Machadka
Nabadda Soomaaliyeed oo xusey
Maalinta Nabdda Adduunka
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo
maanta lagu qabtay Hotel-ka weyn ee Saxafi International ee
magaallada Muqdisho oo lagu maamuusayay maalinta nabadda
adduunka ee 21-ka September 2005 ayaa waxaa lagu casuumay oo
ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshada, dadka u
ololeeya nabadda, Arday oo markii ugu horreysay halkaasi ka
muujiyey shucuurtooda baahida ay u qabaan nabadda,
sidookalena waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiinta labada
Gole ee Dowladda Federal-ka KMG ah.

Aayadihii Qur’aanka Kariimka ah
kaddib waxaa halkaasi warbixin kooban ka soo jeediyey
Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda Soomaaliyeed (Somali Peace
Institute) C/llaahi Max’ed Xasan (Black), isagoo xusay in
maanta 21-ka September ay tahay maalin ay dunida oo idin
isugu raacday in loo aqoonsado maalinta nabadda, hadafka
laga leeyahay ee sida gaarka ah loogu asteeyey maalinkanna
in ay tahay in la iska wareysto maalinkaasi nabadda iyo waxa
caqabadda ah ee hor taagan, isla markaana la raadiyo xalkii
lagu daweyn lahaa.


“Bulshada Soomaaliyeed waxa ay ka mid tahay bulshooyinka
adduunka ka jira kuwooda ugu baahida badan dhinaca nabadda,
sidaa darteed annagoo ka faa’iideysanayna munaasabaddan
maalinta Nabadda Adduunka waxaan ka codsanaynaa
mas’uuliyiinta labada Gole ee iyagu illaa iyo hadda xallin
la’ khilaafka fikirka ah ee u dhexeeya in ay joojiyaan
saan-saanta colaadeed ee soo muuqanaysa, una istaagaan sidii
dalkan iyo dadkan loogu raadin lahaa nabad waarta” ayuu yiri
C/llaahi Black oo intaa ku daray “Waa ayaan darro in shir
loo fadhiyey laba sano iyo bar iyo dowlad dhisneyd hal sano
kaddib in maanta ay soo muuqanayso in la isku middiyo
soofeysanayo, la iskuna hub urursanayo oo ma adigaa iga
wanaagsan ay ku soo ururtay mas’uuliyaddii mas’uuliyiinta
labada Gole”. C/llaahi Black oo hadalkiisa sii wata waxa uu
yiri “Mas’uuliyiinta labada Gole mar kasta oo ay ka
hadlayaan khilaafka u dhexeeya waxay sheegaan in loo baahan
yahay in la wada hadlo, isla markaana ay Soomaalidu keligeed
ay arrintooda xallistaan haddana taasi ma aha mid muuqata,
waayo hadal-ku wuxuu u baahan yahay in laga dhabeeyo, mana
muuqato in mas’uuliyiinta labada Gole ay doonayaan in iskood
inta u wada hadlaan Bulshada nabad u hor seedaan”.

Guddoomiyaha hay’adda Nabadda Soomaaliyeed wuxuu
ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta dowladda
KMG ah meel kasta oo ay ku sugan yihiin in ay u tanaasulaan
shacabkooda Soomaaliyeed, una istaagaan sidii ay uga dhabeyn
lahaayeen yididiillada shacabka ee ah nabadda, una gudan
lahaayeen mas’uuliyadda ay xambaarsan yihiin oo ay shacabka
dartood u soo dhaarteen.
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Dr. Ismaaciil Jimcaale Marwo
Maryan Xuseen Awreeye oo runtii cod aad u dheer kaga
codsadatay mas’uuliyiinta dowladda Federal-ka KMG ah in
shacabku uusan u sii adkeysan karin dhibaatada uu hadda ku
jiro, loona baahan yahay in la helo wax beddela nolosha
imminka lagu sugan yahay ee nabad darrida ah iyo weliba waxa
ay wax laga xumaado ku tilmaantay in maanta mas’uuliyiintii
xilka dowladnimo loo soo dhiibay ay laba qaybood u qaybsan
yihiin hal sano kaddib, haddana ayba soo muuqato in ay
arrintu gaartay xaniinyo taabad, lagana cabsi qabo in hubka
la isku qaato, waxayna u soo jeedisay in si deg-deg ah ay
isugu tanaasulaan.
Eng. Sudan Cali Axmed oo ah
Guddoomiyaha hay’adda Elman ee xuquuqda Aadanaha oo isna
goobta ka hadlay ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed intan
kaddib uma dulqaadan karaan in ay ku sii noolaadaan nolol
mugdi ah oo meel ay ku dhammaaneyso aan la aqoon,
mas’uuliyiintii hoggaanka dalka loo soo doortayna ay illaa
iyo hadda haleeli la’yihiin inta talada dalka oo aan lagu
heysan inta ku heshiiyaan shacabka ka saaraan dhibaatada ay
ku jiraan, wuxuuna Injineerku codkiisa ku biiriyey bayaanka
nabadda oo uu soo saaray Machadka Nabadda Soomaaliyeed,
wuxuuna dhiniciisa ka codsaday mas’uuliyiinta dowladda KMG
ah in ay ku dadaalaan sidii ay niyad xumida uga saari
lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, una soo bandhigi lahaayeen
dowlad dhab ah oo u shaqeysa shacabka, si ay nabad iyo
nololba u helaan.

Mas’uuliyiintii ka soo qayb gashay xafladdan oo aad u badnaa
waxaa si gaar ah goobta u qurxinayay qaar ka mid ah ardayda
Gobolka Banaadir oo markii ugu horreysay lagu casuumay
kulammada noocan ah iyagoo halkaasi ka muujinayay
shucuurtooda ku aaddan sida ay nabad u doonayaan.
Gabar yar oo 8-jir ah oo ku
hadleysay magaca ardayda ayaa akhrisay baaq yar oo ay
ardaydu kaga qayb qaadanayeen munaasabadda maalinta Nabadda
Adduunka, wuxuuna baaqaasi u qornaa sidatan:“Annagu waxaan
nahay arday, nolosheenna iyo waxbarashadeennuba waxay ku
xiran tahay nabadda, waxaan dooneynaa nabad, waxaan
dooneynaa dowlad shaqeysa oo soo celisa nabaddii,
xasiloonidii, sharcigii iyo kala dambeyntii, waxaan soo
dhoweyneynaa tallaabo kasta oo loo qaado sidii loo dhameyn
lahaa khilaafka fikir ee u dhexeeya mas’uuliyiinta
dowladda.”Gabadhaasi yar oo ka mid ahayd Ardayda wax ka
barata Dugsiga Hoyga Xamar ee magaalada Muqdisho ayaa runtii
ereyadeeda aad u kiciyay dareenka ka soo qayb galeyaashii
xafladdaasi.
Intii ay xafladdu socotay waxay ka qayb
galayaashu saxiixayeen bayaanka nabadda oo uu soo saaray
machadka Nabadda Soomaaliyeed, kaas oo ugu baaqayay
mas’uuliyiinta labada Gole, maamullada dalka ka jira iyo cid
kasta oo hubeysan in ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara
gacan ka hadal wax u dhimaya nabadda Soomaalida, wuxuuna
bayaanku si gaar ah uga codsanayay mas’uuliyiinta labada
gole in ay joojiyaan oo ay ka hor tagaan saan-saanta
colaadeed ee soo muuqanaysa.


Bayaankan oo loo diyaariyey in ay
saxiixaan illaa 10,000-qof ayaa Machadka nabadda
Soomaaliyeed wuxuu kala geeyay Hotel-da Magaallada Muqdisho,
qaar ka mid ah Dugsiyada, Jaamacadaha iyo goobaha dadku
isugu yimaadaan, iyadoo tan iyo caawa saqda dhexena la
saxiixi doono.
Sidoo kale isagoo ka faa’iideysanaya
munaasabaddan waxaa hambalyo iyo baaq nabadeedba ummadda
Soomaaliyeed u soo diray aas-aasaha machadka Nabadda
Soomaaliyeed C/risaaq Sh. Aadan oo ku nool dalka Sweden,
isagoo codkiisa ku biiriyey bayaanka nabadda, kana codsaday
mas’uuliyiinta dowladda in ay ku dadaalaan nabadda, kana hor
tagaan wax kasta oo wax u dhimaya. Machadka Nabadda
Soomaaliyeed Somali Peace Institute (SPI) waxaa la aas-aasay
24-kii Bishii July 2004, wuxuuna hadafkiisu yahay
abuuritaaka jawi nabadeed oo ay Bulshadu ku noolaato,
horumarinta nabadda, ka shaqeynta iyo xallinta khilaafaadka
jira, waxaana qorshaha dhow iyo kan fog ee machadka ka mid
ah in uu billaabo manhaj waxbarasho oo dhinaca nabadda ah oo
ay qaadanayaan dhallinyarada iyo dadka waaweyn, iyadoo
waxbarashadaasi kuwa ugu yar ay socon doonaan 6-bilood illaa
2-sano.
Machadku illaa iyo hadda waxa uu qabtay dhowr siminaar,
isagoo labadii bilba mar soo saara wargeys lagu magacaabo
Peace Journal oo lagu soo bandhigo dhaq-dhaqaaqyadii ugu
dambeeyey ee Arrimaha nabadda iyo horumarka ay Bulshadu ka
sameyso howlahaas.




Gabagabadii xafladan waxaa
halkaas ka hadlay Xildhibaanno uu ka mid ahaa Xildhibaan
Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo sheegay in ay sax
tahay in xubnaha labada gole ee dowladdu ay kala qaybsan
yihiin, balse aysan xaq ahayn in qaladka jira lagu wada
eedeeyo xubnaha dowladda “annagu sharcigii lagu soo
heshiiyay ayaan ilaalintiisa ku taaganahay, saxna ma aha in
rag dastuurkii ku tuntay oo hub dalbanaaya isku meel nala
dhigo” ayuu yiri Jiini Boqor oo sheegay in uu nabadda
dhiniciisa wax ka qaatay uuna ilaalinayo.
Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Xildhibaan sheekh Jaamac
Xaaji Xuseen oo sheegay marka la helo caddaalad dhab ah la
heli karo nabad.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2005
Qaar
Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda
Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska
shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa...
Guji... Sept 19
Booqashadii
Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota..
Guji
Sept 19
Waraysi: Xildhibaano
Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha
DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha
iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»»
WARAYSI:: C/LAAHI
AXMED CADDOW (Nairobi,
Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |