Asalama calaykum waraxmatulah.
Tarbiyada caruurta.
WQ:
Baashi Maxamed Shiikh
Islamaba-pk
burhaan555@hotmail.com
Salaan
kadib, waxaan jeclahay inaan usoo jeediyo Akhristayaasha
Somaliweyn
Mawdooc
aan isleeyahay waa muhiim lana xiriira sida loo dhiso ama
loo leylyo
ilmaha ,
waayo ilmuhu ama dhalaanku waa hadafka ama yoolka qof walba
leeyahay sida ay isku raaacsan yihiin Culimada cilmiga
bulshadu qof walba “Qof walba waxaa ku abuuran aabanimo/hooyanimo”
waxaana uu ku fakaraaa sidii uu wax u dhali lahaa ,hadaba
iyada oo la ogyahay ahmiyada ay leedahay Tarbiyadu ayna
tahay waxa kala reeba ama lagu kala saaro laba qof oo wada
dhashay marka la eego xaga dhaqanka suuban iyo dad la
socodka.
Qofku
marka uu dhinto waxaa ka hara sedex waxyaalood oo kala ah:
cilmi ,sadaqo socota sida ceel, guri, masaajid…. Iyo ubad
wanaagsan oo uu si fiican u tarbiyeeyey.
Waxaase
is weydiin mudan waa maxay Tarbiyadu? Waxaa jira qeexitaamo
fara badan oo ay ku qeexeen dadka wax ka qora cilmiga
bulshada , waxaanse ku soo gaabsanayanaa ha lama labo waana
sedan: Tarbiyadu waa in la hagaajiyo habdhaqanka qofka
laguna hago jidka Alle laga sifeeyo dhawaan waxa ka hor
imaanaya diinta iyo akhlaaqda wanaagsan ee islaamka loona
taba baro sida uu ula dhaqmi lahaa dadka ku xeeran ee uu
nolosha la wadaago.
Kan kale
waxa ay dhahaan raga wax ka qoraa cilmiga suluuga iyo
akhlaaqdu waa in qofka laga dabar goyo dhamaan waxa uu
diidayo caqliga fiican iyo maadida guud ee islaamku. Waxayna
ku ma talaan qofka sida geed oo kale waayo geedku waxa uu
lee yahay laama badan hadii aad doonayso in aad mustaqbalka
harsato waa inaad isku duwdaa kana ilaalisaa in ay laami
gaar u baxdo kadibna ay caqabad ku noqoto harsiga geedka
waxyaabaha ka baxa qofka waxaa ka mida : xasadka , afxumada
, dhabiisha iyo wax kasta oo ka hor imaanaya diinta iyo
caqliga suuban.
Hadaba
waxaan rabnaa inaan gadaal ugu noqono tarbiyada iyo heerarka
ay marto.
Cumar
binu Khadab Allaha ka raali noqdee waxa uu ku jawaabay mar
wax laga waydiiyey xaqa ilmuhu ku leeyahay waalidkiis:
waxa uu yidhi:
1-Waa in
aabuhu/hooyadu ay doorataa qof wanaagsan oo la wadaaga
nolosha iyo tarbiyada ilmaha.
2- Waa in
ay baraan Qur’aanka .
3-
Hagaajinta Akhlaaqdiiisa IWM.
Tarbiyadu
waxa ay ukala baxdaa qaba badan sida:tarbiyada ku
xiraanshaha Alle ,Akhlaaqda iyo dhaqanka , Tan jidhka ,Tan
maanka (Caqliga) ,Tan Shawada ku aburan qofka, iyo la
dhaqanka bulshada.
Hadaba
tan ugu muhiimsan ee aan rabno inaan wax ka taabano waa tan
ku saabsan Tarbiyada Caqliga oo ah in ilmuhu ka dhisan yahay
qaybahan: Diinta, Aqoonta guud (Thaqaafa), iyo inaan meesha
laga saarin cilmiga cusub ee bani aadamku manta gaaray(
Tecnology).
Taas
waxaa dalil ah aayada badan iyo axaadiis aan la soo koobi
Karin waxaana kaga arki karaa aayadaha ugu horeeya Suurada
al Calaq iyo Suurada al Zumar aayada 9 aad.
Axaadiisa
waxaa ka mida Adiiska rasuulka ee ah (barashada cilmigu waa
ku waajib qof kasta oo muslim ah) iyo (qofkii dhaba qaada
isaga oo cilmi donaya Alle ayaa u sahla wadada Janada).
Muslim ayaa soo saaray.
Su’aal
ayaa imaan karta leh: waa maxay cilmiga ay ka hadlayaan
aayadaha iyo axaadiitu: cilmga ay aayaduhu ka hadlayaan waa
cilmiga diinta islaamka iyo in qofku uu bartaa waxyaalaha
lagama maar maanka u ah gudasha cibaadada Alle sida :
Salaada, Zakada …….. cilmigaan waa waajib in qof walba oo
islaam ahi bartaa.
Waxaa
kala oo jira cilmiga maadiga ama kan laga xigtay diinta
sida: Caafimaadka, Dhismaha iyo dhamaan waxa kasta oo uu
qofku ku intifaacsado noloshiisa. Cilmigani waa loo
yaqaan ( farad kifaaya) hadii ay bulshada ka mid ahi barato
qayba kale aan laga rabin.
Ugu
danbayn waxaa xusid mudan in ay u cadaato waalidka
waxbarashadu u dhexayso wiilasha iyo hablaha si siman.
Wixii aan
Asiibay waxa ay ka ahaadeen xaga Alle intii aan gafanayna
waa xaga shaydaanka iyo naftayda.
FG:
inshaa alaah waxaan jeclahay inaan inta dhiman mawduca
gadaalka ka dhamaystiro.
WQ:
Baashi Maxamed Shiikh
Islamaba-pk
burhaan555@hotmail.com
Aragrida
qoraalkan waxaa leh qoraga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2005
Puntland
oo Guddi u Direysa Jawhar
si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala
soo Xaajoodaan DFKMG, waxaana guddigaas soo magacaabaya...
Guji
Fartuun
Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Laga Sii Daayey Xabsiga Nairobi
Sidaas waxaa shaaca ka
qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska senator Coleman..
Guji...
|