaas ay u xallin lahaayeen si
deggan. Haddii arrintu ay qoyska dhexdiisa ka cakirantona
waxaa muhim ah, ayuu yiri, in ay arrinta dhex galaan dadka
jecel wanaaga jiritaanka qoyskaas, sida ehelada labada
dhinac iyo culimada, waana in loo saaro guddi si arrinta loo
turxaan bixiyo si xigmadi ku dheehan tahay. Waxana uu aad
ugu adkeeyey in jiritaanka qoyska wanaagsan ee Muslimka ah
uu yahay aasaaska bulshada wanaagsan.
Waxa kale oo uu Sh. C/Raxman
ka hadlay dhulkan qurbaha looga yaqaan "Abuse" ama "ku tagri
fal", taas oo uu sheegay in macnaha ay dadka cilmi nafsiga
dersa ay ku macneeyeen in mid kamid ah labada is qaba uu ku
dhibaataynayo kankale si maskaxiyan ah, xoog ah ama dhaqaale
ah. Arrintaas oo uu sheegay in ay tahay mid aan sinaba u
bannanayn. Waxana uu xusay sida ay Diinta Islaamku u
dhawrtay qoyska, asagoo ku celiyey in wanaag ku wada
noolaanshuhu uu yahay asaaska qoyska.
Ugu dambayntii Sheekh
CabdriRaxmaan waxa uu qoysaska Soomaaliyeed meel kasta oo ay
dunida ka joogaan kula taliyey in ay raacaan amarka Allah
iyo sunada Rasuulka (scw), isu sabraan, isu naxariistaan, is
ixtiraamaan si loo helo bulsho caafimaad qabta oo Allah
raali ka yahay.
Raacida
Kitaabka iyo Sunnada:::

Sh.
Ibraahim Sh. Max'ed |
Sheekh
Ibraahim Sheekh Maxamed oo ka hadlay "Ciqaabta qofka
khilaafa Kitaabka iyo Sunnada" waxa uu aad ugu dheeraaday
siyaabaha lagu mutaysto ciqaabta oo ay kamid yihiin:
khilaafida caqiiqada, macsida, iyo bidcada. Aad ayuuna
arrimahas uga digey.
Sh. Ibraahim waxa uu aad
uga hadlay quruumihii iyo dadkii ciqaabta la mariyey markii
ay khilaafeen Amarka Allah, waxana uu xusay: Qoomkii Saalax,
qoonkii Luud, Fircoon, qoomkii lagu imtixaanay kalluunka
Sabtida iyo qoomkii Nebi Muuse, Asxaabu Fiil (kuwii rabey
inay Kacbada ku dumiyaan maroodiyaasha) - waxana uu xusay
sidii quruumahaasi ay ku kasbadeen ciqaabta in ahayd amarkii
Allah oo ay diideen ama canaadeen.
Waxa kale oo uu xusay sidii
loo ciqaabay in badan oo Allah ku jees jeesay ama is cajeb
geliyey oo ilaawey in awooda ama mansabka ay gaareen uu
Allah gaarsiiyey, iyo marki ay Allah himameen ama canaadi
noqdeenla sida loo ciqaabay.
Sh. Ibraahim waxa uu aad
uga hadlay ciqaabta ay mudanayaan dadka diinta ka hor
yimaada iyo kuwa dhibaatada u geysta culimada, sida kuwa
qoraalada dhibatada hor seedaya ka qora culimada Islaamka.
Waxana uu xusay sida Allah ciqaabtiisu ay u degdeg badan
tahay qofkii xad gudub la yimadana Allah ku ciqaabi doono.

Waqtigii
Biririfta: Dumarka oo salaadii casar soo tukanaya

Waqtigii biririfta: Ragga oo salaada casar soo
tukanaya |
Akhlaaqda Islaamka iyo
Raadka ay ku leedahay Ummada:::

Sh.
Cismaan Madad |
Sheekh
Cismaan Madad oo ka hadlaya akhlaaqda wanaagsan waxa uu yiri
in Nebi Muxamed (scw) uu sheegay in loo soo diray in uu
dhamaystiro akhlaqda wanaagsan, sidaas awgeedna ay akhlaada
wanaagsani muhiimad aad iyo aad u weyn ku leedahay Islaamka.
Asagoo hadalkaas sii xoojinayana Sh. Cismaan waxa uu yiri
sida ay diinta Islaamku ina bartay caqiiqada wanaagsan kama
maaranto akhlaaqda wanaagsan. Waxana uu xusay sida diintu
inoo bartay in qofku ama uu wax wanaagsan ku hadlo ama uu
iska aamuso.
Sh. Cismaan waxa uu sheegay
in akhlaaq xumadu ay keento: cudurro, dhibaatooyin arrimaah
Ijtimaciga ah, caruuta oo xumaata iyo ciqaab la mutaysto.
Sh. Cismaan waxa uu aad ugu
xeel dheeraaday akhlaaqdii wanaagsanayd ee Rasuulka Nebi
Muxamed (scw) oo ay tahay in aan ku dayano, wanaaga,
dulqaadka, sida wanaagsan ee Nebigu ula dhaqmi jirey
dhammaan asxaabadiisii iyo eheladiisii , sabarkii nebiga iyo
is cafiska.
Xiriirinta Riximka (Qaraabada):::

Sh.
Maxamed Khadar |
Sheekh
Maxamed Khadar oo ka hadlaya xiriirinta riximka (qaraabada)
waxa uu yiri marka hore waxaa muhiim ah in la barto riximka
la xiriirinayo in uu yahay: Qaraabada dhanka hooyaha iyo
qaraabada dhanka aabaha. Sida loo xiriirinayo waa in loo
samafalo, waxna la taro, la booqdo, laga war hayo, loo
muujiyo maxabo iyo kal gacal, la weydiiyo xaaladooda, lagana
war hayo.
Qarabadaadu haddey ku
gooyaan xataaa waa in adigu aad xiriirisid, ayuu yiri.
Sh. Maxamed Khadar waxa uu
sheegay in ay kala duwan yihiin qabiilka oo wax loo ururiyo
iyo qaraabada oo la xiriiriyo.
Waxana uu aad u lafa guray
muhiimada xiriirinta riximka, iyo in ajar badan laga helayo
laguna liibaanayo.
Qalbiga Wanaagsan:::

Sh.
C/Risaaq Xaashi |
Sheekh
C/Risaaq Xaashi oo ka hadlaya muhiimada uu leeyahay qalbiga
oo saafi laga dhigo waxa uu yiri: Qalbiga saafida ah waa kan
bad-baadey. Waxana uu aad ugu xeel dheeraaday muhiimda ay
leedahay arrintaasi, waxana uu yiri: Waa in qalbiga laga
saaro xasadka, xiqdiga, shirqoolka, iyo nacaybka. Waana in
aan wax xumaan ah qalbiga loogu hayn qof Muslim ah.
Waxa kale oo uu Sh. C/Risaaq
aad ugu dheeraaday muhiimada sabarka, oo haddii xataa wax
lagaa sheego ay tahay inaad ku sabartid. Waxana uu yiri:
Carrabkaaga iyo qalbigaaga qof Muslim ah wax ha ugu qaadin.
Wax aadan shaqo ku lahayn ha gelin. Ka fogow
waxyaabaha aan macnaha lahayn, sida daawashada turubka,
dhegeysiga sheekada kuwa jaadka ruugga, iwm. Qalbigaagana
nadiifi.
Waxa uu Sh. C/Risaaq
sheegay sida lagu gaaro karo qalbi nadiif ama saliim ah in
ay tahay : Allah ka cabsi iyo in Allah laga baryo in uu
qalbiga kuu wanaajiyo, waxa kale oo sidaas lagu gaaraa ayuu
yiri cafis.
Naxariista Islaamka:::
Sheekh
Maxamed Khadar oo si cilmiyaysan uga hadlay Naxariista
caamka ah ee Islaamka waxa uu yiri: Haddii adduunka oo dhami
ogaan lahaayeen naxariista Islaamka, dadka oo dhami waa soo
Islaami lahaayeen. Muslimiinta ayaana laga rabaa in ay
dunida u muujiyaan naxariista Islaamka. Waxana uu xusay in
aan Allah u naxariisan qofka aan bini aadamka u naxariisan.
Waxana uu dadka ku booriyey muhiimada ay leedahay in loo
naxariisto wax kasta oo naf leh oo Allah abuuray (Bini'aadam
iyo xayawaan).
Sh. Maxamed Khadar waxa uu
siweyn uga hadlay Naxariista caamka ah ee Islaamka iyo tan
khaaska u ah Muslimiinta. Waxana uu xusay naxariista Allah
soo dejiyey ee ah xadaynta in qofkii wax dila laga qisaaso,
kii wax xadan xukunka shareecada la mariyo ay tahay nolosha
iyo nasteexda bini aadamka sida aan k abaranay diinteena
Islaamka. Caddaalada iyo garsoorka ayaa sidaas ku jirta,
ayuu yiri.
Waxa uu Sh. Maxamed Khadar
aad uga hadlay muhiimada ay leedahay in loo naxariisto
agoonta iyo dadka aan awooda u lahayn in ay xaajadooda
keligood maaraysan karaan (xoog ama dhimir ahaan), in aan
qofka lagu nicin in uu yahay qof xooggiisa ama dhimirkiisu
dhiman yahay. Waa in dadka sidaas ku sifooba aad loo
ixtiraamaa, ayuu yiri.
Waxaa qoraalkaas soo
tebiyey SomaliTalk.com.
Jadwalka Sabtida iyo Axada
hoos ka akhri::

Waqtiga biririfta......
Faafin: SomaliTalk.com |
2-4, 2005
JADWALKII MUTAMARKA KA EEG HALKAN... GUJI:::
XAFLADII LOO DHIGAY LASOO
WAREEGIDA DHULKA LOO GADAY MASHRUUCA ABUUBAKAR

Heshiiska la kala
wareegida xarunta waxa uu dhacay kaddib markii maamulka
masjidku ay halkaas ku bixiyeen lacag dhan 1,580,000 (waxaana
mulkiilayaashu hore damaanad ugu haysteen 20,000) sidaasna
ay hadda ku hayataan 1,600,000. (Waxaa dhiman 100,000 -
wararka u gu dambeeyey ee masjidku waxay shaaca ka qaadeen
in ilaa hadda la helay 1,650,000, sidaasna ay ku dhiman
tahay 50,000 oo keliya.)...
GUJI...
|