SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
 Haddii 189 xubnood ay doorteen c.llaahi yuusuf muxuu hadda kooram u layahay 

Cabdiraxmaan xasan UK

cabdiraxman19@yahoo.com

Dadka soomaalida arrintooda wax laga waydiinayo waxaad is oranaysaa mararka qaar waa dad loogu talagalay in lagu caddaabo shacabka soomaalida. 

Shirkii loo fadhiyey 2 sano iyo dheeraadka Embegate waxaa lagu dhisay 275 xubnood oo baarlamaan ah 189ka mid ahi waxay doorteen madaxweynaha hadda Soomaaliya. Kuwii doortay baa maantay muqdisho jooga oo leh ha lagu jihaado ninkay iyagu soo doorteen oo halkee wax ka qaldanyihiin. 

Haddaba waa halkaan arrinta ubucdeeda, xilligii c.llaahi uu mushuraxa ahaa waxaa la waydiiyey xildhibaanadaan majoritygooda sababta ay c.llaahi ku dooranayaan waxay ku jawaabeen dadku waxay u baahanyihiin nin ad adag oo LAAYA, markaas waxaa la moodayey inay leeyihiin anagu waan la shaqaynaynaa cidii ka hortimaada ha laayo. Waa dambi in qof lagu doorto dadka. 

Intaase ugama sii harin ee waxayba u tafaxaydanyihiin inay si kasta oo dadkii loo layn lahaa la sameeyo. Muqdishay tageen waxay dhaheen odaygu dagaal buu rabaa ee waa jihaad ha lagu jihaado oo maxaad ugu jihaadaysaan soo idinku ma soo dooran soo saan kuma dooran dadku nin adag buu u baahanyahay soo nama iinaan oran. 

Maya maadan fahmin, nimankaan waxay rabaan in 5 sano oo walba shir wadamada dariska ah lagu qabto ka dibna miin 7,000 oo doolar ay ka qaataa musharixiinta markii shirku dhammaadana cidday noo soo doortaan ay dhahaan ha lagu jihaado oo waayo haddii dawladu socoto waxaa la gaari doonaa xilli shacab weynuhu wax doortaan oo lacagtoodii nimakaan meesha ay ka baxdo haddab si aysan taasi u dhicin waa inay waxii ay iyagu soo doorteen ay haddana diidaan. 

Wasiirada hubaysan ee hadda laga karilayhay la shaqeeya c.llaahi soo iyagu ma dooran  qanyare waa isaga meel kasta la taagan waa nin aarsi doon ah madaxweynuh maxaad codkaaga caddow usiin wayday isagaa nin shacab ah ahaa oo aan dagaal lagu ogayn  markii aad 37 cod madaxa la taagaysay, haddiise  hadalka saad u dhigayso loo fiirsho qanyarow maxaad ka reebteen adiga iyo kuwa kula midkaa dadka aad leedahay waa laga aarsanayaa. Soo iyaga kii aqoonta lahaa maalinkasta gurigiisa lagu hor dilayo, dhaliyaradii soo kacaysay noloshii intaad ku cadaabteen baddu cunayso iyagoo boqolaal ah 80% dadka Badda Yemen iyo soomaaliya ku dhimanay koonfur bay ka soo qaxayaan waayo bahalaa guriyahoodii degey. Maxaad reebteen oo laga aarsadaa. 

Caato maxuu ka rabaa soomaaliya waa isaga leh isbaarada la qaadi mayo oo wiilal baa biil ka qaatee madaxweyne ma rabo oo markii la tartamayey maba is sharixin wasiirna waaba la siiyey. Dawladdii la soo dhisana ma ogola, waa saxanyahay isagu oo dee beerihiisa daroogada baa laga gubayaa ama spare partygiisa baa canshuur laga qaadaya marka ma ogola si taas aysan u dhicin waa inuu dhahaa hawiyow dawladda ku jihaada. 

Oo xaajigu maxuu rabaa xaajigu waligiis dawlad kama shaqayn haddana qoriguu ku helay wasiirka Ganacsiga haddii uu qoriga dhiibo wax damaanad ah uma haysto inuu sii ahaanayo. 

Indhacade isagu dawlada maxay u dhintay kumaba jiree, muu maxuu mucaaradka ula saftay. Dhul uusan lahayn buu xoog ku maamulaa haddii dawladu uu taageero guddoomiye isaga uga xaq leh baa marka loo soo magacaabayaa. 

Waxaanse hadalba aadan ugu daalin nimankaan waa niman xarfaan ah dad aan wax baran waxna garan bay haystaan  marka say doonaan bay cayaarta u dhigayaan. 

Haddii Muqdisho tahay mesha ugu liidata xaga amaanka Soomaaliya. muqdisha dadka degena ma ka liitaan soomaalida kale. 

Waxaa soomaaliya guud ahaan la isku raacsanyahay inuu yahay wadan ay yartahay dunida wadan la mid ah markii laga eego qodobadan hoose iyo kuwa kale. 

1.Sida dadkiisii u bur buriyeen iyadoon dibad cidna uga soo duulin walina aysan diyaar u ahayn inay ka baxaan bur burka. 

2.Waxa ay isku haystaan oo aan cidna garanayn ma diinbaad isku haysataan. Ma xad soomaalidu kala leedahay baa jira oo aad isku haysataan. Ma midab baad ku kala duwantihiin oo isu laynaysaan jawaabteeda cid haysa illaa hadda la garan mayo. 

3. Ma dawlad baad isku haysataan dadka qaar baa dhihi kara haah. Laakiin hadii aad usii fiirsatid waxaa soo baxaysa maya oo dawlad maba la haysan mararkii xasuuqa ugu xun ka dhacay soomaaliya yaa lala dirirayey. Waxaa kaloo la dhihi karaa nin kursi raadinaya la garay laakiin in wadankii dhammaa barba bar qabsado ma kursi isku haysashaa, haddii nin reer koonfur ah ama reer puntland ah ama wuqooyi ka soo jeeda uu madax noqdo aniga iyo adiga ma kursi baan helnay waa maya. 

Haddaba haddii soomaaliya intaas oo ceeb ah oo jaahilnimo ah markii ay ku caddaatay la yiri waa wadan la dhihi karo wadamada ugu liita buu ka mid yahay. Markii muqdisho ubuc u noqoto ama la dhaho waa meesha wax ka hagaagi waayeen soo lama dhihi karo waa meesha dadka ugu liita soomaalida ay degenyihiin. Jawaabta waxaan u daayey akhristayaasha. 

Marka la yiraahdo muqdisho laga hadli mayo guriyaha iyo bada marta muqdisho wax macnaana ma samaynayaan ee meelkasta dadka degen baa ka dhiga waxa ay tahay ama dad hormarleh bay noqdaan meeshaasna way hormartaa ama carruutooday qashaan markaas baa la dhahaa meeshii carruurta lagu qalin jiray. 

Waxyaabaha uur xumada leh ee reer muqdisho nasiib darada ku ah waxaa ka mid ah inay 15 sano ka dib daba socdaan ciddii dunidii ka reebtay soomaalidii kale ka reebtay iyagoo degen caasimadii dalka oo dhinac kasta ka horaysay dalka intiisa kale 15 sano waxii ka horeeyey. 

Soomaalidu haddii ay leeyihiin dhago wax weeleyn kara ama maskax sax iyo qalad kala saari karta wax badan baa dad ay dhab ka tahay ay  udigeen laakiin waa qadar alle iyo garasho xumadooda inay xalka garan waayaan.  Xalka meel fog ha ka raadin 7 nin ee xamar joogta ee idin damaray ka hara oo haddii aad cid ku jihaadaysaan iyaga ku jihaada. Way idinka tagayaan meel ay aadaana way haystaan mid walba baasaboor buu wata caruur iyo reer  baa wadan nabad ah buu degsaday markii aad baa badaan bay rabaan inay halkaas aadaan. 

 Waxba isku qabiil ma tihidin beentaas miyeynaan barabanayn ninowna nina qabiil ha ku taageerina ma idinkaa soo doortay c.llaahi iyagaa doortay ha la shaqeeyeen Haddii aysan la shaqayn Karin wadanka ha iskaga tageen. Hadii qabiliyadi khayr leedahayna soomaali bay dunida meel fiican ka fariisin lahayd maantay marka waxba yaan qabiil la idinku beer laxawsan nimanka isbaarooyinka inay qaadaan diiday oo maamul iyaga ka dhaxeeya cid kalana yeysanba wax ka siine samayn la 15 sano cid walbaa idiin dhaanta ee idinku maantay uma baahnidin iyagaa idiin baahan oo  raba cid ay xabad isaga dhigaan ee dayrsha chancekiinii waa kan maantay.

Allow Sidii Roon.

Allow Sidii Roon na waafaji.

Cabdiraxmaan xasan UK

cabdiraxman19@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2005

UNHCR oo Qaar ka tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey  Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso... Guji... Aug 16,2005

WARBIXINADII HORE EE XERYAHA QAXOOTIGA EE SOOMAALIDU KU JIRAAN EE KUYAAL KENYA


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD