SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Senator Coleman oo u Gurmaday Gabar Somali American ah (5-jir) oo ku Xiran Nairobi muddo 5 maalmood ah...

  • War deg deg ah | SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Sept 20,2005

Gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay dalka Maraykanka oo jirta shan sano ayaa ku xiran gegida dayuuradaha ee Nairobi, Kenya.  Gabadhaas oo ay waaxda socdaalka Kenya ku haystaan inaysan ahayn qofka leh baasaboorka ay sidato, una diidan inay soo dhoofto ayada iyo qofkii wadayba waxaa lagu hayaa xabsi adag. 
 
Gabadhaas 5 jirka ah ayaa la soo weriyey in aan xabsiga si fiican loogu xanaaneyn oo xataa fasax musqusha lagu dhibo ayadoo aan la siin cunto wanaagsan.

Senator Coleman ayaa waxaa la soo xiriiray gabadha yar ehelkeed oo ka codsaday inuu caawiyo. Senator Coleman ayaa isla markiiba safaradda Maraykanka ee Kenya la xiriirey oo ka codsaday in gabadha yar loo gurmado. Safaaradda ayaa hawshaas ku maqan oo laga warsugayaa isla markaasna xafiiska senatoorka waxaa uu ku hawlan yahay in uu ururiyo cadaymaha gabadha hadday ahaan lahayd isbitaalkii ay ku dhalatay, dugsiga ay dhigato, sawiradeedii hore iwm.  Gabadhan yar waxay ku dhalatay Maraykanka.

Norm Coleman - United States Senator - Minnesota
Senator Norm Coleman

Senator Coleman ayaa maalmahanba ku mashquulsanaa hawlaha Soomaalida asagoo hore ula kulmay madaxa xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Mudane Daahir Jibriil sidoo kale bishan 12keeda la kulmay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xassan  iyo wafti uu hogaaminayey, sabtidiina telefoon ku wacay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Yusuf  intii uusan ka amba bixin magaalada New York.  Safarada Madaweynaha iyo Raiisal Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guul u soo hoyiyey shacabka Soomaaliyeed markii ay u ololeeyeen dawladda Soomaaliyeed magacii Soomaaliyana kusoo celiyey masraca adduunka - in kasta oo hoggaanka Soomaaliya uu weli khilaaf u dhexeeyo shacabkuse ka rajaynayo in ay ka heshiiyaan. 
 
Senator Coleman waxaa uu aad u garaacaa albaabada Washigton DC si loo saacido dadka soomaaliyeed oo ay musiibada ku habsatay mudada dheer asagoo noqday Saaxiibkii ugu horeeyey ee ay Soomaalida ku yeelato aqalka senate-ka madaxweynahana aad ugu dhow.  Dadka Soomaaliyeed ayaa ahaan jirey kuwo aan saaxiibo ku lahayn Washington DC halka Ethiopia ku lahayd saaxiibo badan oo uu ugu horeeyo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter oo had iyo jeer garab taagan Ethiopia.  Waxaa kale oo Minnesota ku nool senatoorkii hore Rudy Boschwitz oo Ethiopia kala badbaadiyey oo u kala dabqaaday Jabhaddii Zenawi iyo Mangistu kaasoo weliba ka shaqeeyey in Addis Ababa badbaado oo aan la bililiqaysan sidii Muqdisho weliba ka shaqeeyey in Haraare hoy amaan ah siiso Mengitu.
 
Faaiidooyinka ay qaxootigii Soomaaliya ee ku kala yaacay dunida dacaldeeda keeneen ayaa waxaa ka mid ah in maanta soomaalida saaxiibo ku leedahay Yurub, Australia, Canada iyo USA iyo meelo kale oo badan.  Soomaaliya mardanbe mustaqbalka uma eka inay go'doonto ama noqoto mid aan saaxiibo ku lahayn adduunka oo usoo gurmada haddii ay u baahato Insha Allah. Keliya waxaa madaxda Soomaalida la gudboon in ay khilaafka dhexdooda xalliyaan.

Lasoco wixii war ah ee kusoo kordha xaalada gabadha yar ee ku xiran Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | isha: Wargal | Taariikh: Sept 20, 2005


Qaar Kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Puntland oo Jaaliyadda Soomaalida Australia Ka Codsaday in
Arrinta Heshiiska shirkada Shiidaalka & Puntland iyaga Loo Daayo ilaa... Guji... Sept 19

Booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, ee New York
Soomaali aad u farabadan ayaa ka safray Minnesota.. Guji Sept 19


Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota, waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
»» WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)
Sannad baa dhammaaday, waxna lama qaban....
akhri...

Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD