SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Minneapolis::: Shirkii Lagu soo dhawaynayey Wasiirka Horumarinta Reer miyiga DFKMG

  • Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2005

Waxaa lagu qabtay Brian Coyle Community  Shir lagu soo dhawaynayey Wasiirka Horumarinta reer Miyiga DFKS Mudane Maxamed Maxamud (Gacma dheere), shirka oo dheeraa daraadeed oo ay ka hadleen waxgarad iyo Masuuliyiintii Soomaaliya ee hore kamida, laguna soo dhaweeyey Wasiirka, waxaan kusoo koobaynaa hadalka wasiirka oo kaliya.

Wasiirku ma jeedin khudbad dheer sida lagu yaqaanay Madaxda Soomaalida, wuu ka duwanaa taas oo wuxuu layimid caado aan lagu aqoon Madaxda Soomaalida mudana inay uga daydaan, taasoo ahayd inuu wax yar kadiba uu' u furay dadwaynihii goobta joogay inay waydiiyaan su'aashii ay rabaan iyagoo waliba isticmaalaya codkooda ee aan qoraal ahayn ama laga gudbinayn. Khudbada wasiirka oo aan idiin soo koobnay waxay ahayd sidan;

"Dowlada warkeeda waxba idinkuma seegana waad lasocotaan, waxaana ka hadlayaa waxyaabo kooban oo hadafka dowlada ah sida;

  • Dibuheshiisiinta Nabadgalyada Guud
  • in hayadahii dowlada dhamaantood dibloo howl galiyo"
  • In Maamuladii Gobalada iyo Dagmooyinka la dhamaystiro

Waxaa kamida Wasiirka Horumarinta reer Miyiga Mudane Gacma dheere markuu ka hadlayey khilaafka u dhaxeeya Xukuumada dhexdeeda iyo Baarlamaanka dhexdiisa ee kala dagan Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho yiri:"Khilaafka dowlada ee aad maqasheen mid mabda ku dhisan ma'ahan waa mid ku dhisan shakhsi nacayb taasina waa sahlan tahay, waxaa lagu dhamayn karaa labadii shakhsi oo heshiiya, waa ilaahay mahadii hadaysan mabda ku salays nayan".

Wasiirku markuu ka hadlayey Imaatinkoodii New York iyo waxa ay kala kulmeen wuxuu yiri "Imaatin kayagii wuxuu ahaa muhiim Madaxwaynuhu wuxuu la kulmay madax badan oo Caalamka kasocota oo aan usuura gasheen haduu Soomaaliya joogi lahaa dhaqaalaha dartiis"

Wasiirku wuxuu u mahad celiyey Jaaliyada reer Minnesota waxaana hadalkiisii kamid ahaa" Waad kumahad santihiin sidaad dowlada u taageerteen oo aad ilaa New York noogu timaadeen" isagoo hadalkiisii sii wata xasuusinayana sida ay jaaliyadaha dibada jooga umadooda wax ugu qaban karaan wuxuu yiri" Waxaan idiin sheegayaa inaad dowlada wax wayn tari kartaan, sida hadaba laga sharqaminayey inaad intiina badan dhalashada wadankan aad qaadateen, hadaba waa inaad ka faa'iidaysataan codkiina marka aad cod bixinaysaan, waxaad codkiina ku badalan kartaan in Baarlamaan ka Dowlada Maraykanka uu wax u qabto dowladiina, waa inaad cashar ka qaadataan dadka yuhuuda ah sida ay awooda ugu leeyihiin Dalkaan iyo Yuruba, sida ay codkooda isugu geeyeen oo dalkoodii wax uga tareen iyagoo halkaan jooga sida ay Nuclear usamaysteen ........".

waxaa ka mid ahaa wasiirka hadalkiisii markuu ka hadlayey Soomaalida iyo waagii hore "Soomaalidu waa isku mid meelay joogaanba... waxaan soo gaaray anigu Baasaborka Soomaaliga oo Yurub Visa loo qaadan, dhalin yarada Maraykankuna Faa'iiday u haystaan............... wixii su'aala oo wax dhisaya waa la iwaydiin karaa".


dadkii oo saf ugu jira inay su'aalahooda jeed sadaan

Hadalka Wasiir Gacmo dheere oo aan soo koobnay intaasaan uga baxaynaa, su'aalaha la waydiiyey wasiirka intooda badan waxaan uga kaaf toomaynaa waraysigii aan la yeelanay Maalintii xigtay shirka, su'aalahii la weydiiyey waxaa kamid ahaa:

1- Mudane Wasiir hay'adaha Jowhar katagay maxay uga tageen.......?

Jawaab: Dowlada waxaa lagu qasbay inay Soomaaliya u guurto hay'ada badan ayaana yimid oo xafiisyo ka furtay sida AU, AEU, IGAd, Carabta iyo UN-taba, Qolyaha Xamar jooga ayaa yiri waxaan ladagaalamaynaa Dowlada, sidaasay Hayaduhu ku baxeen waana kuwii horay u joogay iyadoo ninkii gobalka haystay uu leeyahay habixina  ayey baxeen, hadana waxay yiraahdeen waa soo laabanaynaa kadibna isagoo canaad uga dhigaya ayuu yiri soo laaban maysaan.

2- Mudane hadba kiinii isla Sawira Senator wuxuu moodayaa inuu Maraykanka  u dhowyahay Maxaa idiin qabsoomay idinka( Qaybta Jowhar joogta)

Jawaab: Wixii noo qabsoomay iyana waa u qabsoomeen wixii naga ba'ana waa ka ba'een, iyana ma qabo  inay diidan yihiin Dowladnimo iyo aqoonsi, wax bay tabanayaan Calan ayaan doonaynaa, 275 xubnood ayaa Baarlamaanka Xubin ka ah cid lasoo doortayna majirto.

3- Mudane Wasiir Maxaad Dhaqaale hesheen Maxaadse Aqoonsi hesheen?

Dowlada waa la aqoon san yahay, waxaan idiin sheegayaa Soomaaliya oo dhan haday heshiiso cidii rabta way aqoonsan cidii rabtana waa diidaysaa, laba sano ayaan Kenya fadhinay in kuli nala aqoonsado oo hadba shirka dib ay u dhigaysay Dowlad si loo xaliyo khilaafka taas waa laga soo gudbay oo waa taan ku heshiinay, arinta dhaqaalaha waxaa nala yiri shaqaysta si wax la idiin siiyo EU-da $40 Millyan ayey nasiiyeen, Carabta $27 Millyan waxayse diideen in lacagta nala siiyo oo waxay yiraahdeen Soomaalida lacagaha waa lala maamulayaa, hada ka hor mar Madaxwaynuhu la kulmay Boqorka Sucuudiga haysta wuxuu yiri Beenta iska daaya shacabkiinana ka daaya, Maalin ayaa Golaha wasiirada Madaxwaynuhu isugu yeeray una sheegay inuu Telafoon ka helay Boqorka Sucuudiga hade waa iyagii kulmay.............Boqor iyo Madaxwayne kulmayna waxay is dhaheen lama oga.


Kayse oo su'aal waydiinaya wasiirka

4- Su'aashan waxaa way diiyey Kayse oo Mudo ku xirnaa Maraykan Marna Soomaaliya loo tarxiilay hadana dib loo soo celiyey. "Lix kun oo ku rafaadsan Xabsiyada ayaan wakiil ka ahay, waxaan rabaa inaan ogaado waxay dowladu ugu tala gashay?.

Jawaab: Waa lasoconaa aritaas waanaloo keenay, hada 43 xubnood ayaa magacyadoodii nalagu soo wareejiyey waxaana uga soo jawaabaynaa si aan idinka hiilinayn.

5-Mudane Wasiir Waxaa la sheegay ciidamadii Jowhar yimid inay wateen Calanka Itoobiya, macalanka Soomaaliya ayaa la waayey? Maxay ahaayeen Ciidamadaas maxaa ka jira arintaas?.

Jawaab: waxaan rabaa inaan su'aal kugu celiyo Adigu marumaysatay?........Waa arin aan dhici karin, ninka sheegay iyo kan rumaystaa waa isku cayn, waa Barabugaando Itoobiya iyadaanba ogolayn in Calankeeda laqaato...........

6- Maxay yihiin Nimanka jowhar lagu xirxiray?

Jawaab: Magaalada Jowhar hubka lalama dhex maro, nin hub haysan karo majiro oon dowladu ogayn, hadii qof qariiba yimaado waa lasoo xaqiijinayaa, marka waa la adkeeyey amaanka wixii yimaada waa la koontoroolayaa, hadii la garan waayana waa la tarxiilayaa, dad badan ayaa Booliska la dirira waa jiraan dad badan oo laxiro kadibna lasii daayo laakiin siyaasad uma xirxira.

Intaa waxaa inoogu eg Kulan kii lagu soo dhawaynayey Wasiirka iyo sida uu'udhacay isagoo kooban, hadaan milicsano jaaliyadaha dibada iyo sida ay usoo dhaweeyeen labadii waftiba waxaad is oran kartaa waxay dareen san yihiin dhibaatada Dowlad la'aanta iyo Baasaboor laa'aantu ku hayso iyo sida ay san wax tixgalin ah ugu haysan meelo badan oo aduunka ka mida hadii dhibaato loo gaystana ay hadur tahay, hadaba miyey san haboonayn inay fahmaan labada dhinac ee Jowhar iyo Xamar inaysan ahayn xili la is Khilaafo ama la is mucaarado maadaama aysan jirin wax lahayo oo la isku khilaafo ama la isku mucaarada?!!. miyaanayse xasuus nayn in Dowlada Soomaali oo dhan sugayso ee aysan ku koobnayn 275 iyagu is doortay shacabkuna "aqbalay" bal si uun wuxuun loo helo?!! haday iyagu jagooyinkii qayb sadeen soo ma dhimana qaybtii shacabka, goormay soo gaarsiin doonaan?!!.


dadwaynihii shirka kasoo qayb galay


Kayse

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2005

Waraysi: Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga DFKMG, Maxamed Maxamuud (Gacma-dheere)... Dhegeyso

Waraysi: Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel... Dhegeyso

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD