SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  •  Kulan ka dhacay Degmada Balcad

  • Jinni Boqor “ Cabdulaahi Yuusuf Fursad buu helay balse kama faaiideysan “

  • Max’ed Dheere “François  dhex dhexaad kama ahan arrimaha soomaaliya

  • Siyaasiyiin ka tirsan beesha Mudulod oo ka digey shirka Balcad.

  • Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan “Colaada uu hurinaayo Qanyere waxay ugu imaan Dayniile.. 

  • Beesha Dirta Koonfureed oo dooratay Gudoomiyaha Golaha Guurtida ..

  • Golaha Bulshada rayidka ah oo sheegay in aan waqtigaan loo baahneyn colaad..

W/D Amiin yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Kulan ka dhacay Degmada Balcad

Qanyare “Ilaah ha ka qabto shacabka Itoobiya iyo  dabadhilfkeeda”

Shiikh Xasan Daahir Aweys “Dawlad Alle la dirirsan yahay ma soconeyso ee  waa…

Yuusuf Indha cadde “ Jowhar sida uu Maxamed dheere ka yahay baa maanta ka ahay Balcad”

            Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Balcad ee Gobalka Sh/dhexe isugu yimid xubno ka tirsan labada gole uuna horkacayay guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore, waxaana kulankaan ka qaybgalay Wasiirada hubeysan ee Dowladda oo ay ka mid yihiin Muuse Suudi oo marti loo ahaa, Max’ed Qanyare Afrax, Cismaan Xasan Cali Caato, Barre Aadan Shire Hiiraale, Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Cumar Finish , waxaa kalloo kulankaan ka qaybgalay guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde), Guddoomiyaha shuurada Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka Xalane Sh. Xasan Daahir Aweys iyo guddoomiyaha degamada Afgooye Xuseen Cali Weheliye Cirfo iyo siyaasiyiin kale, waxaana kulankaasi ugu horeyn ka hadlay wasiirka ganasiga Muuse Suudi Yalaxow oo sheegay in kulankaani uu yahay looga hadlayo arrimaha dalka, wuxuuna gebagabo u ahaa kulamo maalmahan xubnaha labada Gole uga socday Magaalada Muqdisho kaasoo laga soo saaray qodobo muhiim ah. Waxaa kalloo ka hadlay wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax oo isna sheegay in laga hortago hagardaamada Dowladda Itoobiya waxa uuna Illaah ka baryay in shacabka Soomaaliyeed uu ka qabto Itoobiya iyo daba-dhilifyadeeda, mana carabaabin Max’ed Qanyare Afrax ragga uu ku tilmaamay daba-dhilif isagoo ku gaabsaday shacabka ayaa garanka kara, wuxuuna sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu ciidamo ka keenay Gobalada Puntland, isagoo sheegay in la garan karo in ciidankaasi ay yihiin ciidan duulaan ah, wuxuuna u soo jeediyay dhalinyarada ku xareysan xeryaha ku yaala Jowhar in ay halkaasi isaga cararaan, xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Barre Hiiraale oo sheegay in khilaafka u dhexeeya xubnaha dowladda loo baahan yahay in lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgard, waxaan kallo ka hadlay Axmed Cumar Jees oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan caddowga ummaadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ka hadlay Cumar Maxamuud Max’ed (Cumar Finish) oo isna soo jeediyay in khilaafka lagu dhameeyo is faham. Waxaa kalloo ka hadlay Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo yiri “Max’ed Dheere sida uu ka yahay Jowhar ayaa anna manta ka ahay degmada Balcad, waxaana manta wada joognaa Gobalka Sh/dhexe”. Kulankaan oo ku dhamaaday is afagarad ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay guddoomiyaha ku xigeenka Golaha Baarlamaanka oo sheegay in aysan Balcad u imaan in ay ku duulaan koox kale, balse ay u yimaadeen marti-qaad uu u fidiyay wasiirka ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow

            Shiikh Xasan Daahir Aweys uu ka mid aha Culuma’u-diinkii ka qaybgalay kulankii Balcad ee shalay isugu yimaadeen xubnaha labada Gole ayaa wuxuu sheegay in hoggaamiyaasha Soomaaliyeed looga baahan yahay in shacabka ku hoggaamiyaan dariiqa toosan ee Alle jideeyay.

            Shiikh Xasan Daahir Aweys waxa uu u soo jeediyay hoggaamiyaasha iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay Alle la heshiiyaan oo ay talo saartaan, wuxuuna sheegay in Dowlad Rabbi la dirirsan yahay aysan marnaba socon doonin, ee waa in Alle lala heshiiyaa.

            Waxa uu sheegay in Maxkamada Islaamiga ay yihiin kuwo ka shaqeenaya nabadgelyada taasoo uu sheegay in si aad ah u dareemeen shacabka Soomaali-yeed wax qabadkooda muddadii koobneyd ee ay jireyn.

Jinni Boqor “ Cabdulaahi Yuusuf Fursad buu helay balse kama faaiideysan “

            Xildhibaan Cabdi Cabdule Siciid (Jinni Boqor) oo aan wareysi dhinacyo badan taabanaya kula yeeshay Hotel Ambassador ayaa ka hadlay khudbaddii uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka jeediyay Golaha Amaanka, ujeedooyinkii ay u yimaadeen Col. Barre Hiiraale iyo Xaabsade, waxyaabihii u qabsoomay xubnaha labada Gole intii ay joogeen iyo imaanshaha Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi ee Muqdisho waxa ay ka bedeleyso xaaladda murugsan ee Soomaaliya. Xildhibaan Jinni Boqor ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay in khudbaddii uu ka jeediyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Golaha Amaanka ay ahayd fursad uu helo nin hadlaa hadalkii uu jeedin lahaa, laakiin kama hadlin wax uu xaq u lahaa, sababtoo ah waxaa halkaasi ku sugnaa in ka badan 160 Madaxweyne, waana ninka kaliya oo ka hadlay in loo fasaxo hubka, halkii laga rabay in uu la dagaalamo Faqriga, Gaajada, Jahliga, Arrimaha xaquuqda aadanaha iyo dhibaatooyinka Dadka Soomaaliyeed loogu gaysto dunidda dacaladeed, waxayna dadka Soomaaliyeed ku jiraan xabsiyada adduunka, iyagoo dhibaatooyin kala duwan ay halkaasi ku hayso, Dadka Soomaaliyeed ma haystaan sinaantii xaquuqda aadanaha ee ay kula sinaayeen Adduunka kale, waxaana noqonay wax aadanaha u eg, laakiin xaquuqdii aadanuhu uu lahaa aanu haysan. Xildhibaana Jinni Boqor oo hadalka sii wata ayaa intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu lumiyay fursaddii ugu weyneyd oo nin hadlaa uu helo, waxaana aaminsannahay khudbaddii uu halkaasi ka jeediyay, haddii aan wakiilan lahayn Nalsan Mandeela, madaxda shirka joogta waa inoo garaabi lahayd iyagoo ooyaya, balse taasi ma dhicin, sababta ku kaliftay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inuu hadalkaasi meesha ka jeediyo waxay ahayd markii uu doorashada ku jiray ayaa maskaxdiisa ku qunfulnayd in aan wax aan ciidan ahayn iyo xoog Soomaaliya wax looga qaban Karin. Mar uu ka hadlaayay Xildhibaanku Imaanshiyaha Cali Max’ed Geedi ee Muqdisho wuxuu yiri xildhibaan Jinni Boqor “Cali Max’ed Geedi kama ahan in siyaasaddii uu wax ka bedelay ee waxa uu doonayaa in qaldo ra’yul caalamka Dunida si uu dhaqaale ugu helo, kamana tanaasulayo ujeediyooyinkii siyaasadeed.

Max’ed Dheere “François  dhex dhexaad kama ahan arrimaha soomaaliya

            Maxamed Cumar Xabeeb (Maxmed Dheere) oo ah Guddoomiyaha siyaasadda ee Gobalka Sh/dhexe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta u ah qaar ka tirsan Dowlaadda Soomaaliya wuxuuna eedeyn u jeediyay wakilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliaya François Fall iyo Wasiirka amniga Qaranka Mamxed Qanyare Afrax wuxuuna sheegay in wakiilka uusan dhex-dhexaad ka aheyn arrimaha Soomaaliya, taas uu sheegay in uu u hoggaansamay hadaladii Maxamed Qanyare ee ahaa in hey’daha Samafalka ay ka baxaan Gobolka Sh/dhexe. Max’ed Dheere ayaa sheegay in Dowlada Federalka ah ay degan tahay  meel aad amaan u ah, taas oo uu sheegay in caalamka uu si aad ah u garteen. Mar uu ka hadlaayay hadalkii Maxmed Qanyare ee ahaa qabashadda Shirka Balcad wuuuna sheegay in Qanyare uusan ka hadli Karin arrimo la xiriira deegaankaas, isgoo ku tilmaamay in uu yahay nin aan nabadda jecleyn oo doonaya in uu iska horkeeno bulshadda Soomaaliyeed ee nabadda ah, islana wada degan. Waxaa kalloo uu sheegay in Max’ed Qanyare uu yahay nin afuufaya colaad sokeeye waxa uuna uga digay arrimaha uu haatan u ololeenayo. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka Balcad in aysan ogolaan in deegaankooda uu ka dhacayo shir lagu carqaladeeyo nabadda Soomaaliya, taasoo uu sheegay in ay keeni karto dhibaato hor leh. 

Siyaasiyiin ka tirsan beesha Mudulod oo ka digey shirka Balcad.

            Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Ramadaan ee Magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay siyaasiyin ka tirsan Beesha Mudulood kuwaasoo la sheegay in intooda badani ay ahaayeen siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka waxaana looga hadlay shirka maanta ka dhacaya Magaalada Balcad iyo hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda Federaalka Max’ed Qanyare Afrax.

            Xildhibaan Hilowle Iimaam Cumar oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in Beesha Mudulood aysan raali ka ahayn in wixii Qaranka Soomaaliyeed wax u dhimaya lagu qabto deegaankooda, isagoo uga digay xubnaha wada kulankaasi in wixii dhibaato ah ee halkaasi ka yimaada mas’uuliyadeeda ay dusha u radan doonaan.

            Mar uu ka hadlayay hadalka Max’ed Qanyare Afrax waxa uu sheegay in hadalkaasi uu yahay mid wax u dhimaya nabadda soomaaliyeed, isagoo sheegay in Qanyare uu hilmaansan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku dhaqan ah isku Diin ah isku af ah oo aan loo baahnayn in waqtigaan la kala geeyo.

            Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay xildhibaana C/llaahi Geedi Shadoor oo isna sheegay in Max’ed Qanyare uu yahay nin doonaya in iska horkeeno bulshada Soomaaliyeed isla markaana hurinaya dagaal sokeeye sidoo kale waxaa ka hadlay xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan oo isna sheegay in Max’ed Qanyare uu yahay nin afuufaya colaad, balse ha ogaado Qanyare in colaadaasi ay ugu imaan doonto deegaankiisa, wuxuuna u soo jeediyay dadka deegaanka in ay ka hortagaan falkaas.

Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan “Colaada uu hurinaayo Qanyere waxay ugu imaan Dayniile.. 

            Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda beelaha Mudulood ayaa waxa uu yiri “Ma ahan wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax colaad abuuro balse waxaa laga doonayaa in uu ka shaqeeyo nabadda”.

            Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in wasiirka amniga qaranka hadalka uu ka sheegay idaacadaha in maalinta Axda ah la tagayo Balcad, wuxuu ahaa hadalkaasi mid uu ku fududaaday wasiirku, sababtoo ah Balcad waa guri nabadeed, laakiin wasiirka amniga waxa uu doonayaa in ay noqoto Balcad guri colaadeed, “markaad guri nabdeed dab ku qabato, gurigaaga ayuu kuugu imaanayaa” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Caraale, wuxuu kalloo intaa ku daray “Max’ed Qanyare haddii uu Balcad nabad daro ka abuuro, garoonkiisa Deyniile ayay ugu imaaneysaa nabad darida uu abuurayo”.

            Ummadda Soomaaliyeed way ka bisishahay waqtigii 1991-dii oo loo qaybinayay Madfaca, iyagoo rumeysanaya in lagu soo duulay, ugu dambeyntiina xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay Ma’xed Qanyare in in uu joojiyo colaadda uu abuurayo uuna ka shaqeeyo nabadda iyo isku soo dhawaanshaha bulshada, isagoo sheegay in dagaal aan wax xal ah lagu gaari karin.     

Beesha Dirta Koonfureed oo dooratay Gudoomiyaha Golaha Guurtida ..

            Kulan ballaaran oo  ka dhacay Magaallada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid Salaadiinta, Aqooyahan-nada, Culimaa'udiinka, Haweenka iyo dhalilnyarada Beelaha Dirta Koonfureed, waxaana kulankan oo si aad ah loo soo abaabulay lagu dhisay Gole Guurti cusub oo ay yeelan doonto Dirta Koonfureed.
           
Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida Beelaha Dirta Koonfureed loo doortay Prof.  Cabdiraxmaan Macalin  Caddoow (Food Cadde), Guddoomiye ku xigeenka 1-aad   loo dooratay Xuseen Geeddi Jimcaale, Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa loo doortey  Xuseen  Geeddi Rooble , halka Xoghayaha Guudna loo doortay Mudane Bashiir Isaaq Cabdulle.
waxaa kale oo kulankani lagu dhisay Guddi  Fulin  waxayna kala yihiin
Maxamed Mursal Cabdi Xubin Maxamed Shiikh Sabtow Xubin

 Macalin Barre Xubin  Mukhtaar Macalin Cismaan Xubin Aadan Macalin Cali Xubin Cabdalla Cali Maxamed Xubin Aweys Nuur Axmed Xubin Cabdi -yare Jaamac Xubin Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xubin Maxamuud Maxamed Madoobe Xubin  Saciid Maxamed Luqmaan Xubin Ibraahim Maxamed Noolow Xubin Cabdi Saalax Nuur Xubin Axmed Diiriye Ismaaciil Xubin   Golaha  dhexe Guurtida oo isna ka kooban 57-xubnood, iyadoo Golaha Guurtida Beelaha Dirta Koonfureedna uu la socon doono howlaha abaabulka, wacyigelinta dib u heshiisiinta iyo in uu gaar ahaan beesha iyo shacabka Soomaaliyeedba uu u horseedo horumar.

            Dhamaan mas'uuliyiintii kulankani aadka u weyn isugu yimid ayaa waxa ay isku raaceen in Prof. C/llaahi Max'ed Caddoow uu yahay ninka keliya ee u qalma in uu qabto xilkani, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay nin xil kas ah howshiisana si daacad ah u gudan doona, waxaana kulanka ugu horreeya ee Golaha Guurtida Beelaha Dirta Koonfureed uu isugu imaan doonaa maalinta Isniinta ah haddii EEBBE idmo

Golaha Bulshada rayidka ah oo sheegay in aan waqtigaan loo baahneyn colaad..

            “Nabaddu waa furaha nolosha, waana wadada lagu gaaro horumarka ay bulsho kastaa ua dheereyso kuwa kale, sidaa darteed waa in qof walba uu dhankiisa uga dadaalaa sidii himilada nabaddu u noqon lahayd mid waarta” sidaa waxaa lagu yiri warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed (Somali Civil Society Congress) oo uu ku soo beegay maalinta 21-ka September oo ah maalinta nabadda adduunka.

            Golaha Bulshada Rayidka ah waxa uu ka degayaa abaabulada dagaal oo dalka dib looga curinayo, oo waliba xubnaha loo doortay in shacabka Soomaaliyeed badbaadiyaan ayna ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka shacabka.

            “Shacabka Soomaaliyeed uma baahna labo Dowladood, labada Baarlamaan, mana ahan wax Adduunka ka jira hadalada raqiiska ah ee dadka mas’uuliyadda sheeganaya ay warbaahinta la dhex taagan yihiin afar labaatanka saac” ayaa lagu yiri warsaxafadeedkaasi, wuxuuna u soo jeediyay saxaafadda in ay joojiyaan ka qayb-qaadashada hurinta colaadaha sokeeye, kana qayb-qaataan nabadeynta bulshada Soomaaliyeed, waxaan warsaxaafadeedkaan ku saxiinaa Drs. Xaliimo Cali Nuur oo ah Guddoomiyaha ku xigeenka Golaha Bulshada Rayidka ah.    

W/D Amiin yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2005

Puntland oo Guddi u Direysa Jawhar
si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala soo Xaajoodaan DFKMG, waxaana guddigaas soo magacaabaya... Guji

Fartuun Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Laga Sii Daayey Xabsiga Nairobi
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska senator Coleman..
Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD