Jaaliyada Soomaalida iyo
wasiirada Qaxootiga Sweden oo
kulmay
-
Barbro Holmberg:
"Wixii
aan qaladnay waan saxeynaa"
Warbixintii: Ikraam Cali-kaar
Stockholm - Sweden
Jaaliyada
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Stockholm ee
caasimada wadanka Sweden ayaa waxaa maalintii shalay
aheyd usuuragashay iney kulan gaaban la yeeshaan
wasiirada u qaabilsan socdaalka iyo qaxootiga (Minister
of Migration) ee Barbro Holmberg. Kulankan oo ahaa mid si
weyn loowada sugayey ayaa wasiirada iyo xubnaha
jaaliyada isla hadal qaadeen arrimaha la xirriira
qaxootiga Soomaaliyeed ee wadankan oo sanadihii ugu
dambeeyey ay dhibaatooyin soo wajahday kadib markii
laanta socdaalka ay soo saartay go'aano gebi ahaanba
looga mamnuucay in soomaalida la siiyo sharci ku jooga
wadanka Sweden.
Ugu horeyn
wasiirada oo u muuqatay mid fur furan hadalka iyo
kaftankana la qeybsaneysay xubnihii jaaliyada ayaa
mudane C/qaadir Makaraane uga waramay aasaasidi Urrurka
isbaheysiga ummadda Soomaaliyeed oo iyadu ah jaaliyada
keliya ee kulmisa dhamaan jaaliyadaha soomaalida ee
dalkan dhaqan. Waxa uu sidoo kale ka hadlay sida dowlada
Sweden iyo xisbiga talada haya ee Social demokrat-ka ay
marqura u badaleen wejigii lugu yaqiinay oo ah inuu
taakuleeyaan dadka shisheeyaha. Wasiirada oo ka
hadleysay kulankaas ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsan
tahay iney kulan la yeelato jaaliyada Soomaalida oo
iyadu fikrado kala duwan ka aaminsaneyd guud ahaan
soomaalida iyo dalka Soomaliya, waxaana ay sheegtay iney
jiraan qaladaad badan oo laga tirsanayo wasaarada ay
madaxda ka tahay. "Waan saxeynaa wixii qalad ah ee
dhacay, qof kasta oo magangalyo doon ahna waxaan
codsigiisa qaxootinimo ku tixgelineynaa daruufaha jira
ee u diidaya in wadankiisa dib loogu celiyo" ayey tiri
Barbro Holmberg oo hoosta ka xariiqday in wixii ka
dambeeya 31 bisha maarso ee sanadka dambe guud ahaan isbadalo
lugu sameyn doono laanta socdaalka islamarkaasina aysan
qaxootiga dalalkooda dagaalada ka jira aan dib loogu
celineyn, taasoo macnaheeda tahay in xaalada dalka
Soomaaliya ay tahay mid la isku haleyn karin ,qaxootiga
Soomaaliyeed ee tiradooda dhantahay 3000 ay intooda
badan heli doonan sharci ku joooga dalkan Sweden.
Cali Duluxow
oo ah wakiilka matalayey sharcilaawayaasha Soomaalida
Sweden ee magaalada Stockholm iyo nawaaxigeeda ayaa
wasiirada weydiiyey sababta dowlada Sweden ay soomaalida
ugu soo rogtay. sharciga kumeel gaarka ah, Wasiirada oo
ka jawaabeysay su'aashaas ayaa sheegtay inuu ahaa go'aan
qaldan oo lugu deg degay arrimahaas iyo kuwo kaloo badan ay
kamid yihiin qaladyada dib loo saxayo.

"Markaanu aragnay soomaali
badan oo sharci lasiiyey iyo kuwii horey u heystay
dhalashada wadankaan iney Soomaaliya dib ugu laabteen
dhibaatana aysan kala kulmin dalkooda, ayaanu
go'aansanay inaan xadidno sharciyada magangalyo doonka
ah ee la siinayo soomaalida taasoo ah in meelaha ay ka
jiraan maamul goboleedyada ay ka amni wanaagsan tahay
koonfurta Soomaaliya" ayey tiri Barbro oo ka jawaabeysay
su'aal aheyd. Maxey tahay sababta kaliftay inaad
sharciga u diidaan soomaalida qaarkoodna aad celisaan?.
Jawaabta su'aashan ayey xubnihii jaaliyada u
sheegeen wasiirada in Soomaaliya weli amaankeeda
xasilooneyn nabada ay xustay ee ka jirta
maamulgoboleedyada dalka ay tahay mideey ku aaman yihiin,
balse celinta qaxootiga Soomaalida ee waqtigan ay tahay
mid u baahan inaan lugu deg degin, maadama dowladii lugu
soo dhisay dalka Kenya ay amaan darri darteed cagaha u
soo dhigi weysay dalkeedii hooyo taasoo wasiirada
lafteeda ay carabka ku dhiftay inaan soomaalida dalkooda
loo celin karrin, islamarkaasina ay ka codsatay madaxdii
isbaheysiga iney markale kulan iskugu yimaadan si arrimo
badan oo qabyo ah looga wadahadlo.
Barbro Holmberg oo ah
wasiirada u qaabilsan qaxootiga dalkan ayaa sheegtay in
isbadalada durba la sameeyey ay kamid tahay in 30% shisheeyaha
magangalyo doonka ah la siiyey sharciga daganaanshaha
wadankan soomaalidana ay qeyb ahaan u heleen 3%. Kulankii
jaaliyada Soomaalida iyo wasiirada oo arrimo badan la
isla soo hadal qaaday, ayaa guud ahaan kulankaasi noqday
mid ahmiyad gaar ah la siiyey qaxootiga ku dhibaateysan
wadankan oo qaarkood caafimaad darro iyo shaqo la'aan soo
wajahday.
"Waxaan kuu sheegaya inaad
toddobaadka dambeba aad raadsan karto shaqo qaxna u
leedahay inaad shaqeysato cid sharci la'aan kuu diidi
kartana aysan jirin" ayey tiri Barbro oo hadalkaas u
sheegeysay Cali Dilaxow oo wakiilka sharcilaawayaasha oo
mar uga waramayey wasiirada in xitaa aysan shaqeysan
karin oo ay yihiin maxbuusayaal ku jira xeryo qaxooti,
goobaha caafimaadna aysan ka heli karrin daawooyinka ay
doonayaan marba hadaaney sharci laheyn.
Ugu dambteyntii kulankii
wasiirada iyo madaxda urrurka isbaheysiga ummada
Soomaaliyeed ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo
wasiiradu ay u balan qaaday in dadka Soomaaliyeed xaqa
kaman ay heli doonaan laakin ay u baahan yihiin dulqaad
iyo samir. Kulankan ayaa waxaa dhanka soomaalida goob
joog ka ahaa C/qaadir Makaraan ah gudoomiyaha
Isbaheygsiga, C/qaadir Loonge, Cali Dilaxow, Khadiijo
Maxamuud iyo anigoo Ikraam Cali-kaar ah, kana mid ahaa
bahda saxaafada Soomaaliyeed ee u suuragashay iney
wasiiradaasi kula kulanto xafiiskeeda.
Dhinaca kale markii
kulankii wasiirada dhamaaday, ayaa xubnihii jaaliyada
isku shubeen xarunta Aqalka Dadka (folked hus-ka) oo ku
yiilay xaafada Rinkeby oo ay si aad ah u degen yihiin
Soomaalida ku dhaqan caasimada Stockholm, halkaasoo ay
diyaar ku ahaayeen dadweyne soomaaliyeed oo rag iyo
dumar iskugu jiray intooda badanina ay ahaayeen
sharcilaawayaasha Sweden.
Gudoomiyaha iyo xubnihii
la socday ayaa uga waramay wixii ay kala soo kulmeen
wasiirada qaxootiga, waxaana ay sheegeen dhamaan
waxyaabihii kulankaas looga hadlay taasoo ay dadweynaha
u riyaaqeen sharciga cusub ee ay wasiiraddu sheegtay
inuu dhaqan galayo dabayaaqada bisha maarso ee fooda
inugu soo heyso. Isku soowada duuboo guud ahaan kulankii
shalay ee lala yeeshay wasiirada ayaa ahaa mid mira
dhalay waxaana looga fadhiyaa wasiirada balanqaadkeeda
ah iney wax ka badaleyso hanaanka ay wasaaradeeda ku
shaqeyso xaqa kamaqan soomaalida Swedena ay soo celin
doonto
Ikraam Cali-kaar
Stockholm- Sweden
ikraam@journalist.com
Kulankii wasiiradda barbro holmberg iyo
isbahaysiga dhexmaray
Asalaama calaykum wr wb
Walaalayaal waxaanu halkan idiinku soo
gudbinaynaa warbixin ku saabsan Kulan dhexmaray
wasiiradda arrimaha socdaalka ee dalka Sweden Barbro
Holmberg iyo ururka Isbahaysiga ummadda
Soomaaliyeed ee Iswiidhan (SRFS). Kulankaasi wuxuu
dhacay maalintii 21 september 2005 markii
saacaddu ahayd 11:00 ilaa 12:00. Goobta kulanku ka
dhacay waxay ahayd wasaaradda arrimaha debedda ee Sweden
oo ah fadhiisinka wasiiradda qaxootiga.
Sababta iyo ujeedada
kulankan waxay ahayeen iyadoo ay jiraan dad fara badan
oo Soomaaliyeed oo ku dhibaataysan dalka Iswiidhan ka
dib markii loo diiday deganaanshaha dalka amaba jawaab
laga siin waayey dalabkoodii noocaas ahaa. Ururka
Isbahaysiga ummadda soomaaliyeed wuxuu arinkaas ka
sameeyey dhaqdhaqaaqyo aad u fara badan oo hiil u ah
dadka Soomaaliyeed waxaana ka mid ahaa bannaanbaxyo tiro
badan oo is daba socday ilaa 2004 bilawgoodii ilaa 2005
oo weli lagu jiro. Bannaanbaxyadaas waxaa garab socday
dacwado qoraal iyo afba leh oo Isbahaysiga iyo
ururada xubnaha ka ahiba kala joojin waayeen.
Dacwadahaas waxaa ka mid ahaa qoraallo si gaar ah ugu
socday wasiiradda qaxootiga Barbaro Holmberg oo
Isbahaysigu gacanta u geliyey marar badan.
Haddaba Bishii Augosto 2005 ayey
wasaaradda arrimaha debeddu la soo xidhiidhay ururka
Isbahaysiga iyagoo ogaysiinaya in wasiiradda Barbaro
Holmberg ay rabto in ay la kulanto ururka Isbahaysiga si
looga wada hadlo arrimaha qaxootidoonka Soomaaliyeed.
Waxaa lagu heshiiyey in kulankaasi dhaco 21 sept 2005.
Ururka Isbahaysiga ummadda Soomaaliyeed
wuxuu u wakiishay kulankaas wasiiradda 5 xubnood oo kala
ahaa:
1.
Abdul Nuur Makaraan
(guddoomiyaha Isbahaysiga)
2.
Khadiija Maxamuud Cali
(xoghaynta dhaqanka ee Isbahaysiga)
3.
Cabdulqaadir Salaad cali
Loonge (warfaafinta iyo arrimaha qaxootiga)
4.
Ikraan Hassan oo ah
joornaaliste caan ah oo metelaysay jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee Magaala madaxda labaad ee Iswiidhan,
Gothenborg
5.
Cali Dilaxow oo ka mid
ahaa qaxooti doonka Soomaaliyeed, wakiilna u ahaa.
Kulankii wasiiradda waxay
kala soo noqdeen waftigaasi warar aad farxad u leh oo
xambaarsan bushaaro balse taxadar wata. Wasiiraddu waxa
ay ku qaabishay weftigaas kal iyo laab furan oo rajo
gelisay dhammaan xubnahaas. Markii ay la waydiisay
sababta ay dadka Soomaaliyeed ugu adkaysay sharcsiinta,
waxay ku dooday in ay jiraan dad Soomaaliyeed oo Iswedn
degen oo u safra Soomaaliya iyo gobollo Nabadgelyo ah
sida Somaliland iyo Puntland. Laakiin waxaa loogu
jawaabay in aanay arrimahaas Soomaaliya ka dhigahayn
meel lagu noolaan karo. Markhaatina waxaa u ah in
gobollada nabadda lagu sheegayo dadku ka qaxayaan oo ay
ku dhammaanayaan badda Yaman iyo Soomaaliya u dhaxaysa.
Waxaanay u xaqiijisay in
aanay Soomaaliya ahayn meel hadda qofna lagu celin karo.
Sidoo kale waxay u sheegtay in laga bilaabo bisha Maarso
31 2006 diidmada qaxootiga looga dacwoon doono maxkamad.
Marka nadaamkaas la hirgeliyo, waxaa dadkii diidmada
haystay ee aan loo celin karin wadamadoodii, dib loogu
celin doonaa laanta socdaalka Iswiidhan,
Migrationsverket, si ay dib ugu eegaan go,aankoodii
hore. Jawaabta noocaas ahi waxay xoojinaysaa hadalkii
ra,iisal wasaaraha Sweden hore u sheegay ee ahaa in
sharciga la siin doono dadka aan dalalkoodii lagu celin
karin sida Soomaalida, Ciraaqiyiinta iyo Falastiinta.
Waxaase mudan in aan loo qaadan hadalkaas ballanqaad ku
hirgelaya habeen iyo maalin gudahood.
Sababtoo ah wuxuu sharcigani
dhaqangelayaa 31 maarso 2006.
Wasiiradu waxay muujisay
in ay kulamo intan ka badan la yeelato bulshada
Soomaaliyeed iyo ururka Isbahaysiga. Waxaana muuqatay in
waa cusubi u beryey dadka qaxooti doonka ah ee
Soomaaliyeed.
Isla markii uu dhammaaday kulankii
wasiiradu, wuxuu ururka Isbahaysigu qabtay shir
ballaadhan oo warbixin ah, oo uu hore ugu yeedhay dadka
qaxooti doonka ah. Wuxuu ka dhacay xafaadda Rinkeby ee
magaalada Stockholm, waxaana ka soo qaygalay dad boqol
gaadhayey oo u hamuun qabay warka laga sido wasiiradda.
Dadkii kulankaas ka soo qaybgalay waxay aad isugu
guubaabiyeen in ummadda Soomaaliyeed ay xoojiso
midnimada iyo is kaalmaynta iskana ilaaliyaan kuwa ka
shaqaynaya kala fogaanshaha iyo is khilaafka.
URURKA ISBAHAYSIGA UMMADDA SOOMAALIYEED
EE ISWIIDHAN
Abdibashir
+46(0)8-166961 (xafiiska)
+”-(0)737596464 (gacanta)
srfs@telia.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2005
Qaar
Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda
Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska
shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa...
Guji... Sept 19
Booqashadii
Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota..
Guji
Sept 19
Waraysi: Xildhibaano
Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha
DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha
iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»»
WARAYSI:: C/LAAHI
AXMED CADDOW (Nairobi,
Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |