WARAYSI C/LAAHI AXMED CADDOW.
SANAD
BAA DHAMAADAY, WAXNA LAMA QABAN. ..... ..... TARTAN KALE HADDII LAQABTO,
WAA U TAAGANAHAY.
C/Laahi Axmed
Caddow wuxuu kamid yahay ruug-cadaayada Siyaasada Soomaalida,
taariikhdiisa intii badneyn wuxuu ahaa nin ku dhexjiray
maamul dowladeed oo jagooyin kala duwan ka soo qabtay
dowladihii dalka soomaray. Muddo dheerna wuxuu ahaa Safiirka
Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, sidoo kale wuxuu soo qabtay
dhawr Wasaaradeed.
Labadii
shir ee loo qabtay dib-u-heshiisiinta Soomaalida wuxuu kamid
noqday tartamayaashi u tartamay jagada Madaxtinimada
Soomaaliya, taasoo uusan ku guuleysan inuu helo jagadaas.
Waraysigan oo aan ka qaadnay isagoo ku sugan Nayrobi wuxuu u
dhacay sidatan.
SOMALITALK:
Hal sano ayaa ka soo wareegtay xiligii la dhisay dowladkii
kumeel-gaarka ahayd ee loo doortay Madaxweyniha
kumeel-gaarka ahaa. Adigu maadama aad ahayd ninkii labaad ee
tartankii Madaxti-nimada, maxaad ku qiimeyneysaa wixii u
qabsoomay dowlada iyo waxaan u qabsoomin?
CADDOW:
Bismilaahi Raxmaan Raxiim. Fahad Adeer waad mahadsantahay.
Waa la ogyahay sanad ayaa dhamaaday, wax la taaban karo oo
ummada loo qabtay oo adeegii la rabay ahna ma’aysan dhicin,
balse waxaaba abuurmay khilaaf weyn oo la’isku hor joogo oo
lasii kala fogaaday, meeshii Baarlamaanka iyo xukuumada laga
filayey iney ummada u bilaabaan wixii ay ka sugaysay, halkaas
ayey u kala dhaqaaqeen, oo qaar Jawhar ayey dageen, qaarna
Muqdhiso, kuwa kalena meelo kale ayey ku firirsan-yihiin,
gudaha iyo dibada, halkaasna ayaan darro weyn ayaa ka soo
baxday, waxaana rajaynayaa in danta ummada laga hor mariyo
danta khaaska, maadaama iney ummada u sheqeeyaan loo doortay,
hadana ummadii waa ay dhawreysaa, ilaa iyo hadana waxba kama
naasa-cada.
SOMALITALK:
Laba tartan oo hore ayaad ka qayb-gashay, si’ay ku dhacdayba
kuma aadan guuleysan inaad gaarto hankaadii ahaa inaad
noqoto Madaweynaha Soomaaliya. Maxay tahay sababta baad u
malayneysaa?
CODDOW:
Aniga waxaan sababteeda ka dhigayaa iney tahay Ilaahay
maqaadiirtiis, wixii uu Ilaahay xukumo ayaa soconaya, sidaa
soo ay tahay, dadkii halkan Nayroobi cid khasbaysay oo xabad
dhafoorka uga haysay majirin, marka mudane C/Laahi Yuusuf
codad aad u balaaran ayey ku doorteen, qofkuna marka uu
magaca qorayo, isaga ayey u taalaa, waxaana laga rabay ama
laga rabaa qofka wax dooranay inuu damiirkiisa wax ku doorto,
aragtida uu arkayo inuu waajibkiisa gudanayana uu wax ku
doorto, koley tii ilaahayna meesha waa ku jirtay.
SOMALITALK:
Hadaba siday wax u dheceen waad aragtay, waxaadna ku
qiimeysay inaan ummadii waxba loo qaban. Adiga barnaamij ayaa
kuu dagsanaa, maxaad u malayneysaa haddii adiga lagu
dooran-lahaa inaad qaban-lahayd?
CODDOW:
Aniga haddii la idooran lahaa waxaan qaban-lahaa, waxaan
sheegay markii anoo Ameerika jira halkan la’isku qabtay
ciidamo wadamada dariska halaga keeno, iyo meeshii ladagi
lahaa, aniga waxaan ka hadlay BBC-da waxaan ku geesi-galiyey
Madaxweyne C/Laahi Yuusuf inuu xamar tago, Barlamaanka iyo
dowladana ay Xamar tagaan. Sidoo kale dowladaha aan dariska
nahay qaarkoodna iney jirto xasaasiyad taariikhi ah, marka
in laga reebo in ciidamo dariska ah lakeeno, arintaasna waa
mid qoran. Waxaana qabaa hadii Madaxweynuhu taladaas
yeeli-lahaa in si balaaran oo xoog leh loo soo dhawayn-lahaa,
sidii Mudane C/Qaasim loo soo dhaweeyey si lamid ah ayaa loo
soo dhawayn-lahaa. Mudane C/Laahi Yuusuf colaad u tiilay ama
utaala Muqdisho oo aan anigu ogahay majirto, marka xaaladu
waxay ka qaloocatay aniga aragtiyada markii la’isku qabtay
ciidamda safka hore hala keeno iyo lakeeni maayo, iyo
meeshii ladagi-lahaa, meel kale oo la dagi karana majirto,
caasimadu Muqdisho weeye, waligeedna wey ahayd, tasiilaadka
iyo dhismaha ku yaala Muqdisho meel kale oo Soomaaliya ah oo
ay ku taalo marjito, hay’adaha dowladana meel kale oo qaado
lama’arko.
Koley
aniga aad baan ugu dhiiriyey Baarlamaanka iyo dowladaba iney
dagaan Caasimada.
Haddii
taladaas lagu dhaqaaqi lahaa, maanta waxaan haysan-lahayn
dowlada Caasimadii ku shaqaynaysa, aqoonsigii iyo
shuruudihii aduunku ku xiray in dalka la tagana waxbaa ka
soo bixi-lahaa.
Haddii
aan anigu jagadaas ku guulaysan-lahaana murankaas oo dhan ma
dhaceen, oo si toos ah ayaa Xamar loogu guuri-lahaa.
SOMALITALK:
Sidee Xamar ugu guuri-lahayd adoo arkaya xaalada
nabad-galyo-darro, iyo nimankii dagaal-oogayasha ahaa ee
xariifiinta ku’ahaa in waxwalba la dumiyo, hadaba dowlada
aad Madaxweyne u tahay sideed xamar u geyn-lahayd, sow wax
sahal ah ma’ahan in sidii C/Qaasim laguula dhaqmo, ama
Madaxweynahaba dhib loogu geysto?
CADDOW:
Waxaa weeye dowladan halkan lagu dhisay kii Carta waa ka
duwanaa. Xildhibaanada lasoo doortay waxaa ku jiray
hogaamiye-kooxeed-yadii, waana dhaarteen, waxaana laga
saxiixay iney u hoogan-samayaan dowladan cusub, hubka
wareejinayaan, kadibna waxay noqdeen wasiirro, oo xukuumadii
ayey kamid noqdeen, marka la’iskuma matali karo dowalada
Nayrobi lagu dhisay, iyo tii Carta lagu soo dhisay.
Tii Carta
hogaamiye-kooxeed kaqayb galay majirin, markii Xamar la
yimidna, anigu waan joogay Xamar, waxaan ogaa in
hogaamiye-kooxeed-yadu ay diyaar u ahaayeen iney ka
qayb-galaan xukuumadii mudane C/Qaasim, nasiib-daro waxaa
dhacday inaan lagu casuumin iney ka soo qayb-galaan
xukuumada.
Waxaan la
socdaa bilowgiiba markii Cali Khaliif lagu magacaabay
Jabuuti, kuligood waa wada yimaadeen, qaar kamid ahaa
hogaamiye-kooxeed-yadii diyaar bey u ahaayeen iney xukuumada
ka soo qayb-galaan, oo ay Wasiiro noqdaan, waana arin
la’ogaa oo taariikh ahayd.
Marka
adeerow labadaas shir wax la’isku matala ma’ahan, mid wuxuu
ahaa shir loo dhamaa, kii cartana kama aysanba qayb-qaadan,
kolkii xamar layimidna waa anigii ku iri intooda badan
diyaar bay u ahaayeen, saad la socotona Mudane Maxamed
Qanyare waa ka qayb-galay dowalada, marka hadii ay wax ka
fashilmeen nidaamkii Carta lagu soo dhisay, waxay ka
fashilmeen gudaha, laakiim lama oran karo sababta waxaa
lahaa hogaamiye-kooxeed-yada, maxaayeelay kamaba aysan mid
ahayn.
Khilaafka
halkan wuxuu ku salaysnaa xagee la dagaa, iyo yaa
ciidan-ahaan loo keenaa, ee ma’ahan khilaaf ku salaysan
siyaasad oo kii Carta lamid-ahaa. Taas waa mid.
Tan
labaad hogaamiye-kooxeed-yadu intooda badan waxay doorteen
Madaxweyne C/Laahi Yuusuf.
SOMALITALK:
Arrimihii aad la’isugu qabsaday waxaa kamid ahaa hub
kadhigista, maadama ay dadkii is aamini waayeen, sideed u
aragtay in ciidamo ajnabi ah wadanka lakeeno, si’ay dadka
hubka uga dhigaan?
CADDOW:
Ciidamo ajnabi ah in lakeeno dalka wax lagu ordo ma’ahan,
marka hore adigu is tijaabi. Anigu waxaan qabaa habka ciidan
qaran loo dhisi-lahaa sida hadda lagu bilaabay kii wax
fududeyn-lahaa ma’ahan.

C/lahi Yusuf
Da': 71 jir
Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee October 2004
lagu qabtay Nairobi C/lahi Yusuf waxa uu helay 189...
Guji... |

C/lahi Caddow
Da': 65 jir
Doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee October 2004
lagu qabtay Nairobi C/lahi Caddow waxa uu helay 79...
Guji... |

Doorashadii Madaxweyne C/lahi |
Fahadoow
anigu waxaan aqaanaa Wasiirka Gaashaan-dhigga Janeraal C/Raxmaan,
aad ayaana u aqaanaa, markii aan Safiirka ka’ahaa
Waashintoon, asna ku qaybsana arimaha milatariga ayuu ahaa,
waa nin Soomaali ah, waa nin waaya-arag ah, sidoo kale ninka
loo magaacabay taliyaha xooga dalka Soomaalida Janeraal
Ismaaciil Naaji isna waa nin khibrad weyn u leh ciidanka,
waana niman yaqaana saraakiisii qaranka Soomaaliyeed noocay
rabaan ha’ahaadeenee, waxay ahayd inta aanba la bilaabin
ciidamo dibada halaga keeno, ama kuwa kale meelo gaara
halaga keeno, waxay ku habooneyd in labadaas janan Wasiirka
iyo taliya ay abuuraan gudi saraakiil sar-sare ka kooban, oo
dibada ayey joogaan, waana diyaar iney soo galaan, waana dad
Soomaali oo dhan ka kooban, oo lama oran karo qabiil gooni
ah ayey u dhasheen, iyagaas inta loo yeero oo gudigaas
ladhiso Wasiirka iyo taliyuhuna ay madax u noqdaan, markaas
raggaas waaya-araga ah la dhaho sidee baan u dhisnaa
qarankii Soomaaliyeed, oo halkaas hawsha laga bilaabo.
Hawshaas
in mar hore la bilaabo ayey ahayd, hadase dadkii irdho ayaa
gashay, waxaana habooneyd in laga fogaada wixii dadka irdho
galinaya, waxayna ahayd in wadanka oo dhan xeryo ciidan laga
sameeyo, hadday tahay Bay iyo Bakool, hadday tahay
Jubooyinka, hadday tahay Puntlad, iyo hadday tahay Banaadir.
Haddase
waxaan maqlayaa in ciidan lagu uruurinaya oo lakeenay Jawhar,
kuwa xamarna ay iyagu is diyaarinayaa, halkaasna ay dhici
karto inuu dagaal ka dhaco, dagaalkaasna uu isu badali karo
dagaal sokeeye, halkaasna ay wixii laba sano iyo barka lagu
tacabba beelay ay meshaas ku fashilanto.
Waxaan
qabaa anigu fikradaas aan kor kuugu soo sheegay, mana lihi
wakhtigii waa dhamaaday, hada lafteeda waa loo dhaqaaqi
karaa hawshaas, si loo dhiso wax ay dadku aamini karaan.
SOMALITALK: Hal sano ayaa ka
soo wareegtay inta uu C/Laahi Yuusuf Madaxweynaha yahay,
intaas marna mala xiriirtay, ama isagu makula soo xiriiray,
maxaadse in dhahdeen hadaad wada hadasheen?
CADDAW:
May. Wax hadal oo aniga iyo Madaxweyne C/Laahi Yuusuf na
dhexmaray ma jirto, habeenkii doorashada dhacaysay waan is
garab fadhinay, habeen-kaas ayaa aragiisana iiguu danbeysay,
wax xiriir ah oo kadib na dhaxmarayna haba yaraatee ma jirto.
SOMALITALK:
Dad badan waxay kugu eedyaan inaad tahay nin iska maqan, oo
safaro dibada ah isaga jira, markii doorasha lagaaro un lagu
arko, inta ka horeysana aad maqan-tahay, marka eedaas ma’u
aragtaas arin sax ah?
CADDOW:
Maqabo eedaasu iney tahay mid meesha ku jirto, cidii eedaas
wadana kama aqbalayo. Anigu dalka waan tagaa, hadana waan
usocdaa, mudana waanba joogay. Muqdisho waa daganaan-jiray,
dalka hadaan taganaya waa iyada meesha aan tagi-lahaa.
Doorasho marka ay dhacaysana, aniga kaliya ma’ahee, ummada oo
dhan ayaa meel kasta ka timaada, dibada ayaa laga yimaada,
gudaha ayaa laga yimaadaa.
Marka
xamar iska fadhi manco la’aan sax uma arko, anigu ganacsade
ma’ahi, waligay shaqo dowladeed ayaa ku soo jiray. Haddii
aan maqanahayna anigu dareen iyo xumaan kuma maqni. Anigu
hogaamiye-kooxeed ciidan haysta ma’ahi. Laakiin dalka waan
tagaa, eedaasna mid caqli ku fadhida ma’ahan.
SOMALITALK:
Maadama aadan dawlada ka tirsanayn, dadka qaarkiis waxay
qabaan inaad u istaagi-karto dhex-dhexaadinta labada garab
ee dowlada, maxaa arintaas ka qabatay? Sideedse u aragtaa
inaad hawshaas u istaagto?
CADDOW:
Run weeye anigu dowladan kama mid ahi, labada qaybood ee is-hayana
mid garab uma’ahi, laakiin baahidu waxay ka timaadaa cida
markaas rabta in wax lala qabto, marka qoladan Gudoomiyaha
Barlamaanka madaxda u yahay ee Xamar joogta, ama qolodan
Jawhar joogta ee Madaxweynuhu madaxda u yahay midkoodna
igama codsan inaan dhex-dhexaadiyo, markasta anigu waxaan u
taagnaa wixii umadaan danteeda ah inaan wax ka qabto,
haddiise aanan anigu nidaamkii ku dhex jirin, oo aan
banaanka ka joogo, iyaguna aysan ila soo xiriirin, hade
anigu sidii nin biyo isku tuuraya madax madax isuguma
gani-karo, marka arin aanan la’iga codsanin magali karo.
SOMALITALK:
Mudo waxaad joogtaa Nayrobi, cabaarna waad fadhidaa halkan,
marka safarkaagan ma mid aad dhaq-dhaqaaq siyaasadeed wadaa?
Mise waa safar shakhsi ah ?
CADDOW:
Aniga hadda ma’arko dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo furan,
dhibaatooyinna waaba taagan-yihiin, laakiin anigu siyaasada
nin kaharay ma’ahi, waana u taaganahay, waana ku sii
jiri-doonaa siyaasada inta aan noolahay oo aan fiyoobahay,
siyaasada aan ku fakarayo waxay ku dhisantahay waxa ummadaas
dan u ah, oo masaalix-dooda ku salaysan, marooqisana uma
socono, qofku hadduu bislayl siyaasadeed gaarana waxaa
waajib ku ah inuu dalkiisa wax u qabto, hase’ahaatee hada
majiro dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan hayo.
Dhawaan
inaan Xamar tago waan ku tala jiraa, haddii aan tagana wixii
aan ka qaban-karo waan ka shaqaynaya.
Maanta
uma taagni mansab siyaasadeed, maxaa yeelay ma furna, waagii
ay furanto Allaha nagaarsiiyo.
SOMALITALK:
Su’aasha u danbeysa. Hadalka aad tiri ee ah waagay furanto
alaha-nagaarsiiyo, macnaheeda ma waxaaweeye haddii doorasho
kale lagaaro waan u tartamayaa?
CADDOW:
Haddii ay doorasho kale timaado oo aan fayoobahay dabcan
waan u kutala jiraa inaan u istaago, hase’ahaate waa
wakhtigeeda iyo munaasabadeeda waxa ku xiran.
DHAMAAD.
Waraysigan waxaa qaaday
Fahad Yaasiin Xaaji
Daahir
fahadsom@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2005
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |