SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan cilmiyeed diini ah oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Gaalkacyo 

Kulan cilmiyeed lagu qabtay magaalada Gaalkacyo mudadii u dhaxaysay  07shacbaan ilaa 15 shacbaan 1426 hijriyada oo ku beegnaa 09 September ilaa 17september, 2005   ayaa la soo gabagabeeyay xalay , kaasoo looga hadlayay ujeedooyinka( maqaasidda)  shareecada islaamka loo soo dajiyay , culimaddii ka soo qayb gashay waxay ka soo jeediyeen duruus iyo muxaadarooyin kala duwan aadna u ahmiyad fogaa, oo ay ka mid ahaayeen in shareecada loo soo dajiyay ilaalinta shanta dhidib ee nolosha dadku ku xirantahay oo kala ah:

Ilaalinta Diinta, Nafta, Caqliga Maalka, Taranta, waxay culimadu intaas raaciyeen in ilaahay shareecad u soo dajiyay maslaxadda iyo danta banii'aadamka. 

Ujeedooyinka kulan cilmiyeedyada noocan ah.

  • Culimada ayaa ujeedooyinka ay u qabanayaan hawlahaan aadka u fara ha badan ee khayrka ah ku tilmaamay.
  • Gudashada waajibaadka culimanimo ee fidinta khayrka iyo ka hortaga sharka
  • Islaaxinta iyo hagaajinta ummada soomaaliyeed guuda ahaan
  • Ka hortaga faafida fasaadka dhinacyadiisa kala duwan ee diineed , akhlaaqeed, dhaqaale, iwm
  • Dhiiri galinta nabad galyada iyo sidii loo heli lahaa mujtamac nabad iyo is jacayl ku wada noolaada

Hawlaha kale ee culimadu qabteen.

Waxay sidoo kale bixiyeen duruus ka hadlaysay nabad galyada, walaalnimada kuwaas oo bulshada magaalada Gaalkacyo ku nool ay aad uga faa,iidaysteen uguna riyaaqeen

Dhanka kale waxay culimadu ka jawaabeen su,aalo aad u fara badan oo ku saabsanaa diinta dhinacyadeeda kala duwan, taasoo ay uga gol-lahaayeen iftiiminta waxayaalaha mugdiga uga jira dadwaynaha

Meelaha lagala socday waxaa ka mid ahaa, dhamaan magaalada Gaalkacyo, Goldogob, Burtinle iyo Paltalk-ga oo ay jaaliyadaha dibadu kala socdeen,

Bulshada kala duwan ee  dhagaysanaysay waxay muujiyeen baahida wayn ee ay u qabaan kulamada noocan oo kale ah, waxayna dadwaynuhu si adag u dalbadeen in lagu soo noqnoqdo oo culimadu aanay ka daalin dadaalka ay wadaana ay labalaabaan , waliba gobolka Mudug oo dhibaatooyin ba,ani ka taaganyihiin in ay khayrka u soo celceliyaan si dadka ku dhaqani uga faa,idaysataan waxna ugu qaataan

Xiritaankii xafladaas.

 waxaa ka soo qayb galay isimada gobolka qaar ka mida, iyo ganacsatada, waxay iyana ka codsadeeen in culimadu aysan noqon markii ugu danbaysay ee ay u yimaadaan balse ay joogteeyaan hawlahaas wacyi galinta ah

waxayna maamulka gobolka ugu baaqeen in uu la garab istaago taageero maal iyo maskaxeed sidii hawlahaasi u fududaan lahaayeen,  waxaana ka mid ahaa ismadii xafladaa ka qayb galay.

  • Garaad Maxamed Cilmi Shirwac
  • Suldaan Maxamed Jaamac Juunle
  • Suldaan C/salaam Suldaan Maxamuud xaaji
  • Caaqil C/Wahaab maxamuud gureey 
  • Culimadii waday kulan cilmiyeedkaas
  • Shiikh Shariif Maxamed ( Shariif Dawiil)
  • Shiikh C/Laaahi Cali Xaashi
  • Shiikh Aw-Axmed Xaaji C/Raxmaan
  • Shiikh Jaamac C/Salaam
  • Shiikh Mahad C/Laahi
  • Shiikh Bashiir Jaamac Kitte
  • Shiikh Axmed Ducaale
  • Shiikh Fu,Aad Maxamuud Xaaji
  • Shiikh Axmed C/Samad

xafiiska dacwadaiyo tarbiyada
dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2005


»» WARAYSI:: C/LAAHI AXMED CADDOW (Nairobi, Kenya)


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD