SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

 
 Bulshada Soomaalida ee Minnesota oo caawinaysa dhibanayaasha Katrina

Ogeysiis

Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota laga codsanayaa in ay caawiyaan dadka ku tabaaloobay duufaamaha iyo daadka Katrina iyo Rita.  Dadweynaha soomaaliyeed oo lagu yaqaanay deeqsinimo waxaa laga codsanayaa inay ka soo qaybgalaan qaaraanka loo ururinayo dadkaas u baahan.

Goobta:           Brian Coyle Center

                        420 15th Ave South

                        Minneapolis, MN   55454

Goorta:           habeenka Sabtida ee bishu tahay October 1, 2005

Saacadda:  6pm

Waxa lagu deeqayo:

1) Biyaha nadiifka ah, (Water)

2) Cuntada qasacadeysan ee aan u baahnayn firintijeer sida toonada iwm, (Non-perishable foods)

3) Diapers,

4) Waxyaabaha la isku nadiifiyo sida cadayga, saabuun, shaambada oogada iyo tan weelashaba.

Waxaa kale oo dadweynaha la ogeysiinayaa in uu goobta ka hadli doono Prof. Salim Ali Ebrow oo ah Deputy Prime Minster isla markaana ah Finance Minster ee dawladda federaalka ku meel gaarka Soomaaliya.

Fadlan ka soo qayb gal horena u soo qaad alaabta la tabarucayo.

Waxaa soo abaabulay hawshaan

Maxamuud Nuur Wardheere – Office of US Senator Coleman

&

Soomaalida Minnesota  ee ka soo badbaaday dagaaladii sokeeye

mnwardere@yahoo.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2005

UNHCR oo Qaar ka tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey  Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso... Guji... Aug 16,2005

WARBIXINADII HORE EE XERYAHA QAXOOTIGA EE SOOMAALIDU KU JIRAAN EE KUYAAL KENYA


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD