Gabadhii xumaan damacda
aabahey baa nin iga weyn
u dari lahaa miyey qiil
ka dhigataa?
[tix
raac qormi ku saabsan
buugii beenta ahaa ee
Ayaan Xirsi]
Waxaa qortay: Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
Waxey aheyd maalin aan
dhex taagnaa carwaddii
25aad ee bandhiga
buugagta magaalada
Gothenburg ee Sweden
29.9.2005-ta si habsami
ah uga furmay. Waa carwo
caalami ah oo sanad
walba qorayaasha
adduunka iyo intii ehel
u ah qalinka lugu soo
bandhigo qoraaladooda,
waana tan ugu weyn ee ku
taal gobolka ama dalalka
loo yaqaan
Iskaandaneefiyanka.
Bandhigan waxaa lugu
martiqaada sidaan soo
sheegay inta ehelka u ah
qalinka ee caqliga iyo
aqoonta u adeegsada
qalinkooda. Nasiib
wanaag booqashada
rugtaas waxaan kula
kulmay gabadhii
soomaaliyeed ee bari
caanka ku aheyd
xayeysiinka dharka
Weris Diiriye,
laakin markii dambe u
xuubsiibatay taakuleynta
dadka dhibaateysan ee
Afrika, iyadoo
ay aheyd markii ugu
horeysay ee la kulmo
Waris Diiriye, waxeyna
aheyd mid soomaalinimada
ka muuqto. Qolkii ay
shirka jaraa'id ku
qabaneysay ayaan kamid
ahaa warfidiyeenadii
joogay waxeyna halkaasi
ku soo bandhigtay
buugeedii 3aad ee ka
hadlayey halgankeedii
caan baxay ee ka hortaga
Gudniinka. In door ah
ayena ka hadashay buugan
oo ka duwan kii hore
ayey kaga faalootay in
gudniinka haddii dumarka
soomaaliyeed ee marti u
noqdeen dhaqmo kale
uusan marna ka harin
waxeyna arrintaasi ku
tilmaamtay Ayaan darro
iyo jir dil loo
geysanayo carruurta aan
waxba galabsan
Hadaba ku dheeranmayo
sababta aan markale
mowduucan uga hadlayo
waxaase igu kalifay
markii aan carwadaasi ku
dhex arkay buug marka
aad ka fogtahay
muuqaalka ruuxa ku
sawiran aad kuu soo
jiidaneyso, malaha waa
midabka modow, laakinse
markaad u dhawaato ayaad
ogaaneysa ruuxa qoray
inaaney aheyn shaqsi
Alle xagiisa iyo
bulshada ay sheegataba
ka leh qiimo sidaas
daraadeed waqti kuma
lumin akhrinta buugaas,
waxaase jiray qormooyin
ku jiray buuga runtii
aan si fican u akhriyey
kuwaasoo aad ogaaneyso
iney yihiin been la soo
dhoo dhoobay.
Waxaa qoray buugan Ayaan
Xirsi Magan waxeyna ugu magac
dartay "Codsaneysa
Caddaalad"
Buugu wuxuu ka hadlayaa
arrimo badan oo is
diidan. Tan koowaad
waxey ka hadashay Ayaan
Xirsi sababta keentay in
maanta ay ahaato qaxooti
taasoo ah in aabihii
dhalay uu doonayey inuu
ka darro nin ka weyn
da'ahaan oo xilligaas ku
suganaa dalka Kanada
diidameedii guur aysan
raali ka aheyna ay aheyd
sababta ugu weyn ee
keenay iney cadow ku
noqto Diinta Islaamka.
Inkirimeyno in dhaqankii
Soomaalida marka ay
timaado arrin guur uu
ahaa mid jiray in gabar
nin aysan rabin lugu
darro,sababtana ay tahay
reeraha oo u badan sabool
doonayeyna in gabadhoodu
guursato nin hodan ah si
ay uga baxaan
saboolnimada. Ikraam
ahaan doonimayo inaan ka
faaloodo arrinkaas
waxaanse leeyahay waa
arrin jirta oo gabdho
badan dambi looga galay
balse dhaqan gamuuray
miyaa wax laga qaban
karaa? Laakinse
sheekaadaasi maahan mid
jiritaanka Alle lugu
inkiri karro ama diin
looga baxo, soomaaliduse
waxey tiraahdaa
"Hashii dideysaa geedey
ku xoqoto ma weydo" .
Arrimaha is diidan ee
buugan ku jira ayaa
waxaa kamid ah iney weli
sheeganeyso Ayaan Xirsi
iney tahay muslimad
cabsi ka qabta falka ay
ku dhaqaaqday in
Illaahey ugu carroodo
maalinta qiyaamana uu ku
darro kuwa naarta galaya.
Hadey sida ay sheegeyso
jirto maxaa keenay iney u
aflagaadoto Diinta
Islaamka jirtaankii
Allaha xaqa lugu caabuna
inkirto? Miyaan la oran
karrin sheeko
baraleedaasi waa maah
maahdii aheyd "Baqtiga
ma cuno fuudkiina waan
cabaa"
Dalalka reerka galbeeda
waxaa la sheega in
gabadha aan 18 jirsan uu
guurkeedu yahay midaan
banaaneyn, maadama aysan
aheyn ruux caqli leh oo mas'uuliyadeeda
qaadi kartaa. Ayaan
Xirsi oo arinkaas meel
kaga hadleysa buugeeda
ayaa ku tilmaantay
xadgudub. "Haa waa run,
laakin aniga Maxamed (Nabi
Muxamed NNKH) ma aqaano
wiilkaasna weligey lama
kulmin, mana cadeyn
karro inuu haweenka
taageersana ama uu cadowgoodu
ahaa, sidoo kale waxaan
ragga muslinka sheegta
weydiiya sababta ay gar
waaweyn u leeyihiin
dharka carabta oo 1600 sanno
ka hor ahaa u xirtaan
ayna u raacan
fikradahaas ee Quraanka
ku jira" ayey ku
leedahay qeyb ay kaga
jawaabeysay su'aal aheyd
miyaaneyn aheyn wax laga
xumaado in Nabi Muxamed
guursado gabar sagaal
jir ah waana qeybta ay Islaamka
si gaar ah uga hadleyso
buugeedii ay ku sheegtay
iney codsaneyso
caddaalad taasoy si aan
qarsoodi aheyn u
muujineyso sida ay ugu
damqaneyso waxa ay ku
sheegtay gabar la
kufsaday hadana karbaash
loogu darroo taasoo
hadana ay ku leedahay
gabdhaasi sababta loo
karbaashay waxey
sameysay galmo iyadoon
la guursan.
Isku soo wada duubo
xaqiiqda dhabta ah
cadaawada Ayaan Xirsi
Islaamka u heyso maahan
mid la ogaan karro,
waase mid u baahan in la
weydiiyo ka hor inteysan
baran ninkii
Holandeeska ahaa Plieps
la oran jiray ee ay
wadaganaayeen (Living
togther) saaxiibkeedna
ahaa loona aaneynayo
inuu ahaa ninkii Diinta
ka saaray iney Islaamka
necbeyd iyo inkale ka
hor inta aaney soo if
bixin arrinta guur ee ay
sheegtay in qasab loga
dhigay.
Dhinaca kale waxaa jira
gabdho soomaaliyeed oo
badan kuwaasoo meelaha
qaar ay Ayaan Xirsi
wadaagan, maadama
xumaanta ka dhanka ah
dhaqanka iyo diinta ay
sameynayaan ay sababo
badan uugu qiil
sameeyaan.
Waalidiinta Soomaaliyeed
ee xilligan waxaa mudan
iney dhageystaan
carruurtooda si haddii
dhibka yimaado berito ay
iyaga mas'uuliyadooda
qaaadayaan, haddii kale
arrinkoodu wuxuu
noqonayaa iney maalinba
meel u cararaan Sida
Masar iyo Suuriya oo naf
ka raadshaan iyagoo ku
calaacalayaan iney ka
baqeen in carruurtu ka
halowdo. Aaabha
soomaaliyeed ee kabarada
jaadka iyo fadhi ku
dirrir qabyaaladeeda
dhax fadhiyo iyo hooyada
lacag arruursi iyo iney
dad xamati ka dhigtay shaqo,waxaa
haboon iney ubadkooda
dhowraan qiimana ay
siiyaan ka hor inta
aaney xaajo faraha ka
bixin.
Waxaa qortay: Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg- Sweden