SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SALADHIGGA GUULDARADA SOOMAALIYA!!   

mursal

W/D:Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)

Email: stethy1@yahoo.com  

Dacwada oo soo gaartay Qarnigii 7aad T.M darteed, su’aali kama joogto in Ummadda Soomaaliyeed ay wadaagaan dhaqan mid ah oo saldhigiisu yahay ku dhaqanka Diinta Islaamka. Soomaaliya oo EEBE gees uga beeray Shucuubta African-ka ah ee ay la degaan, waxay intooda badan kaga bedelan yihiin in ay ku hadlaan Luuqad mid ah. Way jiri kartaa kala Lahjado duwanaansho, haseyeeshee Qofka Soomaaliga ah isfahmi-waa xagga Luuqada ah lama kulmayo, isagoo ku sugan gudaha dhulweynihii Soomaaliya ee Gummaysigu u qaybiyey 5-ta qayb, dabayaaqada Qarnigii 19aad.   

    Aad ayeey u yaryihiin Ummadaha Caalamka ku dhaqan ee wadaaga Diin, Dhaqan, Af iyo midab qura. Taas ayaana loo aanaynayaa Xasaradaha, Colaadaha, is-qoynsiga iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhex dhaca Dadyoowga Awd-wadaagta ah een intaasi ka dhaxayn. Nasiibkeeda ayeey ku noqotaye Soomaalidu intaas oo idil way wadaagaan waana hal Qowmiyad. 

    Hadaba maxay Soomaalidu isku haysataa?......Maxaase dabray in ay horumar ku talaabsadaan oo dib u socodka xal loo helo?.....Qayb miyeyse u heleen in ay baryo-gacmo hoorsadaan iyagoo ku nool Dal hodan ah?. Waa maxay sababaha hor taagan in ay ku dhaqaaqaan  iskaashi dhab ah....miyaanayse wax is doorin Soomaalidu oo fahamkoodu isku darajo ayuu ka kacaa? Waydiimahaas iyo kuwo kaleba waa kuwa ay iswaydiinayaan Caalamka iyo qaybo Soomaalida ka tirsan. 

    Soomaalidu ma’aanay gaarin bisayl ay ku garato waxa ka dhexeeya, mana ku baraarugsana in Danta guud ay ka mudan tahay in laga hormariyo tan Shaqsiga, Qoyska, Jufada iyo Qabiilka. Sikooban oo Aniga iyo Adiguba aan garan karno haddii loo sheego Soomaali badan Dhulkoodii/Dalkoodii waxay u yaqaanaan halka uu Qabiilkoodu deganyahay, hantidoodana waxay u garanayaan tan ay goonida u leeyihiin. 

        Bishii July 1991-kii, markii talada laga tuuray Max’ed Siyaad Barre, waxaa mar kaliya lagu yaacay Xafiisyadii, dhismayaashii iyo wax walba oo loo nisbeeynayey Dowladda, si aan aabo-yeel lahayn ayaa loo bililaqaystay, waxkasta oo la qaadi kari waayana dab ayaa la qabad siinayey. Marna Dadkaasi isma waydiin in Hantida ay bur-burinayeen aanay cidina ka xigin, oo lagu dhisay Canshuurtii laga qaaday iyo howlihii “Iskaa wax u qabso” Haddii lagu la doodo Daartan maxaad u duminaysaan?...Gawaaridaanse halkeed ula baxsanaysaan? I.W.M. Jawaab aan meel dheer loo doonin waxa laguugu soo gaabinayaa “Dowladda ayaa iska leh” 

     Waxaa muuqata in macnaha “Dowlad” aan si fiican loo fahmin:- Dhulkasta oo madaxbanaan Xuduudi-hiisana la aqoon sanyahay, lehna Calan lagu garto iyo wax alaala wixii ku dul nool ayaa lagu tilmaami karaa “Dowlad” Golaha Xukuumaddu waa Shaqsiyaad howlwadeeno ah, markii ay waajibaad kooda kasoo bixi waayaana laga fariisin karo shaqadda. Shaqsiyaadkaasi kama xigaan qaybaha kale ee Dadka ka manaaficaysiga Badda, Beeraha, Xoolaha iyo kheyraadka kale ee Dalka. 

    Waqtigan la joogo gudaha Soomaaliya layaab ma’ahan in aad aragto Daar aad u qurux badan, kana kooban biyaanooyin la’iskor saarary, dhismaheedana ay ku baxday dhowr boqol oo Kun oo Dollar, laamiga mara hortiisase uu aad u bur-bursan yahay, Qashin halis ku ah sixada iyo bilicda Daartana uu dhinaceeda tuuran yahay. “ Daartayda anigu waan quruxsaday, dhal-dhaleelkeedana qarash fara badan ayaan u huray, jidkase anigu gooni uma lihi, qashinkaasna waxba igama gelin, waa howl Dowlad u taala, haddiise aan dhiso wadadaan yaa wax igu siinaya?.” Jawaabahaasi waa kuwa uu bixin lahaa  Shaqsiga iska leh Daarta, haddii la waydiiyo Sababta uu u bili waayey bilicda Daarta horteeda. 

    Deegaan oo dhan waa dhisme iyo dhisme kale oo ka soo horjeeda. 2-ba dhisme-kasta oo iska soo horjeeda haddii ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay iskaga kashan lahaayeen nadaafadooda, ammaankooda, horumarkooda iyo aayaha Dalkooda iyagoo u eegin xigaal iyo aqoon gaar ah. Bulsho nuucee ah ayaa kuu sawir mi lahayd??  Guud ahaan Soomaalida waxaa ka maqan damiirkii danta guud iyo waxa ay isku yihiin ay ku garan lahaayeen. Inta taasi maqan tahay, ILLAAHAY-na looga laabanayoAdduunyadu sidan ayeey noola yaabanaan doontaa , Asaageena waan ka danbayn doonaa. 

W/D: Mursal Max’ed Max’ud (Garaad) E-mail: stethy1@yahoo.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2005


Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa... Guji... Sept 19

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota.. Guji Sept 19


Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»» WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD