Shariif Xasan oo si weyn
loogu soo dhoweeyay London
Saaka oo Jimca ah.
30.09.2005
Ridwaan Xaaji Cabdiweli,
London.
Gudoomiyaha Baarlamanka
Soomaaliya Shariif Xasan
Sheekh Aden iyo Wafdi uu
Hogaaminayo ayaa Saaka kasoo
dagay Garoonka Caalamiga ah
ee Heathrow ee ku yaala
Magaalada London isagoo ka
yimid socdaalo uu kusoo kala
bixiyay Dalalka Maraykanka
iyo Canada oo maalmahan uu
kula kulmayay Mas'uuliyiin
iyo Soomaalida ku nool
dalalkaasi.
Socdaalka Shariifka waxaa si
weyn ugu soo dhoweeyay
London Soomaali aad u fara
badan iyo Xubnaha Ururka
Somali Concern Group oo ay
kamid yihiin Gudoomiyaha
Ururkaasi Eng Yariisoow iyo
Xoghayaha Guud ee Ururkaasi
Cabdulaahi Taleefan.
Shariifka waxaa socdaalkiisa
ku wehelinayayWafdi uu kamid
yahay Xildhibaan
Cabdiraxmaan Ibbi , waxaa
kaloo iyana la sugayaa in ay
isla London soo gaaraan qaar
kamid ah Wafdigii horay usii
raacay Shariifka oo wafdiga
Gudoomiyaha aan la soconin
maanta.
Mar aan khadka Taleefanka
kula xiriiray Shariif Xasan
mudada ay joogayaan
Magaalada ayaa waxaa uu ii
sheegay in ay u
qorshaysantahay ilaa
maalinta Talaadada ah in ay
joogayaan london isla
markaana ay la kulmi doonaan
mudadaasi Siyaasiyiin ajnabi
iyo Shacabka Soomaaliyeed ee
ku nool London.
Horay waxaa Magaalada London
u sii joogay Xildhibaanada
kala ah Md. Maxamed Xassan
Daryeel, Md. Sakariye
Maxamud Xaji Cabdi iyo
Mustafe sheikh cali dhuxulow.
Waxa kale oo ku sugan xildhibaan
Maxamed Cabdi Yusuf oo isna
maalmahan ku sugnaa london.
ridwanhaji@yahoo.com