SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

30 September. 2005 

  • Dagaallo cadowga lagu jabiyay. 

  • Mucaaradka Itoobiya oo bannaanbixii loo diiday . 

  • Meles Zenawi oo la kulmay Wafti ka socda Kaniisadaha Aduunka. 

  • Barnaamijkii  xog-warran ee aanu  ku eegaynay xaladaha kusoo kordha gumyasiga Itoobiya .

 ======================

  Ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa cadowga Itoobiya ayaa dagaallo culculus iskaga horyimid meelo kala duwan oo ka mid ah dalka Ogaadeenya. Sidii caadadu ahayd waxaa dagaalladaas lagu naafeeyay ciidammada cadowga ee sida qasabka lagu keenay dalka Ogaadeenya. Dagaalladii u denbeeyayna waxay u dheceen sidatan: 

10/09/2005 dagaal ka dhacay Qarruud, oo ka tirsan degmada Godey, waxaa ciidammada cadowga ee saama la-luudka ah lagaga dilay 1 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay. 

11/09/2005 dagaal ka dhacay Haar-Dhagax, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa cadowga hororka ah lagaga dilay 7 askari, waxaa sidoo kale lagaga daawacay 9 askari oo kale. 

22/09/2005 dagaal culus oo ka dhacay Dhagax-qorane, oo u dhaw Ceelka Bullaale, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 40 askari. Waxaa kaloo lagaga dhaawacay 30 kale. Dagaalkani wuxuu ahaa mid ay ciidammada gumaysigu isaga yeedheen meelo kala duwan, iyagoo filayay in goobtaas ku sugnaayeen madaxda Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya, hase yeeshee waxaa sutida u dhigay oo jab iyo halaag ba’an ciidammada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogaadeenya.

24/09/2005 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Neef-Ku-Celiye, oo ka tirsan gobolka Doollo, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay. 

Mucaaradka Itoobiya oo bannaanbixii loo diiday . 

Xisbiyada mucaaradka ah ee Itoobiya ayaa sheegay in xukuumadda keligii taliye Meles Zenawi ay ka diiday codsigoodii ahaa in loo oggolaado bannaanbax ay qabtaan maalinta axadda ah. Xisbiyada mucaaradka ah ayaa xukuumadda Zenawi ku eedeeyay inay meel kaga dhacday xuquuqdii dastuuriga ahayd, waxayna sheegeen inay oggolaanshaha bannaanbaxa mar kale codsan doonaan, hase yeeshee ay hadda joojinayaan bannaanbixii ay taageerayaashooda ugu baaqeen inay isugu soo baxaan maalinta axadda ah. 

Berhanu Nega oo ka tirsan madaxda sarsare ee isbahaysiga CUD ayaa sheegay in mucaaradku ayna dadwaynaha ugu baaqaynin bannaanbax aan la oggolaanin, hase yeeshee wuxuu diidamada xukuumadda ku tilmaamay mid aan tallaabo aan sharci ahayn oo ka soo horjeeda xorriyada isu imaatinka ee dastuurka ku cad.

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay waxay xukuumadda keligii taliye Meles Zenawi xabsiga u taxaabtay dad badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbiyada mucaaradka ah, kuwaasoo ay ku eedaysay inay inqilaab diyaarayeen, hase yeeshee xisbiyada mucaaradka ah ayaa diiday eeddaas taageerayaashooda loo xidhxidhay. 

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa doonaya inay xukuumadda Zenawi kala hadlaan musuqmaasuqa dooarshada lagu sameeyay iyo khaladaadkii sida ulakaca ah loogu sameeyay go’aan ka gaadhida cabashooyinkii mucaaradka. Xisbiyada mucaaradka ahi waxay soo jeediyeen in la sameeyo xukuumad ku meelgaadh ah oo loo dhan yahay, taasoo soo diyaarisa doorasho cusub. 

Berhanu Nega, oo ka tirsan guddiga fulinta ee is-bahaysiga CUD, ayaa sheegay in dadka xabsiga loo taxaabay ayna ku jirin kuwo isku dayay inay qorsheeyaan falal nabadgelyada wax u dhimi karta oo xukuumadda lagaga soo horjeedo. 

Meles Zenawi oo la kulmay Wafti ka socda Kaniisadaha Aduunka. 

Sida ay qortey Wakaalada waraka ee Itoobiya waxaa maalintii Arbacada Magaalada Adis Ababa kulan ku dhexmaray wafti uu hogaaminayo wadaadka lagu magacaabo Samuel Kobia oo ah Xoghayaha Kaniisadaha Aduunka iyo Melez Zenawi.

Ujeedada booqashada wadaadkan wuxuu qayb ka ahaa sidii xal loogu heli lahaa xalaada sii murgeysa ee u dhaxeysa maamulka kaligii Taliye Melez Zenawi iyo Kooxaha Mucaaradka ee ka cabanaya natiijadii ka soo baxdey doorasho ku sheegtii ka dhacdey wadanka Itoobiya bishii May ee sanadkan.

Hadaba, waxaa aad looga cabsi qabaa in talada wadanka Itoobiya faraha ka baxdo ama dhaco dagaal gacan ka hadal ah, ka dib markii koxaha mucraadku go’aansadeen in aysan aqbali doononin natiijooyinka doorashada , isla markaana aysan ka qayb qaadan doonin baarlamaanka dhoodhoobka ah ee hawlgalkiisa bilaabi doona bisha October 10, 2005.

Si kastaba ha ahaatee Itoobiya oo ka mid ah wadaamadii aasaasey ururka Kaniisadaha Aduunka ayaa waxaa muuqata in isha keliya ee hadhay ee dhex-dhexaadinaysa Melez iyo kooxaha Mucaardku inay tahay wadaadada ka socda Kaniisadaha. 

Dhex-dhexaadinta Melez iyo kooxaha mucaardka ayaa waxaa aad isagu dayey Midowga Yurub iyo Xarunta Madaxweyne Carter, balse iridaasi waxay soo oodantay markii Melez la marsiin waayey in xal laga gaadho waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, isaga oo si ka baxsan nidaamdka diblomaasinimada jawaab uga bixiyey warbixintii Midwoga Yurub ka soo saarey natiijadii doorashada Itoobiya oo uu ku tikaamey, mid "qashin ah" 

BARNAAMIJYADA KALE EE XORRIYO HALKAN KA DHEGEYSO

Radio Xoriyo

30 September. 2005

Axmed Gaal-Eri

radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2005

UNHCR oo Qaar ka tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey  Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso... Guji... Aug 16,2005

WARBIXINADII HORE EE XERYAHA QAXOOTIGA EE SOOMAALIDU KU JIRAAN EE KUYAAL KENYA


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD