SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
 Dowladihii aan Qaranka Lahayn 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

London, UK | Sept 30, 2005

Waxaan mar hore ku soo sheegnay in qaranku ka dhiganyahay guriga oo dhan marka laga reebo saqafka/dadka. Marka aasaaska guriga, darbiyada, dariishadaha iyo albaabadu kuu dhisanyihiin, waxaa sahlan inaad korka sare ee guriga ka dhigato caws, caaw iyo caleen (dowlad jilicsan); ama tarniig/jiingad/laamiyeeri (dowlad xoogaa xooggan); ama jilay iyo shub (dowlad fiican). Waxay  ku xirantahay mabda’a qofku aammisanyahay. Haddaad muslim tahay, lama arko xukun ka fiican kii nabiga (SCW) iyo khulufaa’u Raashidiinkii wax ku xukumeen; haddaadse aamminsantahay dimuqraaddi, waxaad u aragtaa inuu isagu yahay mabda’ aan wax lala simo jirin. 

Sidii farshaxan-yaqaan Ammiin Caamir uu farshaxan ku muujiyey; qaranka waxaad kaloo dhihi kartaa waa baabuur aan taayirro lahayn. Qaranku hadduusan dowlad lahayn wuxuu shafka saarayaa dhulka laakiin isku qiimee baabuur dhan iyo taayirrada! Cidna ka yeelimayno, iyadoon qaran jirin baan intaan IGAD ka soo qaato taayirro duug ah oo keligood ah oo isjiid (N3) laga bedelay baan iyadoon baabuur jirin; dad, duunyo iyo xamuul ku qaadayaa! 

Gabyaagii caanka ahaa waa isagii lahaa: 

  • nin da’ yari dambaab iyo hagalo diriro direyntaase

Hadda lama yaabbani in dagaal-oogayaashaad aragteen oo Ilaah-aqoonnimo iyo aqoonba ka raadgatay ku hadaaqaan inay dhisi karaan dowlad aan qaran lahayn laakiin waxaa iga yaabiyey “aqoonyahanno” u aaday Mbagathi inay wax ka noqdaan “dowlad” sidaas lagu dhisay. Qaarkood markey xoogaagii ay qurbaha ka aruursadeen ku soo gubeen Nairobi bey dib u soo noqdeen. Laakiin qaarkood weli waa “xildhibaanno” qaran! 

Haddaynu Soomaali nahay maxaynu isu yeelyeelnaa?! Marka laga reebo diinta Islaamka ooynaan waxna ku dari karin waxna ka bedeli karin; qaranka waxaa ugu qiimo badan dadka. Duunyada aan dhaqanno oo iyada lafteedu qabiil leh (ileyn qof kasta isagaa tuluddiisa geela ah lehe) ka sokow waxaa la dhammeeyey dhirtii, waxaa la ugaarsaday ugaartii oo aan lab iyo dheddig midna laga tegin, waxaa sun lagu shubay badihii iyo berrigii. Fiicnaan lahaydaa haddii dadku dhibtaas ka badbaadi lahaa laakiin dhibta ugu daranba waxay qabsatay dadkii oo huf iska dhigay. Iyadoo arrini halkaas marayso, ka warrama haddii “dowladdu” shisheeye ku tiraahdo: kaalaya dalka argagixisaa joogtee nala dila?! Inkastuusan jirin qof Soomaaliya oon si uun uga qeybqaadan dhibaatada wadanka ka jirta marka laga reebo in yar oo Ilaahay u naxariistay haddana dagaal-oogayaasha oo jaahiliin ah waxaa cadow u ah qofkii aqoon diimeed iyo mid maaddi ah leh. Waa arrintaas midda keenta iney ku sheekeeyaan hadallo doqonnimo ah. Diinta Samaawigaa ka dib, dadku wuxuu guriga dhagaxaa ka yahay halka dhagaxa, shubka ama bulukeetiga uga jiro. Waa qof waalan, qofkii yiraahda waxaan dhisayaa dowlad Ilaah lid ku ah (diin Islaam la’aan) oo haddana dadkeedii rabta iney leyso. Waa nin guri dhagaxa raba inuu dhisto oo leh dhagax/bulukeeti ma rabo inaan guriga gashado! 

Dagaaloogayaashu ma ka bogteen riwaayadda raadiyaha ama filimada ay isu sheegaan? Ma arkeen dhibka Afganistaan iyo Ciraaq ka jira? Ma arkeen sida Maraykanka iyo Ingiriisku u rabaan in inta iska dhigaan Ciraaqiyiin ay doonayaan iney shacabka Ciraaq isku diraan? Marka filimkii shisheeyaha iyo Zenawi waa gubtay! Dadkuna ha ogaado haddii dadkaas maangaabka ah la rumeysto in waxa dhibka soo gaarayo ay yihiin shacabka Soomaaliyeed ee awalba dhibbanaa.

Dad yar oo Soomaaliyeed oo qaarna lagu tuhmayo diin aqoodnimo qaarna cilmi maaddi ayaad arkeysaa iyagoo mar walba u taagan dhiirrigelinta shacabka iyo ka hadalka Zenawi. Dadka intiisa kale waxaad mooddaa ineysan wax ka maqneyn. 

Hadda waxaa dadka Soomaaliyeed kaalinta ugu hooseysa ku jira dadkii fanka. Waa kuwii intooda badneyd Kacaankii iyo dowladihii ka horreeyey usoo heesi jiray. Waxaadba mooddaa iney kaalintoodii noqotay: yaa mar noo keena madaxweyne aan u heesno! Waa isagii hal-abuurku lahaa: 

  • bisha Oktoobar labaatameeeyo alifku dheeryahay
  • iyo Abriil baa Alle ina siiyee aqoonsanaada

Wuxuu ka wadaa 21 Oktoobar iyo 12 Abriil oo ahayd maalintii xoogga dalka Soomaaliyeed. Waxaan halabuurka weydiinayaa, Kacaankii iyo milatarigii aad lahayd aqoonsanaada oo Ilaah ugu xamdi naqa maxay nagu faleen? Maxayse waddanka ugu tageen. Hadduusan hal-abuurkaas ku jireen hooballo iyo fannaaniin booqatay korneyl C/hi oo Newyork dhowaan tagay si ay usoo dhoweeyaan marna sheekadiisii hore dib uguma noqdeen. Laakiin saan horay u soo iri, fannaaniin badani waxay sugayaan dowlad ay u heesaan. 

Cali Mahdi iyo C/Qaasimba waa dhaqaajin waayeen dowlad aan qaran lahayn. Laakiin hadda korneylkaa sheegta inuu isagu dhaqaajin karo dowlad aan qaran lahayn. Weliba isagoo u sii dhaaranaya dadka (shacabka Soomaaliyeed) yaraa ee ka badbaaday masiibada ku habsatay Soomaaliya. Haddii korneylku arrintaas ka dhabeeyo waxay la mid noqoneysaa tii Ilmo Keenadiid ka sameeyeen Hobyo. Iyagoo iska soconaya ayey Hobyo degeen dabadeedna ka sameysteen boqortooyo ku dhisan baad iyo xoog. Marka haddii inta C/hi Jowhar ka dago dabadeedna Xamar iyo dhulkaas ka taliyo waxaa iyana taariikhda gelaysa boqortooyadii C/hi Yuusuf oo waxaa dhici karta in hadhow la isweydiiyo Cali Yuusuf iyo C/hi Yuusuf maxay isu ahaayeen. Soomaalidu ma jecla runta iyo in taariikhda la xuso oo keliya waxay isu sheegaan riwaayado. Dadkii badnaa ee Koonfurta Soomaaliya  loogu laayey qabiilka dartiis, intooda badan waxaa loo dilay dambi aysan shaqo ku lahayn laakiin ay horay u sameeyeen awoowayaashood iyo aabbayaashood ama qof ay qabiil isla sheegtaan. Marka haddii arrintii Hobyood ay dhibteedii ilaa hadda harin, ma filayo in faa’iido ku jirto in inta ciidamo laga keeno dhul kale,  la sameeyo colaad hor leh oo boqolaalka sano oo soo socda aan harin haddiiba adduunku sii jiro. 

Marka waxaan filayaa in la joogo waqtigii ay waxgaradka Soomaaliyeed iyo dhallinyaradu ka tashanlahaayeen mustaqbalkooda sidoo kalana ay ka hari lahaayeen dagaaloogayaashaas qabiilka lagu raacayo. Waxaan mar kale ku celinayaa in magacii ahaa dib-u-heshiisiin uu sax ahaa. Maaddaama dhirtii la dhameeyey, sunna lagu shubay bad iyo berri waxaa ila habboon in dadkeennaas yar ee soo badbaaday la isu keenoo oo la heshiiyo. Weli ma fahmin qof qaran Soomaaliyeed raba oo leh: Ari Caddeeye wixii ka shisheeye waa ii cadow sidoo kalana Balcad wixii ka shiisheeyana waa ii cadow. Haddaanba Zenawi la heshiin karno maxaa noo diiday inaan dhexdeena ka heshiinno? 

C/Waaxid C/hi Khaliif | London | cabdulwaxid@hotmail.com

Qoraaladii hore ee C/waaxid... GUJI...

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2005

UNHCR oo Qaar ka tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey  Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso... Guji... Aug 16,2005

WARBIXINADII HORE EE XERYAHA QAXOOTIGA EE SOOMAALIDU KU JIRAAN EE KUYAAL KENYA


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD