Gen.
Morgan iyo Col. Hiiraale oo Isku
Salaamay shirkii Magaalada Dayniile..
Waxaa maalintii
shalay ahayd deegaanka Deyniile oo uu ka arrimiyo wasiirka
amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax ka dhacay shir aad u
baalaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiin ay ka mid
ahaayeen Max’ed Qanyare Afrax, Barre Aadan Shire, Muuse
Suudi Yalaxow, Cusmaan Caato, Max’ed Ibraahim Xaabsade,
Yuusuf Indha-Cadde iyo Gen. Morgan waxana kulankaasi looga
arrinsanay arrimo fara badan oo soo wajahday Dowladda
Federaalka kaddib markii xubnaha ku sugan Muqdisho ay
sheegeen in ciidamda lagu uruuriyay Jowhar loo diyaarinayo
wax ay ugu yeereen dagaal la doonayo in lagu soo qaado
Muqdisho.
Kulankaani
waxa uu lahaa muhiimad gaar ah waxaa wanaagsan isu salaamay
oo isku gacan qaaday Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) iyo
Gen. Max’ed Xirsi Siciid Morgan oo iyagu ku dagaalamayay
gacan ku haynta Magaalada Kismaayo. Labadaani nin markay ay
is gacan qaadeen waxaa u dhacay sacab aad u fara badan
waxaana mid walba ka muuqatay farxad iyo raynreyn. Gen.
Morgan iyo Col. Hiraale waxa aysan is arag muddo ku dhow
toban sano iyagoo dagaalkii ugu dambeeyay ee uu Gen. Morgan
ku qaado magaalada Kismaayo uu ahaa bishii September ee kal
hore gaar ahaan maanta oo kale, iyadoo dagaalkaasi ay ku
dhiteen dad aad u fara badan.
Gen Moorgan oo waayadan ku
sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa mar la wareystey wuxuu
sheegay in uusan mar dambe ka qayb qaadan doonin dagaal
sokooye oo uu sheegay in aan lagu gaareen wax guul ah.
Generaaku wuxuu
kaloo sheegay in uu diyaar u yahay in la kulmo cid kasta oo
wax ka tirsaneyso haba Noqoto waqtigii uu socdey Dagaalkii
Sokeeye iyo kii Maxamed Siyaad Barre, waxaa kale uu sheegay
in la gaaray waqtigii ummadda soomaaliyeed laga saari lahaa
dhibaatada.
Gen Moorgan iyo
Barre Hiiraale waxaa la doonayey in la kulan siiyo waqtigii
uu socdey shirkii Baraawe waxaana la sheegay in kulankaas uu
u baaqdey arrimo farsamo waxaa la filayaa in maalmaha soo
socda la kulansiiyo Generaalka iyo Corneylka.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Shirkii
shalay ka dhacay deegaanka Deyniile
Qanyare oo sheegay in
aysan marnaba tanaasuli doonin Haddii aan ..
Waxaa maalintii shalay ahayd deegaanka
Deyniile ka dhacay kulan aad u balaaran oo ay isgu yimaadeen
xubnaha sida aadka ah uga soo horjeeda dowladda Federaalka
ee ku sugan Magaalada Jowhar waxaana xubnahaasi ka mid ahaa
Wasiirka Amniga Max’ed Qanyare Afrax, Wasiirka ganacsiga
Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta
Cismaan Xasan Cali Caato, wasiirka dib u dhiska iyo dib u
dejinta Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), Guddoomiye ku
xigeenka Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore, xildhibaan
Max’ed Ibraahim Xaabsade waxaan xubnahaani qado u sameeyay
wasiirka amniga Qaranka Max’ed Qanyare Afrax oo sheegay mar
uu halkaasi ka hadlay in aysan marnaba tanaasuli doonin.
“Haddii aan tanaasulno waxaan shacabka u sheegeynaa in aan
ka tanaasulnay in Muqdisho aysan Caasimad, in dalka la keeno
ciidamo shisheeye IWM, waxaana ku taagan nahay axdiga ku
meel gaarka ah” ayuu yiri Max’ed Qanyare Afrax oo sheegay in
dhinaca kale aysan marnaba ogoleyn in wixii khilaaf ah lagu
dhameeyo wada hadal iyo is afgarad, waxa kalloo ka hadlay
Muuse Suudi Yalaxow oo si kulul u weeraray dowladda Itoobiya
oo uu sheegay in aysan rabin in Soomaaliya ay ka dhalato
dowlada, xitaa waxa uu sheegay in xitaa ay diiday in
Muqdisho ay noqoto Caasimad. waxaa kalloo ka hadlay
xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo sheegay in khilaafka
Dowladda loo baahan yahay in uu noqdo mid lagu dhameeyo wada
hadal iyo is afgarad ee uusan noqon dagaal iyo IWM
Dhinaca kale
Salaad Cali Jeele oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta ee
dowladda Federaalka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay
Magaalada Jowhar ayaa waxa uu ka waramay shirarka maalmahan
uga socda qaar ka mid ah Dowladda Magaalada Muqdisho,
wuxuuna shirarkaani ku tilmaamay kuwo aan waafaqsanayn
shuruuucda iyo axdiga ku meel gaarka ah.
Mar uu ka hadlayay
shirka la damacsan yahay in uu ka dhaco Magaalada Balcad ee
Gobolka Sh/dhexe waxa uu yiri Salaad Cali Jeele “shirkaasi
waxaa u aragnaa mid la doonayo in lagu abuuro daandaansi
dagaal wixii ka yimaada oo dhibaato ah mas’uuliyadeeda waxaa
qaadi doona ciddii soo abaabuyshay” wuxuu intaasi sii
raacyay “wuu dhamaaday waqtigii kooxeysiga waayo dhamaan
ururadii ka jiray dalk waxay u xuubsiibteen qaab dowladadeed”.
Waxaa maalintii shalay ahayd
Hotel Ramadaan ee Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay isgu
yimaadeen Siyaasiyiin, waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan beesha
Mudulood waxaana kulankaasu looga hadlayay dhaqdhaqaaqa
shireed ee maalmahan ka socda Magaalada Muqdisho iyo shirka
la doonayo in lagu qabto Magaalada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe
waxayna xubnihii ka qaybgalay shirkaasi ay u soo jeediyeen
kuwa qabanqaabinaya shirkaasi inay ka tanaasulaan shirkaasi
oo ay joojiyaan.
“Waxaan og nahay
in shirkaasi uu keenayo dhiig hor leh oo ka dhex daata
siyaasiyiinta Soomaaiyeed mana doonayno, waxaan ka soo
horjeednaa in shirkaasi uu ka dhaco Balcad ee Gobolka Sh/dhexe,
dadweynaha waxaan u soo jeedinaynaa in arrintaasi ay ka hor
tagaan” ayuu yiri Nabadoon Muriidi Dalfac.
Xubnihii kale ee
halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa nabadoon Casho Beereey
oo isna yiri “Dad aan u dhalan deegaankaasi ma tagi karaan
waana uga digayaa, wixii ka yimaadana iyaga ayaa mas’uul ka
noqon doona”.
Xubnihii kale ee
halkaasi ka hadlay waxay u soo jeediyeen xubnaha kale ee
Beesha Mudulood ee qabanqaabinaya shirakaasi in arrimaha
beesha Mudulood ay faraha kala baxaan.
Sidoo kale Golaha
Guurtida Hawiye ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan
xaaladda maalmahan ka jirta Magaalooyinka Jowhar iyo
Muqdisho ee lagu wado abaabul dagaal, wuxuun goluhu ugu
baaqayaa labada dhinac in ay joojiyaan abaabulka dagaal
waayo ayay yiraahdeen maanta shacabka Soomaaliyeed waxa uu u
baahan yahay wax u qabasho iyo gargaar
. Golaha waxa uu si
aad ah uga xumaaday dhacdadii ay gaysteen shaqsiyaad ka
tirsan ururka USC/SNA ee Cakaaro kaddib markii golaha lagu
yiri isaga guura xafiiskii ururkaasi uu ku lahaa KM-5 sidaa
drteed qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in Muqdisho oo uu ka
dego meeshii uu doonayo ururkana waa in uu jawaah ka bixyaan
falkaasi waxaan qorlaakaani na soo gaarsiiiyay afhayeenka
golaha C/llaahi Cabdule Weheliye
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Sept 17,
2005
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliya oo Qaabilay Madax ka
tirsan dunida
-
Wasiirka
Arrimaha Dibadda DFKMG oo Khudbad Ka
Jeediyey Kulankii Madaxda Adduunka
ee Lagu Qabtay Xarunta Qaramada
Midoobey...
-
Reysalwasaare Geedi oo Xafiis ka
furanaya Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Soomaaliya oo
Qaabilay Madax ka tirsan dunida
Sept 17...Jowhar.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya
Mudane cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa Hotelka uu dagan
iyo Xarunta uu Shirka ka socdo ee New York ku qaabilay
Madaxweynayaal,Raiisul Wasaarayaal,Wasiir Arrima
Dibadeedyo iyo Xoghayaal Guud.
Madaxweyne Yuusuf Madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ah
Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar
Geelle, Ra'iisul Wasaaraha Itobiya Mudane Meles
Zenawi, Ra'iisul Wasaaraha Sweden, Wasiirka Arrimaha
Dibadda Dalka Liibiya C/ramaan Shalqam,Xoghayaha Guud
ee Ururka Jaamacadda carabta Al-saydi Camir
Mussa, U-qeybsanaha Xoghayaha Guud ee Qaramadda
arrimaha Joojinta Colaadaha iyo Wasiirka Arrimaha
Dibadda ee Boqortooyadda Maroko
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane cabdullahi Yuusuf waxa
uu Masuuliyiintaasi uu la kulmay uu uga warbixiyay
Dadaalka ay Dowladda federaalka KMG ee Soomaaliya ay
ku dooneyso soo celinta Amaanka iyo kala dambeynta iyo
sidii loogu dhisi la Hay'adihii Sharciga, wuxuuna
Madaxweynayaasha, Ra'iisul Wasarayaasha uu ka codsaday
in Dowladiisa gacan lagu siiyo sidii ay dib ugu hanan
laheyd Qaranimadii Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Mudane Cabdullahi
Yuusuf Axmed waxaa la filayaa in saacadaha soo socda
uu la kulmo Wadahadalana uu la yeesho Madaxda kala ah
Raaisul Wasaraha Kanada, Madaxweynaha Dalka
Shiinaha, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Ruushka, Madaxweynaha Ciraaq iyo ku-xigeenka Xoghayaha
Arrimaha dibadda ee Dalka Mareykanka.
Isha Warka:: Xafiiska Ra'iisul wasaaraha |
Jawhar, Soomaaliya
Wasiirka
Arrimaha Dibadda DFKMG oo Khudbad Ka
Jeediyey Kulankii Madaxda Adduunka
ee Lagu Qabtay Xarunta Qaramada
Midoobey...
- Tarjumadii
SomaliTalk.com | Isha: UN.org | Sept 16, 2005
Wasiirka Arrimaha dibada
DFKMG, Cabdullahi Sheikh Ismaaciil, ayaa Jimcadii (Sept 16)
khudbad dheer waxa uu ka jeediyey xarunta Qaramada midoobey
oo ay isugu yimaadeen madaxda adduunka.
Khudbadiisa oo
SomaliTalk.com si kooban u tarjumtey waatan:::
Wasiirku ugu horayn waxa uu
Maraykanka uga tacsidayeeyey dadkii ku tabaaloobey
duufaantii ka dhacday aagga ku xeeran gacanka xeebta
Koonfureed ee Maraykanka, halkaas oo ay dad badani ku
dhinteen, kumanaal kalena ku barakacen, ayna ku burbureen
magaaloyin badani, taas oo uu ku tilmaamay mid ay dadka
Soomaaliyeed dareemi karaan xanuunka soo gaarey dadka
Maraykanka.
Kaddib waxa uu u mahad
celiyey qaramada Midoobey oo u dabaal degeya 60-guuradeedii.
Waxana uu Qaramada Midoobey ku ammaanay horumarka ay ka
geysatey xagga nabadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqale. Inkasta
oo uu xusay in aan la ankiri karin dib u dhaca soo maray
taariikhda Qaramada Midoobey.
Kaddib waxa uu xusay in
weli dunida ay dhibaatoyin badani ka tagan yihiin, sida
iska-horimaadyo, iyo fakhri kuwaas oo loo baahan yahay in
wax laga qabto.
Aqoonsiga xuquuqda dadka
reer Falastiin in ay yeeshaan dal ay leeyihiin oo ku dhinac
yaal Israel, iyo Bariga dhexe oo nabad ah waa aasaaska
yoolka ay tahay in la gaaro si loo xoojiyo nadaba adduunka.
Waqtigan oo ah xilliga ka
dambeeya dagaalkii qaboobaa, iska hor imaadyadii gudaha
waxaa bedeley iska hor imaadyo dalal ee arimaha caalamiga
ah, arintan cusub oo u baahan in waji cusub lagu eego si loo
gaaro xasilooni goboleed iyo mid caalami ah.
Waxa loo baahan yhay
qarnigan in dib u habayn lagu sameeyo Qaramada Midoobey si
ururkaas looga dhigo mid sida uu yahay kasii Dimoqraadisan,
kana jawaabi og arrimaha caalamiga ah, ahna mid waxa uu
qabanayo ay waadax yihiin.
Kaddib waxa uu ka hadlay
arrimaha Soomalaiya, oo uu sheegay in iska hor imaadyadii ka
jirey 14kii sano ee la soo dhaafay loo aanayn karo beesha
caalamka oo ku guul daraysatay in ay jawaab ku haboon ka
bixiyaan. Waxana uu intaas ku daray in dagaalkii ahliga ahaa
uu Soomaliya ka dhigay meel gebi ahaanba afka ciida gashatay,
ha noqoto xag maamul iyo xag qaab dhismeed guud ahaan, taas
oo cawaaqib xun reebtay.
Waxana uu intaas ku daray
in dadka Soomaaliyeed ay rabaan isla mar ahaantaasn ay mudan
yihiin in beesha caalamku ay si firfircoon arimohooda wax
uga qabato oo aan laga huleelin ama aysan u rajo dhigin.
Waqtigii tegey waxa uu la
tegey dhammaan murugadiisii, laakiin hadda arintu waxay
tahay in taageeradii beesha caalamka ee la ilaawey ay hadda
taagan tahay. Beesha caalamku waa in ay ka qayb qaataan dib
u soo noolaynta qaranka oo ay dhinac istaagaan isku
dayganaga dib u dhiska qarankayaga halkii ay isku mashquulin
lahayeen wax aan sidaas u buurayn ama usii ridnayn.
Waxana uu xusay in aan la
ilaawi karin dawladaha xubnaha ka ah IGAD, Midowga Yurub,
Ururka Carabka iyo Qaramada Midoobey taageeradii ay ka
geysteen shirkii Soomaalida mudada 3da sano ku dhow uga
socdey Kenya. Waxana uu si gaar ah ugu mahad naqan Dawlada
kenya iyo Koffi Annan - xoghayaha guud ee qaramada Midoobey.
Waxana uu xusay in shirkii
dheraa ee kenya mirihii ka dhashay ay ahayd dawlada
Federaalka kumeel gaarka ah oo kulankan qaramada Midoobey uu
ka joogo wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada
Federalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Waxana uu sheegay in hadda
ay hay'adaha dawladu ay ka hawlgalaan magaalada Jawhar oo ah
caasimada kumeel gaarka ah oo 90km woqooyi ka xigta Muqdisho
oo ah Caasimada Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiri'e.
Waxa kale oo uu xusay in
xasilinta Soomaaliya aysan ahayn shaqada Soomaalida oo
keliya, laakiin ay tahay in beesha caalamku aysan iska
fogeyn markasta oo xaalad baahi timaado.
La'aanta in si rasmi ah loo
taageero Soomaaliya si ay ugu soo biirto beesha caalamka oo
oo laga dhigo nabad, taas la'aanteedu waxay gacanta u
geleysaa argagxisada caalamiga ah iyo kuwa ka shaqaynaya
xaalad qas, qalaanqal, qalaalaaso iyo sharci darro.
Ugu dambayntiina wasiirku
waxa uu ugu baaqay xubnaha beesha caalamku inay deeq ama
gargaar u fidiyaan Soomaaliya si ay uga soo kabato dagaalkii
ahliga ahaa ee 14ka sano. Arrintaas oo ah in horay looga
dhaqaaqo oo aan la sugin, ayuu yiri.
Xusuus: Sawirka sare oo aan
kasoo xiganey AP oo ah sawirka wasiirka, waxa ay AP ku
qortay in uu yahay madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf
Axmed oo Qaramada midoobey ka khudbaynaya, balse waa wariika
oo Khudbaynaya...Eeg
halkan
Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 17, 2005
Reysalwasaare Geedi oo
Xafiis ka furanaya Magaalada Muqdisho
Reysalwasaaraha Dowlada
Federaalka Soomaaliyeed Prof-Geedi ayaa shaaca ka qaaday
in uu dhamaadka Bisha Septembar rajeynayo in uu si toos
ah Dawladiisa ooga hawlgeli-doonto magaalada Muqdisho.
Prof-Geedi waxa uu warqad
u diray Wakiilka Qaramada Midoobay u qaablisan
Soomaaliya, Froncois Fall, wuxuuna ku wargaliyay in
isagoo tixgelinaaya danta guud iyo maslaxada Shacabka
Soomaaliyeed in uu mustaqbalka dhaw la kulmi doono
Xubnaha Golahiisa Wasiirada ee mucaaradka iyo
Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada
Muqdisho.
Mudane Fall ayaa
sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Reysalwasaaraha ee
Magaalada Muqdisho ayna tahay talaabo geesinimo ah oo
loo qaaday dhinaca Nabada, waxaana uu ku tilmaamay in
Go'aanka uu qaatay Reysalwasaaraha, ay noqon doonto
talaabo rajo weyn xanbaarsan oo lagu soo afjari karo
khilaafka ka dhex taagan Xubnaha Dawlada iyo
Baarlamaanka.
Qoraal ka soo baxay
xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xaga siyaasada oo
saldhigiisu yahay Neyroobi,ayaa lagu sheegay in Beesha
Caalamka ay soo dhaweyneyso hindisaha Reysalwasaare
Geedi ayna balan-qaadayaan inay u fidiyaan dhaqaalo
deg-deg ah hawsha uu Geedi ku doonayo in Golihiisa
Wasiirada uu kulan oogu qabto Magaalada Muqdisho.
Mr-Fall ayaa ku booriyay
Wasiirada mucaaradka ah inay ka faaiideystaan fursadan
qaaliga ah ayna ka soo qeybgalaan shirka loo qabanayo
Wasiirada oo ka dhacayo markii oogu horeysay Magaalada
Muqdisho.Warar
lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Reysalwasaare
Geedi uu saldhig ka dhigan doono Hotel Ramadan iyo
Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana laga
dareemayaa Magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaq balaaran oo
lagu soo dhaweynayo Wefdiga Reysalwasaaraha, soo
dhaweyntan ayaa loo xilsaaray Wasiirka Arimaha Gudaha
Xuseen Ceydiid iyo Gudoomiyaha isku xirka Dawlada iyo
Shacabka Mudane Caaqil Koogaar.
Dhinaca kale hadalka ka
soo yeeray Prof-Geedi waxaa aad oogu riyaaqay Shacabka
ku dhaqan Magaalada Muqdisho,iyadoo Magaalada laga
bilaabay in Goobaha Ganacsiga lagu dhejiyo Sawirada
Reysalwasaaraha.
Siidoo kale Wakiilka
Soomaaliya u qaabilsan Wadanka Talyaaniga Mario Rifenili
ayaa maanta soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Mudane
Geedi, wuxuuna ku booriyay in sida oogu dhaqsiyaha badan
uu Xafiis ooga furto Magaalada Muqdisho.
Isweydiintu waxay tahay
hadii Reysalwasaare Geedi uu xafiiskiisa ka furo
Magaalada Muqdisho, Xubnaha Mucaaradka ma la shaqeyn
doonaan mise waa mucaaradi doonaan.
Xuseen Yaasiin
Gode-Gode
Markabkii lagu haytey Xarardheere oo u dhaqaaqay Ceel-Macaan

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka
Australia ayaa DGPL waxay ugu baqeen in muddo 72 saacadood gudhood ah ay kusoo
magacawdo guddi xaqiiqo raadis ah oo soo baara heshiiskii shirkada Consort,
haddii kale...
Guji... Sept 17
Maxaa
Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe
Mucaawinadii uu Soomaaliya u soo diray Brian
Morrison laakiin wakiilka Terry uu sheegay in
Guji
Maxamuud
Wardheere oo Ku Baaqay in Masaajidada iyo Culimada Islaamka la Ixtiraamo
Qoraal uu Minneapolis ka soo saaray ayuu
Guji
»Digaag
Gata si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro|
C/waxid
»»
Jowhar Ma Masaaru-
Shariif baa? | Amiin Yuusuf
Puntland
maku Tusaale Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo Ra'iisul
Wasaare Geedi
Xabsigii loo taxaabay Mr. Meier kaddib markii ay ka fashilantay shirkadii
shidaalka ka baari lahayd...
Guji...
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |