SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Baaq uu soo saaray ururka darwiish devolopment youth forum{D.D.Y.F}

BAAQ KUSOCDA UMADA SOOMAALIYEED!!!!!

Baaqan wuxuu kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha D.D.Y.F Abdirizak A.ali kaneec.

 

c/risaaq adan ali
kaneec1@hotmail.com

Soomaaliya waxay qarka u saarantahay meel haddaan hadda wax laga qaban aan Soomaalidu kasoo kaban doonin Qarniyaal. Sababtaas awgeed ayaa waxay bilawday barnaamij ku jihaysan ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto.

Barnaamijkaas oo ah mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan u furan. Si dhexdhexaad ahna uga hadlaya xaqiiqada jirta iyo khasaarooyinka ku soo fool leh Soomaaliya haddii aan laga gaashaaman.

Yoolka ugu weyn ee qorayaasha  higsanayaan waa badbaadada jiilka cusub iyo kuwa soo socda. Ilaah ayaa wax badbaadiya. Waxaa laynooka baahanyahay ficil.

Dhammaan dhallinyarada da'da yar ee hadda ku dhaqan Soomaaliya mahelin waxbarasho rasmi ah. Waxayna muddo dheer kusoo dhexjireen goob colaadeed. Taasi waxay kuu muujineysaa in khasaare aad u ballaarani halkaas kasoo socdo. Waxaan dhumineynaa jiil, waxaa taasi sababeysaa in aan kaharro dhammaan adduunka intiisa kale.

Waxaa burburay dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida kaas oo kusalysnaa diinta Islaamka. Taasi waa dhibaato u baahan xalkeeda. Waxaa burburay aqoontii iyo kaydkii ummadda u dhexeeyey. Waxaana adag kasoo kabashada arrimahaas.

Soomaalidu waxay ahaan jireen dad aad u xeeldheer oo fekerkoodu sarreyo, waxayna ahaan jireen dad firfircoon oo kadhiidhiya waxyaabaha khasaarada maguuraanka ah sababi kara. Waxaana habboon in markale ay Soomaalidu dib u soo celiso arrimihii wanaagsanaa ee lagu aqoonjirey.

Waxay u muuqataa in dhibaatada badankeeda ay sabab utahay Soomaalida oo katagtay asalkii. Waxaan asalka uga jeedaa diinta rasmiga ah ee Islaamka. Soomaalidu waxay soo tijaabisey xeerar badan. Haddii xeerarkaas aan wax kaxusno waxaa kamida: Diimoqraadiyadda, shuuciyadda, xeerka qoyska, iyo dawlad la'aan. Waxaa u dhiman in ay tijaabiso diinta Islaamka. Waana midda keliya ee Soomaalidu ku badbaadi karto.

Waxaan kusoo gabagaynayaa aan niyadsami u qaadanno asalka, colaadii horena ku beddello wanaag. Arrintaas iney suurta galtahay waxaad tusaale u soo qaadataa labadii qabiil ee dagaalka aadka u darani kadhexeeyey ee Aws iyo Khasraj markii ay qaateen diinta islaamka waxaa Ilaah dhexdhigay nabad iyo barwaaqo.

Waxaana ugu baaqayaa qofkasta oo Soomaali ah in uu ka qayb qaato dib u dhiska waddanka si niyad ah

Baaqan waxa soo saaray abdirizak A.ali kaneec

Gudoomiyaha ururka D.D.Y.F

abdirizak A.ali kaneec

kaneec1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2005

UNHCR oo Qaar ka tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey  Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso... Guji... Aug 16,2005

WARBIXINADII HORE EE XERYAHA QAXOOTIGA EE SOOMAALIDU KU JIRAAN EE KUYAAL KENYA


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD