Booqashadii
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane
Cabdullahi Yusuf ee New York iyo
Sawiraddii laga soo qaadey
Madaxweynaha DFKMG ayaa
magaalada New York waxa uu maalinimadii Jimcada kula kulmay
Soomaali reer Minnesota ah oo tiradoodu tahay 300 ilaa 400
kuwaas oo ka safray Minnesota. C/Laahi Yuusuf intii uu
joogey Maraykanka waxa ay telefoon kuwada hadleen isaga iyo
Sen. Norm Coleman oo ah
Senetoor laga soo doorto Minesota. Gobolka Minnesota waxaa
ku nool 25,000 oo Soomaali ah, waana jaaliyadda Soomaaliyeed
ugu ballaaran ee ku dhaqan Maraykanka...
Maalintii
Arbacada saacadu marka ay ahayd xaga dhinaca maagaalada New
York 12:15 ayaa garoonka ugu weyn ee waddanka mareykanka ee
JFK (John F. Kennedy) waxaa soo caga dhigatey duyuuraddii
wadey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Mudane
Cabdullahi Yusuf Ahmed iyo wafdigii balaarnaa ee uu
hogaaminayey oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha dibada
mudane Abdullahi Sheekh Ismail, wasiirka warfaafinta Maxamed
Cabdi, wasiirka horumarinta Reer Miyiga Md. Maxamed Maxamuud
(Gacma-dheere) iyo wasiir ku xigeenka Hidaha iyo Dhaqanta
Khadiijo Maxamed Diiriye, xubna kale oo ka tirsanaa
dowladda.
Wafdiga
Madaxweynaha waxaa soo dhaweeyey qaar ka tirsan Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Canada, (gaar ahaan ururka
Somali Women Civil War Survivors ee Minnesota) oo caleemo
qoyan ruxayey, wateyna basas farabadan kala yimaadeen
Minnesota. markii ay wafdiga uu hogaaminayey madaxweynaha
DFKMG ay soo gaareyn Hotel-kii loogu talagaley oo ku yaaley
faras magaaladda New York, waxaa halkaas ku sugayey oo muddo
sadex saacadood ah taagnaa dadweyne aad iyo aad u farabadnaa,
waxaana dadweynahaasi maaweelinayey hoboladdii Waaberi oo uu
horkaceyey abwaanka Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullahi Ciise (Sangub),
Saado Ali Warsame,
iyo Ahmed Ali Igal iyo fanaaniin kale oo farabadan, waxeyna
ku heesayeen heeso wadani ah.
Madaxweynaha Soomaaliyeed
mudane Cabdullahi Yusuf markii uu yimid hotelkii wuxuu mid
mid u gacan qaadey dadweynihii faraha badnaa ee isugu yimid
hotel-ka hortiisa.
Isla
markaa waxaa Madaxweyna ka muuqatey farxad aad u farabadan
iyagoo dadweynihii ay markaas ruxayeen calanka Soomaaliyeed
iyo kan Mareykanka waxeyna ku heesayeen miro ay ka mid
yihiin “Alla maanta manta, waa maalin weynee manta” iyo
heeso kale oo wadani ah.
Waxaa sidoo kale xusid
mudan in haweenka Soomaaliyeed ee goobta camirey ay si heer
sare ah u soo dhaweeyeen wasiir ku xigeenka Hidaha iyo
Dhaqanta Khadiijo Maxamed Diiriye, taasoo laga dareemi karey
in haweenka Soomaaliyeed ay aad ugu faraxsan yihiin kaalinta
haweenka ay ka qaataan dib u dhiska Dowladda Soomaaliyeed.
Sidoo
kale, xaflad loogu talagaley soo dhaweynta Madaxweynaha iyo
wafdigiisa ayaa waxaa lagu qabtey Medgar Evers College, New
York. Xafladaas waxaa si aad ah u soo wada qaban qaabiyey
shacabka Soomaaliyeed ee reer Minnesota, hoboladoodii iyo
ururka haweenka Soomaaliyeed ee Minnesota.
Wafdigii
Madaxweynaha iyo dadweynihii faraha badnaa ee ka kala yimid
dhamaan gobolada wadanka Mareykanka iyo Canada, waxey
halkaas ku daawadeen riwaayad ay ku soo bandhigeen
theater-ka Jaamacadda hoboladii Waberi, riwaayadaas oo ay
aad iyo aad oga helayn waftigii Madaxweynaha iyo dadweynaha
ka soo qayb galey xafladda.
Kala soco qaybaha kale
iyagoo ah maqal iyo muqaal Somali Show TV, Minneapolis,
Minnesota.
Somali Show TV
New York, USA
Zakihaji@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2005
Waraysi: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo
Ra'iisul wasaare Kuxigeenka Koowaad
Xubnaha
DFKMG ee SomaliTalk waraysiga la yeelatay waxay kala yihiin
Dr. Sifir, Xildhibaan Sakariye, Xildhibaanad Caasha iyo
Xildhibaan Daryeel oo booqasho ku yimid Minnesota,
waraysigii
Halkan ka dhegeyso.
"Golaha
Ammaanku waa in ay Cuna-qabataynta Hubka ka Qaadaan
Soomaaliya"
Sidaas waxaa yiri C/Lahi
Yuusuf oo ka hadlayey Qaramada Midoobey. Khudbadii oo
dhamaystiran oo Video ah
ka daawo halkan
Socdaalka
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku tageen
Washington DC, Maryland iyo Virginia
Jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ay booqdeen waftiga Shariif Xasan waxaa
kamid ah Washington DC, Maryland iyo Virginia. Waxana u
safri doonaan magaalada Minneapolis ee gobolka
Minnesota..
Guji... Sept 12
Waftiga afhayeenka baarlamaanka
DFKMG ee booqashada ku maraya USA waxaa kamid ah... Guji
Sept
10
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |