SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 
Duufaantii Labaad oo Bil Gudaheed ku soo wajahan Dalka Mareykanka
Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Dawlada Dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay labada Gobol ee kala ah(Texas iyo Lousiana) oo ay duufaamo ku soo fooleeyihiin maalininada Sabtida ee soo socota,warkaan ayaa laga soo xigatay khubarada ku xeeldheer arimaha Dabeylaha iyo duufaanada.

Xeeldheerayaasha saadaasha Hawada ayaa saadaaliyey in duufaantan loogu magac-daray Rita,oo la qiyaasayo in saacadii ay goyneyso xawaare lagu qiyaasay 270-km ay dhaaftay halbeega lagu qiyaaso Duufaanada iyadoo gaartay darajada loo yaqaan Category-5, taasoo sababi doonto in biyaha badu dul maraan Magaalooyin qaarkood, isla markaana waxa ay bur-bur baaxad leh u geysan kartaa ceelal badan oo ah kuwa keydka shiidaalka, iyadoo 23% Ceelasha shiidaalka ay ku yaaliin Gobolka Texas oo ka mid ah labada Gobol ay duufaantani ku soo beegan tahay.

Shiidaalka Aduunka ayaa la saadaalinayaa in uu cirka isku shareero iyadoo durba laga dareemay suuqyada lagu kala gato shiidaalka inay soo wajaheen sicir barar,maadaama la qiyaasayo in duufaanta Rita ay bur-bur u geysan doonto keydka shiidaalka Mareykanka oo uu saldhigiisu yahay Gobolka Texas.


Dadkii oo ka sii qulqulaya guryohoodii, Houston, tx.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka George W.Bush ayaa shaaca ka qaaday in Dawladiisu go,aansatay in ay xaalad deg-deg ah,(State-of-Emergency) ku soo rogtay, Gobolada ay Duufaanta Rita ku soo beegan tahay,isagoo amar ku siiyay in dhamaan Shacabka ku dhaqan Gobolada Texas iyo Lousisana,ay u dhaga nuglaadaan fariimaha iyo waanada ay soo jeedinayaan Madaxda Gobolada,si ooga bad-baadaan inay mar-labaad soo noqoto dhibaatadii laga dhaxlay Duufaantii kol-hore ku dhufatay New-Orleans ee la magac baxday Katrina,ayuu yiri Madaxweyne Bush.

Ciidamo dheeraad ah ayaa ku qul-qulaya labadaas Gobol,si ay ooga hortagaan in aysan dhicin bililiqo,iyagoo amar lagu siiyay in ay aragti ku toogtaan cidii ay ooga shakiyaan burcadnimo.

Dhinaca kale Shacabka Duufaanta Rita ka qaxaya, waxaa ka mid ah Madaxweyne Bush,hooyadiis BarBara Bush iyo aabihiis Goerge,Bush oo iyagu ku nool xaafada lamagac baxday Crow-Ford oo ka tirsan Gobolka Texas oo ay asal ahaan ka soo jeedaan Reer Bush.

Guntii iyo Geba-Gebadii dabeylaha iyo duufaanada ayaa mudooyinkan lagu asiibay Dalka Mareykanka oo isagu aaminsan inuu yahay Dawlada aduunka ugu awooda badan,waxaase muuqata inaysan wax quwada laheyn,marka ay timaado tan Rabbi oo aan kala aqoon Wadan xoog leh iyo wadan daciif ah.

Hadaba dhamaan Soomaalida ku dhaqan Gobolada kala ah Texas,Alabama,Lousiana,iyo Misisipi waxaa la gudboon inay u hogaansamaan amarada ka soo baxaya Culimada ku xeeldheer Dabeylaha iyo Duufaanada.

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2005


Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa... Guji... Sept 19

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota.. Guji Sept 19


Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»» WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD