SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DHADHAAB

War-1-28,09,05.dhadhaab,Garissa.
Hayadda  Qaxootiga ee Dhadhaab 120 Qaxooti Somaaliyeed dib ugu celisay Zoonka 5-aad dalka Itoobiya  .

Qaxootigan ayaa ka dalbadey in dib loogu celiyo wadankooda hooyo oo ay ka soo qaxeen dagaaldii Somaaliya iyo Itoobiya ee 1977.

Qaxootigan ayaa markii hore u qaxay Somaaliya sannadii 1977,iyagoo ku jiray xerada qaxootiga ee lama galaan oo ku taala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaaladaii Sokeeye ayey ka soo qaxeen Somaaliya 1991.

Guddoomiyaha Qaxootiga Soomalida ee Xerada IFO Maxamed Cabdi Cali oo ku magac dheer xawaadle ayaa ii sheegay in markii uu Itoobiya ka soo qaxay  1977  da`diisu aheyd  16 jir ,28-sanno  kahor uusan garan Karin reerkiisa halka ay hadda jiraan ama ay hadda ay  degan yihiin.

Qaxootigan ayaa badankooda waxa ay ku dhasheen Somaliya iyo Kenya wallow uu walidkood ka yimid  Zoonka 5aad (Itoobiya).

Qaxootigan ayaa Xerada IFO waxa ay kaga baxayaan 2-Bus waxa ay tagayaan magaalada Nairobi oo ay ka raacayaan  Itoobiyan Airline ,ka dib waxa ay tagayaan Zoonka 5-aad .

UNHCR iyo Dawlada Itoobiya ayaa isla meel dhigay dib u dejinta qaxootiga Soomaalida ee dhulka Ogaadeenya,waxaa horey loo siiyey US$170 Qofkiiba iyo caagag,weelal maacuun iyo balankeedyo,bacaha waaweyn ee guryaha kor laga saarto iyadoo hayada WFP ay ugu diyaarisay raashin muddo 9-bilood ah Itoobiya.

Qaxootigan ayaa loo sheegay in ay dib u soo noqon karaan hadii ay dhib la kulmaan  Nolosha halis gasho wallow ay dalbadeen dib urarida wadankooda.

Dadkan qaxootiga ah ayaa wajiyadooda farxad ka muuqatey ,waxay ii sheegeen in ay u mahad celinaayaan Hayadda UNHCR  iyo dawlada Kenya ,mana ayan sheegin wax dhib ah oo ay kala kulmeen Kenya intii ay qaxootiga ku ahaayeen.

Qaxootigan Somali Itoobiyaanka ayaa tiradooda aheyd 2000, hadda waxaa xerada ku haray Qaxooti gaaraya 1880 qof, waxay qaxootigan isu jiraan rag, dumar ,caruur iyo Waayeel.

Bilaha soo socda qaar ka mid ah qaxootiga haray ayaa dib loogu celin doonaa wadankooda.

Qaxootigan Soomalida ayaa ah kuwii labaad oo dalkooda dib loogu celiyo,kuwii ka horeey ayaa bishii AGOST dib loogu celiyey 16-qoys Boosaaso iyo Gaalkacyo,tan iyo markii ay Soomlida yeelatay Dawlada Fedelaal KMG  ee Soomaalida oo sanadkii lasoo dhafey lagu dhisay Nairobi ,Kenya.

Dhamaad.

Abdikarim Aden Hussein.
Dhadhaab,GARISSA.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 28, 2005

UNHCR oo Qaar ka tirsan Qoxootiga Xerooyinka Dhabaab dib u celisay Soomaaliya
Qaxootigaas oo maanta dib loogu celiyey  Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso... Guji... Aug 16,2005

WARBIXINADII HORE EE XERYAHA QAXOOTIGA EE SOOMAALIDU KU JIRAAN EE KUYAAL KENYA


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD