SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

  Muqdisho iyo Jowhar  Barbar-dhac

Ciyaar waa gelin dambe

Qaybtii 2-aad

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya

            Kabtan C/llaahi Yuusuf waxa uu dalbaday ciyaartooy cusub, wuxuuna ka soo ururiyey gobollada dalka, wuxuuna tababar ciyaarta K/Cagta ah uga bilaabay magaallada Jowhar,

            Kooxda Muqdisho iyagoo yaabban, kana naxsan ciyaartoydan cusub ee uu Kabtan C/llaahi la yimid ayaa waxaa raggoodii difaaca dalbadeen rag kale oo iyagana joogay Gobollada, sida Max’ed Ibraahim Xaabsade, Yuusuf Indho-cadde iyo Barre Aadan Shire (Barre Hiiraalle), waxayna ku hanjabeen in ay soo ururinayaan ciyaartoydii 15-ka sano ee la soo dhaafay sida wanaagsan K/Cagta uga ciyaareysay Gobolka Banaadir.

            Kabtan Shariif isagoo fikiraya, kana fikiraya sidii uu guul uga keeni lahaa kooxda Jowhar ayaa Kubbad la soo dhaqaaqay, wuxuu xirfadeeyo oo uu la jees-jeesto markii uu marayo diilinta 18-aad ayaa waxaa lagu jallaafeeyey halkaasi, waxaana loo dhigay rigoore ama (Penalty), markiiba Kabtan Shariif ayaa yiri aniga ayaa tuuraya, wuxuuna si wanaagsan u daba mariyey goolhayihii, shabiqii ayay cuskatay Kubaddii, waxaana loogu magac daray goolkii “New York”, iyadoo taagerayaashuna ay ku dhawaaqayeen “New York…New York….New York..”, taageerayaashii Jowhar waxay oranayeen “Waa maxay, sidey wax u jiraan, Wallaahi garsoorahan wuu naga hiiliyey, war ha nalaga beddelo”, Kabtan C/llaahi isagoo aad uga xun goolkaasi gafuurkana tuuraya ayuu isna kubad dhinaca Baalka midig u furay, waxay soo xaluulato Kubaddiiba waxaa diilinta 18-aad difaacii kooxda Muqdisho uu isna markiisii ku dhegay Kabtan C/llaahi, “Rigoore….”, ayaa la dhigay, kulankan aad ayaa loo soo buuxsamay, fallaartii cirka loo tuuro dhulka kuma aysan soo dhacayn  taageerayaasaha daawanayay tiradooda awgeed, waxaana rigooradii u soo baxay Kabtan C/llaahi oo isaguna shafka garaacay, wuxuuna yiri “Tan i dhaafi mayso aniga ayaa tuuraya”, hase yeeshee C/llaahi Yuusuf birta ayuu ku dhuftay, kubaddii oo soo noqotay ayaa waxaa helay weeraryahankii kooxda Jowhar C/llaahi Shiikh Ismaaciil oo kubaddii si wanaagsan u dhaliyey, goolkanna wuxuu noqday goolkii isna bar-bareeyey “New York….”, ciyaartu haatan waxay weli taagan tahay bar-bar dhac, Cali Max’ed Geeddi ayaa Kubbad markiisii soo jiiday, wuxuu sidii Baldoosarkii ula war-wareegtaba waxaa banoonigii laga bixiyey Koorno, waxaana dhex-dhexaadinayay ciyaartan garsoore ka socday Qaaradda Afrika oo lagu magacaabo Masi Mahaka, waxaana Koornadii soo laaday ciyaaryahan ka tirsan kooxda Jowhar, waxaana shabaqa madax kula hubsaday Geeddi, waxaana taageerayaashii kooxda Muqdisho ay ku dhawaaqayeen “Goolkaasi gool ma ahayn, koornadu mid qaldan ayay ahayd, ar gasroorahan maxaa waaye?”, waxay codsadeen in la beddelo garsooraha, dacwad ayay u gudbiyeen xiriirka FIFA oo ay kaga dalbanayaan in garsoorahaasi ka hiiliyey wax laga qabto, dheg jalaq looma siin oo xitaa dacwaddii waxay gaartay Xiriirka Q/Afrika ee CAF, waxayna kooxda Muqdisho ay sheegeen in ay tartankan ka baxayaan haddii aan wax laga beddelin qaabka ay ciyaartu u socoto, iyadoo la la’yahay qaab ciyaarta loo wado ayaa garsoorihii la beddelay, waxaana lagu beddelay Francios Fall.             Seerigiisii ayuu qaatay Fall, waxa uu la tashi la sameeyey guddiyada labada kooxood, isagoo ka codsaday in ay ciyaar wanaag muujiyaan, waxaana kubbad soo jiitay isagoo la xiimaya Max’ed Qanyare Afrax oo difaaca uga ciyaara kooxda Muqdisho, isagana banoonigii ayuu nin kale oo saxiibkiis ah ku dhufsaday, mar kale ayaa loo soo baasay, wuu ku dhifsaday misna mar kale ayaa loo soo celiyey, dabadeed shabaqa ayuu ku shubay, “Gooooool….Goool….Goool.”, goolkan laga dhaliyey Jowhar waxaa loogu magac daray “Goolkii UN-ka”. Waxayna taageerayaasha ku dhawaaqayeen in deg deg loo bedelaa garsoorahaan, waa uu naga hiiliyay, Kooxda Jowhar ayaa waxay la tashi ay ku dooneyso in ay kula soo wareegto waxa ay la sameysay ciyaaryahan Cadde Gaaboow oo ay u suurto gashay in ay geba-gebadii la soo wareegto, waana ciyaaryahan aad u xirfad badan, wax fiicanna ka beddeli kara ciyaarta, iyadoo Reer Muqdisho ay aad uga naxsan yihiin xidiggan cusub ee la soo gatay ayaa waxay ku fikireen “Waa inaan saddex nin oo wanaagsan laga hor geeyaa ninkan xirfadda badan, si kubadda ay uga jah-wareerto”, waxaana ay daba dhigeen xidiggani rag ay ka mid yihiin Shaaweey, C/llaahi Ganey Firimbi iyo Cabdi Qaybdiid, raggani si aad ah ayay isku fiirsanayaan oo ciyaarta kama dhex muuqdaan, midba midka kale ayuu ka shakisan yahay, waxaa dhegaha kooxda Muqdisho ku soo dhacay in ciyaaryahan uu ka dhaawacmay kooxda Jowhar markii ay jug ka gaartay Lugta, waxaana loola cararay Isbitaal ku yaalla Dalka Kenya, halkaas oo haatan lagu daweynayo, waxayna Taageerayaasha Muqdisho ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “ oo kaa magacii mid kala soo boodey “ waxaa la yiraah” Dhalxa” mid kala soo boodey oo yiri “Al-Xamdulihaali, Illaahi ayaa naga qabtay”, hadda ka hor ayuu naga dhaliay Guul caato ah oo kuuma kasseyn ah, Akhri Qaybta 3aad... GUJI

Qaybtii 1aad halkan ka akhri

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

Email: amiinkhasaaro@hotmail.com

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2005

»Jawaab Maqaalkii "SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY"
»SALADHIGGA GUULDARADA SOOMAALIYA!! | Garaad
»Xuska  Maalinta Nabadda Adduunka | Baaq Nabadeed | Xuseen
»Diiwaan:  Maansadii 41aad ee DoodWanaag | Cali-Mataan
»
Cali Xalane waa ku fududaayey Dhaleecaynta Dhaqanka | Cabdinur
»Muqdisho iyo Jowhar Barbar dhac | Amiin Yuusuf
»»Ka dan raaco: “Jawaab maqaalka Maamul Goboleedka Lamagacbaxay Somaliland Lama oga nimay u xuntahay iyo nimay u san tahay | Cige
»PL: Horumar miyaa laga Hortaagan yahay mise Burcad
»
Terry iyo Sh. Cabdallahii Qarnigii 19aad | Maestro
»
Shacabka Puntland wKhayraadkooda Ha difaacdaan


»Waxaa la Rabaa in dadka reer Puntland laga hor istaago khayraadka
»Cade Muuse Ma Hoogaamiye Siyaasadeed baa, Mase  waa  Ganacasade

»
Qoraalkii Maxamed Baashe Xusuustii uu kiciyey | Kayse
»Ficilada Jaahilnimada Soomaalida samayso waxaa ka mid ah | MM
»Maamul Goboleedka Somaliland Lama oga cid ay dan u tahay | Eng. Siciid
»
Baaqa Baarlamaanka Puntland Ma Mid Wadaniyadeedbaa| kaashawiito
»
Qoraal uu London kasoo saaray Inj. Sayid Axmed Sh. Daahir....
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD