SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
TACSI::: Bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo shaqaalaha idaacada Waxey tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Khadiijo Maxamed Jimcaale (Khadiijo Khalanjo) oo aabaheed marxuum Maxamed Jimcaale ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Hadaba waxaan marxuumka Illaahey uga baryeynaa inuu jannadii Fardowso ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday gaar ahaan qoyska reer Maxamed Jimcaale aanu leenahay Illaahey ha idiin ka samir iyo iimaan saadiq ah siiyo. Isagana uu Illaahey ku basharo Nabigiisi Muxamed (CSW).
 
           Aaamin Aamin Aamin!!
 
Tacsidan waxaa diraya.
 
Ikraam Cali-kaar
C/llaahi Nuur Kolombo
Maxamed Xirsi Ismaaciil Tanaade
Maxamed Ugaas
Maxamed Alfa,
Maxamed Cali
Xuseen Calasow
Shukri Sheekh
Cabdul Mukhtaar
Cismaan Xaaji Goobdoon
C/laahi Sh Xuseen (H/wadaag)
Saciido Sheekh VIP
Canab Mumtaz
Fahad Yaasin Xaaji Daahir
Yuusuf Maxamed Muumin (yuusuf yare).

Tacsida waxaa loogu hagaajin karaa Ikaraam: ikraam_k@hotmail.com



 Barnaamijkii Radio Xoriyo

27 September. 2005 

  • Gabadh ka tagtey wadanka Australia oo ku xidhan Magaalada Qabri Dahare.

  • Kulan Jabhadda uga socday gudaha Ogaadeenya oo guul ku dhammaaday.

  • Itoobiya oo xidhay 43 ka mid ah Mucaaradka.

  • Midowga Afrika oo go’aan ku gaadhay inuu sii furaado xafiiska ay ku leeyihiin Jawhar .

  • Barnaamijkii aragtida halgamaaga(Daaxuureynta Siyaasadeed ee Afrika).

====================== 

Gabadh ka tagtey wadanka Australia oo ku xiran Magaalada Qabri Dahar  

  Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qabri Dahare ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee Magaalada ku sugan ay xabsiga u taxaabeen Gabadh lagu magacaabo CIBAADO DAAHIR WEYD oo ka timid Wadanka Australiya.

Gabadhaas oo booqasho ugu tagtey Waalidkeed oo degen Magaalada, ayaa laba maalmood ka hor lagu xiray Xabsiga ugu weyn magaalada ee ciidamdada Itoobiya oo lagu magacaabo BIRGAYDKA. 

Ilaa hada waa loo diiday in la tuso Hooyadeed iyo Aabaheed, mana cadda sababta Gabahdaas socdaalka ah ee u tagtey booqashada waalidkeed lagu xiray. Balse ma’aha markii ugu horeysay ee ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya Jeelka dhigaan shaqsi ka yimid dibadaha ama jooga dalka Gudihiisa. Boqolaal qof ayaa a si sharcid daro ah ugu xareysan Xeryaha Ciidmada Gumeysiga Itoobiya ee Gobolada Ogadeeniya, kuwo kale  oo badana waxaa la la’yahay meesha ay jaan iyo cirib dhigeen kadib markii ay Ciidamada Itoobiya qafaasheen. 

Kulan Jabhadda uga socday gudaha Ogaadeenya oo guul ku dhammaaday.

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warramaha Xarunta Dhexe ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay in Qaybaha Woqooyi iyo Galbeed ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya ay yeesheen kulan afar maalmood qaatay, kaasoo lagu dejinayay qorshayaal cusub, isla markaana lagaga tashanayay sidii dardar loo gelin lahaa halganka ay Jabhaddu kula jirto gumaysiga Itoobiya.

Kulankan waxaa la qabtay intii u dhaxaysay 21 – 24 Sebtember 2005, waxaana ka soo qayb galay madaxda qaybaha Woqooyi iyo Galbeed ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya.

Kulankan waxaa lagu qiimeeyay hawlgalladii ay qaybahani ka fuliyeen meelaha ay ka hawlgalaan iyo natiijooyinkii laga gaadhay, waxaana si wayn raalli looga noqday sida ay ciidammada xoreynta Ogaadeenya ugu sandulleeyeen cadowga Itoobiya inuu xeryihiisa isku waardiyeeyo oo yareeyo dhaqdhaaqii ciidan ee uu ka waday dalka Ogaadeenya.  

Itoobiya oo xidhay 43 ka mid ah Mucaaradka. 

Maamulka Itoobiya ayaa xabsiga dhigey 43 ka mid ah mucaaradka oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen dad hubeysan oo damacsan in ay dawladda Afgambiyaan.

Warkan oo soo baxay maalin kadib markii Melez Zenawi sheegay in banaanbaxa ay kooxaha Mucaardku qaban qabinayaan in uu dhaco Axadda oo bishan October tahay  2, 2005 ee ay kaga cabanayan natiijooyinii doorasho ku sheegta Itoobya ee bishii May 15, 2005 ay tahay mid mucaaradku doonayo in ay khal-khal iyo rabshado ku abuuraan dawladiisa, isla markaana doonayaan in ay afgambiyaan. 

Xiriirka u dhaxeeya ururka Melez ee EPRDF ee Tigreegu hormoodka u yahay  iyo xisbiyada Mucaaradka ee CUD, EUDF ee Amxaarada ayaa aad u sii xumaadey, kadib makriii bishii July ee sanadkan ay Ciidamada gaarka ah ee Melez dileen ugu yaraan 36 qof, kumaan kun kalena xabsiyada u taxaabeen, iyaga oo banaanbax sameynayey ayey kaga cabanayen doorashada, kuwaas oo u badnaa ardeyda da’da yare e Jaamacadaha wax ka barta. 

Hadaba, ururka EU iyo xarunta Madaxweyne Carter ayaa xiligii doorashadu socotey si aad ah isagu dhabar jabiyey in khilaafka u dhaxeeya labada dhinac nabadgelyo lagu dhameeyo, balse waxaa dabacsanaan muujin waayey Meles Zenawi, kaas oo si aflagaado leh u cambaareeyey warbixintii ay EU ka soo saartey doorashadii Itoobiya, isaga oo warbixintaas ku tilaamaamey mid “qashin ama qudhun ah”, halkaas oo ay ku dhamaatey dhex-dhexaadintii labada dhinac. 

Si kastaba ha ahaate, Xisbiga Mucaaradka ayaa isaguna sheegay in 43-da qof ee la xiray ay ahaayeen shaqaalaha xafiisyadooda iyo waardiyayaashii ilaalinayey xafiisyadooda, kuwaas oo laga soo xiray afar qaybood oo ka mid ah Gobolada Amxaaradu degto. 

Midowga Afrika oo go’aan ku gaadhay inuu sii furaado xafiiska ay ku leeyihiin Magaalada Jawhar.

Xubnaha labada Gole ee DFKMG ee garabka Magaalada Jowhar ayaa taageeray go'aan Midowga Afrika ay doraad ka soo saareen Magaalada Nairbi, go’aankaas  oo Midowga Afrika ku shegeen in xafiiskooda  ku yaala Magaalada Jowhar uu sii furnaanayo.

Dhinaca kale, waxaa iyaguna qaadacey hadalka ka soo yeedhay Midowga Afrika Xubnaha ka tirsan DFKMG ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay Ururka Midowga Africa fikir Itoobiya ay wadato, isla markaana aaney jirin urur micna leh oo midowga Africa loogu yeedho. 

Si kastaba ha ahaatee,  khilaafka u dhaxaeeya Xubnaha DFKMG ee Soomaaliya ayaa ah mid mudo soo jiitamayey, isla markaana aan ilaa hada wax xal ah laga gadhin.

Radio Xoriyo

27 September. 2005

Axmed Xidig 

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2005

Puntland oo Guddi u Direysa Jawhar
si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala soo Xaajoodaan DFKMG, waxaana guddigaas soo magacaabaya... Guji

Fartuun Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Laga Sii Daayey Xabsiga Nairobi
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska senator Coleman..
Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD