SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab ku saabsan SHIRKA BALCAD MAXAA LOOGA GOL-LEEYAHAY 

"Ma Samato Bixiye yaal baa mise waa Samo Bixiye yaal"

Isma lahayn waa jiraa qof soomaali ah inkastaba da’diisu ha le’ekaatii oo aaminsan in qabqablayaasha gaar ahaan kuwa muqdisho ay Soomaliya Samatabixin karaan, iska daa in hadalkaasi ka soo yeero nin Fahad Yaassiin oo kale oo aan is lahaa wuxuu hayaa warar iyo dhacdooyin ku filan oo uu ku qiimayn karo xaalada wadankan “nasiibka darani” marayo.

Hadaba markaan u soo noqdo magacan “Samato bixin” ee aad tiri way isu bixiyeen hadii magac wax lagu naqonayaa ama magac wanaagsan oo aad isu bixisay xaaladaadaha wax ka bedelayo waxayu ognahay in Abu Jahal ba la oran jirey Abul Xakam isaga iyo xigmadina intay isu jireen waad garanaysaa!

Teeda kale waan ogahay in cabdiqaasin la orankaro Xabshido baryadiisii iyo tanaasulaadkiisii faraha badnaa ee uu Adis Ababa isaga daba noqonayey ayay ka hoos qaadi waayeen markaa waxaa jirta sabab uu kula colooba, hase yeeshee ma garanayo anigu shakhsiyan meesha ay ku coloobeen Qanyare, Yalaxow, Caato iyo Amxaaro. Waxaayu orankarnaa arinku “Ka kacin ma ahee waa ka kacsasho”. Markaa fahadoow nimankani waxa keliya oo ay hashiisku noqon karaan waa qaran dumisnimo waxaana isu keenay masayr iyo ku dayasho ay ku hinaaseen Jowhar. “Samato bixinna ma ahee waa Samo Bixiyeyaal”

Waxaana aynu ognahay in Ethiopia iyo dowlad kale toona aanay soomaaliya waxba yeeli karteen hadayan iyagu jirin, ninmakanina waa cadowga runta ah ee soomaaliya leedahay. Ilaa iyaga lawaayana dowlad Soomaliyeed lama helayo.

….Walaahu aclam

Abdul Rahman Hariri

Saudi Arabia  

xariri@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Qoraaladii hore ee xariiri... guji

MAXAY INA YEESHAY CARTA?

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2005


Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa... Guji... Sept 19

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota.. Guji Sept 19


Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»» WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD