Talooyinka
ka soo baxay shirweynaha 1aad ee Xallinta dhibaatada
soomaaliya
iyo xalka islaamiga ah
Shirweynihii
Golaha midnimada badbaadada..
Waxaa
maalintii shalay ahayd xarunta Golaha Midnimada iyo
Badbaadada Soomaaliyeed lagu soo geba-gabeeyay
Shirweynhii Golaha midnimada oo ay ka qaybgaleen in ku
dhow 250 ergo oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo
dabadiisa.
Waxaa
shalay xubnihii ka hadlay ka mid ahaa Cumar Iimaan oo
isagu si aad ah ugu dheeraaday Islaamka iyo Dadweynaha
wuxuuna yiri “inagoo mareyna sanadkii 1426 ma ahan in
aan maanta ka hadlayo waxaan isku xukumeynaa Diinta
Islaamka ee mar hore ayay ahayd in aan qaadano ku
dhaqanka shareecadda Islaamka Diinta”.
Waxaa
kalloo ka hadlay Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur oo
isagu ku hadlaayay magaca Odyaasha dhaqanka wuxuuna u
hambalyeeyay Golaha midnimada oo uu sheegay in looga
baahan yahay in ay ka dhabeeyaan waxa ay doonayaan oo ah
ku dhaqanka Shareecadd.
Sidoo kale
waxaa Gabay iyo Shiribyo Guubaabo ah halkaasi ka soo
jeediyay Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) wuxuuna
yiri “Ama Ameerika Raac , ama Islaamka raac
”.
Gebagabadiina
waxaa ka hadlay guddooomiyaha Golaha midnimada Shiikh
Xasan Dheere oo yiri “Waxaan haysanaa maalkii,
maskaxdii iyo Diintii waxaan keliya oo naga dhiman waa
in aan isku abaabulno bulshada”.
Shirweynaha 1aad ee
dhibaatada soomaaliga iyo xalka islaamiga ah ee uu soo
abaabulay Golaha midnimada iyo badbaadinta Soomaaliyeed
ee socday mudadii u dhaxeysay 23-26/08/1426H oo
waafaqsan 27-30/09/2005.
Shirkaas oo ay ka lagu
qabtay Xarunta Golaha Midnimada iyo Badbaadada
Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayna ka soo
qeybgaleen 250 ergay oo ka kala yimid gobolada dalka iyo
jaaliyadaha dibadda isuguna jira qeybaha bulshada ee
kala ah : siyaasiyiin, aqoonyahan, culumaa,udiin,
ganacsato, odayaaldhaqameed iyo dhalinyaraba, waxaa
looga dooday mawaadiic muhiim ah oo taabanaysa
marxaladda adag ee uu dalku marayo iyo sida looga samata
bixi lahaa, mawaadiicdaas waxaa ka mid ahaa:
-
Waa maxay sababihii
gundhigga u ahaa burburkii nidaamkii dowladeed ee
dalka.
-
Maxayse yihiin
caqabadaha hortaagan dib u soo celinta nidaamkaa
dowladeed.
-
Waa maxay qaab
dhismeedka dowladeed ee dalka u habboon marxaladdan.
-
Maxey tahay argagaxiso
yaase argagaxiso ah?.
-
Sidee buu Islaamku xal
ugu noqon karaa dhibaatada Soomaaliya.
Kadib dood iyo falanqeyn
dheer oo ay ka qeybgalayaashii Shirweynuhu ka yeesheen
arimahaa waxay soo saareen talooyinka soo socda :
1. Shirweynuhu wuxuu
umadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay Allahood u soo
laabtaan, is cafiyaan, walaaltoobaan, gacmahana is
qabsadaan, meelna uga soo wada jeestaan cadowgooda,
joojiyaanna dhammaan dagaalada iyo dhiigga xaaraanta ah
ee dhexdooda ka qubanaya iyagoo garwaaqsanaya inuusan
dagaalku xal ahayn oo aysan cidina cid kale xoog ku
muquunin karin
2. Shirweynuhu wuxuu
si buuxda isugu raacay in waxyaabaha gundhigga u ah
burburkii nidaamkii Dawladeed ee Soomaaliya ay u
weyntahay ku dhaqan la'aanta Shareecada Islaamka, taasoo
ummadda dhaxalsiisay caddaalad darri, eex, qabyaalad,
musuqmaasuq iyo kalitalisnimo, sidaas daraadeed wuxuu
shirweynunu arkaa in ay waajib sharci ahi tahay in
nidaamka xukun ee dalka lagu saleeyo ku dhaqanka
Shareecada Islaamka, lana ogaado in xal aan kaa ahayn
uusan marnaba jiri karin.
3. Shirweynuhu wuxuu
ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in uu u diyaargaroobo
qabashada shirweyne dib u heshiin buuxda lagu dhex
dhigayo umadda laguna qabto dalka gudahiisa, ayadoo
maanka lagu hayo guul darrooyinkii ka yimid shirarkii
dibadda lagu qabtay, lagana tusaale qaadanayo
xasiloonida iyo dib u heshiisiinta ay horseedeen
shirarkii gudaha ka dhacay sida: kuwii lagu kala qabtay
Boorama, Garoowe IWM.
4.
Shirweynuhu wuxuu ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ee
waxtarka ah, kuna kala nool dalka dibaddiisa iyo
gudahiisa inaysan ka niyad jabin xal u raadinta
dhibaatada Soomaaliya, goobtana u bannayn cadawga iyo
inta ka shaqaynaysa baaba'a ummadda, taageeraanna
dadaallada Golaha Midnimada & Badbaadada Soomaaliyeed ee
ku aaddan baadi goobka xal dhab ah oo lagu samata bixin
karo ummadda Soomaaliyeed.
5. Shirweynuhu wuxuu
dareen adag ka muujinayaa adeegsiga erayga “Argagixiso”,
kaasoo noqday mid loo adeegsado in lagu dhaleeceeyo
Islaamka, wuxuuna u arkaa in ay Argagixiso tahay ciddii
dad kale gardarro ugu duusha iyadoon waxba galabsan, ee
aysan Argagixiso ahayn dadka dulman ee xaqooda u
diriraya.
6. Wuxuu Shirweynuhu
aad uga xun yahay dadka tahriibayaalka Soomaaliyeed ee
sida ula kaca ah badda loogu qubayo, looguna laynayo,
wuxuuna maamullada iyo dawladaha ka taliya xeebaha ay
dadkaasi ka dhoofayaan ama ka degayaanba ugu baaqayaa
inay tallaabo degdeg ah oo wax ku ool ah ka qaadaan
joojinta falal dambiyeedkaas aad ka u xun.
7. Shirweynuhu wuxuu
cambaaraynayaa maraakiibta sida sharci darrada ah u
xaalufinaya khayraadka dalka iyo kuwa ku shubaya sunta
haraadiga Kiimikada iyo Nukliyeerka, ayagoo ka
faa'iidaysanaya baylahda uu dalka ku sugan yahay
waqtigan, waxaanan caalamka ugu baaqaynaa in gacan laga
geysto joojinta arrimahaas halista ku ah jiritaanka
dadka, dalka iyo khayraadka Soomaaliyeedba.
8. Shirweynunu wuxuu
ammaan u soo jeedinayaa dadaalada ay Maxkamadaha
Islaamiga ahi ugu jiraan dib u soo celinta xasiloonidii
iyo nabadgalyadii dalka, sidaa daraadeedna waxaa
shacabka laga codsanayaa in taageero hiil iyo hooba leh
lala garab istaago Maxkamadaha Islaamiga ah.
9.
Shirweynunu wuxuu canbaareynayaa una soo jeedinayaa
dadka caadeystay xaalufinta deegaanka iyo baaba’inta
wixii ka haray hantidii guud in ay joojiyaan falalkaa
xun-xun ee dhaawacaya danaha guud ee ummadda.
10. Shirweynunu waxuu
amaan iyo mahadcelinba u soo jeedinayaa dhamaan
mu,asasaadka gacanta ka geystay wax u qabadka shacabka
soomaaliyeed ee dhinacyada waxbarashada , caafimaadka
iyo isgaarsiinya , waxuuna dhiiragalinayaa isku tashadka
umadda.
11. Shirweynunu wuxuu
diidan yahay kana digayaa in ciidamo shisheeye dalka la
keeno ayna soo faragaliyaan, si aysan dhibaatadii
ummadda dhextiilay mid kale ugu biirin.
12. Shirweynuhu wuxuu ka
codsanayaa Golaha Ammaanka in uu sii adkeeyo go’aankii
cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, tallaabana laga
qaado dalalaka sida is dabajoogga ah u jebinaya
cunaqabateyntaas.
13. Shirweynuhu wuxuu ugu
baaqayaa dawladaha Caalamka inay gacan ka geystaan wax
ka qabadka dhibaatada gaamurtay ee Soomaaliya, lana
joojiyo fara gelinta qaawan ee ay dawladaha qaar ka mid
ahi ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya kuwaasoo ka
shaqaynaya inaysan Soomaaliya dib dambe cagaheeda isugu
taagin.
14. Shirweynuhu wuxuu si
gaar ah ugu baaqayaa dowladaha Carabta iyo Islaamkaba
inay garwaaqsadaan mas'uuliyadda dhabta ah ee ka saaran
ummadda Soomaaliyeed ee walaalahood ah, wuxuuna
xasuusinayaa inuu Shacabka Soomaaliyeed ka sugayo
dadaallo la mid ah kuwii ay ku nabadeeyeen, dibna ugu
dhiseen dalka Lubnaan kolkii ay dagaalladu aafeeyeen.
Allaahu Akbar Walilaahil Xamdu.
Ka qeybgalayaasha
Shirwaynaha
Muqdisho
26/08/1426H waafaqsan 30/09/2005M
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararkii shirka hoos ka akhri:::
Maalintii saddexaad oo uu galay
shirweynihii Golaha Midnimada iyo Bad-baadada ee
Islaamiga ah
Shiikh Xasan Daahir Aweys “Maxaa islaamka ka reebaya in
ay sameystaan hubka Nuclear-ka”
Faafin: Sept 30, 2005
Sh. Xasan Daahir
Aweys oo khudbaynaya
Sh. Xuseen Geedi
|
Waxaa maalintii saddexaad galay
shirweynihii koowaad ee Golaha Midnimada iyo badbaadada
Soomaaliyeed oo ay ka qaybgalayaan ilaa iyo 270 ergo oo
ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Waxaana
maalintii shalay ahayd looga dooday wax la yiraahdo
ereyga argagixisada, waxaana halkaasi warbixin dheer ka
soo jeediyay Gen. Jaamac Max’ed Qaalib oo isagu fasiray
ereyga argagixiso waxa uuna yiri “Ereyga run ahaantiisa
waa dad ku gardarooday dad kale oo u gaystay dil iyo
wixii la mid ah” wuxuuna sheegay in Dunida ay ka socdaan
dagaalo waxayna si gaar ah uga socdaan wadamo Islaam ah
oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Falastiin, Kashmiir,
Afgaanistaan iyo dalal kale oo uu Islaamku ku badan
yahay oo ay ka mid yihiin Fillipiin, Jejniya iyo wixii
la mid ah, wuxuuna sheegay Jaamac Max’ed Qaalib in
dalalkaasi ay ka gilgilanayaan gumeysi si ay u soo
ceshtaan gobonimadoodii.
Gen. Jaamac Max’ed Qaalib,
wuxuu kalloo sheegay in dadyowga dulman halgankooda ay
reer galbeedku ku tilmaamaan falal argagixiso ah, Sidoo
kale waxa uu sheegay in dalka Ciraaq oo ahaa dal iska
degan dadkiisunu nabad kuwada noolaa, deriskoodana kula
noolaa deris wadaag is kaashi baa lagu duulay lana
burburiyay oo xoog lagu qabsaday dadkoodiina la laayay,
waxaana xadgudubyadaasi ka dhashay kacdoon iska caabin
shisheeyaha dalkooda gardarada ku qabsaday, kuwa
dalkooda haystaana waxa ay falalka kacdoonada ku
tilmaamaan argagixiso, waxaa is weydiin mudan waxa
Ciraaq loogu gardarooday?, Runtu waa Israa’iil oo ku
qasabtay dowladda Mareykanka in Ciraaq la burburiyo,
wuxuuna intaa sii raaciyay “Falal argagixiso wiligood
waa dhici jireen haddii aysan jirina magacaasuba ma
baxeen, dadka falalkaa ku kacaana cid kastey noqon
karaan hase yeeshee reer galbeedku waxa ay argagixisada
u ekeysiiyeen ama ku tilmaamaan wax islaamka ehel u
yahay oo ka ag dhow, waxay aad u isticmaalaan kalmada la
yiraahdo ISLAMIST” wuxuuna intaa ku daray dhaqanka
Islaamku waa mid nabadeed, Muslimiinta waxa ay isku
salaamaan iskuna jawaabaan nabad korkiina ha ahaato,
waxayna ku kala tagaan ereyga nabadgelyo.
Ugaas Axmed Bile oo ah
guddoomiye ku xigeenka Golaha Midnimada iyo Badbaadada
Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in ereyga argagixisada
(Cabsida) uu Qur’aanka Kariimka ah kaga soo arooray
Sideed meelood waana kalimad Islaami ah, wuxuu sheegay
in haddii aan Gaalada kaa cabsan wax aad tahay aysan
jirin
Waxaa hadalkii qaatay Shiikh
Xasan Daahir Aweys oo isagu ka hadlay Barnaamij uu ugu
magac daray Israatiijiyadda oo ah in aad tiiksato meel,
waxa uuna si aad ugu dheeraaday sidii Bini’aadamku
Ilaahay u karaameeyay iyo siduu ugu saqiray adduunka
waxa yaala, waxaana wanaagasan wax Rabbigeen soo dejiyay
in la raaco taas oo uu sheegay in lagu gaaraya liibaan
adduun iyo mid aakhiro, mar uu ka hadlaayay kalimada
Jihaadka waxa uu yiri “cid kasta oo caabudda wax
Illaahay ka soo haray dagaalku markaa waxa uu kugu
noqonayaa waajib” wuxuuna sii raaciyay “in lagaa baqo
waxaa ka wanaagsan in laguu naxariisto” waxaa kalloo is
barbardhigay labada erey ee kala ah is dhiibid iyo jabin,
wuxuuna yiri “Haddii aad is dhiibto wax walba ayaa
lagaa sameysanayaa, laakiin haddii lagu jabiyo dibaad u
soo kabaneysaa”
Shiikh Xasan Daahir Aweys mar uu ka
hadlayay dhinac hubka waxa uu yiri “Jabbaan iyo Mareykan
ayaa dagaal dhex maray waxaana Mareykanka la gaarsiiyay
jab aad u xoogan taasi waxay keentay in Mareykanku
sameysto Nuclear oo uu ku dhiftay Magaalooyinka
Horishiima iyo Nagasaaka, taas oo uu sheegay in
Jabaanku maanta uu gun ku yahay, sidaa darteed maxaa
naga rabeeya in aan sameysano hubka Nuclear-ka, Shiikh
Xasan Daahir Aweys mar uu ka hadlayay dadka soomaaliyeed
waxa uu sheegay in dadka soomaaliyeed ay yihiin dad
geesiyaal ah oo diintooda aad ugu dagaalama wuxuuna
tusaale u soo qaatay “Nin Korneel ah oo Keenyaati ah baa
berri meel fagaaro ka hadlay, wuxuu yiri “haddii ay
Kenya naga dhaafi weydo dhibaatada hubka ayaan
qaadaneynaa, waana og tihiin in ay deris nala yihiin
walaalahayaga soomaaliyeed oo gacan na siinaya”.
Sidoo kale waxa uu tusaale u
soo qaatay dadka Soomaalida ee tagay dalka K/Afrika
wuxuuna yiri “Dowladda dalkaas waa ay diiday in dadka
soomaaliyeed loo raro Yurub iyo Mareykanka sidoo kalena
waa ay diiday in dalkooda lagu celiyo, markaas ayaa la
weydiiyay maxay tahay sababtu wuxuuna ku jawaabey
“waxaan dooneynaa in dadkeena noo ilbixiyaan, maadaama
ay yihiin soomaalida dad firfricoon” .
Xuseen Siyaad Qoor Gaab oo ah
xoghayaha guud ee Golaha Midnimada iyo Badbaadada
Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in maalinta berito ah
la soo gebagabeyn doono kulanka Midnimada iyo badbaadada
Soomaaliyeed, isagoo sheegay in laga soo saari doono
qodobo muhiim ah iyo baaqyo ku aadan xaaladda Soomaaliya.
Xubnihii ka qaybgalay
kulankaasi ayaa waxay Golaha Midnimada iyo Badbaadada
Soomaaliyeed u soo jeediyeen in hadafkiisa uu ka
dhabeeyo maadamaa waxa ay soomaaliya ugu yaboohayaan ay
tahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Dhinaca kale Ugaas Max’ed Wali
Shiikh Axmed Nuur oo nagala soo xiriiray Magaalada
Nairobi ayaa u hambalyeeyay shirweynaha koowaad ee
Golaha Midnimada iyo Badbaadada Soomaaliyeed isagoo
sheegay in uu yahay golihii badbaadin lahaa shacabka
Soomaaliyeed.
‘Waa in aad iska ilaalisaan in
qof walba uu iska arko Muraayadda, waa in aad wax ku
xushaan sida loo kala cilmi badan yahay” ayuu yiri Ugaas
Max’ed Wali.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
MAALINTII 2aad::
Maalintii labaad oo
uu galay shirweynihii Golaha Midnimada iyo Badbaadada
Soomaaliyeed ee Islaamiga ah..
W/D amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Sept 29, 2005
Waxaa
maalintii shalay ahayd galay maalintii labada
shirweynihii Golaha Midnimada iyo Badaabadada
Soomaaliyeed ee Islaamiga ah oo ay ka qaybgalayaan ilaa
iyo 250 ergo oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo
dibadiisa oo isugu jira Culuma-u-diin, waxgarad,
aqoonyahano, siyaasiyiinta, Oday dhaqameedyo iyo
dhalinyaro waxaan shalay laga dooday, Waa maxay
asbaabaha keenay burburka ee nidaamkii dowladnimo ee
Soomaaliya?, maxaa sabab u ah in dalku uu heli waayo wax
nidaam ah?.
Inta
aan dooda la galin ayaa ergooyinka loo qaybiyay waraaqo
ay ku soo sheegayaan ilaa iyo 17qodob, qodobka la dhihi
karo isaga ayaa Aabe u ah dhibaatada Soomaaliya.
waxaaana ka mid ahaa qodobadaas
Cadaalad xumo, Qabyaalad, kaletalisnimo, Hab raaca qaab
xukumeedka gumeysiga (Qaybi iyo xukun), Musuqmaasuq
dhaqaale oo baahsan, shuruucda dalka oo aan la raaceyn
iyo kala dambeyn la’aan, Hoggaan xumo iyo wax qabad
la’aan, ku tumashada shareeca iyo ka fuuqaqa culumada
hoggaanka siyaasiga, wadaniyad la’aan iyo daneysi,
maamulka oo aan ku dhisneyn mabaadii’ aan shacabku
aaminsanayn, cadaadis dibadda ah (Gumeysi), ummadda oo
aan lahayn bisleyn dowladnimo xitaa kuwa hoggaaminaya,
dhaqaalo xumo guud oo dalka ka jira iy shaqo la’aan,
goloyaasha dowladda oo aan shacabku soo dooran oo aan ku
kalsooneyn Madaxweyne. Ra’isul Wasaare Xildhibaan iyo
wixii la mid ah, Hab raaca maamulka Gumeysigu nooga
tagay oo aan la saanqaadi Karin dhaqanka iyo Diinta
ummaddeena Soomaaliyeed, maqnaashaha maamul kulansaday (Sharci
ku dheganaan, cadaalad qaybaha bulshada iyo wax qabad
dhan kasta ah ee qarannimo) Ma qayb bay ku leeyihiin
asbaabaha burburiya nidaamka dowliga ah qabiilooyinka
waa weyn ee Soomaaliya sida Hawiye Daarood iyo wixii la
mid ah.
Xubnihii shalay
halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa C/llaahi Max’ed
Jimcaale waxa uu sheegay in sababaha keenay burburka
Soomaaliya ay ugu wacan tahay maamul xumo iyo dano gaar
ahaaneed iyo Culumadii oo ogolaatay in dad kale ay
hoggaamiyaan.
C/Daahir Diiriye oo ka socday Gobalka Galguduud ayaa
waxa uu sababaha burburka ku tilmaamay jaahilnimo isagoo
sheegay in dad aan aqoon lahayn ay qabteen taladii dalka,
waxa kalloo ku daray in Muqaadaraadka u uu sabab u yahay
burburka waayo waxaan ogolaannay in ay na xukumaan
wasiir Khamri cabaya iyo xildhibaan Qaad cunaya.
Gen.
Jaamac Max’ed Qaalib ayaa isna si aad ah ugu dheeraaday
Taariikhdii Aay soo martey soomaaliya wuxuuna sheegay in
ay weligood ku dagaalamayeen sidii Diintu ay kor u
ahaan lahayd waxa uuna tusaale u soo qaaday Imaam Axmed
Gurey.
C/salaan
Xirsi Cali ayaa isagu burburka dusha uga tuuray
Qabyaaladda oo uu sheegay in wax walba iyadu saldhig u
tahay. Waxaa kalloo halkaasi ka hadlay C/wahaab Khaliif
Cali oo isna sheegay in burburka Soomaaliya ay ugu wacan
tahay cadaalad daro iyo Jahli is biirsaday. Shiikh
Saalax Shiikh Ibraahim ayaa waxa uu sheegay in
Qabyaaladdu aysan wax dhibaato ah lahayn balse midda
Soomaaliya ka jirta ay tahay mid la siyaasadeeyay haddii
siyaasadda laga bixiyana wax walba ayaa hagaagaya.
Xasan
Cosoble ayaa isna waxa uu sheegay in Culumada looga
baahan yahay in dadka ay ku baraarujiyaan Diinta
Islaamka, waxaadna ogaataan in C/llaahi Yuusuf uusan
idinka yeeleyn in dalka uu ku dhaqo Diinta islaamka
waadna garaneysaan halka uu diinta ka joogo.
Daabaco
Boggan | Print |
Cali Shido
Guddoomiyha ururka
Sh. Xasan Daahir Aweys
Sh.Nuur Baaruud
Abroone
Gen.Qaalib
Col. Sh. Cismaan |
Maxamuud Macallin Nuur oo ka socday Gobalka Gedo oo isna
halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in shacabka
Soomaaliyeed cid xukumi kartaa aysan jirin waayo ayuu
yiri dadka Soomaaliyeed waxa ay u baahan yihiin
dhaqan-celin aad u xoogan, waxaa burburay aadaabtii
Islaannimo, wuxuu kalloo sheegay in shacabka
Soomaaliyeed aysan kala garaneyn caddowgooda iyo
xabiibkooda.
Codadkii laga qaaday ergooyinkii ka qaybgalay kulankii
shalay ku saabsanaa mawduuca Asbaabaha Keenay Bur-urkii
Nidaamkii dowladnimo ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen
iskuna raacee in ku tumashada Shareecadda Islaamka iyo
ka fuquuqidda Culumada Hogaanka ay 70%, sidoo kale
qodabka Labaad waxa uu noqday cadaalad xumo 64%, sidoo
kale qodobaka Saddexaad waxaa galay Qabyaaladda oo
qaadatey 53%.
Gebagabadii ayaa waxaa halkaasi qoraal ka hadlaya
Mushkiladda hor taagan soo celinta nidaamkii Dowliga
ahaa ka akhriyay Shiikh Cusmaan Max’ed Maxamuud (Abuu
Maryama), maanta ayaa laga doodayaa Ergeyga Argagixisa.
MAALINTII 1aad::
Shirweynihii
1-aad ee Golaha Midnimada iyo Bad-baadada
Soomaaliyeed ee Islaamiga oo ka
furmay Magaallada Muqdisho
Waxaa shalay Magaallada Muqdisho ka furmay
shirweynihii 1-aad ee Golaha Midnimada iyo Bad-baadada
Soomaaliyeed, waxaana ka qayb galay 250-Ergo oo ka kala
yimid Gobollada dalka iyo dibaddiisa oo isugu jiray
culimaa’udiin, siyaasiyiin, aqoonyaha-nno, Odayaal Dhaqameed
iyo dhallinyaro, waxaana shirweynaha furay Guddoomiye ku
xigeenka Golaha Baarlamanka Cismaan Cilmi Boqorre oo sheegay
in xalka Soomaaliya uu ku jiro iyadoo la qaato Kitaabka ALLE,
waxaa kale oo uu sheegay in shirkii lagu qabtay magaallada
Nairobi uu ahaa mid aysan shacabka Soomaaliyeed ku heshiin,
taasoo uu sheegay in ay dadku ka garan karaan xaaladda
haatan ka dhex taagan xubnaha Labada Gole, waxaa kale oo
halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Dalladda FPENS Axmed C/llaahi
Sh. Max’ed oo isna sheegay in loo baahan yahay in laga hadlo
wixii bur-buray, isagoo ku nuux-nuuxsaday in Diinta Islaamka
ay saldhig u noqon karto wax kasta oo xal u ah arrimaha
Soomaaliya, sidoo kale waxaa Makarafoonka qaatay Guddoomiye
ku xigeenka Dalladda Culimada Soomaaliyeed Sh. Nuur Baaruud
oo sheegay in dhibaatada Soomaaliya ay Aabe u tahay
Qabyaaladda, taasoo uu sheegay in ay wax badan naga
baabi’isay, illaa laga tanaasulo qabyaaladdana waxa uu
sheegay in uusan Qaran Soomaaliyeed jireyn. Waxaa kale oo ka
hadlay Guddoomiye ku xigeenka dhaq-dhaqaaqa Bulshada Rayidka
Max’ed Nuur Gacal oo isna sheegay in Golaha looga fadhiyo in
uu xal u keeno wixii naga lumay laga soo billaabo lixdankii
illaa maanta, isagoo sheegay in dowladihii dalka soo maray
dhammaantood bur-buriyeen qabyaaladda, waxaa kale oo
halkaasi ka hadlay Sh. Yuusuf Max’ed Siyaad Indho-cadde oo
ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay
in xilligan xagga diinta marka la fiiriyo shacabka
Soomaaliyeed ay si aad ah ugu dheggan yihiin, balse ay jirto
dhibaato kale, kaddib markii shacabku ay sameeyeen waxyaabo
ka soo horjeeda dhaqanka Islaamiga ah, waxaa kale oo uu
sheegay Sh. Yuusuf in shacabka Soomaaliyeed aysan Cibaadadu
dhab ka ahayn, balse afka baarkii ay ka tahay “Dadka
Soomaaliyeed waxay yiraahdaan lixdankii ayaan xoriyadda
qaadannay, aniguse waxaan aaminsanahay in waqtigaasi aanan
qaadan wax xoriyad ah ee aan qaadannay caddaalad darro iyo
waxyaabihii uu ka tagay gumeysiga” ayuu yiri Sh. Yuusuf oo
intaa sii raaciyey “Gumeysiga caddanka ahaa waxay noogu
beddeleen mid madoow”.
Sh. Yuusuf
waxa uu ku nuux-nuuxsaday in shirkii Nairobi ay isugu tageen
hoggaamiyeyaal iyo kooxo gaandheriyaal ah, wuxuuna sheegay
in hoggaamiye-yaashii ay noqdeen Wasiirro,
Gaandheri-yaashiina ay noqdeen xildhibaanno. “Inaan
Ameerika raacno ama inaan Kitaabka ALLE qaadanno shacabka
Soomaaliyeed waa inay kala doortaan” ayuu yiri Sh. Yuusuf oo
intaa raaciyey “Xukunku waa afkaar iyo muuq, waxaana
wadannaa afkaartii Miless Zenawi” ayuu yiri Sh. Yuusuf
indho-cadde oo sidoo kale xusay in Xamar wixii laga fulin
karo iyana laga fulin karo Jowhar. Waxaa kale oo Shirkani ka
hadlay Gen. Jaamac Max’ed Qaalib oo sheegay in caqabadaha
hor taagan in shacabku uu helo dowlad caddaalad ku dhisan
tahay ay ugu wacan tahay iyadoo dowladdii ugu dambeysay ee
Kenya lagu soo dhisay ay ahayd Booli “Hal booli ah nirig
xalaal ah ma dhasho”.
Sh.
Abuukar Sh. Yuusuf (Huwa) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa
waxa uu sheegay in xalka Soomaaliya looga bixi karo in la
qaado Dastuurkii uu ILAAHAY jideeyey oo ah Kitaabka
Qur’aanka iyo Sunnada Nebiga (N.N.K.H), waxaana uu sheegay
in Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ugu nasiibka badan,
waayo waxay haystaan Diinta islaamka oo ah midda lagu gaari
karo nabad iyo horumar.
Xubnihii kale ee ka hadlay kulankan waxaa ka mid
ah Halgamaa Cali Shide Cabdi oo sheegay in dowladihii dalka
soo maray raggii madaxda u noqday ay ahaayeen kuwo aysan
daacad ka ahayn xilkii ay shacabka ugu dhaarteen, waxay
kaloo ahaayeen rag aysan ku dheereyn waddaniyadda.
“Cali iyo Ceydiid waxa ay ku kala boodeen
gurigaan shirka ha lagu qabto iyo maya gurigaas kale shirka
ha lagu qabto, Jowhar iyo Muqdishana waa sidaas, maxaa macno
ah, meeshii doono ayaa la wada tagi karaa, lagu xallin karaa
wax walba oo khilaaf ah”, waxaana uu Cali Shidde soo qaatay
maah-maahdii ahayd “Kud ka guur qanje u guur”.
Waxaa kale oo goobtaasi ka hadlay Ugaas Cabdi
Daahir Ugaas Nuur oo sheegay in Golahani Midnimada Badbaada
iyo Ummadda Soomaaliyeed uu ka duwan yahay xisbiyadii iyo
ururradii dalka soo maray, waayo hadafkiisu waa sidii
shacabka ugu dhaqmi lahaa Shareecada Islaamka. waxaa kale oo
uu sheegay in loo baahan yahay wixii qaladaad ah oo horey u
dhacay oo ay ka mid ahaayeen in shacabku ay wax ku
qaybsadaan Qabiil.
Axmed Abaroone Amiin oo isna ahaa Guddoomiye ku
xigeenkii hore ee Golaha Baarlamanka Carta oo isna halkaasi
ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka Golaha Midnimada
Bad-baadada Soomaaliyeed iyo kii Carta ay meelo badan isaga
mid yihiin , waxaana uu sheegay in Golahani looga baahan
yahay in hadafkiisu uu ka dhammeeyo. C/kariim Muumin
Axmed oo ku hadlayay magaca Gobollada ayaa waxa uu sheegay
in wixii shirweynahan ka soo baxa ay gaarsiin doonaan
Gobollada, isla markaana ay xoojin doonaan Diinta Islaamka.
Shirkan oo ay shir guddoominayeen Xubnaha kala ah Sh. Xasan
Max’uud (Sh. Xasan Dheere), Xuseen Siyaad Qoor-gaab iyo
Ugaas Axmed Bile Xasan ayaa mar uu saxaafadda la hadlayay
Xuseen Siyaad Qoor-gaab waxa uu sheegay in saddexda maalmood
ee soo socota Goluhu ka doodi doono qodobbo ay ka mid yihiin
waxyaabihii sababay Bur-burkii SOomaaliya iyo waxa loo gaari
la’yahay illaa iyo haddan dowlad caddaalad ku dhisan oo
shacabka bad-baadisa iyo ereyga waayadan dambe shaac baxay
ee “Argagixisada”,
sidoo
kale Max’ed Ibraahim Bilaal oo ah xoghayaha arrimaha
Goboladda ayaa waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin
ka soo qeyb galka kulankan Goboladda Dalka, waxaana goobtii
uu shirku ka dhacayay lagu soo bandhigay Barnaamijkiisa
siyaasadeed oo ka koobkaa ilaa 7-bog, waxaana kulankan uu
socon doonaa Muddo 4 maalmood ah.
Xoghaye
Boqore
Xoghayaha arrimaha goboleedka ee ururka
W/D amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2005
Puntland
oo Guddi u Direysa Jawhar
si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala
soo Xaajoodaan DFKMG, waxaana guddigaas soo magacaabaya...
Guji
Fartuun
Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Laga Sii Daayey Xabsiga Nairobi
Sidaas waxaa shaaca ka
qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska senator Coleman..
Guji...
|