Jowhar Ma Masaaru- Shariif baa?
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
Aduunyadu waxaa soo marey
Maalmo Taariikhi ah oo la xasuusan yahay haddaba maqaalkan aan ugu
magacdarey “ Jowhar Ma Masaaru- Shariifba” qofkastaa waa uu garanayaa
Magaalada Masaaru- Shariif waa Magaalo ku taal wadanka Afganistaan sidaa
darteed halkee ayey isaga mid yihiin Magaalada Jowhar oo haatan ay ku sugan
yihiin qayb ka mid ah Dowladda Federaalka markii aan dib u xasuustey
Magaalada Masaaru –Shariif waxaa ii soo baxay in ay imeelo badan au isaga
mid yihiin Jowhar waxaa ka mid ah marka hore waxaa magaaldaas saldhig u
ahayd kooxihii ka so horjeedey Ururkii Dalibaan oo gacan ka helayey
Mareykanka iyo Yurub , Magaaladda Jowhar waxay saldhig u tahay
kooxo isbahaystey oo ku guuleystey maamulka dalka in loo doorto (SRRC ) waxayna
taageero ka helaan dalka Itoobiya , Magaalada Masaaru- Shariif waxaa
xukunkeeda gacantaa ugu jirtey Jabhadkii Cabdirashiid Dooston , halka ay
Jowhar gacanta ugu jirto Cabdulaahi Yuusuf (Maxamed Dheere) , Magaalada
Masaaru- shariif waxaa lagu Ururiyey ciidamo laga keenay Gobolada dalka
Afganistaan oo la doonayey in lagu weeraro Magaalada Kabuul Halka Haatan
Jowhar lagu ururinayo Maleeshiyooyin laga keenay Gobolada Dalka kuwaas oo
aan weli daboolka laga qaadin halka lagu weerarayo balse loo maleynayo
Magaalada Muqdisho . weli waxaa noo socda halka ay isaga mid yihiin labadaas
Magaalo waxaa Magaalada Masaaru –Shariif laga sameeyey labo xero oo lagu
ururinayey Ciidamo kuwaas oo la oran jirey Hiraad iyo Daaru-salaam, halka
labada xero ciidan laga sameeyay Magaaladd Jowhar loogu magacdaray Kongo iyo
Mahadaay.
Ciidamadii lagu xareeyay
xeryihii Masaaru-shariif waxaa halkaas ay tababar ku qaadanaayeen muddo
saddex bilood ah, waxaana hubka iyo dareyskaba siiyay dalka Mareykanka oo
markaas ujeedadiisu aheyd in ay xukunka ka tuuraan ururkii Daalibaan, halka
Xeryaha Kongo iyo Mahadaay ciidamada tababarka ay ku qaadan doonayaan muddo
saddex bilood ah, iyadoo Dareyska iyo Hubkaba ay siineyso Dowladda Ethiopia
oo kooxaha ka soo horjeeda ku eedeynayaanItoobiya in Soomaaliya ay weligeed
ka jiraan dagaal sokeeyo dowlad la’aan, waayo Ethiopa ma taageereyso koox
dooneysa in ay xukunka dalka la wareegaan oo la dhihi karo waa Jabhad, sidaa
dartee kooxdaan ay gacan siineyso hore ayaa xukunka loogu soo doortay,
iyagoon dagaal ku soo qaadin magaaladda Muqdisho ayay si fudud ula heshiin
karaan.
Masaar-shariif waxay Magaaladda Kaabuul u
jirtaa 120-KM, halka Jowhar ay Muqdisho u jirto 90-KM, xagga masaafadda kala
duwnaasho yar ayaa u dhexeysa labada Magaalo, ciidamadii lagu aruuriyay
Masaaru-Shariif waxa gawaaridda ay wateen ku dhaganaa calankaa Mareykanka,
halka kuwa ku sugan Jowhar ay iyana ku dhagan yihiin calanka Ethiopia, sidoo
kale gawaaridda dagaalka ay wateen Kooxihii Masaar-shariif waxaa ku dhaganaa
Sawirka C/rashiid Doston, iyo Axmed Shaah Mascuud halka kuwa lagu aruuriyay
Kongo iyo Mahaadaay uu ku dhaganyahya sawirka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed. iyo Mxamed Dheere.
Maleeshiyadii lagu xareeyay
Masaaaru-Shariif waxaa maalin kastaa loo qali jiray 5-7-Geel ah, halka kuwa
ku sugan Kongo iyo Mahadaay iyana maalin kasta loo qalo 5-7-Geel
ah.
Weli waxaa noo socda is
bar-bar dhiga labadaas Magaalo ayaa waxaa jira in ciidamadii ku xareeysnaa
Masaaru-Shariif waxaa maalin kasta u Khudbeyn jiray Saraakiil Mareykan ah,
halka kuwa Jowhar ku sugan ay maalin kasta u Khudbeeyaan saraakiil Ethiopian
ah, waxaa kale oo ay isaga mid yihiin in kuwiii ku suganaa Masaaru-shariif
waxaa tababarka siinayay Saraakiil Mareykan ah, kuwa Jowharna waxaa
tababarka siiya Saraakiil Itoobiyaan ah .
Magaalada Masaaru-shariif oo ah
Magaalo kooban waxaa ka dhisan daaro yar yar , hase yeeshee waxay Magaaladdu
u badan tahay Carshaan, halka Jowharna ay sidaa kala mid tahay
Masaaru-shariif, waxaa kale Masaaru-shariif iyo Jowhar ay isaga mid yihiin
iyadoo si aad ah looga cabo caanaha Lo’da.
Saraakiisha Jabhadihii
Masaaru-shariif iyo Maleeshiyooyinkoodii waxay cuni jireen Caleen aad u bal-balaaran
oo laga keenay wadanka Pakistan oo ay daris yihiin Afganistan, halka
Xildhibaanadda, Wasiiradda. mas’uuliyiinta Dowladda, saraakiisha iyo
Maleeshiyooyinka ee Jowhar ku sugan ay si aad ah u cunaan ama ugu
marqaamaan Qaadka oo laga keeno dalka ay Soomaaliya deriska yihiin ee Kenya,
.
Masaaru-shariif waxaa ku yaal
xabsi lagu xirro dadka ka soo horjeeday kooxihii halkaas ku sugnaa, waxaana
xabsigaas uu yahay mid aad cariiri u ah waxaana lagu xiray Weriyaal iskugu
jiray shisheeye iyo Sokeeyo, halka xabsiga Jowhar oo ah mid aad cariiri u ah
isna lagu xiray kooxo siyaasiyiin ah oo iyaga wax ka sheegay iyo sidoo kale
weriyaal wardoon ah oo dhabta ka hadlay .
inta badan labaadaas Magaalo si
aad ah ay isaga dhow yihiin oo waxaa u dhaxeya aad bay u yar yihiin , balse
meesha waxa ku jira Ragga Masaaru-shariif joogay waxay doonayeen in ay
xukunka la wareegaan, iyagoo gacan ka helayey Dowlaada Mareykan, wuxuu
bartilmaameedkooda uu ahaa Kabuul oo ay sugnaayeen kooxo ay si aad isaga
soo horjeedeen, halka kuwa ku sugan Jowhar ay yihiin kuwo iyagu xukunkiiba
heysta, iyagoo ragga Muqdisho ku suganna ay ka mid yihiin dowladoodii,
waxayna diyaar u yihiin in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo wada hadal.
haddaba haddii Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ay maskaxdiisa ku jirto fikradda qaar ka mid ah wadamadda Africa ay
aamisan yihiin oo ah in xukunku uu yahay qabsashadda Caasimadda, sidoo kale
haddii C/llaahi Yuusuf haddii uu ku haminayo sidii Xamiid Karzia oo kale,
hadde Xamiid waxa uu taakuleyn ka helayay Dowladda Mareykanka oo u jeeddo
gaar ah wadatay , halka C/llaahi Yuusuf uu taageero ka raadsaday Dowladda
Ethiopia oo ah Dowlad fakhri ah oo dadkeedu gaajo u dhimanayaan oo iyadu
taaakulen u baahan , dhammaan fikradaahaas waa kuwa aan xal keeneyn oo loo
baahan yahay in wax badan laga baaraan dago, inta aan Xeero iyo Fandhaal
kala dhicin “ Jowharna Ma aha Masaaru-Shariif
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com