SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO

Barnaamijkii Radio Xoriyo

23 September. 2005 

  • Eritrea oo ka digtey dagaal ka qarxa xuduuda ay la wadaagto Itoobiya. 

  • Lix Milyan Itoobiyaan ah oo u halis ah cudurka duumada.
    Maraykanka oo sheegay in uu taageersanyahay dawlad ka dhalata Soomaaliya.
     

  • Iyo Barnaamijkii aanu kaga hadlaynay dabaqoodhiga,waxbaqoodhiga iyo hagardaamada ay ku hayaan shacabka Ogadenya(qaybtii ugu dambaysay).

======================


 Eritrea oo ka digtey dagaal ka qarxa xuduuda ay la wadaagto Itoobiya.

 Wasiirka Maaliyada ee Eritrea Berhane Abrehe ayaa hadal uu ka jeediyey xarunta Qaramada Midoobey ka digey in dagaal mar kale ka qarxo soohdinta uu dalkiisu la wadaaago wadanka Itoobiya, hadii Qaramada Midoobey xalin weydo xurgufta soohdinta ee u dhaxeysa labada dal.  

Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku sheegay in Eritrea ka go’antahay sidii ay u difaaci lahayd una  badbaadin lahay dalkeeda si kasta oo suurtowda.

Isagoo ku nuuxnuuxasdey in ay Jamciyadda Quxumaha ka dhaxeysa iyo dawladda Itoobiya ay masuul ka yihiin wixii ka soo baxa dagaal mar kale ka bilbaama xududa labada dal, hadii aan xal loo helin  haysashada dhulka oo uu ka wado Magaalada Baadame, taas oo bishii Dismber 2000 uu gudi  madaxbanaan oo loo xilsaarey xalinta xuduuda labada dal siiyey Magaalada Badame Wadanka Eritrea. Go’aamada gudigaas oo ay labada wadanba saxeexeen in ay u hogaansami doonaan, ayaa Itoobiya ilaa hada ka  biyo diidantahay in ay u hogaansanto, iyada oo weli gacanta ku haysa Magaalada Badame, halkaas oo ay labada dal ku kala hor fahdiyaan ciidamo ka socda Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa.


Lix Milyan Itoobiyaan ah oo u halis ah cudurka duumada.

Hay’ada caruurta ee UNICEF ayaa ka digtey in qiyaastii 6 milyan oo caruurta Itoobiya ah ay halis u yahiin cudurka Duumada. 

Warbixin ay hay’adu ka soo saartey wadanka Itoobiya ayaa waxay ku sheegtay in loo baahan yahay ugu yaraan $22 milyan oo doolarka Maraykna ah si looga badbaadiyo dhismasho tobanaan kun. 

Hay’adda UNICEF, waxay sheegtay in ay hada si deg-degsiyo ah ugu baahan tahay $21.9 milyan si ay ula dgaalaanto cudurka duumada oo fara ba’an ku haya Itoobiya iyo sidii wadanka loo gaarsiin lahaa talaalka cudurka dabeysha, loona gaari lahaa 963,855 qof oo u baahan biyo. Waxaa kale oo ay intaas ku dartey in olola talaalka dabeysha ee la qorsheeyey bilaha October iyo November uu si aad u hooseysa loo maalgeliyey. 

Sida ay qortey hay’ada wararka ee Qaramada Midoobey, waxay ay UNICEF wal wal ka muujisay in roobab aad u da’a iyo saf marka duumadu aad u bato bilaha Octoober ilaa Disember. 

Maraykanka oo sheegay in uu taageersanyahay dawlad ka dhalata Soomaaliya. 

Kaaliyaha xogahayaha arimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arimaha Afrika ayaa midba si gooni ah u qaabilay Madaxweynaha dowladda DKMG Cabdulaahi Yuusuf iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan intii ay booqashada ku joogeen Magaalada New York. 

Habadaba, qoraal loogu talo galay warbaahinta oo ay soo saartey waaxda amuuraha dibadda ee Mareykanka bishan Sept 20, 2005 ayaa waxaa lagu cadeeyay in Mareykanku uu wado in xiriiro aan caadi aheyn uu la yeesho qeybaha DKMG.  

Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka Donald Yamamotto ayaa kulamada uu la kala yeeshay Shariif Xasan iyo Cabdulahi Yusuf  ku xusay in Mareykanku taageersan yahay in Soomaaliya yeelato dawlad Shaqeysa iyo in loo baahan yahay in meel dhexaad ay isugu yimaadaan qeybaha kala gedisan ee DKMG oo ay xaliyaan xurgufta ka dhaxeysa.

Donald Yamamotto wuxuu u cadeeyay madaxda labada mas’uul taageerada Mareykanka uu u hayo dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa, waxa uuna ku booriyay in ay qaadaan  talaabooyin deg deg ah si loo yareeyo xiisadaha , loona galo wada xaajoodyo miro dhala. 

Dhinaca kale, madaxa ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika Gen. Timothy  Ghormely ayaa ka digey in kooxaha argagaxisada ku soo fidayaan Geeska Afrika, kuwaas oo ka soo kicitimaya wadamada Ciraaq iyo Afkaanistaan. 

Waxa kale oo uu Jeneraalku sheegay in Maraykanka ay walaac ku tahay amaan darada iyo dowladaha aan itaalka laheyn ee ku yaala Geeska Afrikaka in ay sabab u noqoto in kooxaha Argagixisada caalamiga ay ka soo doontaan saldhig howlgalo ay ka fuliyaan Gobolka Geeska Afrika.. 

Jeneraal Timothy wuxuu  uu intaasi ku darey in hadda kahor la arkey kooxo argagaxisa ah oo Gobolka imanaya iyagoo soo maraya wadamada Ciraaq iyo Afgaanistaan, balse ay hadda deegaano ka sameysanayaan wadamada ay dagaaladu ka jiraan. 

Ciidamada la dagaalanka Argagixisada Mareykanka ee jooga dalka Jabuuti ayaa waxa ay gacan ka geystaan tababarida ciidamo shisheeye iyo in la dhiso awooda la dagaalanka Argagixisada dowladaha ku yaala Gobolka..  

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Itoobiya ayaa iyadu aad u buunbuunisasaaraha in kooxo aragagixso ah ku sugan yihiin Soomaaliya., gaar ahaan koonfurta Soomaaliya oo ay ugu horeyso Magaalada Muqdisho .

HALKAN KA DHEGEYSO QAYBAHA KALE EE BARNAAMIJKA

 Radio Xoriyo

23 September. 2005

Axmed Xidig

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2005


Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa... Guji... Sept 19

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota.. Guji Sept 19


Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»» WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD